Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Warbaahintii Cusmaaniyiinta iyo Dagaalkay Soomaalidu kula jirtay Gumeysigii reer Yurub

24 March, 2025
Image
Somalia
(Photo credit -/AFP via Getty Images)
Share
Wargaysyada iyo majalladihii u dambeeyey ee boqortooyada Cusmaaniyiintu waxa ay soo tebin jireen wararka ku saabsan dagaallada Soomaalidu kula jirto gumaystayaasha reer Yurub, waana arrin ka turjumaya sida masiirka Soomaaliya muhiim ugu ahaa.

Deraasadaha ku saabsan xidhiidhkii ka dhexeeyey boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo maamulladii ka jiray dhulalka Soomaalida xilligii gumaysiga reer Yurub waa kuwo aad u kooban oo dhif ah. Xidhiidhkan taariikhyahanno badani iskumay hawlin, marka laga reebo dad farokutiris ah oo xilligii Suldaan Cabdixamiid al-Saani soo tebiyey dedaalkii suldaankan ee ahaa in uu dawladda Cusmaaniyiinta ku ballaadhiyo dalalka Muslimka, oo uu garabkooda noqdo dagaalladii ay kaga soo horjeedeen gumaysiga. Bilawgii qarnigii 20aad, Soomaaliya waxa ay ahayd meelaha ay danaynayeen Cusmaaniyiintu, xilligaas oo dhaqdhaqaaqii Daraawiish ka jiray geyiga, lana dagaallamayey gumaysigii dhulka yimi. Danaynta cusmaaniyiinta waxa laga dheehan karaa tebintii iyo wararkii wargeysyada Cusmaaniyiintu ka qori jireen dhacdooyinka Soomaalida, si gaar ah dagaallada Daraawiishtu kula jirtay Ingiriiska, Talyaaniga iyo gaashaanbuurtooda.

Wararka Soomaalidu inta badan waxa ay ka soo muuqan jireen labada wargeys ee “Sabiil al-Rashaad” iyo “Islam Mecmuasi”. Sababta u weyn ee labadan wargeys u baahin jireen maqaallada Soomaalida ku saabsan waa in labaduba xagal Islaam wax ka eegi jireen, oo wararkoodu koobsan jireen dhammaan bulshooyinka muslimka ah ee ka baxsan xuduudda boqortooyada Cusmaaniyiinta.

Bilawgii qarnigii 20aad, dhaqdhaqaaqa fekradda midaynta Islaamka (Pan-Islamist), oo saamayn weyn ku lahayd dhinacyada feker  ee Cusmaaniyiinta, ayaa ku baaqay midaynta muslimiinta siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba. Hirgalinta mashruucan waxa tiir u ahayd dawladdii Cusmaaniyiinta. Sidaas darteed, labada wargeys ee “Sabiil al-Rashaad” iyo “Islam Mecmuasi” waxa ay joogteeyeen qoraallada ku saabsan caqabadaha siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale ee ay waajahaan bulshooyinka muslimka ah ee ka baxsan xuduudda Cusmaaniyiinta, qoraalladanina waa kuwo ku lammaannaa aydhiyoolajiyadda midaynta muslimiinta. Isla xagashan ayaa ay ka duulaysay danaynta Cusmaaniyiintu u muujinayeen arrimaha Soomaalida.

Maqaallada iyo gorfaynaha lagu baahiyey labadaas wargeys waxa ay u dan lahaayeen in ay bulshada u soo bandhigaan xogaha siyaasadeed ee Soomaalida ee ugu dambeeyey, in ay soo gudbiyaan dhaqdhaqaaqyada iskacaabbinta ah ee gumaysi la dirirka ah iyo fahanka qaabdhismeedka Islaamka ka jira degaanka Soomaalida. Si guud waxa la rabay in kor loo qaado heerka wacyi ee bulshada Cusmaaniyiinta ee ku saabsan xaaladaha iyo duruufaha muslimiinta Afrika. Inkasta oo kaalintii dawladda Cusmaaniyiintu ku lahayd siyaasadda caalamiga ahi hoos u dhacday, haddana wararkaas wargeysyadu qori jireen waxa ay xoojiyeen xidhiidhadii dhaqan iyo diineed ee ka dhexeeyey bulshooyinka muslimka ah. Waxa aan baadhay kaydka wargeysyadan, oo waxaan helay dhawr maqaal oo ku saabsan Soomaalida, oo aan halkan kusoo bandhigi doono isla mar ahaantaan aan sharrixi doono fekradaha ay xanbaarsanyihiin.

Sabiil al-Rashaad

Wargeyska Sabiil al-Rashaad waxa uu kaalin mug leh ka qaatay samaynta iyo qaabaynta fekerka Islaamiga ah iyo dhidibbo u taagiddiisa, muddadii dambe ee Cusmaaniyiinta. Wargeyskani waxa uu sii joogtaynayey shaqada wargeyskii “Siraad al-Mustaqiim”, oo markii koowaad sannadkii 1908 ay soo wada saareen siyaasigii garsooraha ahaa ee Abul Calaa Saynu al-Caabidiin iyo weriye Ashraf Adiib. Siyaasadda warbaahintoodu waxa ay ku salaysnayd midaynta muslimiinta, waxaanay ku nuuxnuuxsan jireen lagama maarmaannimada kacdoon feker iyo bulsho oo ka hanaqaada dunida Islaamka.

U jeeddooyinka udub-dhexaadka u ahaa wargeyska “Sabiil al-Rashaad” waxa ka mid ah gorfaynta sababaha hoos u dhaca, aqoona ahaan iyo ciidan ahaanba, ee ay muslimiinta cusmaaniyiinta iyo kuwa ka baxsaniba ku sugnaayeen, weliba xilli Yurubiyaanku horumar xawaare sare leh ku socdeen. Wargeysku waxa uu ku dedaalay in uu dhibaatooyinka usoo jeediyo xal lagaga samatabaxo, waxaanu ku baaqay baraarug loo dhan yahay iyo xoojinta isgarabsiinta muslimiinta. Qaybta dhacdooyinka waxa lagu soo tebin jiray warar iyo gorfayno ku saabsan Masar, Liibiya, Marooko, Yaman iyo Aljeeriya, iyada oo isla qaybtani muhiimad gaar ah siin jirtay Soomaalida. Intan waxa dheeraa in wargeysku soo qaadan jiray warbixino ku saabsan xaaladda muslimiinta Balkaanka, kuwa Joorjiya, Afgaanistaan, Iiraan, Hindiya, Ruushka iyo Bariga Dhexe. Wargeyskani waxa uu cadadkiisii koowaad ku sheegay in ujeedkiisu yahay in uu muslimiinta ka kaalmeeyo habkii ay uga gudbi lahaayeen duruufaha adag ee ay la kulmaan.

Wargeyska al-Islaam

Wargeyska labaad ee aan soo bandhigayaa waa wargeyska al-Islaam. Waxa uu soo bixi jiray intii u dhaxaysay sannadihii 1914 ilaa 1918. Waxa uu ahaa mareeg feker oo dardar leh, waxna ka qoray sababaha dib u dhaca dunida muslimka. Wargeysku waxa uu xoogga saari jiray dhinacyada bulsho iyo shaqooyinka Islaamka, waxaanu ka hadlay mawduucyo kala duwan sida kaalinta gabadha ee bulshada, xaaladaha bulshooyinka Islaamka ah ee ka baxsan xuduudda Cusmaaniyiinta, soo ifbaxa ururrada islaaxiga ah ee dunida muslimka, arrimaha dhaqaalaha iyo fiqiga Islaamka. Wargeysku waxa uu si adag uga soo horjeeday fekradda ah in Islaamku caqabad ku yahay horumarka, waxaanu ku raadaysmay aragtiyihii Jamaaluddiin al-Afgaani. Ujeeddoyinka ugu waaweyn ee u taagnaana waxa ka mid ahaa lammaanaynta fekerka Islaamiga ahaa iyo aragtida qawmiga ah ee Turkiga, oo ah wax ka duwan kooxihii feker ee xilligaas jiray.

journal

Bogga koowaad ee cadadkii ugu horreeyey, Wargeyska Al-islam

Dadka sida joogtada ah wax ugu qori jiray Wargeysaka waxa ka mid ahaa Muusa Qaasim, oo ahaa Sheekhii Islaamka iyo wadaad dib u habaynta u ololeeya, waxa kale oo ka mid ahaa Diyaa Gokalp oo ahaa qoraa, mufakir iyo qawmi Turki ah.

Dhacdooyinkii Soomaaliya iyo Yaman (Noofambar 1911)

Maqaalka koowaad waxa lagu daabacay Sabiil al-Rashaad 30-kii Noofambar 1911. Maqaalkani waxa uu kasoo muuqday qaybta siddeedaad, bogga 15aad ee magasiinka, cinwaanna waxa looga dhigay: “Dhacdooyinka Soomaaliya iyo Yaman”. Muhiimadda weyn waxa lahaa duullaankii Talyaanigu ku qaaday Liibiya dhammaadkii September, arrinkan oo Cusmaaniyiinta ku riixay in ay u dhaqaaqaan ka hortagga khatarta ah in ay waayaan gobolkan ay Waqooyiga Afrika ku lahaayeen. Talyaanigu si weyn ayaa uu u joogay Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Ereteriya. Markaa waxa muuqda in Cusmaaniyiintu isku dayayeen in ay walaalahooda ay isku diinta yihiin garab uga noqdaan duullaanka Talyaaniga. Maqaalkan waxa ku xusan xubin ka tirsanaa Baarlamaankii Cusmaaniyiinta ee Yaman oo sheegaya in uu warqad ka helay Sayid Muxammad Cabdalle Xasan. Tarjumaadda maqaalku sidan bay noqonaysaa:

Waxa uu soo tebiyey Sayid Axmed Yaxye al-Kabiisi, oo ah mid ka mid ah dadka masuuliyiinta ah ee Yaman, xubin horena ka ahaa Baarlamaankii Cusmaaniyiintu:

“Waxa ay warqadani iga soo gaadhay Cadan, oo sheegaysa in Sayid Maxamed Cabdille Xasan dadka reer Berbera iyo Soomaalida kaleba ugu baaqay jihaad, una diyaargaroobayo in uu waajaho xuduudda Talyaaniga”.

Baaq Jihaad

Cadadkii Sabiil al-Rashaad ee soo baxay Noofambar 1911 waxa lagu baahiyey baaq jihaad. Waxa muuqata in warkani ka dhimbiil qaadanayo war sheegayey in Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku duulay Talyaaniga, oo uu leeyahay awood aan ka yarayn ta Sanuusiyiinta Liibiya. Maqaalka waxa lagu xusay in: “Beelaha Soomaalidu ku suntanyihiin geesinnimo, oo ay adkaysi u leeyihiin dirirta iyo dagaalka, weerarradii gumaystayaashu xeebahooda kusoo qaadeenna kaga badbaadeen in ay dib ugu gurtaan gudaha dhulkooda”. Waxa qoraalka ka cad in si wanaagsan loo kala garanayey beelaha deggan dhulka, waxaana lagu dhex xusay maqaalka beelaha Hawiye iyo Majeerteen.

jornal

Maqaalku wuxuu u dhignaa sidan:

Xukuumadda Talyaaniga oo isku dayaysa in ay digniin u dirto Cusmaaniyiinta Yaman, walaacna ku abuurto, waxa ay bilawday, iyada oo kaashanaysa ninka khaa’inka ah ee Idiris, in ay shirqoollo u dejiso. Falkan waxa ka gilgishay dunida muslimka, oo farriimo kala duwan soo diray. Farriimahaas waxa ka mid ah farriin ka timi Jabuuti, oo lagu sheegay in muslimiintu gebi ahaan cadaw u yihiin Talyaaniga, oo cadaawadda gumaystayaasha loo qabaa aanay weligeed meesha ka baxayn. Waxa Turkiga laga sheegay in Sayid Maxamed ku baaqay jihaad lagu qaado Talyaaniga. Maqaalka waxa kale oo lagu sheegay in Sayidku haysto ciidan badan oo boqol kun kor u dhaafaya, oo awooddiisa ciidan u dhiganto tan Sheekh Sanuusi, haddiiba aanu ahayn qofka ugu awoodda badan caalamka Islaamka. Xukuumadda Talyaanigu waxa ay ciidamadeeda u diyaarinaysaa in ay waajahaan khatartan.

Sayid Axmed al-Kebsi, ku xigeenkii hore ee Yaman, ayaa ah qofkii koowaad ee warkan lasoo gaaadhsiiyey, isaguna waxa uu xalay farriinta gaadhsiiyey Wasaaradda Arrimaha gudaha oo uu joogo ku xigeenka wasaaradda Mudane Dalcat. Dalcatna waxa uu wargeliyey Wasiirka Gaashaandhigga, Maxamuud Shafqat Baasha. Beelaha Soomaalida, oo marar badan la kulmay weerarro gumaystayaashu ku soo qaadeen xeebahooda qaniga ah, waxa ay marar badan ku badbaadeen in ay dib ugu guuraan dhulalka gudaha ah ee ka durugsan xeebaha, waana dad ku suntan geesinnimo iyo awood dagaal.

Qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu dagaalka ku gala waran iyo gaashaan, qofka hoggaaminayaana waxa uu qaataa seef haliilaysa oo laba af leh. Sahamiyaashu waxa ay sheegaan in Soomaalidu ka duwanyihiin bulshooyinka iyo beelaha kale ee Afrika, oo ay la gaaryihiin dhererka, jidh caato ah, u adkaysiga dagaalka iyo midabka aadka u madow. Beesha Majeerteen, waxa ay Soomaalida kale kaga sii duwanyihiin deggenaanta, sumcad ilaalinta iyo dhabnimo abbaarka. Soomaalidu dhammaan waa muslimiin, badankooduna waa reer baadiye aan magaalada gelin. Inkasta oo sahamiyayaashu tiradooda ku sheegaan qiyaastii hal milyan, haddana waa ay adagtahay in tiradooda rasmiga ah la ogaado. Soomaalidu waxa ay u qaybsamaan saddex beelood oo waaweyn: Raxanweyn oo koonfurta deggan, Hawiye oo badhtamaha deggan iyo Haashimiyada oo waqooyiga deggan. Waxa ugu ballaadhan, isgaanshaanbuuraysiga ugu weynna ah Majeerteen oo ka kooban qiyaastii soddon reerood oo deggan waqooyi bari ee dhulka Soomaalida, waxaanay ku hoos jiraan talada Sayidka.

Waxa xusid mudan in sannadkii 1889 Talyaanigu qabsaday dhulka Soomaalida, laga soo bilaabo kismaayo iyo Raas Xaafuun, iyaga oo sheeganaya in ay heshiisyo la galeen hoggaanka beelaha, gaarahaan beelaha Hawiye iyo Majeerteen, oo ay magaalooyin iyo maamul ka dhisayaan. Dhererka xeebtani waa in ka badan 1200 kiiloomitir. Sannadkii 1891, waxa Talyaaniga loo aqoonsaday in uu dhulkan qabsan karo, ka dib markii uu heshiis la saxeexday Ingiriiska. Haddaba taliyaha Soomaalidu, Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu ku baaqayaa jihaad, Soomaalida sida Xabashida geesiyaasha u ahina, waxa ay Talyaaniga gelinayaan cidhiidhi.

Cali Rida Sayfi iyo Badda Cas (Maaris 1912-kii)

Maqaalkan kale waxa qoray Cali Ridaa Sayfi, 14-kii Maaris, 1912-kii. Cali waxa uu ahaa turjumaan, sheekoyahan iyo taariikhyahan. Waxa uu noloshiisa shaqo inta badan ku qaatay arrimaha siyaasadda boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maqaalkan waxa lagu baahiyey qaybta labaad, bogga 25aad ee wargeyska. Maqaalka sawir kama helin, se waxa aan helay uun hadalkii maqaalka ku qornaa: Waxanau odhanayaa sidan:

Sannadkii 1886, Jeneraal Haig, isaga oo ku socda soo jeedin, waxa uu gudogalay safar uu markab ku marayo badda, si uu u qiimeeyo sida xeebaha Badda Cas ee dhinaca Carabta iyo Soomaaliduba ugu diyaarsanyihiin faafinta diinta Kiristaanka. Safarkiisa waxa ku jira in uu istaagay buurta Siinaay, Yanbu, Jidda, Sawaakin, Musawac iyo Xudayda, ka hor intaanu gaadhin Cadan. Xilligaas laba diin faafiye oo saamayn leh ayaa joogay Cadan, oo baadhayey meel ay ka galaan degaannada gudaha dalka ku jira ee aan xeebta ahayn.

Mid ka mid ah labadaas wadaad ayaa Cadan kasoo raacay Jeneraal Haig, waxaanay yimaaddeen Xudayda, halkaas oo ay muddo joogeen, oo ay bixinayeen adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay garab wadeen diin faafin. Jeneraal Haig waxa uu safarkiisa kasii ambaqaaday Xudayda, isagoo gaadhay Sanca, kaddibna waxa uu dib ugu soo noqday Cadan, si uu ugu ambabaxo Mscat, Basra iyo Baqdaad. Dabadeed safarkiisa waxa uu ku maray lamadegaanka Suuriya, isaga oo ugu dambayn gaadhay Dimishiq. Safarkiisan dheer awgii, jeneraal Haig waxa uu qoray laba buug: “Labada Dhinac ee Badda Cas” iyo “Jasiiradda Carbeed Marka Indho Diin Faafin lagu Eego”.

Ku cibroqaadasho (Maaris 1912-kii)

Isla bishaas Maaris gudaheeda, Cali Ridaa Sayfi waxa uu qoray maqaal kale, oo uu kaga hadlayey dhaqdhaqaaqa wadaaddada Kiristaanka fidiyaa wadaan ee ay uga dan leeyihiin in diintooda ku faafiyaan dalalka Badda Cas. Maqaalkan waxa lagu qoray wargeyska Sabiil al-Rashaad, 28-kii Maaris. Maqaalkani waxa uu u muuqdaa warbixin Sayfi kasoo diyaariyey nin lagu magacaabo Keith Falconer, oo ahaa wadaad u dhashay Iskootlaan oo faafinta diinta ka waday Cadan iyo Carabta kaleba. Falconer waxa uu xusayaa aragtidii koowaad ee uu ka qaatay markii uu Cadan yimi iyo fursadaha ka bannaan ee dadka deggan Kiristaan loogu beddeli karo. Falconer waxa uu xusay in Cadan tahay meesha ugu habboon ee diin faafinta marka la eego cimiladeeda.

yfy

Waa tan warbixintii Keith Falconer:

Dadka deggan Cadan waxa ay ka koobanyihiin: Kow, Carab, oo badankoodu waa ehlu sunne raacsan Shaaficiyada. Labo, Afrikaan badankoodu Soomaali ah, oo iyaguna Shaaficiyo ah. Sadde, Hindi oo badankoodu muslimiin yihiin, qaarna Hinduus. Waxa soo raaca waxoogay Faarisiyiin iyo Burtaqiis ah. Sannadkii 1872 tirada Soomaalidu kamay badnayn in shantii Carab ahba ay saddex Soomaali ahi u dhigmaan, halka maanta (macnaha sannadkii 1885-kii) la sheegayo in Carabta iyo Soomaalidu is le’egyihiin. Muslimiinta ayaa ah dadka u badan Cadan, halka Yahuudda tiradoodu 1872-kii ahayd 1435 qof, se immika (1885-kii), ay laba kun kor u dhaafeen. Tirada Yurubiyaanku waxa ay kor u dhaafaysaa afar kun. Cimilada Cadan waa mid caafimaadka u wanaagsan, marka loo eego dalalka kale ee kulaylaha ah. Sida uu xaqiijiyey dhakhtarkii xukuumadda oo halkan shan sanno joogay, ma jirto sabab looga werwero caafimaadka wadaaddada faafinaya diinta Kiristaanka ee Cadan, sababtoo ah roobka ayaa ku yar iyo dhirta, waxaana saamayn ku leh neecawda badda.

Waxa xaqiiqo ah in kulaylka xagaagu, walow uu aad u daranyahay, in aanu caafimaadka waxba u dhimin. Muran kuma jiro in Cadan tahay meesha ugu habboon ee kiristaanka lagu faafin karo, muslimiinta Afrika iyo Jasiiradda Carabtana laga abbaari karo, sababtoo ah tilmaamaheeda jiquraafi, xidhiidhadeeda siyaasadeed, xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay Yamannta kale, cimiladeeda habboon, iyo in Carab iyo Soomaali isku dhex milanyihiin.

Arrinka labaad waxa weeye, waxa aan hayaa fekrad ah in Cadan laga hirgeliyo dugsyo oo midi yahay farsamada gacanta loona sameeyo sabooka iyo agoomaha. Sidoo kalena xaafadda Sheekh Cusmaan waa in lagadhiso cisbitaal iyo goob caafimaad oo gargaar ah. Goobtan rejo weyn baa laga qabaa carruurta, faa’idada cisbitaalkuna kuma koobnaanayo Sheekh Cusmaan ee xitaa waxa uu innaga caawin karaa in aynnu gudaha usii galno Yaman.

Cadan waxa jira carruur badan oo Soomaali ah oo waddooyinku hoy u yihiin, aabbayaashoodna sabool yihiin. Waalidkaasi waxa ay diyaar u yihiin in carruurtooda cid kale u quudiso una barbaariso. Waxa habboon in dadkaas saboolka ah iyo carruurtaas agoonta ah waddooyinka laga soo ururiyo, laguna barbaariyo Kiristaanka. Waxa kale oo suuragal ah in carruurtaasi marka dambe inoo buuxiyaan kaalmaha shaqo, oo Ingiriiska ama Hindiya loo diro iyaga oo xirfadlayaal ah oo warshadaha ka shaqeeya. Se shaqada ugu weyni waa in dadkaas diinta laga beddelay oo loo tababbaro wadaaddo Kiristaanka faafiya oo dadkooda kaalin u gala. Waxa lagama maarmaan ah in dadkaas dhaladka ah ee Kiristaanka qaatay aqoon yeeshaan oo ay xitaa aqoonta caafimaadka garanayaan, ugu yaraan aqoon guud oo daawaynta iyo qalliimada ah, sidaasna dadkaasi waxa ay ku heli doonaan fursado badan.

Dugsiyada waa in dhammaan akhriska, qoraalka iyo xisaabta lagu baro, loona dhex raaciyo kitaabka Baybalka oo Carabi ah iyo buugaagta kale ee Kiristaanka, ciddii horumar waxbarasho laga arkana waxa la bari Ingiriisiga, jiquraafiga, taariikhda, injineeriyada, xisaabta iyo sayniska.

[Waxa qoray]: Cali Ridaa Sayfi, Mustacmaradda Talyaaniga ee Bari iyo Soomaaliya, Aktoobar, 1912.

Sayfi waxa uu maqaal kale qoray 24-kii Aktoobar, 1912. Maqaalku waxa uu akhristayaasha majaladda Sabiil al-Rashaad barayaa jiquraafiga siyaasadeed ee waqooyi-bari Soomaaliya, degaan hadda noqon kara maamul-goboleedka Galmudug. Sayfi waxa uu sharraxayaa cidda deegaankaas ka talisa iyo xidhiidhka kala dhexeeya Talyaaniga. Waxa uu xusayaa in saldanaddii Hobyo heshiis la gashay Talyaaniga, tan oo ka dhigan in xidhiidhadeeda dibadeed ku xidhnaayeen Rooma. Maqaalkan waxa lagu faafiyey qaybta sagaalaad, bogga 80aad ee majaladda Sabiil al-Rashaad.

Waa kan maqaalkii Sayfi:

Aynnu ka hadalno dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee qaar ka mid ah salaaddiinta Soomaalida iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Talyaaniga. Aynnu marka hore maanka ku haynno in beelaha Soomaaliyeed badan yihiin oo ay dhul ballaadhan degaan, reerana u kala qaybsanyihiin. Badh ka mid ah dhulkaas Soomaalida waxa gumaysta Talyaaniga, qayb kalena Faransiiska.

Sannadkii 1889, saldanadda Hobyo waxa ay Talyaaniga u gacangelisay xeebta Soomaalida, laga soo bilaabo dhigta waqooyi ee 50.33 ilaa loolka 20.3. Shan ama lix bilood ka dibna waxa dhulka uu haysto la gaadhsiiyey laga soo bilaabo dhigta waqooyi ee 50.33 ilaa loolka 80.03. dhulballaadhsigan waxa u saamaxay heshiisyo uu Talyaanigu la galay boqorka beelaha Majeerteen. Sida heshiiskani dhigayey, boqorku waxa uu aqbalay in aanu heshiis la geli karin dawlad saddexaad. Bishii Ogos, 1901, heshiiskan waxa lagu adkeeyey heshiis kale. Sannadkii 1892, saldanaddii Sanjibaar waxa ay Talyaaniga uga tanaasushay 180 mayl oo xeebta Soomaalida ah, oo ay ku jiraan dekedaha Baraawe, Marka iyo Muqdisho. Sannadkii 1893, Talyaaniga ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka dalka. Xuduudda Talyaaniga iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika waxa la xadeeyey 24-kii Maaris 1891, waxaana la cusboonaysiiyey 5tii Meey, 1894. Xuduuddani waxa ay ka bilaabantaa halka webiga Jubba kaga darsamo badda, waxaanay dhererantahay ilaa 950 kiiloomitir, aakhirkana waxa ay ku dhammaataa webiga Niilka. Qiyaastii afar boqol oo kun oo Ingiriis ah ayaa deggan afarta dhinac ee 100 kun oo mayl oo Talyaanigu haysto.

Aargudashada Islaamka: Masiirka Islaamka Afrika (Meey 1914)

Maqaalkan iyo qoraaguba waa kuwo xiiso leh. Qoraagu waa Tawfuuq al-Suwaydi, oo hore raysalwasaare uga soo noqday Ciraaq. Waxa muuqata in uu danaynayey masiirka Islaamka Afrika. Waxa uu ahaa masuul sare oo Ciraaqi ah laga soo bilaabo labaatanaadkii qarnigii hore ilaa kontonaadkiisii, oo ah markii meesha laga saaray nidaamkii boqortooyada Ciraaq. Maqaalkan waxa uu ku faafiyey Majalladdii Islaamka (Islam Mecmuwasi), 21-kii Meey, 1914. Waxa lagu faafiyey bogga 245 ee majalladda. Waxa uu si waafi ah akhristayaasha ugu iftiiminayaa dalalka Islaamka ee xeebta Bariga Afrika.

Qoraalkii maqaalkuna waa kan:

Dadyowga dhulalka Angoola, Soomaaliya, Furien iyo Galla waxa ay Islaamka soo galeen xilliyo kala duwan. Qarnigii 18aad bulshada Nayjar ayaa Islaamka soo galay, oo lagu magacaabo Fallaax, lana mid ah Fallaaxa Masar, waxaanay noqdeen bulshooyinka diinta difaaca. Faafitaanka Islaamka waxa il u ahaa kulliyadihii Masar iyo madaaristii Daraabulus. Xitaa gumaystihii Yurub ma awoodin in uu is hortaago faafitaankan. Faransiiska ka dib, Ingiriisku waxa uu la dhib mutay isku daygiisii ahaa ka hortagga Islaamka mustacmaradda Soomaalida.

Talyaaniga oo dadka deggan mustacmaradihiisa Liibiya, Ereteriya iyo Soomaaliya ay u badanyihiin Muslimiin waxa uu raacay jid gebi ahaan ka duwan gumaystayaasha kale. Waa gumayste keliya eegta danihiisa, oo xitaa aan garabsiin jaarkiisa Faransiiska.

Dhacdooyinka Islaamka: Soomaaliya (Julaay 1914)

Maqaalka xigaa waa warbixin Majalladda Islaamka lagu faafiyey. Laba maalmood ka dib markii Dagaalkii Koowaad bilaabmay ayaa la faafiyey, kolkaas oo ah markii dalka Ustari qeexday mawqifkeeda ku aaddan Seerbiya. Toddobaadyo ka hor waxa shirqool lagu dilay boqorkii Ustari ee Franz Ferdinand, oo lagu khaariyey magaalada Sarajevo ee Boosniya. Maqaalkani waxa uu ka warbixinayaa dhaqdhaqaaqii Ingiriisku ku beegsanayey Sayidka, waxaana warbixinta lagu soo khatimayaa duco ah “Eebbow, walaalahayo u gargaar”.

jhj

Maqaalku waxa uu odhanayaa”

Sayidku waxa uu sumcad wanaagsan ku lahaa dhulalka Soomaalida ee Cadan la jaarka ah, waxaanu dhibaato weyn gaadhsiiyey askartii Ingiriiska oo uu muddo la dagaallamayey. Sababtan awgeed, Ingiriisku waxa ay go’aansadeen in ay ciidamo adag u diraan wadaadka, waxaana awr lagu duulo laga soo kaxaystay Masar. Alle ayaynu u baryeynaa walaalladeen.

Dhaqdhaqaaqyada Muslimiinta ee ka dhanka ah Ingiriiska (Noofambar 1915)

Maqaalkan kalena waa war lagu faafiyey majalladda Sabiil al-Rashaad. Waxa la faafiyey 30-kii Noofambar, 1915, waxaana cinwaan dheer looga dhigay: “Dhaqdhaqaaqyada Muslimiinta ee Ingiriiska ka soo Horjeeda iyo Baaqooda Jihaad”. Waxa lagu qoray qaybta 12aad, bogga 243. Maqaalku waxa uu ka warramayaa dagaalka ka dhexeeya Soomaalida iyo Ingiriiska ee ka socda meel u dhow Cadan. Ma cadda in dhulkaas Cadan u dhow ay u jeedeen dhinaca kale ee Gacanka Cadan, iyo in Soomaali Cadan degganayd Ingiriiska la diriraysay.

gf

Maqaalkuna sidan ayaa uu u dhignaa:

Dagaalkan Soomaalida iyo Ingiriiska u dhexeeyey waxa uu socday dhawr bilood, dagaalkii u dambeeyeyna waxa khasaare weyn la gaadhsiiyey Ingiriiska. Mar kale ayaa dagaal ka dhex qarxay Soomaalida iyo Ingiriiska, kaddib kolkii wadaaddada Kiristaanka fidiyaa isku dayeen in ay dhallinyarada duufsadaan, oo ay kusoo xerogeliyaan hadiyado ay ugu jiidayaan qaadashada Kiristaanka. Sayidka oo dareensan khiyaamada wadaaddada Kiristaanka ayaa bulshada faray in lala dagaallamo wadaaddadan, waana laga takhallusay. Sababtan awgeed, Ingiriiskuna waxa uu dagaal ku ekeeyey Soomaalida, se waxa ay u egtahay in markanna laga adkaan doono Ingiriiska, maxaa yeelay Sayidka ayaa ku baaqay jihaad lagu qaado gaalada, sidoo kale khiyaanada wadaaddada Kiristaanka iyo Ingiriisku doonayeen in ay Soomaalida kusoo xerogeliyaan waxa ay u kordhisay iska caabbin.

Wadahadalladii Boqortooyada Ingiriiska lagula yeeshay Berbera (Noofambar 1915)

Maqaalkanina waa waa dhanbaal war ah oo lagu faafiyey Sabiil al-Rashaad, 30kii Noofambar, 1915. Kolkani waa xilli Dagaalkii Koowaad ee Dunidu uu marayey halkii u darnayd. Markan boqortooyada Cusmaaniyiintu waxa ay gaashaanbuur la samaysteen Jarmalka iyo Ustari oo kasoo horjeeday boqortooyadii Ingiriiska. Maqaalladii aynnu hore usoo wadaagnay waxa ay wax ka qorayeen dhaqdhaqaaqyada Ingiriiska iyo Talyaaniga ee Afrika oo ay shaki ka muujinayeen, se maqaalkani waxa uu kusoo beegmay xilli dagaal toos ah lagula jiray Ingiriiska, Faransiiska iyo Moosko. Isla xilliyadan waxa uu Ingiriisku dagaal kula jiray Sayidka. Maqaalkani waxa uu tebinayaa dagaal ciidamada Daraawiishtu ku qaadeen Berbera oo kolkaas Ingiriisku haystay.

gh

Warkaas oo tarjumanina sidan ayuu u dhignaa:

Ka dib markii Soomaalidu Berbera ka saareen Ingiriiska, waxa ay ku dhawaaqeen madaxbannaani, waxaanay Sayid Maxamed u doorteen hoggaamiye, waxaanay jareen khadkii isgaadhsiinta Ingiriiska. Si kasta oo uu Ingiriisku isku diidsiiyo xaqiiqadan, bulshada Soomaaliyeed waa ay kici doonaan.

Qiimaynta kaalinta warbaahintii Cusmaaniyiintu ku lahayd Soomaalida (1911 ilaa 1915)

Wararkii warbaahinta Cusmaaniyiintu ka soo tebin jireen Soomaalida, sannadihii u dhexeeyey 1911 ilaa 1915, waxa ay si weyn uga warrami jirtay gumaystayaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska ee dhulka Soomaalida qabsaday. Qaybtii dambe ee qarnigii 19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad, saxaafadda Cusmaaniyiintu waxa ay wararka Afrika xoogga ka saari jirtay Liibiya iyo Masar, wararka kale ee qaaradda ku saabsanina waa ay koobnaayeen, sidaas darteed wararka iyo maqaallada Soomaalida laga qoray waxa ay ku koobnaayeen sannadahan aynnu xusnay ee aynnu maqaalka ku gorfaynnay.

Warbaahinta Cusmaaniyiintu, Afrika waxa ay ula dhaqmi jirtay sidii hal dal, dadka deggana waxa ay u arkaysay dad ka tirsan dunida Islaamka, arrinkanina waxa uu ku yimi xidhiidhadii diineed iyo dhaqan ee ka dhexeeyey bulshooyinka muslimka ah ee qaaradda deggan iyo dawladdii Cusmaaniyiinta. Sannadihii u dambeeyey ee Cusmaaniyiintu waxa ay kusoo beegmeen dagaalladii loogu jiray kala roonaanta oo dalalka Yurubta Galbeed ciidan ahaan isku maquuninayeen, waana isla xilligii bulshooyinka Afrika u halgamayeen xornimo. Dagaalladan bulshooyinka Afrika ee muslimika ahi ku hayeen gumaystayaashu waxa uu xoogeeyey wadajirkii iyo iskaashigii kala dhexeeyey Cusmaaniyiinta.

Warbaahinta Cusmaaniyiintu waxa ay taageertay halganka Soomaalidu ugu jireen in ay gumaystayaasha iska eryaan oo ay madaxbannaani helaan, waxaanay ka duulayeen dhaqankii Cusmaaniyiinta ee ahaa in la garab istaago bulshooyinka kacdoonka wada. Garab istaaggan waxa u sabab ah laba qodob oo muhiim ah: midka koowaad waa in boqortooyada Cusmaaniyiintu milatari ahaan bulshooyinka muslimka ah ka kaalmayn jirtay ka hortagga awoodaha gumaysi laga soo bilaabo qarnigii 16aad, sidaasna xidhiidho wanaagsan kula yeelatay bulshooyinka muslimka ah, Soomaaliduna waxa ay ka mid ahayd bulshooyinkaas muslimka ah ee Cusmaaniyiintu aaminsanaayeen in ilaalintooda xil ka saaran yahay.

Sababta labaad, waa goobta istiraatiijiga ah ee dhulka Soomaalida. Xeebaha Soomaalidu waxa ay ku yaalleen goob muhiim ah Cusmaaniyiintuna waxa ay  ilaashanayeen awooddooda Bariga Dhexe. Sababtani waxa ay midaysay halgankii Soomaalida iyo Cusmaaniyiintuba ugu jireen in aan xeebahaas cid kale iman.