Sunday 9 February 2025
Nuuraddiin Faarax iyo Axmed Ismaaciil Samatar waa laba shakhsiyadood oo aan akhristaha Soomaaliga ahi u baahnayn in la baro. Nuuraddiin waa qoraa sheekooyinka noofelka qora, halka Axmed yahay akaademik, isu beddelay siyaasi, waa laba buuni oo ku hawlan fasiraadda sooyaalka Soomaalida ee ka soo bilaabmaya gumaysi ka baxa. Nuuraddiin Faarax waa “taariikhyahan ruuxi ah ama caadifadeed” oo waayaha Soomaalida iyo dareenka ku dheehan soo tebiya, halka Axmed Samatar uu isku dhafo dhadhansi suugaaneed iyo xirfaddiisa akaademinimo isaga oo arrimaha la xidhiidha Soomaalida iyo taariikhdeeda ka bixiya aragtiyo jaadgooni ah.. labadooduba waxay qoreen buug door ah waana qoraayo hirgalay. Waraysigan uu Axmed Samater la yeeshay Nuuraddiin Faraax dhinacyo badan ayuu taabanayay, waxaana uu daarranaa sooyaalka suugaaneed ee Nuuraddiin Faarax iyo meelaha uu horraantii ka soo dabqaatay, millicsigiisa xilligii Soomaalida ay dawladdu ka burburtay ee ka danbeeyay 1990-nadii, waxyaalaha uu ka qoomamaynayo iyo fashilka ku yimid indheergaradka Soomaalida, culima aw diinka iyo siyaasiyiinta qabyaaliga ah ee ku guuldaraystay in ay qaranka ka saaraan xaaladda uu ku sugan yahay.
Wadasheekhaysigani waa mid dhex maray laba mufakir oo kamid ah mufkiriinta Soomaalida kuwa ugu xiisaha badan ee ugu hal-abuursan, waxaana uu daaran yahay dhammaan mawaadiicda shuqliyay mufakiriinta Soomaalida tan iyo 1990. Waxa Turjumay Maxamed Buux.
Nuuraddiin Faarax: Runtii, garan maayo in qoraanimadaydu ku timid doorasho. Balse, waxaan jawaabtayda ku sallayn doonaa noloshayda. Waxay ila tahay xaaladdo kala duwan oo isbiirsaday in ay qoraanimada igu riixeen se, waa sannado badan ka dib markaan bilaabay qoraalka. Waxaa jira saddex ilaa afar qodob oo igu dhaliyay in aan qoraa noqdo. Waa mide, berigaan kacaamayay anoo ku dhaqan Ogaadeeniya oo ay haysteen Itoobbiyaanku, kol kasta oo aan wax akhriyo, waxaasi luuqadda uu doono ha ku qornaado ee akhriskaygaas waxaan ka baran jiray fikrado iyo shaqsiyaad tirabadan, waxaan ogaaday, tusaale ahaan, markaan turjumaadda Carabida ah ee sheekada Crime and Punishment iyo Les Misérables, aan akhriyay ee aan akhriyo buugta Ingiriisida ku qoran, in aanay Soomaali ku jirin buugtan oo kale, sidoo kale Soomaali kumaan arag sheekooyin la mid ah Kun habeen iyo habeen iyo dhammaan sheekooyinkaan akhrisan jiray. Sababtaan uga dhex raadinayay Soomaalidu waxay ahayd, in aan rabay in aan arko wax aan aqoonsan karo oo aan odhan karo, “waxani waa wax aan garanayo oo aan ahayn wax qalaad.” Wixii ugu dhawaa ee aan helay waxa uu ahaa shaqsiyad aan isku magac nahay oo ku jiray sheekooyinka kun habeen iyo habeen: waxaa ku jiray sheeko ku saabsan amiir magaciisu ahaa Nuuraddiin.
Ugu horrayntii waxaan bilaabay in aan magaca Nuuraddiin ka soo jaro dhammaan nuskhadaha ay gacantaydu gaadhi karto ee Kun habeen iyo habeen (ilaahay uun baa og inta nuskadood ee aan sidaa ku baabiiyay), dabadeed, intaan Faarax ku daro ayaan ku dhejin jiray buugtayda, markaasaan odhan jiray “Eega qoraa baan ahee.” Sidaas ayay ku bilaabantay, kaftan carruurnimo ayay ku bilaabantay. Markii danbe ayaan haddana ogaaday in buugtayda Ingiriisidu ay ku qoran yihiin sheekaxariirooyin xayawaanno ku saabsan, sida jiirar iyo bisado, kuwaas oo wadasheekaysi dhex marayo. Waxaan bilaabay in aan beddelo magacyada shaqsiyadaha sheekaxariirooyinkan, xayawaannada wanaagsan waxaan ku beddeli jiray ardayda aan isku fasalkanahay kuwa aan jeclahay, kuwa aanan jeclaynna waxaan ka dhigi jiray xayawaanka xun.
Arrinta saddexaadna waxay tahay, hooyaday way buraanburi jirtay. Mararka qaar kolka ay hooyaday ku mashquulsan tahay carruurteeda tobanka ah, waxay fariin buraanbur ah ii fari jirtay cid ka akhrida madasha arooska ama munaasibada kale ee ay ugu talogashay buraanburkeeda, xasuustaydu way wanaagsanayd oo horaan wax u qaban jiray. Waxay ii marin jirtay mar ama laba jeer oo kaliya, dabadeed, cidday ii fartay ayaan gaadhsiin jiray, tabta farriin warqad ku qoran la isu gaadhsiiyo oo kale, waxaan odhan jiray, “hooyaday waxay i soo fartay in aan idin soo gaadhsiiyo farriintan.” Dabadeed waxaan u marin jiray buraanburkay i soo fartay. Inta looga warramo labada qof ee isguursanayaa waxay yihiin iyo taariikhdooda ama munaasibadda xafladdu waxay daarran tahay, ayay dabadeed tirin jirtay buraanbur ku habboon. Kolkaan farriinta gudbiyo, hooyaday waxaa la iigu soo dhiibi jiray cunto, hadyad iyo dhanbaal mahadcelin ah.
Qodobka afraad, oo ah mid sidoo kale aad u muhiim u ah, waxaan ka mid ahaa kurayda kooban ee yaqaan sida loo qoro loona akhriyo Carabida, Ingiriisiga iyo Amxaariga. Arrintaas ayaa ii saamaxday in aan dadka waaweyn ee aan waxba qorin waxna akhrin in aan waraaqaha u qoro oo kaga shaqaysto. Waxaan si gaar ah u xasuustaa sidaan waraaqaha u qori jirnay ee uu qoraagu gadaal kaga lifaaqi jiray magaciisa. Dhacdo xasuus mudan ayaan mar faraha la galay, waxay ku saabsanayd nin xaaskiisa garaaci jiray oo ay aabbahay saaxiibo ahaayeen. Xaaskiisa si joogta ah ayuu u garaaci jiray oo mar kasta waxa uu ugu hanjabi jiray in uu furayo hadday u dhego nuglaan waydo amaradiisa. Maalin ayuu iga codsaday in aan warqad ugu qoro xaaskiisa oo ka dudday. Wuxuu ugu hanjabay, haddii ay dhakhso gurigeeda ugu soo noqon waydo in uu iman doono oo laf walba jabin doono oo ilaa gurigeeda soo jiidi doono. Arrintaasi way i cabsi galisay, waxaanan go’aansaday in aan farriintuu ii sheegay maahee wax kale qoro, waxaan ka dhigay; “Maadaama oo aad i maqli wayday, gurigaaga haddaad soddon cisho gudahood ku iman waydo, waad iga furan tahay.” Ninku markan war kama hayn in aan farriintiisii gediyay. Sheekadii warbaa dabadeed ka soo noqday. Ninkii oo xanaaqsan ayaa aabbahay u yimid, “wiilkaagu xaalad buu abuuray, taas oo ay ka dhalatay in xaaskaygii iga furantay oo hadda ay xillo u noqotay nin kale.” Si xun ayuu aabbahay ii ciqaabay, waxaana uu i amray in aanan cid danbe warqad u qorin.
NF: Sidaan u adeegsan jiray markaan yaraa uma adeegsado luuqadaha kale, waagaas oo aan u janjeedhay in aan fikradaha rogrogo. Tusaale ahaan, waxa jirtay mar aan bilaabay in aan wax ku qoro afka Talyaaniga iyo Carabida. Soomaaliga wax waan ku qoray. Sheekofaneed si taxane ah uga soo bixi jirtay Xiddigta Oktoobar, taas oo socotay dhawr bilood ayaan qoray. Waxay ahayd 1973, iyada oo far Soomaaligu qorneyd wax aan sannad gaadhayn. Nasiib darro se, sheekadaydii waxa joojiyay gudidda faafreebka oo markaa wax yar ka dib la aasaasay. Goortaas waxaan ku fekerayay in aan af Soomaali wax ku qoro, maadaama oo aan Soomaaliya ku noolaa. Kolkii danbe ee aan ka tagay Soomaaliya igumay dhalan in aan mar kale wax ku qoro, dalkiina dib uguma noqon.
NF: Haa, ilaa in door ah Carabida iyo Talyaanigaba, sidoo kale waxa aan wax ku akhriyaa Faransiiska iyo waxoogaay af Jarmal ah. Waxaan sidoo kale ku xidhanahay suugaanta Hindiya, halkaas oo aan waxbarashadaydii jaamacadda ku soo qaatay. Waxaan xiiseeyaa oo kale suugaanta ka soo baxda qaybo Afrika ka mid ah, dalal door ah oo Afrika dhaca ayaan safar ku maray oo ku soo noolaaday.
NF: Saddex qof ayaa saamaynta u badan igu leh. Qofka koowaad waa hooyaday. Waxaan daawan jiray iyada oo hal-abuuraysa buraanburkeeda. Qolka ayay dhex wareegi jirtay iyada oo ka fekeraysa mawduuca ay wax ka tirinayso, inta ay tixaha madaxeeda gudihiisa isugu dhex beegto ayay kor isugu akhrin jirtay. Daawashadeeda waxaan ka bartay in hal-abuurku yahay hawl u baahan waqti, feker, hal-abuurnimo iyo kalsooni. Qofka labaad wuxuu noqonayaa nin la odhan jiray Aadan Jaamac Biixi kaas oo ahaa nin deeqsi ku ah maalkiisa iyo maskaxdiisaba. Waxa uu ahaa nin iga da’ weyn oo iga khibrad badan; oo markaas uun Ingiriiska ka soo noqday. Waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee i dhiirigaliya, ee i yidhaa, “waad samayn kartaa,” xilli aan ahaa sagaal iyo toban jir aan wax kalsooni ah isku qabin. Waxaan qoraba intuu akhriyo ayuu faallo iga siin jiray. Aadan Jaamac ayaa ahaa qofkii u horreeyay ee qoraalladaydii bilawga ahaa akhriyay. Waxaa sidoo kale jiray nin kale oo reer Hargeysa ahaa, oo la odhan jiray Ismaaciil Buubaa, waxa uu ii ahaa tusaale, waxa uu ahaa qoraagii Soomaaliyeed ee koowaad ee qoraalladiisa la daabacay ee aan la kulmay. Sheeko gaaban oo uu Ingiriisi ku qoray ayaa la daabacay, in kastoonan waxba ka fahmin markaan akhriyay, haddana aad baan ula dhacay oo in la daabacay ayaa wax weyn ila ahayd. Arrintani mid yaab leh bay ahayd marka la eego bulshadeenna bulsho odhaaheedda ah. sheekada Buubaa waxa uu cinwaankeedu ahaa “Adiga iyo Aniga – You and I”, waxay qayb ka ahayd mashruuca uu ku soo afmeerayay shahaadada labaad (masters) oo uu ka diyaarinayay Maraykanka.
NF: Waxaa jira qoraayo aan kaligay uun i saamayn ee qarnigii labaatanaad gabigiisaba qaabeeyay. Laba ka mid ahi waa Ayrish, midi waa James Joyce, kan kalena waa Samuel Beckett. Waxaa sidoo kale qoraayadan ka mida, qoraaga Ameerikaanka ah ee William Faulkner. Waxaa sidoo kale jira qoraayo aniga si weyn ii saameeyay. Waxaa jira kuwo kale oo aan fekrado dhawr ah ka dheegtay. Balse, saddexdaa aan xusay ayaa ah kuwa cid walbaa isku daydo in ay sidooda wax u qorto. Qoraaga weyni waa ka/ta leh aragti ka ballaadhan wax uu hal mar soo gudbin karo. Hawsha qoraalku ma sahlana waxay u baahan tahay in aad u soo kifaaxdo, oo aad wax kasta oo aad samayn karto samayso. Qoraayadana waa kuwo sooyaalka dadka qaadhaan weyn ku biiriyay. Waxaan sidoo kale mar danbe bartay Chinua Achebe.
NF: Achebe waxa uu ka mid ahaa qoraayada kooban, ee aan qoraalkooda markiiba la dhacay. Aniga oo waayeel ah oo xiisuhu igu yaraaday ayaa uu isagu weli i cajab galiyaa, sababtuna waxay tahay sida uu ugu dhagan yahay falsafadiisa iyo Afrikaanimadiisa.
NF: Dhacdada qaabaysay shaqadaydu waa mid Rooma ka dhacday bishii Julaay 1976. Waxaan u diyaar garoobayay in aan Muqdisho ku noqdo, ka dib markaan dhammaystay shahaadada labaad oo aan ku diyaariyay barashada Masraxa. Walaalkay baan wacay si uu madaarka iiga soo qaado kolkaan soo dego. Markaa ka hor waxaa soo baxay buuggayga Naked Needle oo lagu daabacay Ingiriiska. Sida caadiga ah ma akhriyo faallooyinka buugtayda laga qoro se waxaa dhacday sheekadii noofalku in ay gaadhay Muqdisho. Walaalkay war cad buu judhiiba farta iga saaray. Wuxuu igu yidhi “Soomaaliya iska illaw.” Wuxuu iiga warramay in safiirka Ingiriisku hoggaanka dalka u soo diray faallooyinka laga qoray sheekada. Noofalka waxaa lagu tilmaamay in uu yahay mid likaaco ah, qoraagana mid ku jeesjeesaya taliskii Siyaad Barre. Adigu sheekada oo duuduuban, markaan imanayay Talyaaniga masaafir baan ahaa, taleefankaa ka dibna waxaan noqday mid debadmeer ah oo qaxoonti ah. Ammin culus oo noloshayda mijaha u rogtay ayay ahayd. Waxay ahayd dhacdo xanuunkeeda iyo culayskeeda aan la qiyaasi karin, waliba markaad tahay qof dhallinyar ah oo aan lacag iyo wax kale oo uu u irkado haysan.
NF: Haa, wuu jiraa. Dareensigaygu waa isla kaan waagaan yaraa qabay, markaan ka sheekaynayay sheekooyinkaan akhrisan jiray carruurnimadii in ayna dad Soomaali ahi ku jirin, welina sidii buu yahay, oo waa in aan Soomaaliya ku xardho diiwaannada. Malihi waxa aan qoro ayaa ka Soomaalisan waxa ay dadka kale qoraan. Taa waxa aan u dhaafaynaa in waqtigu qiimeeyo. Hasayeeshee, yoolkayga noloshu waxa uu noqday in aan Soomaaliya nolosha ugu sii hayo in aan joogteeyo in aan wax ka qoro; in aan dood u gediyo; in aan ka dhigo Soomaaliya wax dadka kale iyo Soomaaliduba fahmi karaan. Yoolkaygu waa in aan ka gudbo waxyaabaha iska bacaadyaalka ah ee cid walbaa og tahay, oo aan u dhaadhaco siraha qarsoon, waxyaabaha aan afka la soo marin ee reeban, waxyaabaha aan dadku ku dhiirran ee ay soo qaadiddooda ka cabsadaan. Ka sheekofaneed qore ahaan, waxaan aaminsanahay in aan ahay ruux qaba in aanay jirin sir ay tahay in aan bannaanka la soo dhigin iyo ceebo bulsheed oo ay tahay in aan afka la soo marin. Tusaale ahaan, sheekofaneedda sida Secrets, waxaa lagu qeexay ammino shahwad daaran oo aan se lagu talax tegin, waxkasta mudh lagama dhigin (farqiga labadaa u dhexeeya way adag tahay in loo sharraxo qof aan farqiga fahansanayn). Waxa amakaag ah waxay Soomaalidu isu geysatay intuu gaadhsiisan yahay, iyo siday u dafiraan oo u diidaan falalkaas, iyo kolka la soo qaado xidhiidhka gogosha ee lamaane nin iyo naag ah dhex mara. Balse, gebagebadii, ka noofaliiste ahaan, waxaan xiiseeyaa nolosha dadka gees walba oo ay tahay.
NF: Maxaa yeelay, dad kale oo badan ma daneeyaan. Sidaas baan aaminsanahay, waayo waxaan ka mid ahay Soomaalida kooban ee weli ku safra baasaboor Soomaaliga, ee sidoo kale weli ku sii dhaggan aragtida Soomaaliya, iyo Soomaalinimada. Aniga macno iima samaynayso in uu qof ii yimaaddo oo i yidhaa, inaadeerkaa baan ahay. Jawaabtaydu waxay tahay “Soomaalida kale uun baad iila mid tahay”, haddaan si kale u dhigo, maadaama oo aan qurbaha ku noolaa muddo dheer, oo aan saddex jeer shirqool dil ka bedbaaday, waxaan in badan iswayddiiyay; waxa uu yahay waxa mudan in qof loo dilo? Waxa mudan in loo dhinto? Wax yaab leh ayay igu ahayd in ruux isa saaro, oo uu isu diro in uu i khaarajiyo. Haddii waxa aan samaynayo uu ku riixay qof in uu damco in uu iga takhalluso, markaa waxa dhacda in waxaasi yahay wax u qalma in la qabto. Dhankani waa dhan laga eegi karo, si kale oo loo eegi karaana waxay tahay, qalalaasihii Soomaaliya ka dhacay ee dadkii qixiyay, heer ay gaadheen in ay dhan isaga riixaan oo ka dheeraadaan wax kasta oo Soomaalinimada la xidhiidha, waayo, Soomaaliya sawirkeedu aad buu u foolxun yahay, maaha wax u qalma in la iibgeeyo, malaha qiimo lagu soo dhaweysto, Soomaaliduna, oo ay ka mid yihiin dad badan oo aan shaqsiyan u garanayo, kolka la wayddiiyo, halka ay ka soo jeedaan, waxay sheegtaan Itoobbiya ama Suudaan. Iyagoo ku nool Ameerika, iyagoo qaarkood yihiin borofaseero, iyadoo waliba qaarkood haystaan baasabooro Ameerikaan ah, haddana, in la soo qaado ama la la xidhiidhiyo Soomaaliyadan qarriban way ka naxaan. Anigu kolkaan is qeexayo waan ku faanaa in aan u sheego dadka in aan Soomaali ahay. Waxaan sidoo kale si la fahmi karo u sharraxaa waxa Soomaaliya haleelay, waayo waa wax la sii filan karayay, dad aan ku jiro na way sii sheegeen waxa soo socda. Sidaa daraaddeed, anigu Soomaalinimada waan ku faanaa, markastana korkaan ku sitaa. Soomaaliya waa waxa i qulba, ee aan jiifka u diiday, waa sababtaan hurdada uga salalo, markaa miyaynnaan been isu sheegayn haddaan ka cararno oo aan dafirno. Marka tusaale ahaan uu diidayo in uu wax lug ah ku lahaa wixii Soomaaliya ka dhacay, ruux dalka ka soo ahaa Raysal wasaare sannado badan, oo Siyaad Barre ka barbar shaqaynaya, ama markuu wax yar ka dib wasiirkii waxbarashadu ku baaqayo, “Wax shuqul ah kuma lahayn, wixii dalka burburiyay.” Anigoon waligay shaqo dawladeed qaban, haddii laga tagi waayo yaraantaydii oo aan teeb garaace shaqo barad ah ka ahaa, iyo dhawr sanno oo aan bare ka ahaa Jaamacadda Ummadda, ayaa diyaar u ah in aan qirto in aan ku lug leeyahay wixii Soomaaliya burburiyay.
NF: Waxay ila tahay in uu yahay noofalka Close Sesame.
NF: Horta ugu horrayn waa buug shaqsiyaadkiisu aad iiga gedisan yihiin. Waa shaqo miyirqabta, deggan, dhan diini ah leh, oo si wacan isugu dheellitiran. Waxa uu soo gudbinayaa xaaladda Soomaaliya ee muddo qarni ka badan. Waa buug ka warramaya cunfiga, iyo diintu waxay ka qabto ku kicista falal gacan ka hadal ah – in ay bannaan tahay in ruux qudha looga jaro sababo siyaasadeed iyo in kale. Waxaan qoray 1982, waxaana la daabacay 1983, waa buugta ka sii waari doona buugta kale. Waxaan ogaaday in buugtayda mid kastaa asxaabtiisa goonnida ah samaystay, balse, waxay ila tahay in buuggani waari doono.
NF: Waxay ila tahay caqabaddu in aanay ahayn luuqadda, ee ay tahay qoraalka laftiisa. Kol kasta oo aan koombiyuutarka hor fadhiisto waxaad mooddaa in aanan weligay hore wax u qorin. Maalin kasta waa ii nidaam hor leh oo dib u barasho ah. Ma laga yaabaa in ay ii fududaan lahayd haddaan Soomaali wax ku qori lahaa? Ilama aha, waayo, qoraalku waxa uu u baahan yahay anshax (dhishibiliin) iyo cilmibaadhis qotodheer oo la galiyo mawduuca wax laga qorayo. Markaa, hawshan luuqaddaan ku galaba waxba iskama beddelayaan, fekradaha aan wax ka curinayaana sidooda ayay ahaanayaan. Aan tusaale u soo qaadanno sheekada “Feedhqalloocan”. Waa sheeko ku saabsan bulshada iyo kelitalisnimada, bulsho qayb ka mid ah, dhadegigeeda ku leh, lama sinnidin caynta kale ee labka, waad ka hoosaysaan, isku sina aan loo la dhaqmayn. Aniga oo 22 jir ah ayaan ku qancay in caddaalad darro xumi ka jirto qaabka ay wax u socdaan bulshadeena. Kolkii nidaamkii kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre yimid, way ii sahlanayd in aan u sii kuurgalo halxidhaalahaan afkiisa furay. Halkay dadka qaar kaga noqoto wax murugsan oo aan la fahmin karin sida bulshada Soomaalidu u la dhaqanto dumarka, balse, aniga waxay ii ahayd oo ilaa hadda ay ii tahay baaq daarran in la sii baadho hiddaha Soomaalida iyo asaraarkiisa.
NF: Culeys iguma aha, sababtuna waxay tahay; kow, markaan bilaabay in aan Ingiriisi wax ku qoro nin yar baan ahaa, oo waxaa laga yaabaa in aan u arkay caqabad ay tahay in laga gudbo oo keliya. Laba, xataa haddaan buuggaygii koowaad ee Feedhqalloocan aan ku qori lahaa af Soomaali, waxaa caqabad igu noqon lahayd curinta sheekada, kala hormaynta dhacdooyinka, iyo isku keenidda sheekada. Luuqaddu ma aha arrinka u weyn, waxa ugu muhiimsan fekradaha buugga xanbaaraya. Imika, haddaynu dadka wayddiino waxa ay ka xasuustaan buugga Feedhqalloocan, waxa ay kuu sheegayaan waa sheekada buugga, sida loo soo tebiyay iyo sida akhristaha loo dhex geeyay adduunka ay sheekadu daarran tahay. Lafagurka u danbeeyana, waxaa hagaya fekradaha asaasiga ah ee sheekada.
NF: Aan ku bilaabo dareenkaan dareemayay kolkii koowaad ee aan dalka ka tagay. Aniga oo yar baa la ii diray dugsi Itoobbiya ku yaal, oo ka durugsan hoygayagii. Kolkii koowaad ee aan soo noqday, waxaan dareemay in aan ceegaago sheekooyin aan rabo dadka in aan la wadaago. Hasayeeshee, kolkii labaad rabitaankaasi iguma jirin, oo waxaan xaqiiqsaday in waxyaalahaan soo arkay aan loo sharrixi karin dad aan waligood arag. Maxaad u sheegi kartaa dad aan weligood magaalo arag oo tuulo yar ku nool? Waa sidaas oo kale. Waxaa jira wax badan oo aanad u sharrixi karin qofka aan waayahaa la kulmin. Imika oo aan debadmeerka u gediyay awood togan waxaan helay tamar aan Soomaaliya ugu kuurgalo anoo bannaankeeda jooga, halka Soomaali badan ay Soomaaliya heleen ama waayeen iyaga oo gudaheeda ku dhaqan. Aniga, debadmeerku waxa uu ii ahaa isku day aan ku soo xidhayo goobada, oo aan dhinacyo kale duwan ka soo eegayo mushkiladda Soomaaliya. Waxaa markasta maankayga ku wareegayay wayddiimahan: “Maxay tahay Soomaaliya? Yaa Soomaali ah? Muxuu dalkani u taagan yahay? Maxaa gaar ka dhigaya? Maxaa ka qaldamay? Maxaa lagu sixi karaa?” Debadmeerku waxa uu iga xorreeyay jujuubka qoyskayaga iyo in ay iga horjoogsadaan iyagoo naftayda u cabsanaya in aan dulmiga diido oo xaqa ku taageero qalinkayga, Soomaaliya kolka la joogo, qoysku wuxuu ka dhigan yahay fariinta aabbahay ee odhanaysa “Nuuradiinow, nin yar baad tahay, adduunkanna rag baa joogee, is jir.”
NF: Wayddiimo badan ayaa is dul hoganaya, horta, aan ku bilaabee, ma jiro akhriste aan maanka ku hayo kolkaan qorayo sheeko. Anigaa qora oo sidoo kalena ah akhristaha koowaad. Cidkasta oo kale oo waqti u hesha ama awoodda in ay akhridana, waa wanaag. Sida caadiga ah markaan wax curinayo waxaan qoraa suugaan sheekofaneed ah oo u kuurgasha arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Waxa intaa soo raaca nooc sheekofaneed ah oo aan sidaa u sii kakanayn. Imika kolkaad akhrinayso saddexaalyeda ka kooban Maps, Gifts iyo Secrets. Maps, waa noofal kakan, oo si aad u dhadhansatanna aad u baahan tahay in aad samayso lafagur suugaaneed iyo mid kasmanafeed. Waxa ku xiga Gifts, oo si ka sahlan loo akhrin karo. Waxaa ugu kakan Secrets, kolka la eego agabka suugaaneed ee la adeegsaday. Siday doonto ha ahaatee, akhristaha feejigani waxa uu ka dhaxlayaa fahan qotodheer oo daarran bulshada Soomaalida. Haddaba aan u imaaddo in buuggani yahay mid anshax xun iyo in kale. Ugu horayn, anigu ma adeegsadeen ereyga “ansha xun” (porngrapic). Haddaan erey qeexa dooranayo waxa uu noqonayaa shahwaani (erotic). Farqi weyn ayaa u dhexeeya suugaanta anshaxa xun (pornographic) iyo suugaanta shahwada (erotic) ka warramaysa. Suugaanta anshaxa xun (pornographic literature) galmada ayaa ah yoolka iyo maqsadka, halka suugaanta shahwada (erotic literature) yoolkeedu taa ka gedisan yahay, iyadoo sidaa ah suugaanta caynkan danbe ah waxaa ku jiri kara qaybo ka warramaya galmada. Sida cid kasta oo suugaanta u dhuun dalooshaa ka dharagsan tahay, noofallada u waaweyn ee adduunka laga qadariyo waxa ku jira cutub ama laba la mid ah kuwa ku jira Secrets. Tusaale ahaan, waxaad akhridaa sheekada Ulysses ee James Joyce. Cutub ka mida cutubyada Secrets waxaa laga soo dab qaatay cutub Ulysses ku jira. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan xuso sababta loogu soo qaaday buugga Secrets, galmada iyo dayuusnimada (incest), oo labaduba ah dhaqannada reeban bulshada dhexdeeda, iyada oo waliba dhinacyo kala duwan laga soo eegayo waxay tahay Aabbanimadu, sidaa daraadeed waxaa dhacda in galmo sharci darro ah ay ubad ka abuurmaan. Dabadeedna waxa dhici karta in ilmahaa gogol dhaafka ku dhashay aabbihii diido in u qirto. Xaajadan oo kale sidee loo maaraynayaa? Su’aashan ayaan iswayddiiyay, xaajadan wixii laga yeeli lahaa ayuu noofalku u kuurgalayaa.
NF: Waxaan waligayba aaminsanaa in aan bulshadu xor iyo dimuqraadi toona ahayn, oo aanay xataa horumarsanayn, ilbaxnimana haba soo qaadin, inta qayb ka mid ah laga takoorayo siyaasadda iyo nolosha. Waligayba waxaan ku qanacsanaa oo ay ila qabaan dad badan oo kaleba in ay tahay in dumarka laga siiyo door udubdhexaad ah nolosha qaranka. Waxaan anigu qabaa, in kastoo aan bilaabay in aan dumarka wax ka qoro xilli aad u sii horraysay, iyada oo waliba dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay soddonkii sanno ee u danbeeyay ay aragtidaan arrinkaa ka qabay sii xoojiyeen, in ay tahay in hoggaanka Soomaaliya lagu wareejiyo dumarka iyo ciddii u debecsan qadiyadda dumarka, sababtoo ah ragga bulshadeenu way ku fashilmeen arrintaas. Waa midda kale ee, dumarku meel cidlo ah bay qabiilka ka taagan yihiin (sababtuna waxay tahay waxaa dhacda in ay dhaxdin u noqdaan oo carruuro u dhalaan qabiilo aan kooda ahayn) taas baa ka dhigaysa haweenka Soomaaliyeed summad ay Soomaaliya leedahay, in le’eg inta ay yihiin qayb bulshadeenna ka mid ah oo dulman. Xaaladda maanta dalka ka jirtaa waxay caddaysay sida haweenka Soomaaliyeed uga dhabar adayg badan yihiin oo uga karti badan yihiin ragga. Iyagoo raggu jabay oo quustay, oo qoomamada wixii dhacay gayaysiisay in ay madaxa hoos u dhigaa oo ku sugan xaalad caalwaa ah, ayaa haweenku guntiga dhexda ku xidheen oo aabbe iyo hooyaba qoysaskoodii u noqdeen, qaraabadoodana ururiyeen oo tiir iyo taageeraba u noqdeen. Rag badan ayaa waqtigoodii ku lumiya in ay garaabo dul fadhiyaan, halka haweenka dhigooda ahi meel kasta oo ay joogaan qaadeen masuuliyad bulsheed oo aanay rag badan ku dhiirran karin. Halka raggu kaga foogan yihiin fadhi ku dirir aan waxba ka soo siyaadayn, dumarku waxay ku hawlan yihiin in ay koriyeen carruurtooda oo ay kor u qaadaan wacyiga bulshada. Qoyskayaga haddaan tusaale u soo qaato, gabdhaha ila dhashay oo dhan iyada oo masiibada jirta la og yahay, waa kuwo nolosha kaalin ka galay, halkay cagsiga ka yihiin ragga ila dhashay. Waxaan qabaa in xaaladda ay ku sugan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed la cayn tahay taa qoyskayaga.
NF: Waxaan dhawaan dhammeeyay xasuusqor uu qoraa Itoobbiyaan ahi qoray. Waa buuggiisii koowaad, waxa uu hadda ku noolyahay Kanada, waxa i soo jiitay in buuggu ku salaysan yahay Jigjiga. Qoraagan da’da yari waxa uu ka warramayaa khibraddiisa nololeed ee in uu ku barbaaray Jigjiga iyo in uu ku biiray Jabhaddii Xorraynta Soomaali Galbeed si uu ula dagaallamo taliskii Dergiga. Marka danbe, sida la filan karo, jabhadda in uu xil ka qabto ama door istaraatiiji ah ka ciyaaro waa laga hor joogsanayaa. Waxa uu ahaa noofal dareenka dhaqaajinaya, taasi kama dhigna in aan ku raacsanahay wax badan oo uu Soomaalida ka sheegay ama dadka aan Soomaalida ahayn, sababtuna waxay tahay Soomaaliga ma yaqaan, waana nasiib darro runtii, waxaa laga filayaa in uu luuqadda barto qof Jigjiga ku barbaaray. Balse, ugu yaraan wuu ku baraarugsan yahay gaabiskaas. Buug kale oo aan hadda wado oo uu qoray qoraa reer Koonfur Afrika ah, waxa cinwaan u ah Dream Birds. Waxa uu ka warramayaa sida ka ganacsiga baalalka gorayadu u ahaa ganacsi lacag badan horaantii qarnigii siddeed iyo tobnaad ilaa horaantii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Waxa kaloon dhawaan akhriyay buug uu qoray Paul Gilroy oo loogu wanqalay Against Race. Markaa, buug kala duwan ayaan akhriyaa. Mararka qaar sheekooyinka ayaan akhriyaa, oo waxaan rabaa in aan dhawaan bilaabo noofalka J.M Coetzee ee Disgrace.
NF: Waxaan ka shaqaynayaa noofal ku salaysan Muqdisho waqtigii u dhexeeyay 1991 ilaa 1994; waa noofal soo gudbinaaya waagii ay go’aanka ku gaadheen Cali Mahdi iyo Cayddiid iyo mooryaantii la kala safnayd in ay baabiiyaan wixii Soomaaliya ka hadhsanaa, waanay ku guuleysteen dhammaadkii, sidoo kale waxa uu noofalku ka warrami doonaa xoogagii Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ee waqtigaa dalka ku sugnaa. Sababtaas baan u akhrinayaa buug aad u kala duwan, inta aan ka gaadho, oo aan u waraysanayaan dad tirabadan intii ii suuragasha. Shaqada noofalka waxaan dhammeeyay saddex meeloodow laba meelood. Waxaan rabaa in aan sidoo kale xuso in buug cusub oo aan qoray soo baxay, waa buug aan sheeko ahayn, oo ka warramaya waayaha Soomaalida qaxoontiga iyo debadmeerka ah ee qurbaha ku dhaqan. Buugga waxaan u bixiyay Yesterday Tomorrow: Voices from the Somali Diaspora, waxa daabacday shirkadda Continuum oo xafiisyo ku leh Landhan iyo Niyuu Yook, aragtidayda waa buug aad u xiiso badan, ama ugu yaraan sidaas ayuu ahaanayaa inta Soomaalidu qaxoonti iyo debadmeer tahay. Xaaladdaas ayuu qaadaa dhigayaa, burburkii Soomaaliya iyo sidii uu ku yimid, iyo sida dagaalladu markii danbe u yeesheen waji kale Iyo siday Soomaalidu u noqotay ummad cunfigu qeexo/cunfi ku qeexan.
NF: Mar kasta waxaa ii furan ugu yaraan saddex hawlood. Waxaa laga yaabaa in ay noqdaan qoraal gaaban oo aan wargeys u qorayo, mid ka dheer oo aan Megasiin u qorayo ama joornaal suugaaneed, buug (sheekofaneed ah) mararka qaarna sheekogaaban. Dhab ahaantii hawlo isku mid ah ma aha oo waxyaalo ay ku kala gedisan yihiin ayaa jira, haddana, waa isku mid uun. Subax kasta kolkaan dul fadhiisto miiskaan wax ku qoro, waxaan dareemaa in aanan abid hore wax u qorin, subax kastana waxaan sameeyaa tabo kala duwan oo aan iskula qabadsiinayo hawshaan ka shaqaynayo. Sida caadiga ah waxaan jeclahay in aan shaqeeyo 8:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, iyadoo hal saacad oo nasasho ahi u dhaxayso. Waa saacado badan oo shaqo ah, kuwaas oo u kala qaybsan waqti akhris, waqti feker, iyo waqti qoris ama waqti muraajacayn. Muraajacayntu, dhab ahaantii waa hawl waqti badan qaadata. Farqiga u dhaxeeyo noofaladayda iyo buuggayga aan noofalka ahayn waa cilmibaadhista qotadheer ee aan galiyo shaqada aan sheekada ahayn. Markaan qorayay buugga Yesterday, Tomorrow: Voices from the Diaspora, waxaan tagay Kiiniya si aan u soo waraysto Soomaalidii ka soo qaxaysay Muqdisho iyaga oo ka cararay dagaalladii sokeeye. Buuggan hawshiisu waxay bilaabantay 1992, waxa xigay Itoobbiya oo aan sannad deganaa, si aan u qiimeeyo xaaladda Soomaalida Itoobbiya ku nool. Dabadeed, waxaan uga sii gudbay in aan baadho sooyaalka Soomaalida ku dhaqan dhulka gumeystayaashii Soomaaliya; Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxa xigay laba awoodood oo aan wax gumeysan Iswidhan iyo Iswitsarlaan, oo aan soo warraystay Soomaalida ku dhaqan, sidoo kale waxaan warraysiyo ka soo qaaday Soomaalida ku dhaqan Kanada, sidaas baan ku waday oo meelo badan oo Soomaalidu u qaxday u maray. Cilmibaadhis xooggan ayaa gashay buuggan, xogta u weyn ee uu xanbaarsan yahay waa waraysiyadaa aan ka qaaday Soomaalida. Sababta buuggu muddo dheer u qaatay waa midda koowaade, waxaan muddo ku hawlanaa soo ururinta maaliyaddii hawshiisa gali lahayd. Waa ta labaade, waxay ahayd in aan turjumo waxyaalahay dadku iigu sheegeen af-Soomaali, waxaan ku khasbanaa in aan helo hab aan xogtan ku soo gudbin karayo iyada oo hufan oo heersarraysa. Xogta laguu sheego waa hadba qaabkaad u qaabayso, oo waxaad ka dhigi kartaa wax aan macno sii ridan lahayn ama kor ayaad u qaadi kartaa oo heersare ayaad gaadhsiin kartaa. Maadaama, oo aan ka war qabo dhibta Soomaalidu martay, waxaan isku dayay in aan heerka wadasheekaysiga kor u qaado.
NF: Haa, waan akhriyaa. Sidoo kale waxaan akhriyaa Soomaalida af Soomaaliga wax ku qora iyo kuwa af Faransiiska wax ku qora, waxaan sidoo kale akhriyaa Soomaalida Carabiga wax ku qorta. Run ahaantii waan akhriyaa wax kasta oo Soomaaliya ku saabsan oo ay gacantaydu gaadhi karto. Waxyaabaha aadka ii saaciday kolkaan qorayay buugga Yesterday, Tomorrow; waxa ka mid ah in aan akhrin karayay buugtay af Talyaaniga ku qoreen Soomaalidii joogtay Muqdisho kolkii dagaalka sokeeye qarxay, iyo buugtay af Soomaaliga ku qoreen dadka uu ka mid yahay taariikhyahanka Aw Jaamac Cumar Ciise iyo aragtiyaha kala duwan ee Soomaaliya ku saabsan. Waxaan sidoo kale akhriyay buugyare uu qoray Soomaalida dadka ugu cajiibsan mid ka mid ah, waa buug gabigiisuba 38 bog ah. waxa uu u goobjooge ka ahaa berigii badmaaxyadii Soomaalidu, sannado badan ka hor ay dibbadbax qalalaase wata ka dhigeen magaalada Lifarbuul. Ninkani waxa uu ahaa badmaax reer Berbera ah. marka la isku soo duubo, qadarin ayaan u hayaa dadka u qalin qaata fekradaha ku soo dhaca, waayo markaas uun baa tixraac iyo caddayn loo helayaa waxay yidhaahdeen iyo fekradahooda, halka kuwa dabeecada xun ee duryama uun, waana siday Soomaalideenu u badan tahaye, aan la la sheekaysan karin.
NF: Horta, ma rabo in aan ixtiraam darro u muujiyo qaar badan oo saaxiibaday ka mid ah iyo dadka aan shaqo wadaagta nahay, balse, anigoo waliba naftayda ka bilaabaya, anigoo ka tirsan Soomaalida fursadda u heshay in ay wax bartaan, waanu ku guuldaraysannay masuuliyadihii na saarnaa. Qaar badan oo ka mid ah dadka lagu tilmaamo indheergaradka Soomaalidu waxay doorkooda kaga mashquuleen siyaasadda laba-wajiilaynta ee ay faraha kula jiraan, iyo in ay afhayeen u noqdeen danaha kooxo gaar ah. Halkii ay ka noqon lahaayeen qaar qalalaaasaha bannaanka ka taagan oo si dhexdhexaad ah oo xilkasnimo leh u faalleeya waxa socda, waxay se noqdeen qaar calanka u sida qaybaha kala danaha ah ee bulshada. Waxaa dhici karta in aan arrinta ku qaldanahay oo si ka macquulsan loo macnayn karo, balse, arrintan waxa masuuliyaddeedu u noqonaysaa qaab dhismeedka siyaasadda ee xukuumaddii rayidka ahayd ee lagu sheegi jiray dimuqraadiga iyo sidoo kale xilligii taliskii Siyaad Barre. Indheergaradka Soomaalidu waxay metalaan labada dhinac ee kala duwan ee shillinka. Waxay ku mutaysteen indheeraradnimada kaliya in ay qori karaan magaca ayeydood, halka bulshada inteeda kale aanay xataa magacooda qori karin, sidaas baa lagu ixtiraamayay oo mar walba loogu yeedhayay dhakhtar hebel iyo daktoorayso heblaayo. Sidoo, kale waxay ku guuldarraysteen in ay siyaadda qabiilka ee Soomaaliya adeegasadaan. Waxaana taa ka dhashay, in ay dhumiyaan fursaddii ay kaga dhex muuqan lahaayeen qabiilkooda. Waxa taa dheer, kolkii ay billawdeen xasaraduhu – xasaraddii Siyaad Barre – sannado badan ka hor, kolkaas oo aan aniguna ku noolaa oo aan dhex gooshi jiray Rooma, Landhan iyo Maraykanka, waxaan la kulmay dad aan shaqo wadaag nahay, saaxiibo iyo indheergarad ku sheega, waxaan idhi, “Kolkaad waraaqaha u qoraysaan Ururka caalamiga ah ee Amnesty, ama kolkaad la hadlaysaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ama aad la hadlaysaan safiirrada dalalka waaweyn uga wakiilka ah Soomaaliya, fadlan, ha odhanin hebel oo reer hebel ah ayaa xidhan’, keliya waxaad ku gaabsataan, ‘hebel oo ka soo horjeeda kelitalisnimada taliska Siyaad Barre ayaa xidhan.’” Tan ayaad lagaga fogaan karaa xeeladda qaybi oo xukun, ee ay adeegsadaan kelitalisyada sida Siyaad Barre oo kale ahi. Ma rabo in mucaaradkiisa la la xidhiidhiyo aydhiyoolajiyad, waxa uu dadka ula macaamilaa isaga oo ku qiyaasaya reeraha ay ka soo jeedaan.
Waxaan xasuustaa mar aan ururka caalamiga ah ee Amnesty booqday xafiiskooda Landhan, waxaan la kulmay hawlwadeenno uu ka mid ahaa nin magaciisu yahay Martin Hill. Dantaan lahaa baan markiiba farta ka saaray, waxaan u sheegay in aanay warbixinahooda ku xusin reeraha ay ka soo jeedaan dadka u xidhan ama uu laayo kelitaliska Siyaad Barre. Waxaan ku sababeeyay sababta dadkani u xidhan yihiin in aanay ahayn reeraha ay ka soo jeedaan ee ay tahay in ay ka soo hor jeedaan cadaadiska iyo cabudhiska nidaamka kelitaliska. Dooddayduna taas uun bay la mid ahay kolkay indheergaradku u yimaaddaan ee wayddiiyaan qof aniga oo kale ah, “Maxaad wax uga qori wyday hebelkaas, ka soo jeeda reer hebel?” anna waxaan ku yidhaahdaa, “Anigu reero wax kama qoree, waxaan wax ka qoraa dadka aydhiyoolajiyadaleh.” Walaaladay haddaan meel wada fadhiisano wax toban daqiiqo ka badan, madaxaan isla galnaa oo muranaa, sababtuna ma aha in aanan jeclayn, waan jeclahay waa walaaladay, si fiican baanan u aqaan. Iyadoo sidaa ah haddana ma wada fadhiisan karno, sababtuna waa aydhiyoolajiyadahayaga iyo siyaasadayada kala duwan.
NF: Haa qayb way ka noqon karaan, balse, waa hadday shuruudahan ka soo baxaan. Ta koowaad waa dib u feker daacad ah iyo in ay qirtaan gefafkooda. Xaqiiqadu waxay tahay in ay door weyn ku lahaayeen burburka Soomaaliya. Sidaan horey u soo sheegayna arrintan keli kuma aha, waxa u eedaysan bulshada Soomaaliyeed oo dhan. Soomaali denbi laawe ahi maanta ma jiro, mana jiraan Soomaali ku doodi karta in ayna wax ku biirsan halaaga Soomaaliya ka dhacay ee ka jira, oo aan laftaydu qayb ka ahay. Waxa jira laba kooxood oo kale oo aan is khilaafsanahay. Kooxda koowaad waa wadaadada, oo aan ixtiraam u hayo. Sababtuna waa qadarinta bulshadu u hayso, iyo aqoonta iyo xidhiidhka ay la leeyihiin qaybo badan oo bulshada ka mida, waxaan filayay in qaar badan oo ka mid ahi hogaanka ka qayb qaadan doonaa oo ay mugdigan innaga saari doonaan. Waxaan ka filayay in ay qabiilka ka korsan yihiin oo ayna reer hebelo soo horkici doonin, balse, waan ka niyad jabay, qaar badan oo ka mid ahi waxay ku guuldaraysteen in ay runta sheegaan. Dhawaanahana, meel kasta oo aad tagto, waxaad ku arkaysaa wadaadada oo qoloba u ololeynayaan nooc diin ah oo ay tahay in Soomaaliya lagu dhaqo. Balse, xaqiiqadu waxay tahay in ay rabaan awoodda in ay ku gacan dhigaan oo dib u dhiska dalka hogaamiyaan. Cabashada kale ee aan qabo, waa cabasho, toban jirsatee, waa cabasho aan ka qabo odayaasha, da’daydu waa kontameeyo oo waxaan qayb ka ahay odayaasha, waxaan sidoo kale qayb ka ahay indheergarad ku sheega. Markaa, cabashadan waxaan u soo gudbinayaa qaab aanan anigu iska reebayn. Sababtaan qolyahan farta ugu fiiqayo waxay tahay iyadoo oday dhaqameedka beelaha ay adeegsadeen qabqablayaasha dagaalku, iyagaa beelaha ay duubka u yihiin uga soo ururiyay lacagtay hubka siisanayaan iyo dhallinyartay dabka ku gurayaan. Oday dhaqameedku iyagaa dhallinyarada la hadla oo ku yidhaa, “Hagaag, waa in ay dantan ilaashanaa, hadday tahay mid deegaan iyo mid dhaqaaleba.” Oday dhaqameedka waxaa ku adeegtay Siyaad Barre, waxaa ku adeegtay dagaal oogayaasha, dabadeed, waxay noqdeen dabadhilif, danaystayaal ah. haddaad i weydiin lahayd maanta cidda munaasibka ku ah in ay hogaamiso dib u dhiska dalka, jawaabtaydu waxay noqonaysaa, in aan saddexdan kooxood wax u laabani jirin. Taas oo mar kale innagu celinaysa weydiinta caynta. Waxaan odhan lahaa qaybta bulshada – oo ah qayb aad u ballaadhan – ee aan dhiigya cabka noqon, ee bulshada dhaawac badan gaadhsiin, ee uu weli damiirkoodu xaadhan yahay, waa haweenka Soomaaliyeed.
NF: Sidaad og tahay, Muqdisho waxay noqotay maamul gaar ah, sababtuna waxay tahay in adeegyadii dawladda oo dhan ku soo urureen Muqdisho. Xukuumaddu Muqdisho ayay fadhiday, dalka intiisa kale waxa ka socdaa wuu iska koobnaa. Markaa, waxaad ku doodi kartaa maamullada cusub ee la samaynayaa in ay abuurayaan magaalooyin cusub, haddii aan si kale u dhigo suuragalnimo cusub ayay abuurayaan, oo beddel u noqda kelitaliska Muqdisho. Haddana, waxaan iswayddiiyaa: maxaa ku qasbaya qofka in uu sii aqbalo in Muqdisho ahaato caasimadda dalka? Maxaynnaan u awoodin in aynnu dhamaanteen u guurno Hargeysa? Maxaynnaan u awoodin in aynnu u wareegno Boosaaso, meel bartame ah oo nabadi ka jirto? Haddii la aqbalo fekradda maamullo gedisan, kuma qasbanin in aynnu aqbalno caasimadnimada Muqdisho. Anigu aad baan u soo dhaweynayaa in beddel la helo, sababtuna waxay tahay, waxaan ku soo noolaaday Nayjeeriya, imikana waxaan ku noolahay Koonfur Afrika, magaalada aan ku noolahay ee Cape Town, waxay u shaqaysaa si ka madaxbannaan Pretoria, Johannesburg iyo Durban. Sidaa si la mid ah, waxaan rabaa in ay Soomaaliya ka hirgalaan magaalooyin kala gaarkooda u taagan, taas oo aan ka dhignayn aynnu u kala googo’no jamhuuriyado kala madaxbannaan, sababtuna waxay tahay caqligal ma noqonayso in la kala jaro wax aan kala go’ayn. Dhaqaale ahaan macquul ma noqonayso in la sameeyo dawladdo yar yar, oo dhammaan gadaya adeegyo isku mid ah – dhammaantood waxay hayaan hilib iyo caano. Maxaa kale oo aynnu haysannaa? Haddaynnaan wada jirin iskuma dheelitiri karno dhulkeenna qaybta buuraha qarfaha ah iyo qaybta dihin ee wax laga beeri karo. Caqli gal ilama aha in aynnu kala go’no ilaa afti daahfuran laga qaado dadka ku dhaqan deegaanada goonnida u taagan oo la wayddiiyo in ay rabaan in ay goonni isu taagaan iyo in kale. Laba, waa in sidoo kale kuwa laga go’ayo la wayddiiyo aragtidooda ku aadan go’aankan masiiriga ah. Waa sida lamaane isqaba oo midi subax iska soo kaco oo yidhaahdo waan tagayaa. Arrintan wayddiimo badan ayaa ka dhalanaya: maxay yihiin sababaha keenaya goonni u goosadku? Ma waxay tahay in gumeyste gaar ahi iyaga gumeysto? Markaa ma waxaynu koraysiinaynaa falsafadda gumeystaha? Ma innagaa is dullaynayna heer aynnu qadaasaynayno xuduudaha gumeystuhu dhigay? haddaan imika nidhaa Jamhuuriyadda Soomaalilaan waxay xuduud la yeelanaysaa Soomaaliya, halkee baad dhigaysaa xuduudda? Haddii beeli ay kala qaybsanto oo qaybna Soomaalilaan baan raacaynaa tidhaa, qaybna Soomaaliya, sidee arrintaa loo xalinayaa? Waxaa sidoo kale muhiim ah in aynnu xusno in dalal badan oo adduunka ahi isku biirayaan, si ay midaw ballaadhan u samaystaan. Eeg, Yurubta galbeed. Maxay Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Finlaan iyo dalalka tiknoolajiyad ahaan ugu horumarsani u midoobayaan? Waxay sidaa u samaynayaan waayo waxay ogaadeen faa’idooyinka badan ee midnimada.
NF: Ragga kamaynnaan maqal wax qirasho ah oo oday dhaqameedka ama indheergaradku waxay qulbeen may qiran. Si ay bulshadu dib isugu dhisto waxaa loo baahan yahay in si caam ah qoomamo loo muujiyo, in si Sharaf leh, oo la aqbali karo oo karaamo leh loo qirto wixii qalloocday. Halkan Koonfur Afrika waxaa la sameeyay Komishanka Runta iyo Dib u heshiisiinta. Ma lihi waan in aan sidooda oo kale samaynnaa, balse waxaa loo baahan yahay in dadku ay qirtaan gefafkay galeen, oo ay yidhaahdaan, “Dil baan geystay.” Se marka la la soo taagan yahay, “Anigu kaan dilay mid xun oo reer hebel ah ayuu ahaa.” ee waliba kii wax dilay isla sii qumman yahay, aniga qofkaas danbiile ayuu ila yahay. Waxaanan leeyahay kaas oo kale, “ilaa aad qiranayso in aad danbiile tahay, oo aad ilaahaaga u toobbad keenayso, oo aad bulshada guud ahaanteed cafis wayddiisanayso, ma aqbali karo xukunkaaga iyo awoodaada.” Malihi waa in gabi ahaanba la jaraa indheergaradka, wadaaddada iyo oday dhaqameedka. Waxaan soo jeedinayaa, ilaa hadda intaan ka aragnay falalkooda, maaha kuwa ku astaysan fiiro dheeraan iyo xilkasnimo siysaasadeed. Maaha kuwo ku tusinaya kalsooni lagaga fisho tallaabooyin ammaan leh. Siday doonto ha ahaatee, waxa suuragal ah kolka bulshada dib u habayn lagu sameeyo, dadka imika aamusan ee daryanka xabbaduhu aamusiiyeen, in ay ka soo baxaan qaybaha bulshada ee afarta ah ee aan hadda xusnay, kuwaas oo aan saddex ka mid ah si quusa uga joogo. Cidna ka dhagaysan maayo, bulshada Soomaaliyeed ee soddonkii sanno ee u danbeeyay ay hortaagnaayeen afarta oday – sida Cigaal oo ilaahay ogyahay intuu soo taagnaa, Cayddiid, Cali Mahdi iyo Cabdillaahi Yuusuf, iyo kuwo la midka ah ee damaca badan – in laga waayay dadkii ku habboonaa furdaaminta xaaladdan taagan. Hadalka waxaan ku soo koobayaa intan: maxay tahay sababta dadkii ku lugta lahaa burburka dalka loo wayddiisanayo in ay hoggaamiyaan? Ma wayddiisan kartid qofkii guriga burburiya, qofkii gubay in uu dib u dhiso. Dhiig cusub ayaa loo baahan yahay.
NF: Horta, waxaan si xaqiiqo ah u ogsoonahay, taas oo aan ka dhaxlay safaradayda, kolkay wax ka dhacaan Muqdisho, Hargeysa, Boorama, Baydhabo iyo Beledweyn, waa laga dareemaa Soomaalida qurbaha meel kasta oo ay ku noolyihiin. Waxaan kula talin lahaa Soomaalida fursadda u helay in ay dalal shisheeye galaan ee nolosoodu hadda saldhigtay, in ay horta noloshooda xaaleeyaan, oo nafahooda daryeelaan, in ay naftooda u sameeyaan sawir sharaf leh. Waxaan jeclaan lahaa haddii ay ka fursan wayday, oo ay awoodaan in ay Soomaaliya iska illaawaan, intay dad jira noqonayaan. Waxa kale oo aan jeclaan lahaa, bal ismageydadan day, in ay xasuusnaadaan Soomaalida kale ee barakaca ku ah Muqdisho ama meel kasta oo kale oo ay joogaan. Waxaan jeclaan lahaa in ay ku baraarugaan fursada dahabiga ah ee ay haystaan ee ay noloshooda dib ugu dhisi karaan. Hadday Ameerika joogaan, waxaan jeclaan lahaa in ay waxbartaan, oo ay noloshooda u soo jeestaan, cilmi in ay korodhsadaan oo hadday ka fursan waydo Soomaalinimada iska illaabaan, ilaa ay gaadhaan heer ay u qalmaan magacay isugu yeedhaan. Waxba soo kordhin mayso laba milyan oo Soomaali ah oo dabaqada u liidata ka ah bulsho walba oo ay ku biiraan. Hadday Isiidhan tahay ama Kanada, tabashooyinka bulshada Soomaalida laga qabo waxay burburisaa rejadaan qabo iyo sawirka naftayda. Markaa, waxaan jeclaan lahaa Soomaalidu qurbuhu in ay laba yool yeeshaan: in ay Soomaaliya iska illaawaan, balse, haddana xasuusnaadaan in ay gadaal kaga yimaaddeen dad aan helin jaaniskay haystaan oo kale. Markaa waxa loo baahan yahay in ay ka faai’daystaan fursaddaa ay haystaan oo ay cuquushooda dib u dhisaan. Qofkii nolol ka samaysta meesha uu joogo ayaa Soomaali ah. Ugu danbeyn waxa Soomaaliya caawin kara Soomaaliga hagaagsan, hawlkarka ah, ee waxbartay. Kuwa fadhiidka ah ee Soomaaliya hadal haya ee aan waxba nafahooda u qaban Soomaaliya waxba tari maayaan. Horta nafahooda wax ha ka soo saaraan, markaas baa laga yaabaa in ay cid kale wax taraan.
NF: Hawlkasta oo kulmisa wax ka badan laba qof, taas oo daarran mawduuc la xidhiidha mid saddexaad ama afraad waa arrin siyaasadeed. Haddaan si kale u dhigo, guurku fal siyaasadeed buu noqonayaa hadduu qof iska caadi ahi guursado gabadh uu boqor dhalay. Waxa ka dhigaya fal siyaasadeedna waa waxa ka dhalanaya. Markaa anigu waxaan odhan lahaa guurku waa fal siyaasadeed, kufsigu waa fal siyaasadeed, falalka arxan darrada ah ee la xidhiidha qof saddexaad ee jara nolosha dadka kale waa fal siyaasadeed. Balse, anigu shaqsiyan siyaasadda sideeda uma daneeyo, sababtuna waxay tahay waxaan u arkaa in ay tahay hawlo lagu caajiso. Ma fahmo; wax la fahmi karana kama dhigi karo. Waxaan isku arkaa qof isagu xiiseeya bulshada – dadka. Waxaan xiiseeyaa asalkayga, waxaanan hubaal rabaa in aan ogaado halka la ii wado. Siyaasadda Soomaaliya waligay qayb kama noqon. Balse, haddana aragtiyo ayaan ka leeyay, waayo waxaan ka tirsanahay dadka kooban ee fursad u helay in ay wax ku bartaan dalal dhawr ah iyo in ay ku noolaadaan dalal kala duwan, oo ka tirsan dalalka ay ku kulmaan xadaaradaha kala duwan. Darafkan ayaan wax ka soo eegaya oo wax ka sheegayaa, balse, sidii qof siyaasi ah marna uma hadlo.
NF: Ma jiro qoraa ka caawin kara qoraa kale in uu wax qoro. Talada kaliya ee uu qofku siin karo qof qoraa noqdo, waa wax qor, qor oo qor, waa in ay sidoo kale hadlaan, oo wax akhriyaan, oo akhriyaan, sidoo kale waa in ayna isku shuqlin qudhunka dhankooda loo soo riixayo – ee ah reer hebel baad tahay iyo kan iyo keer baad tahayda. Dhallinyartani waa rejada kaliya ee aan leenahay, gaar ahaan kuwo fursada u helay in ay noloshooda majaraha u qabtaan. Waxaan kula talin lahaa, “Fadlan, oo fadlan, barta dhaqanka dalalka aad ku nooshihiin iyo dhaqanka ay ka soo jeedaan waalidkiinu.” Hadhaw bay anfici doontaa in ay ogaadaan halka ay ka yimaaddeen, waayo taasi muhiim ayay u tahay in hore loo sii socdo. Waxaan rabaa in ay ogaadaan in ay bulshada Soomaaliyeed oo dhan tahay bulshadooda. Waxaan rajaynayaa in ay soo baxaan qoraayo tirobadan oo dood galiya fekradahay qaar, mandiqaan wax ku eego, iyo sidaan wax u sababeeyo. In kastoo aanan ka helin noofalada dhallinta Soomaalidu qortay ee aan akhriyay qaarkood. Ma jecli qoraaga fursad ku haleeya in uu difaaco xagal siyaasadeed oo liidata.
NF: Horta, waxaan mar walba idhaahdaa, maqaalna waan ka qoray magaalada Muqdishee, kolkii ay burburtay magaaladu waxaa la dhintay dhaqankii magaalanimada ee kulminayay dhaqanada kala duwan, dulqaadkii, iyo fekradii wada noolaanshaha, ee aad ku dhinac noolaanaysay qof aanad xataa jeclayn. Nolosha madaniga ahi waa caynkan. Haddaan Cape Town u nimaadno, sidaad og tahay, waa magaalo leh taariikh murugo badan, oo sidaan filayo sidaa uga gedisnayn Muqdisho – magaalo xoog lagu qabsaday oo la kulantay mid kala sooc. Balse, waxay ila tahay farqiga u weyn ee u dhexeeya Muqdisho iyo Cape Town in uu yahay: wixii halaag ay la kulmeen bulshada reer Cape Town maanta waa kuwo ka bedqaba oo badankoodu badhaadhe ku nool, halka Muqdisho gabi ahaanba la baabiiyay. Maanta waxa i soo jiita Cape Town waa wixii shalay aan ku jeclaa Muqdisho. Muqdisho waxay ahayd magaalo xadaaradeed oo dhaqano kala duwan ku nool yihiin, magaalada nooceeda ah ee kaliya dalka ka jirta ayay ahayd. Waxaana sidaa ka dhigay dad kala duwan ayaa gobolada ka kala yimid oo wax ku darsaday waxay ahayd. Taas baa ka jirta Cape Town imika, Cape Town waxaad ka helaysaa Afrikaan kala duwan oo daafaha Afrika iyo Koonfur Afrika ka kala yimid iyo Yurubiyaan badan, waxa kaloo jooga dad badan oo ka yimid Bariga dhexe iyo Eeshiya – kuwaas oo mid kastaa magaalanimadeeda qiimo gaar ah ku biirinayo. Waan jeclahay in aan Muqdisho ku laabto kolka la soo nooleeyo dhaqankii reer magaalanimada, fekrada “magaaladani waa magaaladaydii, oo dhamaanteenbaa leh”, inta la qaadanayo ee laga baxayo “unukaa leh” waxaan weynaynayaa fekrada Muqdishadii qadiimka ahayd.
NF: I regret that I have not lived in Somalia for a long time. I regret that I did not go back to Somalia when I should have done so. I regret that I did not have the courage to speak up more forcefully. I regret that I haven’t made as much of a contribution to my society as I should have. But there is nothing one can do about all of these, under the circumstances. So, probably, my regrets are given half-heartedly. Waxaan ka qoomameeyaa in aanan Soomaaliya ku noolaan muddo dheer. Waxaan ka qoomameeyaa in aan ku laaban Soomaaliya mar ahayd in aan ku noqdo. Waxaan ka qoomameeyaa in aan yeelan kalsooni aan kor ugu hadlo in ka badan intaan hadlay. Waxaan ka qoomameeyaa in aan bulshada ku biirin intay ahayd in aan ku biiriyo. Balse, wax laga qaban karo ma jirto waxan oo dhan, kolka la eego duruufihii markaa jiray. Taas oo awoodooda koobaysa.