Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Wangari Maathai: Haweenay Ku Caanbaxday Daryeelka Deegaanka

20 January, 2025
Image
Wangari Maathai
Wangari Maathai u dhaqdhaqaaqdo arrimaha deegaanka, gabadhii koowaad ee Afrikaan ah ee ku guulaysta billada caalamiga ah Nobel Peace Prize. (Photo by Wendy Stone/Corbis via Getty Images)
Share

Kolka laga warramayo dadka ugu saamaynta badnaa ee ilaalinta deegaanka iyo ololayaashii ugu waa weynaa ee dunida ka dhaca kaas oo lagu beerayay dhir, waxaa khasab ah in magaceeda la xuso Wangari Muti Maathai oo ah haweenayda hindistay ololihii lagu beeray tiro ka badan konton milyan oo geed, kaas oo loo yaqaano Green Belt Movement. Wangari waxa ay ku dhalatay tuulo ku taalla dalka Kiiniya, Abriil 1, 1940. Waxa ay ka dhalatay qoys beeralay ah, waxa ayna ku dhalatay deegaanka ay qoyskeedu beeralayda ku ahaayeen oo waqtigaas ahaa dhul doog ah oo quruxda iyo cagaarku indhuhu u bogayaan. Labadeeda waalid waxa ay ugu magac dareen ayeeyadeed aabbe oo lahayd magac dhaqameed qadiimiya, Wangari, iyaga oo raacaya dhaqankooda Kikuuyada.

Wangari, waxa ay dhalatay waqti ay adag tahay in qof haween ah oo ku dhashay Afrika  wax barto, inkasta oo ay jireen isku dayo kala duwan oo iskuullo lagaga furay dalka Kiiniya, haddana gobolkeeda iyo badi Afrikaba waxbarashada waxa loo ogolaa ragga oo kaliya. Wangari iyo hablo aad u kooban ayaa fursad u helay in ay dugsiga hoose galaan, culaysyo badan ka dibna Wangari waxa ay si gaar ah ugu wareegtay dugsi dhexe, kaas oo ahaa fursad ay ka heshay kaniisadihii barbar socday guumaystaha, oo iskuullo ka furay dalka Kiiniya. 1951 ayay dugsiga dhexe ka gashay iskuul ay fureen wadaaddo Kaatooligga raacsan oo ka soo jeeda dalka Talyaaniga, taas oo ay qayb ka ahayd sidii dadka u dhashay Kiiniya loogu soo dari lahaa diinta Kiristanka. Intii ay ku jirtay dugsigaas oo lagu magcaabo St. Cecilia’s Intermediate School, ayay Wangari qaadatay diinta Kiristanka waxa ayna tilmaamtay in ay dib u dhalatay, taas oo keentay in ay magaceeda u beddesho Mary Jasephine. 1956, dugsiga dhexe kolkii ay ka baxday waxa ay u wareegtay dugsi sare oo iyana ay gacanta ku hayaan wadaaddo Kaatoolig ah oo ka soo jeeda Ireland, waxa ayna ahayd ardayga ugu sarreeya dugsigeedii dhexe, taas oo fursad u siisay in ay deeq waxbarasho hesho. 

Sannadku markuu ahaa 195 ayay Wangari ka qalinjabisay dugsiga sare, waqtigan waxaa Afrika si xawli ah uga socday helitaanka xorriyadda, sidoo kale, waxaa Maraykanka qabsaday madaxweyne Kennedy, oo bilaabay in uu dalalka Afrika u fidiyo deeqo kala duwan oo ay ka mid ahayd mid waxbarasho. Kolkii Kiiniya la soo gaarsiiyay fursaddaas waxbrasho, waxaa dadka laga soo xulayay iskuullada ay gacanta ku hayaan ururrada ka shaqeeya hawlgallada Kaatooliga, Wangarina waxa ay hore uga soo baxday mid ka mida iskuulladaas, weliba derejo sare, waxa ayna fursaddan ku qaabishay rabitaan weyn oo aanay sinnaba uga gabban. 1960kii ayay tagtay dalka Maraykanka, waxa ayna ku biirtay machaadka Mount St. Scholastica, halkaas oo ay ka diyaarisay shahaadada koowaad ee Sayniska, muddo afar sanno ah ayey ku jirtay, dabadeed waxa ay codsatay oo la aqbalay jaamacadda Pittsburgh oo ku taal Pennsylvania oo ah isla dalka Maraykanka, waxa ayna shahaadada labaad kaga diyaarisay maaddada Baayoolajiga.  

Wangari, muddo ay ka maqnayd dalkeeda waxa ay ku soo noqotay 1965 waxa ayna soo laabatay dalkeeda oo xorriyad helay, dawladdii u dhalatayna ay sabab u ahayd in ay dalbato soo noqoshada arddaydii ugu maqnayd waxbarashada. Wangari, iyada oo yar ayay la baxday magaca Miriam oo la xiriiray qaadashada diinta Kiristanka, balse, muddo ka dib markii ay u baydhay Mad’habka Kaatooliga ayaa loo beddelay magaceeda Mary Josephine, sababtuna ay ahayd in magaca Miriam uu ka soo jeedo mad’habka Borotestaanka oo isna Kirisanka ku abtirsada. Kolkii ay Maraykanka tagtay ayay la kulantay khalkhal dhanka magaca ah, markii u danbaysayna waxa ay dib ugu noqotay magaceedii asalka ahaa ee Wangari Muta.

Wangari oo hab fekerkeedu wax badan iska beddeleen ayaa dib ugu soo laabatay dalkeedii oo xorriyaddii hantay. Ka hor inta aanay iman waxaa loo soo bandhigay shaqo, nasiibdarro se, kolkii ay timi ayaa shaqadeeda oo jaamacadda Nayroobi ahayd lagu qoray qof kale, iyada oo ku tilmaamtay in ay sabab u ahayd eexda qabyaaladeed iyo dumarnimadeeda. Bilo markay ka soo wareegtay, waxa ay shaqo caawimaad daraasadeed ah ka bilowday isla jaamacadda Nayroobi, taas oo uu u soo bandigay Barofaysar Reinhold Hofmann oo ka socday jaamacad Jarmal ah, doonayayna qof kala shaqeeya laan cusub oo khusaysa aqoonta xoolaha oo laga furay jaamacadda Nayroobi. Sannadku 1971 ayay jaamacadda Nayroobi ka qaadatay shahaadaha sare ee Anatomy (PhD) oo qayb ka mida diyaarinteeda ku qaadatay dalka Jarmalka, waxayna ahayd gabadhii ugu horraysay oo bariga iyo badhtamaha Afrika ka qaadata shahaadada sare ee jaamacadda. Muddo badan ayay jaamacadda Nairobi ka shaqaynaysay iyada oo gaartay in ay ka mid noqoto madaxda laamaha kala duwan ee jaamacadda. 

Kolkii ay Wangari ku soo noqotay dalka waxa ay xidhiidh wada yeesheen Mwangi Mathai oo isna wax ku soo bartay dalka Maraykanka, isaga ayaa ka codsaday in ay is guursadaan, dhawr sanno ka dib, 1969 ayay aqalgaleen, guurkaas oo keenay in Wangari Muti, magaceedu isu rogo Wangari Mathai. Waxa ay labadoodu is qabeen ilaa 1979, waxa ayna isu dhaleen saddex carruura. Muddadii ay wada joogeen, waxaa soo kala dhex galay khilaafyo badan, kaas oo xoogiisu ka imanayay dhanka Mawngi, sida ay Wangari buuggeeda ku xustayna, waxa ay tilmaamaysaa in ay dhibaysay shaqo badnideeda iyo dad ku dhex jirkeeda, uuna u arkayay in ay tahay qof aanu xakamayn karin. Kolkii ay kala tageen, Mwangi Mathai waxa uu ku khasbay in Wangari Mathai ay u dhigto magaciisa Mathai, maxkamad ay isla fuuleenna waa ay ku raacday, taas ayaa keentay in Wangari u fekerto, maadaama ay magacan muddo ku shaqaynaysay ayna adag tahay in ay ka tagto, waxa ay xaraf dheeri ah oo ‘a’ ah ku dartay qaybta hore, magacii ahaa Mathai wuxuu isu beddelay Maathai !

 Qaadashadeedii shahaadada sare ka dib, Wangari waxa ay hore ka bilowday u dhaqdhaqaaqista arrimaha bulshada, jaamacadda ay ka shaqayso ee Nayroobi ayay ka bilowday ololayaal ay ugu doodayso haweenka, sidoo kale, waxa ay qayb ka noqotay ururro ka shaqeeya arrimaha deegaanka. Sannadku markuu ahaa 1977 ayay bilowday ololaheedii ballaadhnaa ee Green Belt Movement, inkasta oo ay jireen ololayaal ka horreeyay oo ay Maathai ku beertay dhir tira badan, haddana kan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ay hirgaliso. Ololahan ayaa qayb ka ahaa soo noolaynta kaymaha Kiiniya, waxa ayna qayb lixaadle ka qaadatay sidii kaymaha dabargo’aya loo sii hayn lahaa, dhir hor lehna loo sii beeri lahaa. Muddo iyada oo ka shaqaynaysa Kiiniya ayaa barnaamijkeedu ku faafay qaaradda Afrika, waxa u badan ee taas sababay ayaa ah iyada oo soo jiidatay indhaha caalamka, shirar badan oo lagu qabtay dalkeedana ay ku iibgaysay shaqada ay hayso, waxa ayna ku heshay taageero badan oo dhaqaalaha ka soo xerooda ay ku dabari jirtay shaqada baaxadda leh ee ay haysay. Muddada ay hawshaa ku jirtay waxaa caqabad wayn ku haysay dawladda Kiiniya, heer uu madaxweynaha dalku ku tilmaamo “haweenay waalan - mad women”. Ololeheedu waa uu ballaartay, waxa uu dhaafay xuduudaha, waxa ayna aad ugu doodday arrimaha deegaanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa beerista, daryeelidda iyo kobcinta dhirta noocyadooda kala duwan. 

Sidoo kale, waxaa barnaamijkeeda barbar socday sidii beeruhu ay kor ugu qaadi lahaayeen koboca dhaqaalaha dalkeeda. Waxyaabaha ay aadka uga dagaallami jirtay waxaa u waa weynaa magaalayn meel walba iyo burburka xawliga ah ee lagu hayay kaymaha. Waxa ay Wangari hor kacaysay dibadbaxayaal waa weyn oo looga soo horjeedo dhulal kaymo ah oo loo dalxiis tago, kuwaa oo ay madaxda Kiiniya isku dayeen in ay ku beddeshaan taageero siyaasadeed, iyada oo ay ugu weynayd middii 1998 ee Karuru Forest lagu bixin lahaa, dibadbaxyadaas waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay Maathai ka mid tahay, waxa ayse ku guulaysteen in dawladdu ka noqoto xaraashka dhulka.

Inta ay Wangari ku jirtay arrimaha bulshada iyo deegaanka, waxaa barbar socday isku dayo kala duwan oo ay ku doonaysay in ay siyaasadda ku gasho, balse, ay dawladdu kala dagaallantay sabab ay ku sheegtay cidda ay ka soo jeeddo, waxaa xannibaad dhaqaale la saaray shabakad haween ah oo ay madax u noqotay, waxaana loo diiday in ay u tartanto xildhibaannimo, iyada oo mar walba loo samaynayo sababo aan maangal ahayn. Badi dhacdooyinkani waxa ay dhacayaan xilligii Daniel arap Moi. Iyada oo uu ku jiro han siyaasadeed, haddana waxaa dhinac socday in ay u dagaallanto sidii dhibaatooyinka haysta Afrika oo ay deyntu ka mid tahay xal loogu heli lahaa, waxa ay mararka qaar u adeegsan jirtay aqoonteeda diimeed, si dalalka ay Kiiniya ku jirto looga cafin lahaa daymaha, taas oo aan ka xusi karno ololeheedii weynaa ee Jubilee, taas oo ay ku doonaysay in dalalka soo koraya laga cafiyo daymaha sannadka 2000, maadaama diinta Kiristanku qabto sannadaha ay u danbayso ‘50’ iyo ‘00’ ay dadku iscafiyaan, xusaan, deymahana isu dhaafaan. Iyada oo u danaynaysa dalkeeda ayay dhib badan kala kulantay ololahan.

Dhibaatooyinka soo wajahay iyo xaalka dalkeeda ayaa Wangari ku khasbay in ay noqoto haweenay u ololaysa dimuqraadiyadda, waxa ayna hor boodi jirtay ama taageero u fidin jirtay cid kasta oo danaynaysa in doorasho xor ah ay ka qabsoonto dalka. Sida ay ku xustay buuggeeda Unbowed, shaqo yar ma ahayn in dal Kiiniya oo kale ah olole caynkan ah laga galo, iyada oo la handadayo naftaada, qoyskaaga iyo saaxiibbadaa. Sannado badan oo dagaal ah ka dib, waxa ay Wangari noqotay xildhibaanad dhammaadkii 2002, sannadkaas oo laga adkaaday xisbigii talada hayay, sidoo kale, waxa ay ka hawlgashay wasaaradda Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga oo ay joogtay 2003 ilaa 2005.

Wangari waxa ay ahayd deegaanjire waqti badan ku bixiyay sidii loo ilaalin lahaa deegaanka, qofkasta oo taga Kiiniyana uu arki karo waxqabadkeeda deegaanka, isaga oo ka dareemaya dhirta xad dhaafka ah ee ay beertay. Arrimaha deegaanka waxaa u raaca in ay u doodi jirtay haweenka, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda. Waxa kale oo ay ahayd siyaasi xilal kala duwan soo qabtay iyo macallin ka hawlgalay dhawr jaamacadood oo ay Nayroobi u horrayso. Wangari waa qoraa qortay buug ka badan tobon buug oo uu ka mid yahay; Unbowed: A Memoir, oo ay ka qortay nolosheeda. 

Sidoo kale, muddadii ay shaqada ku jirtay waxa ay ku guulaysatay abaalmarinno aad u badan oo qiyaastii gaaraya konton abaalmarinood, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Nobel Peace Prize; abaalmarintan ayay Wangari ku guulaysatay sannadku markuu ahaa 2004, iyada oo ku hanatay doorkeeda ka shaqaynta horumarka, dimuqraadiyadda iyo nabadda. Waxa ay noqotay haweenaydii ugu horraysay oo Afrikaan ah oo ku guulaysata abaalmarintan. Sidoo kale, 1991 ayay ku guulaysatay abaalmarinta Goldman Enviromental Prize, iyada oo ku metelaysa Afrika.

Maathai waxa ay geeriyootay 25tii Sebteembar, 2011, iyada ah 71 jir, waxa ayna Nayroobi ugu geeriyootay xanuunka kansarka. Waxaana lagu duugay beerta Uhuru ee magaalada Nayroobi. Xus ku saabsan geerideeda ayaana lagu qabtay dhawr dal oo uu Maraykanku ka mid yahay.