Sunday 7 June 2026
Taxanaha The Walking Dead, muddo badan ayaan daawashadiisa ka meermeerayay maadaama aan necbaa filimada uu zombie-gu — ama orgobuhu — qaybta ka yahay. Dabayaaqadii sannadkii hore 2025, ayaan si cago-jiid ah ula soo degay kalka koowaad ee taxanaha, kadibna masraxiyad cajiib ah iyo qaabilaad wanaagsan ayaan kala kulmay oo keentay in aan durtaba dhammeeyo, aniga oo weli sii jeclaan lahaa in uu sii socdo.
Taxanuhu waxa uu ku bilaabmayaa dunidii oo ay qiyaamo ku dhacday. Ma aha qiyaamihii ay diimuhu sheegeen, ee waa mid kale oo aan hore loo sawiran, dadkiina ku noqotay musiibo ay la fajacaan. Waxa si kedis ah u dillaacaya xanuun dadkii dhintay soo noolaynaya, iyaga oo isu beddelaya orgobbe u hamuumaya cunista wixii nool. Orgobahaasi qof kasta oo uu qaniino waxa uu ku reebayaa fayraska, kadibna marka uu qofku u dhinto, ayuu dib u soo kacayaa isaga oo orgaboobay oo afka iyo gacmahana la haliilaya.
Tani waxa ay sababaysaa in xanuunku dhakhso u faafo, oo dadka badankooduna orgoboobaan oo magaalooyinkiina buuxdhaafiyaan. Noloshii oo dhan ayaa istaagaysa. Dawladnimo iyo nidaam kale midna ma jiro. Shaqo iyo waxbarasho ha sheegin. Magaalooyinkii waxa u hadhay orgobbe, dadka intii yarayd ee ka badbaaday iyaga oo cabsi iyo argagax indhaha la taagtaagaya ayay hadba meel ku dhuumanayaan. Waxa uu qof kastaa isku deyayaa in uu helo cid kale oo uu wehashado kadibna waxa abuurmaya kooxo ay danta iyo duruufuhu walaaleeyeen.
Xiddiga taxanaha oo Rick Grimes ah, iyo qoyskiisu waxa ay ka mid yihiin koox iska heshay duleedka Atlanta. Waxa u bilaabmaya safar aan jiho lahayn, ujeedadiisa keliyaana tahay badbaado. Meel kasta waxa maraya orgobe raxan-raxan iyo mid-midba u socda, iyaguna kaymaha iyo tuulooyinka ayay ku meeraysanayaan hadba meesha ay naf bidaan. Weerarka orgobuhu waxa uu noqday wax joogto ah. Hadba waxa ka dhimanaya qof ay jeclaayeen oo kooxda muhiim u ahaa. Khatarta ugu weyn ee ay wajahayeenna markii hore waxa ay ahayd bahalladaas, balse si tartiib-tartiib ah ayay u fahmayaan dabciga orgobaha ilaa ay ka gaadheen heer ay khatartiisa xakamayn karaan. Waxa ay ogaanayaan in dareenka ugu weyn ee orgobuhu uu yahay maqalka, sida oo kalena meesha uu ka dhinto marka nabarka lagaga dhuftaa tahay maskaxda. Jidhka intiisa kale waxba u noqon maayo oo xataa qaarka hoose haddii la jaro ka sare ayuu ku gurguuranayaa.
Waxa ay ogaanayaan in orgobuhu urta isku yaqaanno, dabadeedna xeelad ay ku samata baxaan ayaa halkaas uga soo baxaysa. Inta ay mid orgobaha ka mid ah dilaan ayay uskaggiisa is marinayaan kadibna kumannaan bahal ayay iska dhex marayaan iyaga oo sidooda oo kale u soconaya. Qaarkoodna inta ay silsiladeeyaan laba orgobbe ah shandadahooda ku raranayaan kadibna ku dhex marayaan bahallada kale oo aan dareemayn.
Fahamkaasi waxa kale oo uu keenayaa in ay bartaan sida loola noolaan karo, xaaladaha qaarna looga faa’idaysan karo! Balse imika khatartii ugu weynayd waxa ay noqotay dhuunigii. Cuntadii ayaa dhammaatay. Dadka intii koobnayd ee badbaaday si sadhaqweedhaan ah ayay iniba meel isugu urursatay oo koox u noqotay, kadibna waxa ay kooxdaasi geed dheer iyo mid gaabanba u korayaan sidii ay cunto u heli lahaayeen. Waxa ay dantu badaysaa in ay kooxiba ta kale weerarto oo ay furato. Mar kale ayay khatarta ugu weyn ee haysataa is bedelaysaa. Imika ma aha orgobbaha ama cunto la’aanta ee khatartu waxa ay noqotay dadkii kale.
Waa la kala aamin baxayaa. Koox walba waxa ay iska ilaalinaysaa kooxda kale. Waxa ay ku dedaalaysaa in aan la soo weerarin oo ay helaan difaac adag, ama iyagu ay weeraraan kooxaha kale si aanay khatar uga dareemin. Waxa ay kooxahaasi ka taxaddarayaan in cid cusubi ku soo biirto, waayo qof kasta oo u yimaaddaa waxa uu ula imanayaa calool rabta cunto aan lahayn.
Xanuunkan faafay waxa uu dunidii si kedis ah u wareejinayaa xagal cusub. Waxa go’aysa isgaadhsiintii iyo shidaalkii. Sida oo kalena hubkii iyo rasaastii iyaguna way dhammaanayaan, kadibna noloshu waxa ay ku noqonaysaa sidii ay bilawgii taariikhda aadamaha ahayd. Dadku waxa ay ku foofayaan ugaadhsi iyo beerasho, fardo ayaa gaadiid ahaan loo adeegsanayaa hubkuna waxa uu noqonayaa billaawe iyo kuwa la halmaala. Waxa soo baxaya shakhsiyaad awood leh oo bulshooyinkii koobnaa u kala samaysanaya xuduudo iyo soohdimo. Mid kastaa dadka wuu ku guurayaa. Waxa uu iskaga dhigayaa badbaadiye xil weyn iska saaraya sidii ay cunto, hoy iyo nabad u heli lahaayeen. Waxa uu farta ugu fiiqayaa kooxaha kale oo uu ugu tilmaamayaa in ay cadaw ku yihiin, ama ay badbaadadoodu duullaan ku yihiin, isaga oo ku boorrinaaya in ay nafta u huraan ilaalinta xuduudda uu isagu u jeexay, sidaas ayayna ay ku gelayaan dagaallo aan dhammaad lahayn!!
Haddaba, halistii ugu weyneyd ee dadka soo food saartay si tartiib tartiib ah bay isku bedeshay. Xaalku waxa uu noqonayaa dad la aragyaaba ibtilo la arag. Haddii aad qof si kedis ah ula kulanto, waxa aad gelaysaa taxader aad u weyn. In uu ku dilo ama ku dhaco ayaad ka baqaysaa. Haddii uu ku dhaafana, in uu ku soo dabagalo oo uu basaaso halka ay kooxdaadu ku dhuumanayso kadibna col idinku soo horkaco ayaad ka cabsanaysaa. Isna xisaabtaada mid leeg ayuu isku geysanayaa, waxana ay u badnaanaysaa in aad is fara saartaan oo aad gashaan dagaal uu mid kastaa rabo in uu naftiisa iyo dadka uu jecel yahay ku badbaadiyo!
Sidaa awgeed, musiibadan mar kasta la filan karo, meel walbana ka iman karta waxa ay keenaysaa in ay goor kasta khatari ku xeernaato dadkii la jeclaa oo marar badan la cuno ama la dilo. Waxa joogto ahaanaya werwerka laga qabo mustaqbalka, oohinta loo ooyayo qof la jeclaa oo mushkiladdu asiibtay iyo qofkaas oo kolka uu dhinto la tebayo, loona murogoonayo. Xaalku markaas waxa uu noqonayaa in tab iyo xeelad la isugu geeyo badbaadada; in nafta, qoyska iyo dadka la jecel yahay nabad galaan. Badbaado awgeed ayaa dadka kale naftooda khatar loo gelinayaa, loo dhacayaa, amaba loo laynayaa. Qiyam kasta oo la lahaa waa laga dhex baxayaa sidii maryaha oo kale, oo waxa lala imanayaa tab iyo xeelad kasta oo lagu badbaadi karo.
Markaas ayaad filinka yara joojinaysaa maskaxdaaduna si iskeed ah dood uga bilaabmaysaa. Akhlaaqda ayaad is weydiinaysaa. Horta waa maxay akhlaaqdu? Xaaladuhu ma iyaga ayaa akhlaaqdooda wata, mise waa wax aan is beddelin oo duruuf kasta lagula macaamili karo? In aad badbaaddaa ma in naftaada iyo jidhkaaga ilaashataa mise waa in aad qiyamkaaga iyo mabaadii’daada dhawrato?
Waxa aad is barbar dhigaysaa Baaderi Gabriel iyo Oday Dale oo aad is weydiinaysaa kooda saxsanaan kara. Baaderigu waxa uu kooxda ku soo biirayaa isaga oo ah nin qiyam diimeed leh, aaminsan akhlaaqda, ballanka iyo reebanaanta dilka iyo waxyeellaynta dadka kale. Waxa uu ku dambaynayaa arxan-laawe aan ballan iyo axdi midna lahayn oo si kasta oo ay naftiisa iyo kooxdiisu ku badbaadi karto yeelaya xataa haddii ay keenayso in ay diintiisii khilaafto. Oday Dale se isagu uu yahay nin qiyamkiisa iyo mabaadii’da uu aaminsan yahay ku adag. Si kasta oo ay duruufuhu u adkaadaan in aan laga tegin dadnimada ayuu qabaa. Waxa ay mar kooxdu helaysaa wiil dhallinyaro ah kadibna sidii laga yeeli lahaa ayaa la isku khilaafayaa. Kooxda intooda badan oo Shane hor kacayaa waxa ay ku doodayaan in ninkaas la dilo, waayo haddii la sii daayo waxa uu inoo sheegayaa kooxdiisa oo ina soo weerari karta. ‘Haddii aynu rabno in aynu badbaadno waa in aynu ninkan dilnaa’ ayuu Shane dooddiisa ku soo afmeerayaa.
Oday Dale ayaa gaashaanka u daruuraya. Waxa uu isweydiinayaa haddii aynu samayno falalka ay kooxaha qarribani yeelayaan kuwo la mid ah, saw noqon mayno kuwo sidooda oo kale xunxun? Waxa uu carrabka ku adkaynayaa in haddii la rabo in la badbaado ay waajib tahay in dadnimada la ilaashado isaga oo doodiisa ku dhaabadaynaaya, “The world may be broken, but we should not become monsters.” Kooxdu waxa ay si aqlabiyad ah ugu codaynayaan in wiilkaas la dilo, balse Oday Dale wuu ka cadhoonayaa oo kooxda wuu iskaga tegayaa si uu u ilaashado qiyamka iyo dadnimadiisa, nasiib darro se inyar marka uu socdo ayuu orgobe soo weerarayaa oo halkaas ku allaysanayaa.
Waxa kale oo aad ku baraarugaysaa kala duwanaanta hoggaamineed ee u dhaxeysa dadka kooxaha iyo maamullada kala haysta. Qaar koobani waa kuwo qiyam leh, balse u muuqanaaya dad jilicsan oo aan duruufaha la dabbaalan karin, xukunkooduna ma sii raagayo. Qaar kale iyagu waa kuwo aan qiyam iyo akhlaaq midna lahayn, xukunkooduna uu raagayo, saameyn weyna wuu yeelanayaa laakiin aakhirka maamulkoodu wuu dumayaa. Halka hoggaamiyayaasha ugu dambeeyaana ay yihiin kuwo qiyam leh balse kolka ay badbaadadu ka fursan weydo in qiyamka laga baxo oo wax la soo kharribo, aan ka laba-labaynayn. Si kooban, waxa aynu odhan karnaa, waa hoggaamiyeyaal akhlaaq leh inta aan la gaadhin duruufo sababaya in akhlaaqda laga baxo. Waxa ay arrintani kugu dhalinaysaa su’aalo kale; Ma waajibaa in uu hoggaamiyuhu noqdo qof akhlaaq ku gaashaaman mise ma aha? Haddii shaqada hoggaamiyuhu ay siyaasad tahay, siyaasadda iyo akhlaaqdu intay isku jiraan? Ma dhabaa ‘policy has no morality’?
Inta aad taxanahan daawanayso waxa niyadaada ku soo dhacaysa sheekadii ‘Faaliyihii La Bilkaday’ ee Muuse Galaal ama halhayska carabeed, ‘الإنسان بيئة ناطقة’. Deegaanku marka uu si kedis ah khatar u noqdo, waxa ay dadku u qaabaysmayaan sidii ay khatartaas uga badbaadi lahaayeen, ulana qabsan lahaayeen xaaladdaas soo korodhay. Kuwa isbeddelkaas la jaanqaadi kari waayaa waxa ay ku fashilmayaan in ay samata baxaan, sidaas awgeed waxa aad arkaysaa shakhsiyaadkii iyo kooxihii oo noqonaya kuwo ay duruufuhu tababareen oo adkaysi u yeelanaaya xamilidda gaajada iyo isbedelka cimilada. Waxa ay noqonayaan kuwo leh xirfad dagaal oo sare. Bilawga taxanaha waxa aad ku arkaysaa dumarka oo gudanaya kaalintoodii dhaqanka ahayd ee ay nolosha ku lahaayeen, sida karinta ama dhaqidda maryaha. Balse dhakhso ayuu nidaamkaasi isu bedelayaa waxana ay gabdhihii noqonayaan dagaalyahano aan loo babac dhigayn oo mararka qaar kooxaha iyo maamullada hoggaamiya.
Waxa kale oo aad ku baraarugaysaa sida ay kooxuhu isku saameeyaan. Marar badan kooxda waxa ku soo biiraya qof nugul oo fulay ah, kaas oo aan aqoon xataa sida mindida loogu dagaalamo, balse muddo kadib waxa aad arkaysaa isaga oo noqday dagaalyahan geesi ah oo isna marar badan kooxda kala baxsanaaya xaalado khatar ah. Saamaytaasi hab dhaqanka oo keli ah kuma eeka, ee sida oo kalena qofku waxa uu la fikir noqonayaa kooxda uu ku biiro, oo is arkayaa isaga oo nafta u huraaya difaacidda waxa ay aaminsan yihiin.
Tusaale ahaan haddii saddex qof oo walaale ah ku kala biiraan Whisperers, Cannibals iyo Alexandria, muddo kadib waxa uu mid kastaa nolosha ka haysanayaa fikir gaar ah. Ka koowaad waxa uu aaminayaa in dadku la mid yahay xayawaanka kale oo ay dhammaantoodba si siman dabeecadda qayb uga yihiin. Waxa uu ku doodayaa si aad u noolaato waa in aad dareemadaada oo dhan dishaa iyo aqoonsigaaga qof ahaaneed (Magac ma lihid, xidhiidh ma jiro, adigu adigii ma tihid ee waxaad tahay xayawaan). Waa in aad noqotaa xor la mid ah dugaagga kale, qofka sidaas yeeli waayana waa in la dilaa. Ka labaadna isagu waxa uu aaminayaa in dunida sida keli ah ee loogu noolaan karaa ay tahay in aad noqotid ugaadhsade, haddii aad kaas noqon weydid, waxa aad ku qasbanaanaysaa in adiga lagu ogaadhsado, sidaas awgeed waa in aad dadka kale dabataa oo aad iyaga hilibkooda cuntaa halkii aad dhibbane u noqon lahayd. Ugu dambayn walaalka saddexaad ee isagu tegay magaalada Alexandria, waxa uu qabaa rejo weyn oo ah in dib ilbaxnimadii loo soo celin karo, sharcigii iyo kala dambayntii loo hirgelin karo, isla markaana xidhiidho caadifadeed la samayn karo iyada oo la iskaashanayo oo gacmaha la is qabsanayo.
Gunaanadkii, taxanuhu waa mid shucuurtaada kicinaya, marar badan kaa oohinaya, xilliyo kalena kaa qoslinaya. Waxa kaa soo hadhaya indho mararka qaar yaab la cascasaanaya, kolal kalena u bogid iyo la dhicid la ballaadhanaya. Dareennadaada jacaylka, nacaybka, quusta iyo rejada ayaa marar badan hal mar kugu wada kulmaya, markaas ayaad dareemaysaa wax haddiiba aad fahamtid aadan micnayn karin, xilliyo kalena marba dareen ayaad si qoto dheer ugu libdhaysaa. Taxanuhu caadifaddaada oo keli ah ma hananayo ee waxaba ka badan inta uu kugu khasbaayo in aad is weydiiso su’aalo falsafadeed,oo xataa haddii uu sannad ka soo wareego goortii aad daawatay, aan sidii shucuurta oo kale kaa tegayn ee marba kugu soo noqnoqanaya.
Tusaale ahaan marka aad akhbaarta daawatid ayuu waaqicu kuula muuqanayaa mid la duruuf ah dunidii uu taxanuhu soo gudbinayay. Markaas ayay su’aalo maskaxdaada ku furmayaan oo aad isweydiinaysaa; Talaw sababta asalka u ah khilaafaadka aadamuhu, ma khayraadka iyo werwerka laga qabaa? Maxaa kale oo sababa nacaybka bulshooyinka u dhaxeeya? Qofku dal uu ku dhex gaajoonayo, kuna dhex dayacan yahay, ma jidbaa loogu leeyahay in uu xuduudkiisa difaacdo? Horta in ay dadku yeeshaan xuduudo oo kooxo ku kala abtirsadaan haddii ay ahayd baahi bilawgii hore ee nolosha ay duruufaha iyo badbaadadu sababeen, imika ma la heli karaa xalal kale? Xalal kale oo talaw sidee ah? Khatarta ugu weyn ee dadku weligii soo waajahayay ma isla dadka uunbaa?
Taxanahani waa kii iigu weynaa ee saamayn igu yeesha. Waxa aan dadka aflaamta daneeya kula talin lahaa in ay daawadaan, siiba kalalka ugu horreeya.