Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Tix

Walaashay Macooyo

23 May, 2026
Image
Walaashay Macooyo
Share

Walaashay Macooyo waa maanso kooban oo leh qaab masraxiyadeed. Waxa ay ka warramaysaa wiil la yidhaahdo Kuus, qoyskiisa, iyo murugo culus oo ku dhacday kaddib markii walaashii Macooyo ay ku nafweyday hawlgal lagu burburinayay guryo dad sabool ahi degganaayeen.

Kuus iyo qoyskiisu ma ahayn dad si xoog ah ku qabsaday dhul dan guud ah. Waxa ay ahaayeen qoys ka soo hayaamay baadiyaha, kaddib markii abaar daran ka laysay xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd. Sannadkii 2011-kii, wadaad samafale ah ayaa ka soo raray halkii abaartu ku haleeshay, waxaana markii dambe la dejiyay saddex qol oo jiingad ah oo ku dhex yaallay Xaruntii Dugsiga Dadka Waaweyn.

Xaruntaas waxaa ka kireeyay nin la odhan jiray Jaalle Ilguduud, oo lagu tilmaamay nin ku caan baxay boobka, bililiqada, iyo ka ganacsiga dhulka danta guud. Sidaas darteed, qoyska Kuus waxa ay noqdeen dhibbanayaal laba jeer la dulmiyay: marna abaar iyo caydh bay ka soo carareen, mar kalena waxa ay ku hoos dhaceen nidaam musuq iyo xoog ku dhisan.

Macooyo waxa ay ahayd gabar waxbarashada jecel, han weynna ka lahayd nolosha. Waxa ay wax ka baranaysay dugsi lagu barto afafka iyo suugaanta. Hase ahaatee, riyadeedii waxbarasho waxa gooyay cagaftii dawladda hoose, xilli lagu jiray hawlgal dad lagaga saarayo dhul dawladdu sheegatay.

Geerida Macooyo waxa ay Kuus ku reebtay tiiraanyo, caro, iyo weydiimo aan jawaab loo hayn. Waxa uu raadiyaha ka maqlay war sheegaya in dadkii ku dhintay hawlgalkaas lagu tilmaamay “burcad hubaysan”. Halkaas ayay maansadu ka dhalanaysaa: waa codka walaal murugaysan oo is weydiinaya cidda dhab ahaantii masuulka ka ah geerida walaashii.

Haddaba, yaa sabab u ahaa dhimashada Macooyo? Ma Jaalle Ilguduud baa? Ma cagafta dawladda hoose baa? Mise waa nidaamkii oggolaaday in saboolka, masaakiinta, iyo maatidu ay noqdaan kuwa mar walba la dul maro?

Maansada:

Wadaagay malaaqow,
Murddiyow wadaadow,
Mudanoow ustaadkow,
Magacaygu waa Kuus.

Mudankii i dhalay iyo
Hooyaday Muraayona,
Waxa maalin hore raray
Maaraynta cagafyada.

Walaashay Macooyana,
Maarraha dagaalkiyo
Madfac baa ku yurursaday;
Meydkeeda lama dhaqin.

Walaalkay Muriidina,
Maqalkaa dam yidhi,
Mooyee “siduu yahay”,
Ma muraayaddaa jaban?

Anna maalin kuma ledin
Minankaaga oo kale,
Waxse muunad ku lahaa
Muddulkii siraadnaa.

Maanta tuugsan maayo,
Maal waxaan ka haystaa
Milgo xeebta lala tago
Kaga maago wiirsiga.

Muruqaygu waa kayd,
Mededkaygu waa diin,
Musdameedka noloshuna
Waa maraxa kuu qoran.

Mahiigaanka roobkiyo
Milaygiyo ayaamuhu,
Hadday maayad keenaan,
Mindaroof leh kama galo;
Muska waan ku caacaa.

Maalmahan kaliishiyo
Maxarshoonka jiilaal,
Suudiga maqaar-gubad,
Milicdaan u taagnahay.

Maryahayga calalka ah
Marna kama masuugo,
Masalkoodna kama dhigo
Marashada dadweynaha.

Afartaa marshee maqal,
Muufada ku naaxoow,
Meydkeeda aragnaye,
Madaxweynahaygoow,
Magta yaan ku leennahay?

Kolley ruux ma mahadine,
Mushmushaaxa socodkiyo
Muudsiga barwaaqada,
Tamashlaha mardaaddiga,
Maalmahan lagu lumay,
Madaxweynahaygoow,
Miyaan laga furayn dood?

Mugga anigu yaabaye,
Maaraynta sheekada,
Inta kuu madiidina,
Marka showrka lagu jiro,
Madaxweynahaygoow,
Moodharkee ku socotaa?

Mahan, yaan ku daaline,
Inantaada magaca leh,
Mansabkeeda gaarka ah,
Meertada carruurtuna,
Maqaleey-warlaydiyo
Caddalool ku mariyaan,
Ma maarriin dhalaal baa?
Mise waa madoow-kuul?

Wadaagay malaaqow,
Murddiyow wadaadow,
Mudanoow ustaadkow,
Muuqaalka guud iyo
Murugadan istabataal,
Maatadan cidlada waran,
Mayeeraanka socod la’,
Miriqlaha xanjeer go’ay,
Ma hayadan walaaca ah,
Ma lihidu ku dabantahay?
Musiibadu ku milantahay?
Belaayadu ku marantahay?
Madaxweynahaygoow,
Mufti miyaad u leedahay?

Masraxyada la daawado,
Muusiggiyo macaanka leh,
Hooballadu mashxaradaan,
Marxabbada ku heesaan,
Marka taar ka soo dhaco
Maqsinkaaga yaabka leh,
Madaxweynahaygoow,
Maalkaagu badanaa,
Malyuumaad ma garaa?

Mahan, yaan ku daaline,
Inantaada magaca leh,
Mansabkeeda gaarka ah,
Meertada carruurtuna,
Maqaleey-warlaydiyo
Caddalool ku mariyaan,
Ma maarriin dhalaal baa?
Mise waa madoow-kuul?

Wadaagay malaaqow,
Murddiyow wadaadow,
Mudanoow ustaadkow,
Darku maaxjab weeyaan,
Meytida wax lagu dhaqo
Kama miirna weligii.
Madaxweynahaygoow,
Miyaadaan na eegayn?

Mindidaadu waa gaar,
Marka goolka qalatona,
Adaa maraqsanaayoo
Muska qaybi kuu taal.
Madaxweynahaygoow,
Wararkayaga ma ogtahay?

Midka hilibka doorka ah,
Xaydhiyo cadkii mudan,
Marba gacan ku leefiyo,
Murdisadu ku daalayn,
Madaxweynahaygoow,
Ma ogtahay ayaantaa?

Madoobaa rugtaaduba,
Waa xaal maroor galay;
Adaa maraqsanaayoo,
Maqashiyo xayeeshidu
Marti kaama sugayaan.
Madaxweynahaygoow,
Noognaye ma noo iman?

Marka haadku soo dego,
Maydkii lagu meeraysto,
Murugadu ku baahdana,
Ma joogtaa sedeedaba,
Madaxweynahaygoow,
Mise waa ka maqantahay?

Musuqiyo xaraashkiyo
Maydhaamashada guud,
Nahay maqaddimkeedii,
Mayootaba ha noqotee.
Mar inaan tahriib galo,
Macalcune, ogaal-xume,
Mad-habtaada weeyaan.
Madaxweynahaygoow,
Miyaad eed ku leedahay?

Mahan, yaan ku daaline,
Inantaada magaca leh,
Mansabkeeda gaarka ah,
Meertada carruurtuna,
Maqaleey-warlaydiyo
Caddalool ku mariyaan,
Ma maarriin dhalaal baa?
Mise waa madoow-kuul?

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Ina Jicinbir Wuxuu Yidhi