Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Wada-hadalladii Iiraan iyo Maraykanka oo ku soo dhammaaday heshiis la’aan

12 April, 2026
Image
Wada-hadalladii Iiraan iyo Maraykanka oo ku soo dhammaaday heshiis la’aan
Share

Wada-hadal aad u adag oo Maraykanka iyo Iiraan ku dhex maray Islaamabaad ayaa xalay soo dhammaaday, iyada oo aan waxba la isku afgaran. Wada-xaajoodkan oo ahaa mid adag, dhacayay xilli aad u kakan haddana heer sarreeyay ayaa ay u kala dabqaadaysay Baakistaan oo ku guuleysatay in ay labada dhinac yeeshaan kulan fool-ka-fool ah. Madaxweyne Xigeenka Maraykanka, JD Vance, oo ay weheliyaan Ergayga Trump, Witkoff, Jared Koshner iyo xubno kale ayaa kulamo toos ah la yeeshay Guddoomiyeha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Qaalibaaf oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan, Cabbaas Caraaqji iyo xubno kale, waxana ay labada dhinacba miiska soo saareen qodobbo dhinaca kale u ah lagama-doodaan, taas oo jid oodan galisay wada-hadallada.

Madaxweyne Xigeenka Maraykanka ayaa sheegay in Iiraan ay diidday shuruudihii Maraykanka, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid xun oo weliba u sii xun Iiraan. Waxa uu sheegay in ay galeen wada-hadallo wax-ku-ool ah, laakiin aanay waxba ka soo bixin. Dhankooda, weftiga Iiraan ayaa u sheegay wakaaladaha wararka ee Iiraan in wada-hadalkani ku soo dhammaaday natiijo la’aan, sababta oo ah Maraykanka ayaa la yimid shuruudo xad-ka-bax ah, waxana ay sheegeen in Maraykanku filayeen in ay wada-xaajoodkan ku helaan waxii ay ku waayeen dagaalka.

Wada-xaajoodkan waxa ay Iiraan miiska soo saartay qodobbo ay sheegtay in sidooda lagu hirgaliyo oo ay ka mid yihiin in uu Maraykanku aqoonsado in marinka Hurmus uu yahay meel ay Iiraan ku leedahay awoodo maamul oo gobeed, in la soo fasaxo hantida Iiraan ee ku xanniban dibedaha, in magdhaw buuxa laga bixiyo khasaarihii dagaalkii lagu qaaday iyo in xabbad joojinta labada dhinac ay saameesho guud ahaan galbeedka Eeshiya oo ka dhigan in Israa’iil joojiso dagaalka Lubnaan iyo kooxaha kale ee Iiraan la ah xulafada. Qodobbadan ayaa uu Maraykanku u arkaa in ay isugu jiraan kuwo aanu aqbali karin iyo kuwo ay ka horreeyaan in ay Iiraan aqbasho qodobbadiisa oo ay ka mid yihiin; joojinta dhammaan hawlaha la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka, dhimista tirada iyo riddada gantaalaha iyo joojinta kaalmada wakiillada Iiraan ee gobolka. Iiraan ayaa, dhankeeda, u aragta qodobbadan kuwo aanay aqbali karin.

Wada-hadalkii, hadda, waa lagu kala tagay, waxa se weli socota xabbad joojintii labada toddobaad ee ay dhexdhexaadisay Baakistaan oo weli dadaal ugu jirta in ay aragtiyaha isu soo dhaweyso. Ha se ahaato e, waxa jirta khatar sare oo ah in ay dhinacyadu dib ugu laabtaan dagaalkii.