Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Waayaha Soomaalida ku Dhaqan Koonfur Afrika

26 February, 2025
Image
Uncle Ibrahim
“Uncle” Ebrahim Mohamed Ali stands in his shop in Mayfair, a suburb west of Johannesburg.
Share
Makhaayada bunka ee adeer Ibraahim Maxamed Cali waa xarun Soomaalida Johaanisbeeg ku bulsheeyaan oo ku sheekaystaan. Sidoo kale waxay tusaale u tahay sida qurbajoogta Afrikaanka ah ee qaaradda ku nooli lacag ugu diraan dalalkay ka yimaadeen.

Maalin kasta, barxadda yar ee ku hortaalla maqaaxida Adeero Ibraahim Maxamed Cali waxa buuxiya rag Soomaali ah oo siyaasad, waayo aragnimo iyo dhacdooyinkii dalka ugu dambeeyay is waydaarsanaya. Dadka agagaarkaas dega oo dhan ayay makhaayaddani saldhig u tahay, oo badiyaaba miisaska gudaha yaalla inta ay buuxsamaan, ayaa kuraas dibadda safan qaxwaha, keega iyo kackaca uu adeero Ibraahim ku caanka yahay sheekooyinkooda ku adkeeyaan.  Makhaayaddan loo yaqaanno Ibrahim Qaxwe waxa ay ku taallaa xaafadda Mayfeer ee galbeedka magaalada Johaanisbeeg. Waxa ay summad u noqotay kala duwanaanshaha dhaqan ee ay qaxoontiga Soomaalida iyo Itoobbiyaanku magaalada qaybteedan ku soo biirsheen.  Bedka   ay makhaayaddani ku fadhido, inkasta oo uu yaryahay haddana waa mid xilli walba nolol iyo dhaqdhaqaaq ka buuxo. Gidaarrada makhaayadda waxa ku sharraxan agabyo dhaqan, calan, xasuuso iyo waliba sharraxaado kale oo summad u ah nolosha iyo hiddaha Soomaalida, sida qalabyada muusigga iyo sawirrada dad Soomaaliyeed oo caan ah.

Ibraahim, waxa uu hore u haystay meel lagu toostoosiyo gawaadhida shilalka gala, laakiin markii ay qaraxday mawjaddii takoorka  ee qaxoontigii Koonfur Afrika joogay lagu la kacay falal arxan darro ah, Ibraahim ganacsigiisii waa la dhacay. Rabshaddaas ganacsigiisa oo keli ah kuma uu waayin ee sidoo kale waxa uu ay isku waayeen walaalkii oo aanu 17 sannadood dib u arag. Ka dib markii wax walba oo uu hore u haystay ku waayay dhacdadaas, waxa ay dani bidday in uu waddooyinka ku iibiyo bunka  14kii sanno ee u dambeeyayna ganacsigan uu maanta gacanta ku hayo ayaa uu soo dhisaayay.

Warbixin ay soo saartay madasha Xenowatch ee xarunta qaxoontiga iyo bulshada Afrikaanka ee jaamacadda Witwatarsand, waxa ay tilmaantay in la diwaangaliyay wax ka badan 1,143 xalaadood oo takoor ah laga bilaabo 1994. Dhacdooyinka aan la diwaan galin haddii lagu darana tiradu intaas way ka badan kartaa. Ugu yaraan 680 qof ayaa lagu dilay dhacdooyinkan halka ay in ka badan 120,000 oo qof ku barakaceen.  Intaas in leeg ayaa dhaqaalahana soo gaadhay, waxaana la lagu dhacay  in ka badan 5,600 oo ganacsi iyo meheradood, taasina waxa ay sababtay in dad badan oo qaxoonti iyo magangaliyo doon isugu jiraa ay dakhiligoodii ku waayaan.

Jaantusahani waxa ay ina tusinayaan sida uu takoorkani dalka gudahiisa joogto iyo shaacsane uga yahay isaga oo hoosta inooga xarriiqaya saamaynaha uu ku leeyahay naf iyo dhaqaaleba. Sidoo kale jaantusahan waxa uu inagu bararaarujinayaa saamaynta ay dhacdooyinkani kaga tagaan dadka badan ee Ibraahim ka midka yahay, kuwaas oo ay qasab ku noqotay in ay kaligood wax walba dhulka ka soo bilaabaan, iyaga oo aan wax garab iyo caawin ah jaadka ay doonto ha ahaato e meel ka helayn. Kolka laga yimaaddo in ay masuuliyadi ka saarnayd biilinta naftiisa iyo reerkiisaba koonfur Africa gudaheed, waxa kale oo 58 jirkan soomaaliyeed dabada ka riixayay isla markaana dhiirigelinayay masuuliyad labaad oo uu iska saaray caawinta qaraabadiisa joogta Soomaaliya.

“Mar walba ma sahlana, haddana waa qasab in aan reerka dalka igaga dambeeya lacag u diro. Ma aha arrin aan doorasho u leeyahay. Lacagta aan halkan ku sameeyo ha yaraato ama ha badato ee bil walba waa la iga sugayaa” ayaa uu Ibraahim igu yidhi, isaga oo makhaayaddiisa dhex fadhiya. Waxa uu kale oo uu ku daray“Fasax ma yeesho, fasaxa keliya ee aan helaa na  waa inta aan salaadda jimcaha soo gudanayo, wixii intaas dhaafsan halkan ayaan mar walba si is dhigasho la’aan ah uga shaqeeyaa, waayo masuuliyad ayaa iga saaran reerkayga dalkan ku sugan iyo kuwa dalkii hooyo igaga danbeeya labada”.

Lacagta ay qaxoontigu xawaaladaha ugu diraan dalalkooda ay ka soo haajireen, waxa ay il dhaqaale oo aad u muhiim ah u tahay malaayiin reerood oo Afrika dacalladeeda kala jooga. lacagahan sannad kasta qaaradda ku soo arooraa waxa ay reero badan dhaqaalahooda maxalliga ah iyo waliba miisaaniyadda qaran ee dalal badan u yiihiin caawimo laga maarmaan ah. Sida ay soo ifbixisay daraasad uu Bangiga Aduunku sameeyay, sannadkii 2022 oo keli ah, waxa dalalka saxare u eekaha ah ee Afrika xawaaladaha ka soo galay lacag dhan $53 bilyan oo doollar, lacagtaas oo ah mid ka badan inta dalalkan ka soo gala maalgashiga ajaanibta iyo waliba taageerooyinka horumarineed. Xaqiiqadan waxa aynu ka dheegan karnaa doorka lagama maarmaanka ah ee ay lacagahani ku leeyihiin xoojinta dhaqaalaha.

Sida ay qabto daraasad kale oo ay Oxfam samaysay, ku dhawaad 1.3 bilyan oo doollar ayaa ay Soomaalida qurbajoogtu sannad walba u diraan reerahooda iyo asxaabtooda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ay nolashoodu ku tiirsan tahay lacagahan. Khubarada dhaqaaluhu waxa ay tiradan ku qiyaasaan in ay u dhiganto 25% ilaa 40% tacabweynaha guud ee dalka, taas oo ina tusinaysa awoodda ay lacagahani ku leeyihiin kaabista dhaqaalaha iyo waliba la tacaalista masiibooyinka. Waxa tan danbe tusaale cad u ah doorkii muhiimka ahaa ee ay lacagahani ka ciyaareen la tacaalidda abaartii dalka ka dhacday sannadkii 2011. Xilligaas lacagaha xaawaladaha soo mara waxay buuxinayeen hawshii ay hay’adaha caawimuhu ka gaabiyeen.

Ilaa maanta, malaayiin qoys oo Soomaali ah ayaa bil walba suga lacagahan, si ay ugu kafeeyaan waxbarashada, caafimaadka iyo baahiyaha asaasiga ah ee carruurtooda iyo qoyskooda. Celceliska dakhliga ay shaqaalaha qurbajoogtu u soo diraan reerahooda dalka gudahiisa jooga waxa ay qayb weyn ku darsadaan kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta rajada dawladdan laciifka ah. 

Daktoor Sabeelo Embookaazi, Maamulaha guud ee Waaxda Shaqaalaha, Shaqaalyasiinta iyo Qaxoontiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dawlado badan oo Afrikaan ahi ku soo baraarugayaan aqoonsi buuxdana siinayaan doorka ay lacagahan xawaaladuhu ku leeyihiin dhaqaalaha dalkooda.  “Waxa aynu aragnaa in ay lacagahani noqdeen raasmaalyo waaweyn oo bangiyada soo dhex mara, taas ayaana sababtay in ay dawladuhu u soo jeestaan” ayuu yidhi. "Dalalkani waxay hadda rabaan in ay nidaamiyaan ka-qaybgalka dhaqaale ee qurba-joogta, waayo xiiso badan ayaa hadda loo qabaa xaawaladaha iyo saamaynta ay dalka dhaqaalahiisa ku leeyihiin." Embokaazi  waxa kale oo uu sheegay in Ururka Midowga Afrika aasaasay xafiis u gaar ah Xawaaladaha kaas oo looga gol leeyahay dajinta istiraatiijiyad suuragalinaysa in xawaaladaha loogaga faa’idaysan karo hannaanka horumarinta iyo la dagaallanka saboolnimada ee qaaradda.

Daabacaadda labaad ee warbixinta qaxoontiga Afrika ee ku salaysan xogaha ay soo ururiyeen Ururka Midowga Afrika iyo hay’adda Qaxoontiga ee Caalamiga ah (IOM), waxa ay dhigaysaa in qaxa ka socda koonfurta iyo bariga Afriki qayb ka yihiin shaacsane qax oo qaaradda guud ahaanteed si balaadhan uga jira, qaxan badankiisu waa qaar qaaradda gudaheeda ku kooban.

Sannadkii 2020-kii oo keli ah, qaxoontiga Afrikaanka ah in ka badan kala badh waxa ay ku sugnaayeen Afrika gudaheeda halka 83% qaxoontiga dalalka Afrika u hijrooda ay ka soo jeedeen dal kale oo Afrikaan ah. Qaxoontiga Koonfurta Afrika ku sugan 2% ayaa ay ka yihiin tirada guud ee dadwaynaha, halka tirada qaxoontiga bariga Afrika  ku sugan ay hoos uga dhacday sidii hore oo tirada dadka ka qaxaaa ay hadda ka badatay dadka u soo qaxa.

Jaantusayadani waxa ay caddaynayaan in hijrooyinka Afrika ka dhacaa u badanyihiin qaar ku kooban qaaradda gudaheeda marka laga reebo hijrooyinka waqooyiga Afrika ka dhaca, kuwaas oo badanka u qulqula dhanka Yurub iyo barriga dhexe.

Sida ay xogihii ugu dambeeyay dhigayaan, waxa ay Koonfurta Afriki hoy u tahay 2.9 milyan oo qaxoonti ah, taas oo ka dhigaysa dalka ugu qaxoontiga badan Afrika. Tiradan badan ee qaxoontigu waxa kale oo uu dalka ka dhigay mid door weyn ku leh qulqulka lacagaha xaawaaladda ee Afrika gaar ahaan dalalka koonfurta qaaradda.

Sannadkii 2022-kii, waxa ay qaxoontiga ku sugan Koonfur Afrika dalalka ay ka yimaadeen si rasmi ah ugu xawileen lacag dhan 991 milyan oo doollar, halka lacag aan taas ka yaraynna si aan rasmi ahayn loogu xawilay. Dakhligani reeraha uu gaadho wax badan ayaa uu ka caawiyaa. Hayeeshee lacagahan la xawilaayo oo kaash caddaan ah u badan, khidmada ay xawaaladuhu ka goostaan lacagaha ay xawilayaan oo sarreeya dartiis, waxa dhacda in badiyaaba aanay reerahani helin lacagihii loo soo xawilay oo dhammaystiran.

Iyaga oo arrintan ka duulaya, Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale ayaa u olalaynaya in ilaa 2030-ka la suuragaliyo in khidmada adeeg ee xawaaladaha 3% hoos looga dhigo, taasina waxa ay reero badan u reebaysaa lacag tiro badan oo kaga bixi lahaa khidmada xawilaadda. Dalalka Koonfur Afrika waxa ay hore u bilaabeen dedaallo ay ku hirgaliyeen in khidmada adeeg ee xawalaadaha 3% hoos u ridaan, dedaallo ay ku gacanlahaayeen hay’adaha ay ka mid tahay FineMark Trust waxa ay ka dhabeeyeen in intii u dhaxaysay 2019kii iyo 2021kii, fiigii 12.2% ahaa laga dhigo 9.6%. In kasta oo aanay qiimo dhimistani 10% gaadhinba, haddana dad badan oo uu Ibraahim ka mid yahay, dhibic kasta oo fiigan xawaaladaha laga dhimo waxa ay ka turjumaysaa lacag dheeraad ah oo ku biiraysa lacagaha ay reerahooda u dirayaan.

Sheekada Ibraahim waxa ay marag maddoon u tahay adkaysiga qaaradda Afrika iyo saameynta sii kordheysa ee ay ku leedahay horumarka caalamiga ah, iyada oo la jaanqaadaysa himilooyinka iyo yoolalka Ajendaha 2063 ee Midowga Afrika. In si buuxda loo aqoonsado saamaynta ay xawaaladuhu ku leeyihiin dhaqaalaha iyo xoojinta nabad ku wada noolaanshaha, waxa ay dalal badan oo qaaradda ah u saamaxaysaa in malaayiin qof oo uu Ibraahim ka mid yahay dhiirigaliyaan rajadoodana sii xoojiyaan.