Wednesday 12 August 2026
Dhabarkeeda xoodan ee aad mooddo in hilibkii laga feentay ayay darbiga qabow ku tiirisay. Qoorteeda soo jabtay ayay labada low ku caabinaysa. Gacmeheeda dhuudhuubanna waxa ay ku waydaartay labada lugood ee ay lawyohooda maciinsanayso. Si murugo leh ayay u gandoodaa. Waa toddoba iyo toban jir faqrigu ka soo qixiyay dhulkeeda iyo ehelkeeda. Waxa ay waayuhu badeen in ay u soo shaqa doonato dad aysan af iyo dhaqan aqoon. Ma huruddo mana soo jeeddo. Daal aan cidna u ogayn ayay dhacsaal la tahay. Waa abaare kow iyo tobankii habeennimo. Waxa ay qotontaa halkii ay weelka lagu casheeyay ku dhaqday. Jirkeedu waxa uu rabaa in uu nasto, dhageheeduna waxa ay heegan ugu jiraan dhagaysiga codka Hooyo Warsan. Marka ay indhaha isgalisaba xusuus xun baa soo hortubanaysa. Mar kasta oo ay xusuusahaas aragto waxa ay hoosta ka xarriiqdaa in ay berri subax gurigii hooyadeed aaddo, haddana, goorta waagu baryo, dan baa u run sheegta. Waxa ay xusuustaa halkii ay ka timid iyo waayihii ka jiray. Waxay dhaafi waydaa ujeedkii ay halkan u timid. Waxayna isku maaweelisaa in ay maalin un ka bixi doonta marka ay lacag badan ka aruursato shaqadan. Rejo ayay ku nooshahay.
Inkasta oo goobta ay fadhidaa aad u qabowdahay, haatan waa tan gataatidhacday. Waxa ay dhabardhabar isugu sii daysay darbigii ay awal iska haysay. Qabowga darbiga iyo xusuusihii danqinayayba waxaa ka awood batay daalkii ay la rafaadsanayd. Nasiibdarro, waxyar inta aanay hurdinba, waa tan booday, waxa ay ku baraarugtay gacan arxandaran oo xoodaaminaysa horraaddadeeda curdinka ah. Markii ay dhab u eegtayna garatay. Waa hummaag aan ku cusbayn. Waa Mahdiyare; wiilka qura ee Hooyo Warsan iyo barbaarka xaafaddan waxa uu doono ka socdaan.
“Aamus, aamus, waa anigiiye” ayuu kala hortagay jirkeeda sasay. Neef xooggan oo caro iyo ciilkaanbi leh bay dib u liqday. Cod kahasho leh bay “hakh” tiri. Jirkeedii difaaca galay baa guuldarro guddoonsaday. Niyadjab bay isla biliqday. Gacantii arxanka darnayd baa sii majuujisay. Sidii waraabe hilib boobaya ayuu hadba qayb jirkeeda dhaday ah walamsaday. Diricii xumaa buu kor uga siibay. Surwaal yar oo ay qabtay buu hoos u jeexay. Waxa uu u neeftuurayaa sidii sac oomman oo biya kor yimid. Bahalnimadiisa ayaa cirka maraysa. Sida uu dagganaantii wadnihiisa u lumiyay buu garashadiina u xooray. Waxa uu dhexda haystaa qoore dheer oo uu la goobayo uurka ayaandarantan hoos bilqan. Waxa uu si xoog leh u tuuray madaxeeda si uu qummaati ugu jiifiyo. Madaxii halgaadda ahaa ayaa ku dhacay miis geeskeeda yaallay. Qacda madaxeeda ka yeertay waxaa qariyay galaas miiska ka dhacay. “Qab qalalalalalaw” ayaa sii yeertay. “War waayo! Naa Jaaltu. Jaaltuyeey...” ayay ku dhawaaqday Hooyo Warsan oo qolkeeda ka maqashay sharqanta.
Beerkaa loo dhaafay. Hungadii iyo garab la'aantii haysay waxaa u sii raacay cabsida soo korodhay. Inkasta oo ay dulmane tahay, mar walba iyadaa danbiile ah. Haaheey. Sidaasuu dhigayaa xeerka jeebweyntu. Si gaar ah falkani waa u halis dhankeeda. Waxaa ku dhaboobaya dacaayaddii dirkeeda naflacaariga ah laga faafiyay. Waxaa lagu qaadi doonaa danbiga ah in ay aydhis qaadsiinaysay Mahdiyare oo ay ujeedkaasba u timid xaafadda. Waxaas oo dhanse waxaa ka daran, in ay shaqadeeda yar; oo iyada uga dhigan nolosha oo dhan iyo hoyga aanay ku gam'in, se, ay qabowga magaalada kaga gabbato ku waayayso.
“Hooyo waa aniga” ayuu goor danbe habartii ku aamusiyay isaga oo dib uga joogsaday jirkeeda uu halabsanayay. Waxa uu halhaleel u guntaday macawis xun oo uu goor hore halkaas ku xooray.
“Oo waa yaabe maxaad xilligan jikada ka haysaa” ayay warsatay iyada oo yaaban dibna uga noqotay qolkeeda ay ka soo baxday markii ay sharqanta maqashay.
“Hooyo biyaan u soo doontay, oo oon baan la soo salalay” ayuu ku sii qanciyay isaga oo jikada ka sii baxaya siina daba socda hooyadii.
***
Jaaltu, waa tan sidii bisad dhallaan arxandaran aragtay miiska yar hoos dhabbacan. Waatan mayeeraannimadeedu daahirtay oo nolosheeduba ilbiriqsiyadaas dulsaarantahay. Waatan ka fakaraysa sida xaal noqon doono daqiiqadaha soo aaddan. Waa tan mar kasta oo codka Hooyo Warsan sii fogaadaba leebka wadneheeda laga saarayo.
Haatan khatartu waa yaraatay. Garaacii wadneheedu waa soo dagay. Baqdintii ay wakhtiga ka qabtayna waa joogsatay. Waxa ay ka fakaraysaa sida ay ku badbaadday caawa. Haddii ay xusuusta dib u celisay, saddex sano oo ay gurigan adeegto ka tahay, waa markii u horraysay ee Mahdi fal arxan ah u sameeyo! Waxa ay yaqiinsatay, haddii uusan daqiiqaddaas go'aankii yaraa ee hadalka iyo bixidda ah qaadan, in aysan xilligan miiska hoos dhabbacanaateen e, yuururi lahayd albaabka hore ee guriga; iyada oo calalalladeeda gosha ku haysata. Waxay iswaydiisay ma arxan uu adiga kuu galaybuu sidaas u sameeyay mise isaga ayaa sharafkiisa beenta ah ku dhowranayay? Mooji, kollay adiga waa kuu arxan, ayayse isugu warcelisay!
Waatan ka soo baxday miiskii ay hoos dhabbacnayd. Waxa ay hadda dareentay xanuunka nabarro soo gaaray daqiiqadihii arxanka darraa. Madaxa ayay taabatay meel bararsan oo xoogaa xanfafaysa, wax qoyaan dhiig ah se ka wayday. Gumaarka ayay eegtay xaktin kaga taal oo uu ciddi ka galiyay Mahdi intii uu surwaalka jeexayay. Suxulka ayay dhugatay meel muruxsan oo ay dhulka ku xoqday intii ay miiska hoos galaysay. Allaylehe waa caymo, mar haddii aad weli shaqadaadii haysato, ayay isku samirsiisay. Waxa ay iska eegtay geesaha, marka ay cid arki waydayna waxay orod ku gashay qolkeeda. Neef laabteeda ku kaydsanayd ayay soo fasaxday. Waxa ay u faraxday sidii in ay dil ka badbaadday. Nasiibdarro, ma sii jirin farxaddaasi. Waxay ku ekayd intii ay ka soo xusuusanaysay waayeheeda kharaar.
***
Galmadu, sida caadiga ah waa agab raaxo oo nolosha iyo jiraalkaba qurxiya, laakiin, haddii aan loo adeegsan sida ay tahay amaba ugu yaraan labada noole ee isu galmoonayaa heshiis ku ahayn, waxa ay noqotaa hub wax gumaada iyo utun riiq dheer ka tagta. Jaaltu, waxa ay maqasho ama aragto, waxa ay ugu necebtahay galmo, maxaa wacay, waligeedba galmadu waxa ay u ahayd astaan gumaysi iyo qaab lagu tuso tabardarrideeda dhaqaale.
Caawa meertadaas xusuuseed bay dhex heehaabaysaa. Waxa ay dul taal sariir yar oo ay habeenkii ku dul ooydo. Waxa ay isu diyaarisay hurdo aanay hubin in ay heli doonto. Dhabanka ayay dhulka ku haysaa. Indhahase waa isku qaban la'dahay. Hurdadii iyo laxawgeediiba waxaa ugu danbaysay goortii uu naaska maroojiyay Mahdi. Waxa ay dhex dabaalanaysaa xusuusta waaya kharaar oo midiba mid u dhiibayso. Waxa ay ka fakaraysaa habeenkii ay silsiladdan cadaabta ah irridda ka gashay. Habeenkii Mahdi iyo hooyadiiba magaalada ka dhexeen. Habeenkii xaafadda looga tagay iyada iyo Xaaji Lugadheere. Habeenkii uu shaaha baas u dirsaday goor la sii kala seexanayay. Habeenkii uu nin aabbeheed le'egi lugaha ka kala ritay. Habeenkii uu iyada iyo qaadkii uu cunayayba isku gogosha ku dhammaystay. Habeenkii ay bikranimadeeda iyo farxaddeediiba gogoshaas uga soo kacday. Habeenkii foosha xumaa! Illin kulul oo ay ceshan wayday ayaa indheheeda sidii toggii uga burqatay. Waxa ay jeclaysatay in ay mar uun farxaddeedii ay gurigan la soo gashay dib u hesho, waase roob galbeed aaday iyo arrin aan la abdaynaynin!
“Allaahu Akbar” ayay maqashay. Waa Xaaji Lugadheere oo sidii caadada u ah marka uu qaadka dhammaysto salaatu layl ku soo xira. Codkiisani waa u saacad ay ku garato in waagu soo dhowaaday. Mar way ku faraxdaa oo waxa uu xusuusiyaa in habeenka dheeraa iyo xusuusihiisii foosha xumaaba soo gabagaboobi doonaan. Marna way ka naxdaa oo waxa uu codkaasi ku soo kiciyaa riiq dheer oo dib u dhex gaysa habeenkii xilka lahaa. Habeenkii uu Xaaji dheere cidlada ka helay ee uu badqabka jirkeeda iyo maankeedaba dhaafsaday dhowr daqiiqo oo uu hammaddiisa waalan gudo. Habeenkii haddaa oo kale iyada oo dhaawacan oo dhiigbaxaysa uu inta qubaystay salaaddan oo kale u istaagay ee codkiisa dheer ku lahaa “Allaahu akbar”. Habeenkii ay iswaydiisay wixii uu gaboodfal galayba ma hal qubays bay uga hareen? Habeenkii ay u qaadatay in Ilaaha Muslimiintu uu sidaas fudud ku dhaafo danbiyada waaweyn ee addoommadiisu galaan. Habeenkii uu u bilowday safarkan qarriban iyo waddadan lagu bannaystay jirkeeda.
“Naa Jaaltu, Jaaltuyeey, caku taas iyo hurda weynideeda, naa kac oo dadkan quraac u kari” ayay ku bariidisay Hooyo Warsan iyada oo albaabka garaacaysa.
“Allow yaa u sheega hurdo weynaan ha joogtee in aanan ilba isgalin habeenkii xalay ahaa. Allow yaa uga warrama in sababta hurda la'aantaydu tahay dadqalnimada wiilkeeda iyo odaygeeda ay koolkooshato. Hadday ogaato ma awalbay wax ka qabanaysay.” Ayay inta tiri oo indhaha illin qulqulaysay ka tiratay ka soo kacday sariirtii ay dul taalay una daqaqantay dhanka jikada si ay u bislayso quraacdii saaka xaafadda laga cuni lahaa.
***
Waxa ay dul fadhidaa dabka. Waxaa daawaha u saaran xabbad canjeelo Soomaali ah. Dhabanka ayay gacanta ku haysaa. Waxa ay saaka qaadaadhigaysaa go'aan ay indhawaale ka baaraan dagaysay. Waxa ay tallaaba tallaabo u qorshaynaysaa sidii ay go'aankaas ku fulin lahayd. Way cabsanaysaa, haddana waa dhiirranaysaa. Waxaa dhexdeeda ku murmaya laba ruux. Ruux fulay ah oo wadda kasta u maraya sidii uu u baajin lahaa go'aankeeda iyo ruux dhiirran oo dedaal kasta ku bixinaya sidii saaka ay ugu dhaqaaqi lahayd. Wax ay rogrogtaba hoosta ayay ka xarriiqday. “Ama geeri aakhiro ama guusha nololeed” ayay ku soo goysay.
Haatan, waxaa la gaaray goortii ay hawlgalka fulintiisa u qorshaysay. Kaligeed ayaa xaafadda ku soo hartay. Xaaji lugadheere shaqada ayuu u baxay oo ma joogto haylukustiisii. Mahdiyare waa isagii waxbarashada aaday oo waa taad ogayd. Hooyo Warsanna waa iyadaa sii socoto. Allaylehe waa la gaaray ayay iskula shawrtay. Qolka Hooyo Warsan ayay gashay. jilbaha ayay qotonsatay. Sariirta hoosteeda ayay qooraansatay. Boorso ku jirtay bay soo dhufatay. Fure jeebkeeda kore ku jiray bay ku dayday. Fag. Wataas ballaqan. “Allaylehe waa ku jiraa.” ayay ku hadaaqday iyada oo farxad is hayn la'. Waxay u qaadatay in ay riyoonayso. Dhabanka ayay iska dharbaaxday. Allaylehe waad nooshahay ayay isku qancisay. Waa Konton Garaam oo dahab ah. Waligeed ma ay sawiran hanti intaan le'eg. Waxay soo xusuustay in ayna halkani ahayn halkii ay ku farxi lahayd. Degdeg ayay u xiratay oo boorsadii halkeedii ku celisay. Horay ayay ka soo boodday. Waxay gashay qolka Mahdi. Waxa ay dabka kala sii baxday taleefonkiisii. Waa ayfoon 16 dhowaan hooyo Warsan u iibisay. Waxa ay tagtay qolkeeda. Waxay xiratay calalalladeeda kuwii ugu liitay. Waxay damacday in ay inta kale qaadato. Haddana waa ka walaacday oo waxa ay ka baqday in darisku ka shakiyo. Irridda ayay ka dagatay iyada oo bac yar ku sidata hantidii ay gacanta marisay. Waxa ay qabsatay bajaaj hor socotay. “Maanarayaa nagaysi” ayay ku tiri. Isaga oo malaha tunkeeda ka akhristay in aanay bixin karin lacagta manaarayaaga lagu tagana waxa uu ugu jawaabay. “birrii dhiba lama.”
Iyana iyada oo aan isdhibin bay aayar ugu laabqaboojisay, “Rakko hin qabu nu gaaysi.”
“Soo gal, soo gal kaligaa baa dhiman.” ayuu kala horyimid yarkii rakaabinayay gaariga baska ah ee u baxa Harar. Horay horay ayay u gashay. Waxayna fariisatay kursiga u danbeeya ee xiga dhanka daaqadda. Darawalka oo aad mooddo in uu ogyahay cabsida ay qabto iyo degdegga ku jira ayaa horay ka dhaqaajiyay gaariga. Durba waxaa saaqday nacaw xorriyo. Waxaa ka fuqday fallaar wadnaha kaga taagnayd. Waxa ay dhagaha gashatay ayrfoon ay ku xiriirsatay taleefonkeeda yar ee Dan-ka-hadasha ah. Waxay gaysatay heestii JIRRA ee uu qaadi jiray fannaanka caanka ah ee Hachalu Hundessa. Waxa ay la falgashay ereyada heesta ee aad mooddo in ay iyada iyo isdhiibid la'aanteeda ka warramayaan. Wakaas baskii ay la socotay sii xawaaraynaya ugu danbayn ku libdhay diillinta madaw ee laamiga.