Thursday 15 May 2025
Najma Raage iyo Halgan Daahir waa laba gabdhood oo himilo sare leh. Waa gabdho ka gadoodsan caqabadaha ku gudban haweenka Soomaalida. Waa laba gabdhood oo dhiirran oo diyaar u ah in ay dumiyaan darbigaas, oo ay u halgamaan in gabdhaha Soomaaliyeed noqdaan kuwo leh dhamaan xuquuqda iyo karaamada qofka biniaadanka ah. Najma Raage waa turjumaannada buugga “Ha i oran waan cabsanayaa”. Halgan Daahirna waxay ka mid tahay qoraayada Geeska wax ku qora, qoraaladeeda waxa ka mid ah “Sida Naag Soomaaliyeed Loo Noqdo”. Waxa ay ka wada sheekaysteen waayaha gabdhaha Soomaalida.
***
Hooyaday waxa ay mar iiga sheekaysay, qisada gabadh walaalladeed dileen, markii ay dhawr jeer ilmo aan guur ku dhalan dhashay. Waxaa kale oo aan garanayaa nin aannu qaraabo fog nahay, oo inan uu dhalay ku dilay in ayna maqlin oo saaxiibbadeed la baxdo oo wareeg badatay. Dumarku, waxay tacadi joogto ah kala kulmaan guryaha ay ku nool yihiin, mana jiraan xeerar ka xakameeya ragga u arka in ay leeyihiin oo sida ay doonaan ka yeeli karaan. Sidoo kale, ma jiraan haween afka Soomaaliga wax ku qora oo arrimahan wax ka dhaha. Waxaannu Najma Raage oo turjumaa ah, ka sheekaysannay ballanbalka gabadha Soomaaliyeed.
Halgan Daahir: Sida aynu ognahay, waxaynu ku hoos jirnaa nidaam nineed (patriarch system) kaas oo wax walba masuul uga dhiga ninka, xataa hadday noqoto xaas reerkooda soo booqanaysa ama inan booqasho ugu tagaysa inan kale, in kasta oo gabadha Soomaaliyeed ayna dhegjalaq u siin amarradan inta badan, haddana, waxa jira tirabadan oo dabinkaas ku jirta, waana waxa ugu yar ee ku tusin kara, sida aynu u nahay dad la yeeshay! Nidaamka ninku, inooma arko dad dhammays ah oo masuuliyaddaha dadnimadu leedahay wada qaadi kara, tusaale ahaan, dad shaqaysan kara, wax baran kara oo wax dhigi kara, maamuli kara oo talin kara, curin leh oo wax qori kara, la dhegaysan karo oo ummad la hadli kara, fekera oo aragti leh, hoggaamin leh oo la aammini karo. Marka aynu indhahooda isku eegno, waxaynu nahay; noole aan dhammays ahayn, oo garasho hagaagsan aan lahayn, ayna tahay in hawlaha kale laga ilaaliyo si ayna u dhabqin oo guriga lagu hayo, shaqada guriga iyo ubadkana ay ku koobnaadaan, oo sida muuqata, wax iska fudud la ah. Hase yeeshee, caddayn u ah sida ay kaalinta qoyska iyo aabbonimaddaba ugu fashilmeen. Nidaamka ninku, wuxuu daah weyn ku qariyaa tacadi walba oo ninku naag u gaysto, geesta kale, wuxuu dhawayso weyn saaraa gefka ugu yar ee gabadh ka dhaca, waa illaha dhibbane eeddayntu ka burqato. Marka ay sidaas tahay, waa maxay suurtagalnimada nololeed ee ay gabadhi dhul caynkaas ah ka heli karto?
Najma Raage: Waxaynu joognaa duni bilaa dawlad ah, rag iyo dumarba, noloshu way adag tahay. Waxaa jirta busaarad baahsan, shaqo la'aan iyo jahwareer nololeed. Waxa kaliya ee si hagaagsan uga shaqeeyaa waa qabta ninka iyo aqoonxumidiisa. Halgan, halgan, halgan ayaa inanta dhulka caynkaas ah ku nool u faran. Majirto dadnimotiran ka weyn in lagu yeesho, lagu lahaado, qofna laguu arki waayo. Dagaallan jeer aad heeryadaas tuurayso. Gabadh walbana waxaa dusheeda ah inay cidiyaha ku dirirto. Mana jirto heeryo baryo iyo aamus laysaga qaaday, ee qaar ayaa nafahoodii huray si ay gacantaas gumaynaysa isaga qaadaan.
Waxaynu joognaa duni bilaa dawlad ah, rag iyo dumarba, noloshu way adag tahay. Waxaa jirta busaarad baahsan, shaqo la'aan iyo jahwareer nololeed. Waxa kaliya ee si hagaagsan uga shaqeeyaa waa qabta ninka iyo aqoonxumidiisa. Halgan, halgan, halgan ayaa inanta dhulka caynkaas ah ku nool u faran. Majirto dadnimotiran ka weyn in lagu yeesho, lagu lahaado, qofna laguu arki waayo. Dagaallan jeer aad heeryadaas tuurayso. Gabadh walbana waxaa dusheeda ah inay cidiyaha ku dirirto. Mana jirto heeryo baryo iyo aamus laysaga qaaday, ee qaar ayaa nafahoodii huray si ay gacantaas gumaynaysa isaga qaadaan.
HD: Waayahaas qarfaha ah, iyo duruufahaas kiggan ee ay dumarka u dheer yihiin dabaradda bulsheed ee gumeeya. Waxa aynu ka dhaxalnaa dooggo nafeed oo tirabeel ah, inta badanna, waxaynu arragnaa hablo turuqyada nafeed ee ay waayahooddii barbaanineed ku sidkeen u arka liidnimo abuurkooda ka mid ah. Tusaale ahaan, go'aan xumidda/ la'aanta, isla-yarida/ is quudhsiga nafeed, isku tiirsannaan la'aanta nafeed, aamminidla'aanta nafeed iyo dadka kalaba, si-xun-isu-arraga nafeed, cabsida ka tagida, cabsida xornimada, dumarka oo aad caddow ama dad aan saaxiibtinnimo mudnayn u arragto, iqk. Waxa aynu ognahay in hablaha yaraantooddii aannu xidhiidh hagaagsani kala dhaxayn hooyooyinkood ay ku liitaan saaxiibtinnimada dumarka kale, oo taasi qaadhaan weyn ku darto in inantu ayna hablaha kale aamminin. Mar dhawayd, waxaad ii sheegtay in ay jiraan arrimo kale oo fekerkaas shidaalliya, waxaad xustay in aabbe yaraantii kuu diidi jiray in aad hablaha kale la saaxiibto, taasina ay saamayn taban kugu yeelatay qaangaadhnimadaaddii. Bal sheekadaa noogu celi, maxay ahayd sababta aabbe kuugu diiday in aad gabadh kale la saaxiibto?
NR: Waa arrin shaacsan oo degaannada waddanka ka wada jirta, se qofba si ayey u saameysaa. Waxaa jirtay gabadh aad u qiimo weynayd oo aanu saaxiib ahayn, se aabbahay xiriirkeennaas ma uu oggolayn, maadaama uu aaminsanaa in lagu hoogo gabdhaha saaxiibtinnimadoodda. Way is wanjalaan, waxba isuma quudhaan, isuma tanaasulaan—waa duul nacaybka iyo xaasidnimada quuta, waa duul feedh qalloocan ka abbuuran. Beenahaas la faafinayey ayaa igu kallifay inaan rag la saaxiibo, se la rafiiqidda dad hilib bisil oo in la cuno ay tahay kuu qaba, maxaan ka faa'iidayaa? Haddii aad doonayso inaad rag la rafiiqdo, adoo Najma ah ama Halgan ah, lama saaxiibi kartid ee waa inaad Najiib iyo Faarax noqotaa si aad damacooda uga badbaado oo aad ugu dhex noolaato. Halkaas ayuuna ka abqaalmaa iswaaga iyo naceybka hablaha dhexdooda ah.
HD: Dhaqankeenna guunka ah, qaangaadhnimada gabadhu waxay ku sidkan tahay hellida dhiiga caaddada. Xaydku waa unnugyo si bile ah ugu abbuurma lakabyadda afaafka hore ee ilmo-galeenka oo kolka aannu la kulmin manida ninka si ay u bacramiso burbura (maaha qashin jidhka ka soo baxa) sidaas darteed, in gabadhu wax dhali karto lama macno aha in ay qaangaadh tahay. Maxaa yeelay, makaanku ma qabto shaqada qaangaadhnimada. Taa baddelkeeda, waxa shaqadaa inoo qabta qaybta hore ee maskaxdeenna (frontal lobe-ka) iyaddaa ka masuul ah maamulka, qorshaynta, go'aan qaadashada, baaraanddega, qaadida masuuliyadda ficiladaadda, gorfaynta iyo isla xisaabtanka nafeed oo ah halbeegga qaangaadhnimada qofka. Waxay deraasado badan caddeeyeen in qaybtaa maskaxdeenna ka midka ah uu korriimuhu u dhammaado da'ada shan iyo labaatan jirka. Haddii aynu si dhab ah u eegno waaqiceenna, waxaynu arkaynnaa saamaynta xun ee yaraanguursigu ku leeyahay nolosheenna ama hablaha yaryar ee la bixiyo iyadoo loo arko in ay qaangaadhtahay, maadaama xaydku ka yimi! Geesta kale, waxa suugaanteenna tif iyo midhiq ah dhaliil dumarka ku maagta ballanfur iyo duul aan aammin mudnayn, aynu ku koobsano meeriskii ahaa "naagahaan dhankii loo didiyo dhinacna diidaynin" waxay su'aashu tahay, ninku ma ogal yahay in naagtu ka madax-bannaanaato?
Dhaqankeenna guunka ah, qaangaadhnimada gabadhu waxay ku sidkan tahay hellida dhiiga caaddada. Xaydku waa unnugyo si bile ah ugu abbuurma lakabyadda afaafka hore ee ilmo-galeenka oo kolka aannu la kulmin manida ninka si ay u bacramiso burbura (maaha qashin jidhka ka soo baxa) sidaas darteed, in gabadhu wax dhali karto lama macno aha in ay qaangaadh tahay. Maxaa yeelay, makaanku ma qabto shaqada qaangaadhnimada. Taa baddelkeeda, waxa shaqadaa inoo qabta qaybta hore ee maskaxdeenna (frontal lobe-ka) iyaddaa ka masuul ah maamulka, qorshaynta, go'aan qaadashada, baaraanddega, qaadida masuuliyadda ficiladaadda, gorfaynta iyo isla xisaabtanka nafeed oo ah halbeegga qaangaadhnimada qofka. Waxay deraasado badan caddeeyeen in qaybtaa maskaxdeenna ka midka ah uu korriimuhu u dhammaado da'ada shan iyo labaatan jirka. Haddii aynu si dhab ah u eegno waaqiceenna, waxaynu arkaynnaa saamaynta xun ee yaraanguursigu ku leeyahay nolosheenna ama hablaha yaryar ee la bixiyo iyadoo loo arko in ay qaangaadhtahay, maadaama xaydku ka yimi!
NR: Jawaabtu waa maya! Ninku sow ka inanta iska bixiya ee sidii neef xoolaad dhagta soo qabta maaha? sowka 'xaggeed aaday' ku dila maaha? Sowka u yaqaan wax aan tashan karin oo ay tahay in uu u taliyo maaha! Sida caadiga ah, insaanku waxa uu isagu leeyahay; marna ma oggolaado inuu iska sii daayo. Dumarku walxaha ninku leeyahay bay ku jiraan. Tani waa run kharaar dhabtii. Waxay dhahaan kolka inan la qabo reerkoodii u soo cabato: "Waar, inanta haddaanad si fiican u dhaqaneyn, reerkooda u soo celi!" Dhaqasho! Maxaa la dhaqdaa? Wixii la leeyahay uun. Tii isku dayda inay madaxa kor u soo qaadana khaanado diyaarsanaa ayaa lagu ridaa, sidaas ayaa gabadh walba iyada oo shaabadaas ka baqaysa madaxa hoos ugu haysaa.
HD: Hagaag, aynu u gudubno qoraalka iyo gabadha Soomaaliyeed. Muddo dheer oo far Soomaaligu qornayd, burburkii ka hor iyo ka dib, ma jiraan haween afkeenna wax ku qora oo dhito aqooneed ama curineedba inooga tagay- inta aan ogahay, marka laga reebo haween taariikh nololeedkooda wax ka qoray ama laga qoray, sida Adna Aadan Ismaaciil iyo Xaawa Cabdi oo labaduba dhakhtaro ahaa, iyo Xaawa Jibriil oo suugaanteeda ay inanteeda Aamina Axmed Caalim Ingiriisi iyo af Soomaaliba ku qortay, (And then she said; saa waxay tiri. 2009) hase ahaatee, ma jiraan haween mawaadiicda nolosha ee balaadhan afkeenna wax kaga yidhi.
Waxaad igu tidhi weedho maankayga ku dhagay oo aan sahal uga go'ayn, "gabdhaha afafka qallaad wax ku qora ee Soomaaliyeed, dhibteenna ayuun bay ku qoreen afaf aynaan badideen fahmi karin- waa waxqabad loo baahan yahay, laakiin, waxba kuma darin wacyiga gabadha Soomaaliyeed ee wali u aragta xaq ka maqan in aanu jirin". Waa dhab, cillad weyn oo qoraal la'aan ah baa jirta, dhan walba wax innaga xiga gadhcowsle buug la kanbadhuuda, inta badanna aan wax macno leh qorin. Haweenka kooban ee si uun uga badbaaday masiibadii burburka, ee fursad qallinka u hellayna, iyaggii baa raacdayn inooga baahan oo in aad barataa wakhti u baahantahay. Waa lagu doodi karaa in ay shaqada akhristaha tahay in uu wax baadhbaadho oo ayna adkayn in la barto gabadh Soomaali ah oo af kale wax ku qorta. Haddii se la barto iyo haddii kale ba, marleyba baahidii loo qabey dumar afkooda wax ku qora way jirtaa. Najma, waxaan is waydDiinayaa; maxaynu dhan walba oo nolosha ah ugu cidloonaynaa? Maxaa helay haweenkii horteen jiray? Aamusnaantan wadareed ee aynnu ku jirno, maxay ahayd?
NJ: Halganeey, mar walba boqortooyo raggeed baynu ku jiri jirnay, waana dabiici in boqorku arrimiyo, addoomaduna sidooda u qaataan. Ma qof qof kale guntigiisa ku jira ayaa hadli karay? Wax curin kara? Is ahaan kara? Cid aan is qeexi karin kaalin ma inoo geli kartaa horta? Qof quudkiisa iyo isaguba gacan ka adag ku jiraan ma dhito cid kale ayey ka fekeri kartaa? Maya, maya, dhabtii. Naaguhu kolkii hore sidaas ayey ahaayeen, imikana kuwii deegaanka ka kacaamay oo is ahaaday takoor afeed iyo mid bulsheed bay la kulmeen, taasoo sababtay inay afaf kale oo aan laga xigsaneyn wax ku qoraan. Horta, qof qof kale qeexay muxuu qaban karaa, Halganeey? Waxba, waxba, waxba, dabcan.
HD: Si la mid ah kaallinta qoraalka ee qaawan, ayay ta turjumaanka ee haweenkuna u maqan tahay. Hayaankaas in badan waad ku mahadsantahay e, waxaad tahay hablaha buuxintooda u heellan. Dhawaan waxaad turjuntay buuggii Saamiya Cumar Yuusuf ee uu qoray Giuseppe Catozzella (don’t tell you're afraid: Ha I odhan waan cabsanayaa. 2025) sheekada buugga ee qisada Saamiya tabinaysa, waxay astaan u tahay halganka hablaheenna, iyo sida kuwo badan oo himillooyin waaweyn lahaa hirarka badduhu u liqeen. Waxay qisadu si cad iyo si dadbanba inoogu sheegaysaa, sida aynnu u nahay ubax saxare ka baxay oo habaaska iyo dhamacda qoraxdu dhadhiyeen. Ugu danbeyn, Najma, maxaad kula talinaysaa hablaha wax akhriya ee u hammuun qaba buuxinta kaalmaha ayanu tabayno?
NR: Hablow, aynu wax akhrino ilaa aan maskaxda ka xorrowno. Halgan kasta maanka oo la xorreeyo ayuu ka bilaabmaa, waxaana maanka iyo maskaxdaba lagu xorreeyaa ogaalka, ogaalkuna akhriska ayuu ku arooraa. Buug kasta akhri, la falgal, ha akhrin uun ee laabta u sii daa, isu fur oo sheekaysta. Waxaan sidoo kale hablaha ogaysiinayaa in sannadkaan aan akhriska iyo qoraalka laynaga xigin ee aan u diyaargarowno. Waa dhab, hablo badan baa weli reerkoodii la nool, qol u gaar ah aan helin, se naag aan taleefan haysan majirto ee isaga wax ka akhri, wax ku qor. Cudurdaar kuu noqon mayso qol gaar ah heli kari maayo, saa qarnigii Virginia ma noolid adiguye. Casriyowgaan nin iyo naagba waa u siman yihiin akhriska iyo qoraalka. Qaarka heeryada tuurayna waxaa faran inay is dabiibidda nafahooda iyo kaalingalkooda is garab wadaan. Aynu is ahaano, oo is qeexno, gabaad midkeenba ta kale ha u noqoto, dumar is ah oo is jecel aynu noqono.
HD: Mahadsanid Najma.