Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Waasuge iyo Warsame: Soomaalida, miyiga iyo magaalowga

28 April, 2025
Image
Kadare
Share

Noofalka Xuseen Sheekh Axmed "Kadare", ee Waasuge iyo Warsame, waa noofal hormuud u ah tiraabta Soomaalida, gaar ahaan jaadka loo yaqaanno "sheekahiddeedda". Sida oo kale waxa ay darsaysaa Soomaalida, miyiga iyo magaalowgeeda. Ogobeey mar kale sheekadu waxa ay soo tibaaxinaysaa hodannimada suugaaneed, badaheeda iyo aftahamada dhex ahaaday afka Soomaaliga. Kal kale, sheekadu waxa ay dhab-abbaaraysaa hirdanka jiilasha iyo ilbaxnimada, iyo saska magaalowga. Kadare, sheekadiisani waxa ay tilmaamaysaa mitafoorro qotodheer; kala-duwnaanta dhaqan, habfeker, iyo deegaan ee Soomaalida dhexdeeda ka jira. Ekeeyahaasna waxaa laga dhex arkayaa qulqulka sheekada iyo habsami-u-socodka dhacdooyinka. Socdaalka soddonka maalmood ee uu Kadare, ka sameeyay adabkaan caaqibada badan, waxa uu duurxulayaa dhaqan hoosaadka iyo summadsoociisa, iyo sida qofka Soomaaliga ahi deegaankiisu u qaabeeyo dhaqankiisa, habfekerkiisa, iyo adabkiisa goonida ah. Kadare, 'socdaalka soddonka maalmood' ee uu sheekada ciwaan hoosaadka kaga dhigay, waxa uu dhinaca kale noqonayaa ciwaan hoosaadkani, socdaal daraasaynta Soomaalida dhex muquuranayo, doodo nuxur lehna soo gudbinayo, oo sida oo kalana abuuraya waaqicinimo iyo is-aqbalsanaan. Iyada oo la aqbalayo kala-duwnaanshaha deegaannada iyo sida ay u abuuraan summadsooc dhinac kasta ah.

 

Kala-duwnaanta deegaannada iyo saamaynta Suugaanta.

Tani, waxaa laga dhex arkayaa billowga sheekada iyo suugaanta ay isugu jawaabayaan labada oday—Waasuge iyo Warsame—iyo sida mid kasta suugaantiisu ugu sallaysan tahay deegaanka uu ka yimid. Sida sheekada laga dhex arki karo, waxaa adeegsiga suugaanta iyo ku-cabbirka dareenka billaabaya Waasuge, isaga oo indhaha la raacaya beero qurux badan iyo abuurkooda. Halka, Warsame isaguna uu burqanayo suugaan uu ugu jawaabayo Waasuge, ka dib markii uu indhaha ku dhuftay xoolaraacato iyo geel irmaan.
Shareerahani, waxa uu tibaaxayaa kala-duwnaanta deegaannadooda—Waasuge, oo beeroole ah iyo Warsame oo xooladhaqato ah—iyo sida habfekerkooda iyo suugaantooda deegaanku u qaabaynayo. Isla mar kale waxa uu  tibaaxayaa; Soomaalidu iyada oo miyi degto, haddana sida ay dhaqan, caado, suugaan, ekeeyaal iyo qaayasoor ahaan ba u kala-duwan tahay. Shareerahani, waxaa mar kale laga dhadhansanayaa in uu Kadare, soo bandhigayo dood ah; Kala-duwnaanshaa jirta. Taas oo ka dhigan Soomaalidu isu dhaqan, habfeker, suugaan, iyo qaayasoor ma aha, bal e, intii isu deegaan ah—Waa halkii Ibnu Khalduun e, dadka deegaankaa sameeya—ayaa wax wadaagta. Maadaama la kala deegaan duwan yahay; xooladhaqato, xeebleey iyo beeralay, isugu jirto bulshadu kala-duwnaanshaa jirta. 
"Soomaalidu iyada oo miyi degto, haddana sida ay dhaqan, caado, suugaan, ekeeyaal iyo qaayasoor ahaan ba u ka-la-duwan tahay."
Socdaalka ay odoyaashu magaalka ku soo galayaan inta ay ku guda jiraan waxa ay la kulmayaan shakhsiyaddda DHAANRAAC, oo ah iyada lafteedu mid isdultaag mudan. Sida laga dhadhansan karo magaca shakhsiyaddaan, waxa ay u taagan tahay ekeeyaha ah; Soomaaligu kolka uu magaaloobo, waxa uu ka xuubsiibtaa asiilnimadiisa, sooca iyo lakabyadii dhaqan ee uu lahaa. Tani waxa ay tilmaamaysaa in magaalowgu shakhsiyad cusub u sameeyo qofka Soomaaliga. Ekeeyaha halkani ku jiro waa in magaalowgu qofka Soomaaliga ahi u sameeyo; dhaqan, suugaan, aftahamo, habfeker, ilbaxnimo iyo qaayasoor gooni ah. Isla intani waa inta laga dhex arkayo shakhsiyad DHAANRAAC, iyo sida magaalowgu u qaabeeyay.

 

Kala-furashada: miyiga iyo magaalowga.

Kadare, waxa uu toosh ku ifinayaa mar kale kala-furashada miyiga iyo magaalowga ee Soomaalida, iyo sida ay dhab ahaan u la kulmaan sas iyo isdiidsiin labada dhinac ah. Labada oday: Waasuge iyo Warsame, kolka ay yimaaddaan magaalada waxa ay la anfariirayaan habsami-u-socodka nolosha ee magaalowga iyo sida jiilka magaaladu u nool yihiin. Waxa ay la tacajubayaan cawaysinka, shineemooyinka, balwadaha, isdhexgalka iyo baashaalka ragga iyo dumarka, iyo waliba guursiga gabdhaha ajaaniibta ah ee Talyaaniga. Dhaqan hoosaadka magaalada ay ugu yimaadeen odoyaashu waxa ay ka qaadayaan sas iyo loo-qaadaan-waa. Iyaga oo u arkaya dhaqanbi's iyo jiil dhaanraac wada ah. Dhinaca kale, dhallinyaradii magaalada odayaasha waxa ay u arkayaan kuwa meel-ku-dheg ah oo ku dheggan wax duugoobay iyo dhaqan aan la jaanqaadi karin casriyowga iyo ilbaxnimada magaalowga. 
Ekeeyaha uu dhab-abbaarayo Kadare, markaan waxaa lagu tilmaami karaa in uu ku doodayo; Soomaalidii magaalowga abuurmay ee kala gooshidda ganacsiyada iyo goorihii gummaysiga ka dhex dhashay waa ay ku sastay, oo salbabakhna ka qaadday. Taasi waxa ay keentay in ay ku fashilanto Soomaalidu in ay abuurato magaalow laga dhadhansan karo ilbaxnimadeeda iyo asiilnimadeeda; ama ay ugu yaraan wax-ku-darsan lahayd ilbaxnimadii iyo magaalowgii ganacsiga iyo gummaysiga barbar socday. Taas baddelkeedna, ay Soomaalidu dooratay in ay laba waddo middood qaaddo; in ay shakhsiyadda DHAANRAAC, oo kale noqdaan oo ay magaalowga iyo ilbaxnimada duuduub ku qaatan. Ama, ay noqdaan labada oday oo kale; meel-ku-dheg iyo abkasoogaadh raacid, iyada oo la diidayo casriyowga iyo magaalowga. 
Labadaas xagal iyo ekeeyaasha ay tilmaamayaan kolka laga yimaaddo, noofalkan kalaasiigga ahi ee lagu soohay aftahamada suugaaneed waxa uu xiiso iyo dhadhan sii yeelanayaa kolka lagu akhriyo aragtida 'Critical Somali Studies' ee soo shaacbaxday tobanneeyadii tagtay. Sida dugsi aragtiyeedka uu hormuudka u yahay Prof. Cali Jimcaale Axmed iyo cilmibaadhayaasha kale ba ay qabaan oo ah; in Soomaali kala-duwnaansho ka dhex jirto, ayuu noofalku isna tilmaamayaa. Dugsigu waxa uu naqdinayaa aragtida 'Soomaali dhinac kasta isaga mid ah', waxa uuna qabaa aragtida ah: In Soomaalidu kala dhaqan, afkaar, diin, deegaan, dabeecad, suugaan, qabiil, iyo habdhiska ba ku kala duwan tahay. Isla tabtaas oo kale, ayuu Kadare u soo bandhigayaa kala duwnaanshaha suugaaneed, dhaqan iyo aftahamo ee odoyaasha iyo sida deegaannadu saamayn ugu lee yihiin. Isla tabtaas oo kale ayuu Kadare, ugu soo bandhigayaa noofalka kala duwnaanshaha deegaan—Miyiga iyo Magaalowga—iyo Soomaalidu ugu kala qaybsan tahay xaddaasad ahaan. Tabtaas ayuu nuxurradaas iyo kuwa kale ba Kadare ugu soo bandhigayaa adabkiisa kalaasiigga ah, iyada oo dhadhanka noofalka la fuuqsan karo kolka lagu akhriyo aragtiyo.