Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Waasuge iyo Warsame: qiso cajab leh

20 February, 2025
Image
Warsame iyo Waasuge
Share

Buuggan la yidhaado "Waasuge iyo Warsame: Socdaalkii 30ka Maalmood", waxa qoray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, oo ahaa qoraa, suugaan dhaadhi, iyo mid ka mid ah guddidii hirgelisay qoraalka farta Soomaaliga. Mudane Kadare, waxa uu buugga ku soo bandhigayaa arrimo badan oo la xidhiidha noloshii asalraaca ahayd iyo tii xaddaasada ee Soomaalida. Buuggu waxa uu u qoran yahay qaab sheeko ah, oo ay ku dheehan tahay murti iyo maad aad u miidhan. Waxa uu lafagurayaa hirdanka iyo loollanka dhaqannada shisheeyaha iyo sokeeyaha. Waxa uu faaqidayaa loollanka u dhexeeya qaybaha kala duduwan ee bulshada sida—reer miyiga iyo reer magaalka, dhallinyarada iyo waayeelka, ragga iyo dumarka. Waxa uu jilibdhigayaa kala duwanaanshaha dhaqameed, afeed iyo dadeed. Waxa uu irridda uga gelayaa xilliyadii uu dhacayey magaalagalkii Soomaalida, si gaar ah qarnigii 20aad oo ku beegan xilligii xukuumaddii kacaanka. Waxa uu soo gudbinayaa isbeddellada bulsho iyo dhaqan ee Soomaalida ku socday, iyo kala furfurashadii xubnihii bulsheed.

Xooladhaqatadu maanhagga ay dawladnimada ka haysato ayuu buuggu si layaqaan ugu nuuxnuuxsanayaa. Geesta kale waxa uu dulmar kooban ku samaynayaa jirrooyinka dawladnimada Soomaalida la kowsaday, gaar ahaan qabyaaladda iyo tolleysiga reereed. Qabyaaladda magaalada iyo ta miyiga kala duwanaashaha u dhexeeya, ayuu buuggu qaab sheeko ah u soo tebinayaa. Qisada buugga waxa ku jira jilayaal kala geddisan, oo mid walba sheekada ka ciyaaraya door muhiim ah, waxa uuna qisada ku metelayaa adduun-arag, dhaqan (thaqaafo), luuqad iyo habnololeeleed u gooni ah. Buuggu waxa uu xoogga saarayaa labo xilli oo kala ah: magaalagalkii iyo dawladnimadii Soomaalida. Qisada buugga waxa dhextaal u ah Warsame iyo Waasuge oo ah labo nin oo waayeel ah oo mintid asalraac ah.  Waxa ay si gudaballaadhan isaga warraysanayaan waayaha Soomaalida ku xeedhan haddii ay noqoto doc siyaasadeed, bulsheed, dawladeed iyo dhaqan.

Waasuge Waranside waa nin caan ah oo ku nool degmada Jawhar, waa lixdan jir itaal u dhashay, waa nin culimo la jir aftahan ah, waxa uuna ku soo barbaaray lo' iyo beer, kuwaas oo nolosha qoyskiisu ku tiirsanaayeen. Waasuge waxa uu socdaal u yahay magaalada Xamar halkaas oo uu rabo in uu ka soo fushado hawlo yaryar oo baahida qoyskiisa la xidhiidha. Judhaba Waasuge waxa uu qabsanayaa gaari ka yimi dhanka magaalada Gaalkacyo, oo u socda Xamar. Waxa uuna si fudud ku helayaa kursi bannaan oo uu fadhiisto. Isla baabuurkaas uu Waasuge soo raacayo waxa la socda nin caan ah oo la yidhaahdo, Warsame Hawl, oo ka mid ah xooladhaqatada gobolka Mudug. Warsame waxa uu isna u soo danaysi tagay magaalada Xamar. Warsame iyo Waasuge maqaaddiirta Eebbe ayaa ku kulmisay baabuur gudihii. Waa labo waayeel oo xagga aqoonta, aftahannimada iyo waayo'aragnimada nololeed kala daran.

Warsame iyo Waasuge waxa ay noqon doonaan labo nin oo jaal ah, oo arrimo badan iska kaashada, waxa ayna si wadajir ah uga hor iman doonaan, dhaqannada xaddaaradeed ee magaalada Xamar ka jira. Labada waayeel waa asalraac mintid ah, mid walba waxa uu adduunka ka garanayaa bartii uu ku dhashay iyo aqoontii uu ka biirsaday. Labadoodu waa dhaqanyaqaan iyo suugaanyahanno, waxa ayna si hagaagsan u garanayaan murtida Soomaalida. Labada waayeel waxa ay la kulmi doonaan hirdan dhaqan, tani waxa ay uga bilaaban doontaa gaariga ay saaran yihiin, oo waxa ay la kulmi doonaan wiil dhallinyaro ah oo timihiisu dhinacyada ka xiidhan yihiin, oo u xarragoonaya tab la mid ah kurayda reer Galbeedka. Wiilkaas waxa la yidhaahdaa, Dhaanraac. Waana "astaan" u taagan ilbaxnimada iyo dhaqanka reer Galbeedka. Waxa uuna aad u dhegeystaa heesaha uu ku luqeeyo Jeemis Brawn. Waasuge, Warsame iyo Dhaanraac waxa ka dhex qarxaya loollan dhaqan iyo hirdan ilbaxnimo. Waana halka seeska u ah qisada buugga.

Warsame iyo Waasuge waxa ay iman doonaan Xamar. Waasuge waxa uu u tagayaa wiilkiisa Muuse oo magaalada degan oo qaba gabadh caddaan ah, oo Talyaani ah. Muuse waxa uu wax ku soo bartay waddamada reer Galbeedka, waxa uuna si hagaagsan u sharaabay dhaqannada, luuqadaha iyo falsafadaha nololeed ee Galbeedka ka jira. Tani waxa ay soshay dabcigiisa qofnimo. Waasuge wuu ka warqabay in inankiisu qabo gashaanti caddaan ah, waana sababta uu ugu soo degay. Muuse waa nin diiddan oo qawadsan falsafadda nololeed ee Soomaalida, waxa uuna had iyo jeeraale ku wadaa hiifid iyo haaraamid aan loo meel dayin. Kolkii uu Waasuge guriga inankiisa yimi, waxa uu la kulmay arrimo badan oo filanwaa ku noqday oo uu la tacajabay. Horraantiiba dhibta weyni waxa ay ka askuntay is fahandarro iyo kala duwanaantii dhaqan ee guriga ka jirtay, taas oo uusan waxba kala socon.

Doc kale, Warsame kolkii uu Xamar soo galay waxa uu isna u tagay walaalkiis Dirir oo magaalada joogay, kana tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka. Warsame iyo Waasuge inta ay Xamar joogaan waxa ay wajihi doonaan arrimo badan oo la xidhiidha: dhaqanka, dawladnimada, siyaasadda, bulshada iyo fekerka. Labada waayeel waxa ay aad u la ammakaagi doonaan nolosha magaalada ka jirta, ee si walba uga geddisan tii miyiga. Waxyaabaha hortebinta leh ee ay diirradda saari doonaan waxa ka mid ah: lebbiska, hadalka, afafka, nidaamka dawladnimo iyo is dhexgalka ragga iyo dumarka.

Buuggu waxa uu u qoran yahay qaab qiso ah, waana buug xaashiyihiisu kooban yihiin, laakiin nuxur ballaadhan xanbaarsan. Qisada buugga waxa tiirxoog u ah Warsame iyo Waasuge waxa ayna naqdin ku samayn doonaan isbeddelkii dhan walba ee Soomaalida ku socday qarnigii labaatanaad. Waxa qisada buugga si layaqaan loogu shamareeray suugaan isugu jirta: gabay, maanso, hees, maahmaah, murti iyo xigmad Soomaaliyeed. Waa dhigane xanbaarsan xiise gooni ah. Waxa uu cuskan yahay, waxa la yidhaahdo, kasmanafeedda bulsheed (social psychology). Waxana si hagaagsan looga daalacan karaa is dhallanroggii iyo dhaqandoorsankii gun iyo baarka ahaa ee Soomaalidu ku jirtay qarnigii hoyday, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay door kaalingal ah ka geysteen hoobadkii iyo qaranjabkii Soomaaliya gashay. Cid walba oo danaysa waayihii dawladnimada iyo sida ay bulshadu ahayd, waxaan kula talin lahaa in ay daalacato qisada farshaxanka ah ee buuggan koobani faaqadiyo.