Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti
Title

Waa Maxay Faashiyadu?

25 June, 2025
Image
Waa Maxay Faashiyadu?
Share
Curiskan waxa qoray  qoraagii waynaa Joorji Orwill oo noolaa intii u dhaxaysay 1903 ilaa 1950. Qormadan wuxu sannadkii 1944-kii ku faafiyay majaladda Tribune (Tribune Magazine). Waxaana af Soomaali u soo turjumay Cabdi casiis Daahir.

Wayddiimaha xilligeenan mudnaanta weyn leh ee aan weli laga jawaabin, waxa ka mid ah: Waa maxay Faashiyadu?

Mid ka mid ah ururrada indha'indhaynta bulsheed ee Maraykanka ayaa su'aashaa dhawaan wayddiiyay boqol qof oo kala duwan, waxayna ka heleen warcelinno tibaaxaya 'dimuqraaddiyad badhaxtiran' ilaa 'shayddaaniyad badhaxtiran'. Qof si caadi ah isaga fekera oo dalkeenna ku sugan haddii aad su’aashid in uu qeexo Faashiyada, wuxuu badanka ku halcelinayaa in uu farta ku fiiqo nidaamyada Jarmalka iyo Talyaaniga. Balse tani ma aha gebi ahaanteedba mid ina qancinaysa, maxaa sababay dalalka muhiimka ah ee Faashiga ahi si weyn buu ugu kala duwanaanayaa qaabdhismeedka iyo aydiyoolajiyadaaba. Tusaale ahaan, wax fudud ma aha in aad Jarmalka iyo Jabbaan hal qaabdhismeed ku wada dabbaqdid, wuu ka sii adkaanayaaba arrinkuna dalalka yaryar ee lagu sifeeyay in ay yihiin Faashi. Badiyaa waxa la malayn karayaa, tusaale ahaan, in ay tahay Faashiyadu dabeecad ahaan mid dagaal u heellan ah, oo ku bullaalaysa jawi dagaal histeeriya ah, waxayna mushkiladaheeda dhaqaale ku maarayn karaysaa in ay dagaal isu diyaariso ama ay gasho duullaanno debedda ah. Balse sida cad tani ma aha run, dheh, Burtuqiiska iyo kelitalisyada Koonfur Ameerika ee kala duwan ama tusaale kale, saamiy-diidnimada waxa la qaadan karaa in ay tahay mid ka mid ah calaamadaha sooca ah ee Faashiyada; balse qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada Faashiyiintu ma ahan saami-ddiid. 

Doodo waxtar leh oo wargeysyada Maraykanka ka aloosnaa ma ahayn kuwo awood u leh in ay jaangooyaan in Faashiyadu ay tahay nooc hantigoosadka ka mid ah iyo in kale. Balse weli, kolka aynu eraybixinta 'Faashiyada' ku dababqayno Jarmalka ama Jabbaan ama Talyaaniga Mussolini, waxaynu si ballaadhan u ogsoonnahay waxaynu uga jeedno. Laakiin siyaasadda gudaha eraygaasi wuu waayay raadkiisii u danbeeyay ee macnihiisa oo haddii aynu jalleecno saxaafadda waxaad helaysaa in aanay weli jirin ku dhawaad koox dad ah — hubanti ma jiraan xisbi siyaasadeed ama urur nidaamsan jaadka uu doono ha ahaadee — oo lagu tuhmay 'Faashi' intii lagu guda jiray tobankii sano ee tegay. Ka ma hadlayo adeegsiga xeesha dheer ee eraybixinta 'Faashi’ se wixii aan ku arkay daabacadaha baan ka warramayaa. Waxaan arkay erayada 'la dareen noqoshada Faashi', ama 'u janjeedha Faashi' ama keliya si iska caadi ah 'Faashiiste', oo si dhabnimo leh ugu dabbaqmaysa kooxahan soo socda: 

Asalraacayaasha: Dhammaan Asalraacayaashu, ha ahaadaan kuwo nabaddoonno ah ama nabaddiid ah, waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin taageerayaal Faashi ah.  Xukunkii Biritan ee Hindiya iyo Mustacmaradihii waxa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwo aan ka duwanayn Naasiyada. Ururrada uu qofku ku tirin karo waddani ama nooc soojireen ah waxa lagu sifeeyaa in ay yihiin Faashi-is-qarinaysa ama 'garaad ahaan-Faashi ah'. Tusaalayaasha waxa ka mid ah, Daahfurayaasha, Booliiska Metroboolitanka ah, Xafiiska Shanaad, Ururka Biritan. Jumladda seeska ahi waa: 'Dugsiyada caamka ahi waa goobo Faashiyada lagu ababiyo'. 

Hantiwadaagyahannada: Difaacayaasha noocii qadiimka ahaa ee hantigoosadku (sida Sir Ernest Benn) waxay sugayaan in Hantiwadaaggu iyo Faashiyadu ay hal shay oo isku mid ah yihiin. Saxafiyiinta qaar oo Kaatooligga ka tirsan waxay iyaguna xusayaan in hantiwadaagyahannadu ay ahaayeen caawiyayaasha udubdhexaadka ah ee dalalka uu qabsaday Naasigu. Isla eedayntaa baa dhinac kale lagaga soo ganay oo ka timi Xisbiga Shuuciga ah intii lagu guda jiray xilliyadii xagjirnimada-Bidixda ah. Intii lagu jiray 1930 ilaa 1935 joornaalka Daily Worker wuxuu caadaystay in uu ku sifeeyo Xisbiga Shaqada in uu yahay Fashiyiinta Shaqada. Tani waxay kaga soo noqnoqotay dhanka xagjirrada Bidixda ah sida Anaarkiyiinta. Qaar ka mid ah Qoomiyiinta Hindida ah waxay ku tilmaamaan in ururrada ganacsiga Biritan ay yihiin ururro Faashi ah. 

Shuuciyiinta: Dugsiyo fekereed oo mudnaan leh (oo aynu tusaalayaal uga soo qaadan karno, Rauschning, Peter Drucker, James Burnham, F. A. Voigt) ayaa diiday in uu aqoonsado in kala duwanaansho u dhexeeyo nidaamyadii Naasiga iyo Soofiyeetka oo kuna qanacsan in ku dhawaad dhammaan Faashiyiinta iyo Shuuciyiintu ay ilaa xad beegsanayaan hal wax iyo shakhsiyaad isku mid ah. Hoggaamiyayaasha The Times (dagaalka-ka-hor) waxay ku qeexeen U.S.S.R. in ay tahay 'Dal Faashi ah'. Mar kale oo aynu xagal kale kaga imanayno xagal kale waxa aragtidan iyana soo celceliyay Anaarkiyiin iyo Tarostkiyiin. 

Tarostkiyiin: Shuuciyiintu waxay eedeeyaan hababka Tarostkiyiinta, tusaale ahaan, ururkii Tarostki laftiisa, in uu yahay urur Faashi-is-qarinaya ah oo ay leeyihiin Naasiyiintu. Tan waxa si weyn looga aaminsanaa Bidixda intii lagu jiray xilligii Jabhadda Shacbiga ah. Marxaladahoodii Midigta-fog ahayd ee Shuuciyiinta waxay u janjeedhaan in ay ku dabbaqaan isla eedayntaa dhammaan qaybaha Bidixda ah, sida, Xisbiga Common Wealth ama Xisbiga Shaqada Madaxa Bannaan. 

Kaatooligiyiinta: Kolka aynu ka soo fogaanno kooxdooda, Kaniisadda Kaatooliggu waa mid caalami ahaan ku dhawaad ay tahay mid taageersan Faashi, dhab-abbaar ahaan iyo dareen-abbaar ahaanba. 

Dagaal-iska-cabbiyayaasha: In badan waxa lagu eedeeyaa nabddoonnada iyo kuwa kale ee dagaal-diidka ah in aanay keliya arrimaha ka dhigayn kuwo u sahlan Udubdhexaadka, balse dareennada taageerayaasha-Faashiga ah maaddaama oo ay ku raadoobeen. 

Dhiirrigeliyayaasha Dagaalka: sida caadiga ah dagaal iska caabbiyayaashu waxay xujadooda ku dhisaan andacoodka ah in imbiriyaaliyadda Biritan ay ka daran tahay Naasiyada, iyo in ay u janjeedho in ay ku dabbaqdo erayga 'Faashi' cid kasta oo rejaynaya guul milatari. Taageerayaasha Xukuumadda Shacabku waxay u timi ku dhawaad in ay aaminto in rabitaanka la iskaga caabbin karo duullaan Naasi ah in uu ahaa calaamad astaan u ah la dareen noqoshada Faashi. Ilaaliyaha gurigu wuxuu shaaciyay in uu yahay urur Faashi ah kolka ay sidaa u soo muuqataba. Waxa intaa dheer, in Bidixda oo dhan ay u janjeedho in ay militariga iyo Faashiyada isu dheellitirto. Wacyi siyaasi ah kolka aynu ka duulno had iyo jeeraale ciidammada gaarka ahi waxay ku qeexaan taliyayaashooda in ay yihiin 'Maskax ahaan-Faashi ah' ama 'Dabeecad ahaan-Faashiyiin ah'. 

Dugsiyada-ciidammadu, in loo hoggaansamo amarrada, taliyayaasha salaan ciidan loo taago, dhammaantood waxay ka dhigan tahay in Faashiyad looga jeedo. Dagaalkii ka hor, in aad Ciidanka ku biirto waxay calaamad u ahayd in aad leedahay raacitaan Faashi ah. 

Qoomiyiinta: Waxa qoomiyadnimada looga tixgaliyay caalamka in ay dabeecad ahaan tahay Faashi, balse dhaqdhaqaaqyada qowmiga ah keliya ayaa lagu dabbaqayaa, waxana ay ku soo beegantay in qoraaga maqaalku uu diiday. Waxa dhammaantood qoomiyada Carabta, qoomiyada Boolishka ah, qoomiyada Finishaka ah, Xisbiga Kongareeska ee Hindiya, Ururka Islaamiga ah, Sahyuuniyada, iyo Ciidanka Waddaniga ah ee Ayrlaan, lagu sifeeyay Faashi balse isla dadkaa uun ka imanayso. 

* * * 

Waxay u muuqataa, sida loo isticmaalay, in ku dhawaad erayga 'Faashiyad' uu yahay mid aan macne-lahayn. Dabcan, wadasheekaysiyda, waxa loo adeegsadaa madbacadaha qaab aad u qariibnimo badan. Waxaan maqlay in lagu dabbaqay beeralayda, dukaanlayaasha, Xisbiga Amaanada Bulsho, ciqaabta jidheed, ugaadhsatada-dawacada, ciyaarta-dibiyada, Guddigii 1922, Guddigii 1941, Kipling, Gaandi, Chiang Kai-Shek, khaniisnimada, barnaamijka Priestley, Hudheellada Dhallinyarada, cilmi-falagga, dumarka, eyda, mana garanayo wax kale oo aan ku daro oo la halmaala. 

Dabcan iyada oo ay dhammaan fowdadaasi jirto misana waxa jira nooc macne ah oo aasan. Waxa suuragal ka ah ee aynu ku bilaabi karnaa way caddahay in kala duwanaansho aad u weyn uu jiro, qaarkood way fududdahay in aynu tibaaxno, kuwa kalana way adag yihiin in la sharraxo, inta u dhexaysa nidaamyada loogu yeedhay Faashi iyo kuwa loogu yeedhay dimuqraaddi. Ta labaad, haddii 'Faashi' ay ka dhigan tahay 'la dareen noqoshada Hitler', tuhunnadaa aan soo taxay qaar ka mid ah in ka badan aad bay uga weyn oo uga cad yihiin kuwa kale. Ta saddexaad, xataa shakhsiyaadka dhan kasta u adeegsanaya erayga 'Faashi' si aan taxaddar lahayn, waxay ku xidhayaan xaalad kasta oo leh muhiimad shucuureed. 

Waxay uga jeedaan 'Faashiyad' badiyaa, shay qallafsan, ka badhax-tiran sharaf, isla weyn, mugdi ah, libraaliyaddiid ah iyo dabaqad-shaqaysa-la-dirir ah. Kolka laga reebo tiro nisbi ahaan yar oo la dareen ah Faashi, qof kasta oo Ingiriisi ah ku dhawaad wuxuu aqbalayaa erayga 'burburiye' in ay u la mid tahay 'Faashi'. Sidaas bay ugu dhawdahay in ay u noqoto qeexitaan sida ay weedhaa xuni ku timi. 

Balse waxay sida oo kale tahay Faashiyadu nidaam siyaasadeed iyo dhaqaale. Maxaynaan ugu helayn haddaba macne guud oo la isla aqbali karayo? Nasiibxumo! Ma helayno mid — weli, si ay ahaataba. In aynu maxay garanno, waxay qaadanaysaa wakhti badan, balse sees ahaan maxaa yeelay waa mid aan suuragal ahayn in la qeexo Faashiyada si lagu qanacsan yahay iyada oo aan laga haysan qirashooyin oo aanu midkoodna jeclayn Faashiyiinta, asalraacayaasha iyo hantiwadaagyahannada midabbadooda kala duwan in ay nafahooda ka soo bandhigaan. Waxaynu awoodno samaynteeda waa in aynu erayga u adeegsanno nooc feejignaan ah iyo in aynaan ku soo koobin, sida badiyaa dhacda, heerka isweydaarsiga lacnadaha.