Monday 17 February 2025
Fekradaha udubdhexaadka u ah buuggan waxa ka mid ah midkeenna in aanu awoodin, isaga oo keligii fekeraya, in uu in ku filan adeegsado maankiisa, si uu u keeno waxsoosaar miradhal leh. Caqlaaniyaddu waxa ay kasoo fushaa bulsho leh feker maangal ah oo kooxiba kooxda kale saxdo khaladaadkeeda.
Buugaag badan baa laga qoray mawduuca caqliga, habka loo adeegsan karo, in uu yahay walax si togan iyo si tabanba loo adeegsan karo. Waxa kale oo buugaggaas lagaga dooday sida uu caqligu ugu saamaysmo deegaanka ku xeeran iyo duruufaha jira, iyo in caqligu keli yahay ama in uu qaybsamo marka aqoonta la joogo. Waxa kale oo wax la iska wayddiiyaa caqligu in uu yahay xubin u hoggaansami karta xeerarka aqoonta iyo farsamada, oo aan awood u lahayn qiimaynta natiijooyinka ka dhasha farsamadaas in kale. Ma tahay suurogal in laga hadlo caqli anshaxa ku dabran oo awood u leh qiimaynta natiijooyinka ka dhasha farsamada aadamuhu sameeyo. Si guud, caqligu waa seeska aqoonta aadamaha.
Buuggan laftiisu jawaabo waafi ah kama bixinayo, walow uu wax badan ku dul wareegayo, wayddiimahaas. Se waa buug inoo soo dhawaynaya mawduuca caqlaaniyadda, isaga oo si gaar ah xoogga u saaraya dhinaca aqoonta. Waxa uu ka hadlayaa sida fekerkeennu ku noqon karo maangal, waxa kale oo uu ka doodayaa jaranjarrooyinka uu aadamuhu maro si fekerkiisa maangal loogu aqoonsado. Waxa jira qaybo badan oo ka mid ah aqoonta oo ilmuhu helo, una sahla in habfekerkiisu noqdo maangal.
Buuggu waxa kale oo iftiiminayaa mawduuca la xidhiidha asalka suuraysiga dadka iyo sababta ay wax khaldan ugu qancaan, una rumaystaan. Waxa jira dad badan oo rumaysta wararka siyaasadda iyo arrimaha bulshada, se ku tidhi ku teen ah. Tusaale ahaan, waxa jiray dad badan oo rumaystay warar been ah oo la isla dhexmaray muddadii uu socday xanuunkii Karoonuhu. Wayddiintu waxa ay tahay: sidee dad badan, oo heer aqooneed oo sare lehi, mararka qaar ku rumaystaan beeno la faafiyey oo dhinac wal oo nolosha ah la xidhiidha.
Cutubyada buuggu waxa ay akhristaha u soo dhawaynayaan fahanka caqlaaniyadda, akhristuhuna waxa uu buugga ugu tagayaa tusaalayaal, tijaabooyin, xog, tirakoobyo iyo sawirro. Mawduucyada ugu muhiimsan ee buuggu wax ka odhanayo waxa ka mid ah heerka aadamuhu yahay noole caqlaani ah, maangalnimada iyo fekerka gorfayneed, suuragalnimada, aaminaadaha, caddaymaha, natiijooyinka saxda ah iyo beenaha, iyo isku xidhka dhacdooyinka iyo sababaha.
Istiifin Pinker waxa uu buuggiisa ku bilaabayaa hadalka ah: “Waxa habboon in caqligu inoo noqdo dayax aynnu ku gudno gudcurka oo innagu haga wax kasta oo aynnu ku fekerno ama samaynno. In kasta oo xilligan aynnu haysanno waxyaalo badan oo fekerka maangalka ah innagu hagi kara, haddana weli waxa la faafiyaa warar been ah oo aan maangal ahayn, waxa la isku daweeyaa khuraafaad aanu maanku suuraysan karin, waxaana la aaminaa aragtiyaha shirqoolka”. Waxa hubaal ah in dadka oo dhammi maangalnimada doorbidaan, oo qofna ma rabo in uu habawsanaado oo wax maangalnimada ka fog ku dhaqmo, mana jiro qof aqoondarro iyo habawgaas dooranayaa. Dhibaatadu se waxa ay ka jirtaa in dad badani hab fekerkooda u arkaan maangal, se runtu tahay in aanu maangal ahayn. Markaynnu eegno dhaqamada kala duwan ee aadamaha, waxaynnu ogaanaynaa aaminaado badan oo aan caqli ku dhisnayn. Waxa kale oo la yaab ah in kooxo bulshada ka mid ahi doortaan go’aanno aan waxtar u lahayn, maangalna aan ahayn. Waxa kale oo jira in qofku noloshiisa gaarka ah qaato go’aanno aan maangal ahayn. Haddaba wayddiinta meesha taallaa waa sidee ku noqon karnaa dad maangalnimada u dhow? Maangalnimadu ma mabaadi’, xeerar iyo farsamooyin lagu tababartaa, mise waa awood dhalan ah oo qofka ku jirta, mise waa wax ku xidhan dhaqanka iyo deegaanka qofku ku barbaaray?
Istiifin Pinker waxa uu aaminsanyahay in caqlaaniyadda dadku u baahanyihiin noqoto mid ka mid ah ujeeddooyinka waxbarashada. Sida ay u habboontahay in muwaaddiniinta la baro aasaasiga taariikhda, sayniska iyo qoraalka, sidoo kalena waa in la baraa hababka maskax-maalidda iyo fekerka maangalnimada ku dhisan. Waa in dadka la baro maangalnimada, gorfaynta, suuragalnimada wax ku dhici karo iyo isku xidhka arrimaha. Waa in dadka la baraa hababka toolmoon ee wax looga beddeli karo aaminaadaha iyo go’aannada aan caddayn rasmi ah ku dhisnayn. Waxyaabahani waxa ay lagama maarmaan u yihiin in ay habawga iyo maangalnimo la’aanta innaga badbaadiyaan. Waa habab dadka ka kaalmayn karta in ay si maangalnimo ku dhisan ay u qaataan go’aannada, qiimeeyaan sheegashooyinka aan caddaynta lahayn, oo ay fahmaan farqiyada u dhexeeya waxyaabaha ay ku dhaqaaqayaan.
Caqlaaniyadda uu Istiifin Pinker ka hadlayaa waa caqlaaniyadda aqoonaysan ee laga heli karo waxbarashada, laguna tababaran karo. Se qaabkani waa mid ka mid ah wejiyada caqlaaniyadda oo muhiim ah, se marka la eego natiijooyinka ka dhashay farsamooyinka aadamuhu bartay ee uu ku horumaray, sida farsamaynta hubka dunida burburinaya iyo tiknoolajiyadda cusub ee wax badan nolosha ka beddelaysa, waxa la odhan karaa caqlaaniyadda waxbarashada laga helaa meesha kama maqna, waxyaabahanina waxa ay ka dhex dhacayaan bulshooyin waxbartay, se waxa lagu tilmaami karaa caqlaaniyad dhantaalan. Waxa meesha ka maqan ee u baahan ku laabashadu waa mawduuca anshaxa. Wayddiin ayaa halkan ka imanaysa ah: caqlaaniyadda iyo abla’ablaynta wixii maangal ahi ma innagu hagi karaan anshax suubban, caqligu se sidiisa ma u garan karaa wixii anshax ahaan habboon?
Isiitifin Pinker waxa uu caqlaaniyadda halbeeg uga dhigayaa awoodda aqoonta loogu adeegsan karo gaadhidda u jeeddooyinka. Aqoontuna waa aaminaad run ah oo caddayn leh. Kuma tilmaami karno qof ku dhaqmaya aaminaado khaldan in uu caqlaani yahay, tusaale ahaan qof fure ka lumay ka baadhaya meel uu ogyahay in aanu kaga lumin. Si kasta oo ay ahaataba, buuggu si faahfaahsan ugama hadlayo xidhiidhka caqlaaniyadda iyo aaminaadda ka dhaxayn kara, sababtoo ah qof kastaa waxa uu aaminsanyahay in aaminaaddiisu sax tahay, oo ay maangal tahay.
Akhristaha buuggu waxa uu wax badan ka ogaan karaa caqlaaniyadda iyo arrimaha la xidhiidha maangalnimada, weliba hab tijaabooyin iyo farsamo ku dhisan. Waxa uu qaab wanaagsan u soo dhawaynayaa fahanka caqliga iyo adeegsigiisa, iyo sida caqlaaniyadda loogu dari karo manhajka waxbarasho. Tan macnaheedu waa in ilmaha wax la barayo lagu tababaro sida uu go’aanno maangal ah u qaadan karo, wax u gorfayn karo, maangalnimadana wax ugu dhisi karo.
Waxa laga soo turjumay halkan.