Sunday 14 December 2025
14-kii Ogos, Senator Ted cruz oo ka mid ah Xisbiga Jamhuuriga ayaa warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, waxanu ugu baaqay in uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku dooday in ay tahay “dal la soo noqday madaxbannaanidiisa, isla markaasna ay Maraykanka wadaagaan dano badan oo amni iyo siyaasadeed oo muhiim ah” Senatarku waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay Somaliland u leedahay Maraykanka iyo sida ay ugu diyaarsan tahay iskaashi ay la yeelato Washington, sidaas aawgeedna ay lama huraan tahay in uu Maraykanku aqoonsadaa. Baaqan Ted Cruz ayaa ku soo beegmaya xilli ay Maraykanka ka jiraan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ku doodaya in la aqoonsado Somaliland si looga hortago ama loo dheellitiro saameynta Shiinaha ee ku sii fidaysa gobolka Geeska Afrika oo ay Somaliland kaga taallo goob Istraatiiji ah. Haddaba waa kuma Senatar Ted Cruz?
Senatar Ted Cruz, waa siyaasi Maraykan ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga. Deegaan ahaan, waxa laga soo doortaa gobolka Texas oo ka mid ah gobollada ugu awoodda badan siyaasadda iyo dhaqaalaha Maraykanka. Mudane Cruz waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu firfircoon, uguna fadallo cad ee ka tirsan aqalka Senate-ka, waxaanu xubin ka yahay guddiyo muhiim ah oo go’aamiya arrimaha amniga, siyaasadda dibadda, iyo ganacsiga. Si gaar ah, waxa uu hoggaamiyaa laba guddi oo leh awood culus. Mar waa guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga, Sayniska iyo Gaadiidka oo dejisa siyaasadaha dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo kaabayaasha. Mar kalena waa guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Senate-ka u qaabilsan Afrika iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka caalamiga ah, guddidani waxa ay toos u hagtaa siyaasadda Maraykanka ee Afrika. Guddiyadan Senate-ku waxa ay awood u leeyihiin in ay dejiyaan sharciyo soona saaraan qaraarro, in ay sameeyaan dhegeysiyo muhiim ah, isla markaana culays ku saaraan Aqalka Cad in uu tixgeliyo mawqifkooda, maaddaama oo uu Senate-ku ansixiyo heshiisyada caalamiga ah iyo saraakiisha ugu sarreeya ee dawladeed.
Sanatar Ted Cruz, xirfad ahaan, waa sharciyaqaan hore u soo noqday garyaqaankii guud ee gobolka Texas (Texas Solicitor General). Waxa uu si fiican u fahansan yahay dalalka Afrika iyo sida ay ugu dhisan yihiin xuduudihii gumeysiga, waana halka uu dooddiisa ku xoojinayo, marka uu leeyahay: “Somaliland waa in lagu aqoonsadaa xuduudihii 1960-kii.” Dooddan sharci ee cadi waxa ay siinaysaa taageeradiisa miisaan, waana dood aan ku koobneyn arrin siyaasadeed ee sidoo kale taabanaysa qaanuunka caalamiga ah ee xuduudaha la aqoonsan yahay. Dhan kale, Senatar Cruz waxa uu leeyahay saameyn siyaasadeed oo ballaadhan, gaar ahaan dhanka Amniga Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah. Tusaale ahaan, waxa uu Sannadkii 2016-kii ahaa musharrax madaxweyne oo tartan adag la galay Madaxweyneha hadda, Donald Trump, arrintaas oo caddeynaysa in uu yahay siyaasi heer qaran ah oo taageero xooggan ku dhex leh Xisbiga Jamhuuriga iyo, guud ahaan, shacabka Maraykanka.
Waraaqda codsiga ah ee uu dhawaan u diray Guriga Cad, waxa uu Senatar Ted Cruz si cad ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu si rasmi ah u aqoonsado ‘Jamhuuriyadda Somaliland’, waxaanu doodiisa sal uga dhigay qodobadan: In Somaliland tahay dal xasilloon oo dimuqraadi ah oo doorashooyin nabdoon qabtay, in ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga iyo danaha Mareykanka, gaar ahaan, la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda. in xidhiidhka ay la leedahay Taywan uu caddeynayo diyaar u ahaanteeda iskaashi siyaasadeed, ganacsi, iyo amni oo ay la yeelato Maraykanka. in aqoonsiga Somaliland uu Maraykanka ka caawinayo sidii uu uga hortagi lahaa saameynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeelanayo gobolka, iyo in Somaliland, haddii lagu aqoonsado xuduudihii 1960-kii oo caalamku hore u aqoonsaday ay sharci ahaan fududeynayso qadiyaddan.
Arrinta la xidhiidha waraaqda uu Senatar Ted Cruz u diray guriga Cad iyo guud ahaan ololeha aqoosniga Somaliland ee ka socda Washington waxa uu Somaliland siinayaa fursado dheeri ah oo ay maalgashan karto. Waxa ka mid ah fursadahaas in ay kor u qaadayso sumcadda iyo sharciyadda caalamiga ah ee qadiyadda Somaliland, in ay albaabbo dheeri ah u furto heshiisyo ganacsi, maalgashi, iyo iskaashi ciidan oo ay la yeelato Mareykanka iyo xulufadiisa, in ay Maraykanka ka heli karto taageero siyaasadeed, amni, dhaqaale, iyo in laga hortagi karo cadaadiska iyo carqaladaynta ay sameeyaan xoogagga ka soo horjeeda Somaliland. Fursadahan oo ku xidhan sida ay Somaliland u maalgashato, waxa ay ugu yaraan hore u riixayaan qiyadda Somaliland iyo xidhiidhadeeda caalamiga ah, kaddib toboneeyo sannadood oo ay ku jirtay go’doonsanaan ballaadhan.
Siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Donald Trump waxa ay ku dhisantahay halhayska ah “America First” oo ah in wax kaste laga horreysiiyo danaha Maraykanka oo isugu jira kuwo amni, dhaqaale, iyo awooddiisa/saameyntiisa caalamiga ah. Haddaba, Somaliland waxa ay miiska keeni kartaa laba fursadood oo muhiim ah oo si toos ah ula jaanqaadaya siyaasaddaas, kagana faa’iideysanayso fursadahan:
Saldhig ciidan oo muhiim ah: Somaliland waxa ay bixin kartaa goob istiraatiiji ah oo ku dhow Badda Cas iyo Baabul Mandab taas oo Maraykanka u fududaynaysa la dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda, ilaalinta maraakiibta ganacsiga, iyo baahinta awooddiisa saameyneed. Berbera oo ah goobta uu isha ku hayo Maraykanku, mar horena uu degganaan jiray – 1980 neeyadii, waxa ay u diyaarsan tahay istiraatiiji ahaan iyo kaabeyaal ahaanba, waana arrin Somaliland u leh dheeraad istiraatiijiyadeed.
Khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta: Dhulka Somaliland waxa ku jira macdano badan oo qaali ah oo ay ku jiraan kuwa naadirka ahi. Arrintani waxa ay leedahay fursado maalgashi oo dhanka tamarta ah, kuwaas oo ku habboon siyaasadda Trump ee ah in Maraykanku yeesho saaxiibo ganacsi oo toos ah, halkii uu ku tiirsanaan lahaa tartamayaal caalami ah.
Marka la isku daro intaas sare oo dhan, aqoonsiga Somaliland waxa uu u muuqdaa in uu la jaanqaadayo siyaasadda Trump ee ku dhisan ilaalinta danaha Maraykanka kolka hore iyada oo la helayo saaxiib deggan oo la isku halleyn karo kuna yaal goobo, aag-siyaasadeed ahaan, istiraatiiji ah. Haddaba, codka Senatar Ted Cruz waa mid culus oo saameyntiisa ku leh siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxana ay tallaabadiisu Somaliland u tahay fursad dahabi ah iyo albaab cusub oo ay sii riixi karto kana iibgeyn karto fursadaha ay u hayso danaha Maraykanka ee isugu jira istiraatiijiyadda dhuleed, iskaashiga ammaanka iyo ganacsiga, iyo waabinta xooggaga caalamiga ah ee ay Maraykanka loollamayaan, kuwaas oo hadda aanay isku dan ahayn Somaliland.