Tuesday 6 October 2026
Calaamad geesinimo muujinaysa ma tahay in filim ka hadlaya Qasa lagu soo bandhigo bandhig weyn sida Bandhigga Filimada Venice, xilli Israa’iil iyo dambiyada ay gashay ay caalamka fool ka fool isu hor yaallaan? Waxaa laga yaabaa in geesinimadu, xaaladdan, tahay waxa ay hubka ka dhigteen Yuval Abraham iyo Rachel Zor, oo ah laba Israa’iili oo kamaradda u jeediyey koox ka mid ah dadkooda oo ku lug leh xasuuqa bilaabmay kaddib wixii loogu yeedhay “Duufaanka Al-Aqsa”. Taasi waa waxa uu sameynayo “Naza”, oo ah filim dukumanteri ah oo shalay lagu soo bandhigay “Mostra” (2–12 Sebtembar), waxaana soo saartay “The Guardian”, iyadoo uu gacan ka geystay filimsameeyaha, qaybiyaha filimada iyo mulkiilaha shaneemooyinka ee Faransiiska-Yuhuudiga ah Maran Karmitz.
Waxa ugu horreeya ee ina horyaallaa waa geesinimo anshaxeed: in qofku doorto inuu ka duwanaado waxa bulshada dhexdeeda caadiga loo arko, isla markaana codkiisa iyo muuqaalkiisa u adeegsado inuu xaqiiqooyinka bannaanka keeno. Erayga “Naza” wuxuu ka dhigan yahay “dhibbanayaal aan toos loo beegsan”, waana cinwaan, bilowgaba, si cad uga hor imanaya xaqiiqooyinka uu filimku daaha ka faydayo; oo ay ugu horrayso in dilka ula-kaca ahi aanu ahayn dhacdo iska dhacday, balse uu yahay fal ka socda gudaha goobaha masiirka lagu go’aamiyo. Muddo saacad iyo labaatan daqiiqo ah, oo u muuqata wakhti ku habboon gudbinta markhaatiyadan (filimku uma baahna wax ka badan iyo wax ka yar toona) waxaynu u sii dhawaanaynaa dhacdooyin aan mar dambe indhaha laga qarsan karin.
Iyadoo loo marayo markhaatiyada dadkii ka qayb qaatay hawlgallada, waxaynu baranaynaa hababka loo fuliyey duqaymaha iyo sida loogu qiil-sameeyey loona qariyey farsamo ahaan, iyo baaxadda ay sirdoonku uga qayb qaatay beegsiga rayidka si aargoosi ah. Waxa kale oo caddaanaysa doorka udub-dhexaadka ah ee garaad-gacmeedku ku lahaa hawlgallada beegsiga. Sida ay markhaatiyadu sheegayaan, tiknoolajiyaddu waxay u saamaxday in si fudud loo dhexgalo taleefannada iyo xogta Falastiiniyiinta, si loogu sii diyaargaroobo dabagalkooda iyo beegsashadooda.
“Garaad-gacmeedka ayaa go’aamiya cidda dhimanaysa iyo cidda noolaanaysa,” ayuu yidhi mid ka mid ah, isagoo intaas ku daraya in, aragtidiisa, go’aanka mashiinka loo daayaa uu ka wanaagsan yahay ka bani’aadamka loo daayo. Sidaas ayay Qasa, sida uu sheegay mid ka mid ah dadkii ka qayb qaatay maamulidda hawlgalladan, ugu beddeshay “warshad bartilmaameedyo”. Mid kale wuxuu ku faanayaa awoodda uu u leeyahay inuu dhegeysto dhibbanayaasha iyagoo guryahooda ku sugan, taas oo ku dhalisay dareen ah inuu yahay “Ilaah”.
Laguma tusayo dilka iyo sawirrada dhibbanayaasha, balse waxa ka sheekaynaya kuwii geystay, mararka qaarkoodna u tebinaya si qabow oo cadho ku gelinaysa. Mid kasta oo iyaga ka mid ahi wuxuu naftiisa u helayaa marmarsiiyo anshaxeed oo ka ilaalisa cawaaqibta wixii uu geystay: doorkiisu waa farsamo oo keliya, “haddii uusan isagu fulin dilka, qof kale ayaa fulin doona”. Halkaas ayay ka dhalanaysaa masaafada u dhaxaysa falka iyo qofka falka sameeyey. Dilka oo loo beddelo habraac caadi ah ayaa ku filan in qofka sameeyey laga dulqaado masuuliyadda, isla markaana laga ilaaliyo qalalaasaha nafsiga ah ee caqabad ku noqon kara gudashada waajibaadkiisa.
Qaar ka mid ah markhaatiyadu meel fog kama tagayaan xeeladahan anshaxeed. Ujeeddadu, sida mid ka mid ahi si cad u leeyahay, waa burburin nidaamsan, wax kalena ma aha. Dhabarka dambe, masuuliyiintu waxay diyaarinayaan oo maamulayaan wax kasta, si aanay fursad ama wax iska yimaadda u helin meel. Qaar ka mid ah askartu kama labalabeeyaan inay yidhaahdaan waxaas oo dhan, iyaga uma aha wax ka badan “ciyaar fiidiyow”.
Filimku uma baahna sawirro la socda qiraalladan, umana baahna muusig macne dheeraad ah u yeela, markhaatiyadaa intaa ku filan!
In ka badan hal wariye oo reer Galbeed ah oo aan aqaan ayaa bandhigga ka soo baxay iyagoo gilgilan oo qasan. Waa run in aynu dhammaanteen ogsoonnahay waxa dhacaya, isla markaana baaxadda masiibadu aanay mar dambe u baahnayn caddayn; hase yeeshee, qaabka sheekadu u socoto oo ku dhisan qabow iyo hadallo kooban ayaa mararka qaarkood ka saamayn badan khudbad kasta oo dareen leh oo isku dayaysa inay dareennada dadka gilgisho.
Filimku wuxuu xubnahan ku khasbayaa inay wajahaan falalkooda: dil la geysto iyada oo aan loo aabayeelayn in qofka la beegsanayo uu yahay xubin ka tirsan “Xamaas” iyo in kale, ama uu yahay ilmo ku dhex xanniban labada dhagax: ururka argagixisada ah iyo mashiinka burburinta ee Israa’iil. Faahfaahin xeeldheer ayuu filimku ku muujinayaa sida dilka loo maleegay sidii inuu yahay hawl maamul iyo biroqraasiyadeed, oo lagu maamulo jadwallo, amarro iyo halbeegyo, iyadoo aan meel loo reebin caqliga, xitaa dareennada bani’aadamka ee ugu fudud: cabsi, qoomammo iyo naxariis toona.
Agaasimaha Yuval Abraham isaguna su’aalihiisa wuxuu u soo bandhigayaa si qabow oo si taxaddar leh loo xisaabiyey, isagoo ku mashquulsan tirooyinka soo koobaya baaxadda musiibada: Imisa dhisme ayay Israa’iil ku burburisay duqayn ama dab? “Boqollaal dhisme,” ayuu ku jawaabay mid ka mid ah xubnahu. Markii la weydiiyey tirada ugu badan ee dhibbanayaal ah ee ku dhintay hal duqayn, jawaabtu waxay noqotay mid ka sii naxdin badan: waxaa la oggolaaday in la beegsado meel ay ku dhinteen 500 oo dhibbane.
Waxaas oo dhami way xoog iyo naxdin badan yihiin marka loo eego mawduuc ahaan. Hase yeeshee, dhanka farshaxan ahaaneed, arrintu way ka murugsan tahay, sababtoo ah waa inaan xusuusnaannaa in ugu dambayntii aynu ku jirno bandhig filim, oo aynaan ku jirin idaacad. Mana dhibayso in la dhaho filimku wuxuu Israa’iil ku cambaaraynayaa filim aan lahayn sawirrada xasuuqa (marka laga reebo dhammaadka), wuxuu ina xusuusinayaa, inkastoy fogtahay, filimka “Shoah” ee Claude Lanzmann. Tani waa mid ka mid ah wanaagyada filimka, waxaana laga yaabaa inay sidoo kale tahay mid ka mid ah meelaha uu ka liito, gaar ahaan marka laga hor yimaado daawadayaal ballaadhan oo aan caadaysan qaabkan filimada dukumentiga ah ee dambiyada ka sheekeeya iyaga oo aan adeegsan wax muuqaal ahaan xaqiijinaya, sida ku dhacday “S21: The Khmer Rouge Death Machine” ee Rithy Panh, ama “The Act of Killing” ee Joshua Oppenheimer.
Laakiin laga yaabee in farsamadan iyo qaabkani aanu ahayn doorasho farshaxan oo keliya, ama filimku uu u doortay sababtoo ah fursadaha kale ma jirin. Marka uu filimku sii socdo, waxaa caddaanaysa in uu agabka muuqaalku xaddidan yahay, maadaama uu marar badan ku noqdo isla muuqaal-dambeed uu hore u adeegsaday: dhismayaal ku yaalla Tel Aviv, shaashad telefishan oo baahinaysa warka, hadallada Benjamin Netanyahu, diyaarad cirka maraysa, duqayn, siidhiga digniinta, iyo wejiyada gacan-ku-dhiiglayaasha oo mugdi ku dhex qarqoomaya.
Israa’iil, sida filimku ku tilmaamayo, waxay inta badan u muuqataa in ay u oomantahay dhiig: muuqaal-dambeed fog, dhawaaq ka imanaya meel kale, shaqo ay wejiyadu ku dhow yihiin inay gebi ahaanba ka qarsoomaan, marka laga reebo wejiga “Bibi”. Filimku halkaas kama sii gudbayo, taasina waa wax ka badan inta ku filan; waxaana laga yaabaa inay masaafadani lafteedu tahay meesha uu filimku ka unkamayo.
Wax kasta oo laga yidhaahdo “Naza” (dabcan wax bandanna waa laga odhan doonaa e) waa inaan la illoobin in awooddiisa dhabta ahi ku jirto jilayaashiisa iyo markhaatiyada ay bixinayaan. Filimada noocan ah, marka aad gacanta saarto qof diyaar u ah inuu qirto, waxaad markaas qabatay dunta aad ka soohaysid filimka oo dhan. Haddaba sidee bay noqonaysaa marka qiraalladu sidan u qabow yihiin, isla markaana si buuxda uga soo horjeedaan waxa uu daawaduhu dareemayo?
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.