Skip to main content

Sunday 9 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Ujeedooyinka booqashada Maakroon ee Geeska Afrika?

27 December, 2024
Image
Geeska cover
Share

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emanual Makroon waxa ay dhalisay wayddiimo doora oo la xidhiidha u jeedooyinka safarkiisa marka loo eego hoos u dhaca weyn ee ku yimid joogitaanka Faransiiska ee waddamadii uu hore u guumaysan jirey gaar ahaan badhtamaha iyo galbeedka qaaradda.  Maakroon waxa lagu tilmaamaa hoggaamiyayaasha galbeedka ee ugu tugtugta roon marka la joogo Qaaradda Afrika. Tan iyo markii koobaad ee la doortay sannadkii 2017 waxa uu safaro booqasho ku gala bixiyey dawladdo dhawra oo dhaca Afrika isaga oo aan marna ku guulaysan in uu la yimaaddo siyaasad cusub oo ka madax bannaan tagtadii iyo guumaysigii ku dhisnaa ka faa’idaysiga hantidda dabiiciga ah ee waddamadii uu guumaysan jiray dalkiisu, taas oo dhab ahaantii keentay in ay Baariis lumiso saameynteedii iyo in ay awoodo kale oo cusubi halkeedii galaan sida Ruushka iyo Turkiga. 

Safar iyo Geeddi cusub

Maakroon, waxa uu Jabuuti soo cago dhigtay 20 Diisambar, isaga oo ka soo kicitamay Jasiiradda Moyate oo burbur xoogan ka soo gaadhay duufaankii “tashido” burburkaas oo ahaa waxyeeladii ugu darnayd ee ku habsata muddo ku dhaw hal qarni. Jasiiraddu waa jasiirad dibadeed qayb ka ah Faransiiska oo dhacda Jasiiradaha la isku yidhaa Arshirbelago. Makroon, kolkii uu Jabuuti soo gaadhay waxa uu casho munaasibadeed (Ciidda kiristanka) la qaatay ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga Jabuuti oo ka kooban 1,500 oo askari, waa saldhigga labaad ee ugu ballaadhan saldhigyada Faransiisku ku leeyahay dibadda. 

Intii lagu jiray kulanka, Maakroon waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale iskaashiga Militari ee soo taxnaa sannadaha badan oo lagu soo af meeray saxeexidda heshiis difaac oo cusub oo labaatan sannadood ah. Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay bishii Julaay ee la soo dhaafay markaas oo Madaxweyne Geelle booqasho ku tagay Faransiiska. Maakroon socdaalkiisa waxa uu ku soo gabogabeeyey caasimadda Itoobbiya ee Addisababa, halkaas oo uu si weyn ugu soo dhaweeyey Raysal Wasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed, soo dhaweyn ka dib labada hoggaamiye waxa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen Qasriga waddaniga ah ee “Miniilik” oo dib u dayactir lagu sameeyey kuna baxday 20 Milyan oo uu Faransiisku bixiyey. 

Booqashada Madaxweyne Maakroon ayaa ku soo beegantay, waqti adag oo Faransiisku uu wajahayo caqabbado badan oo kaga aloosan badhtamaha iyo galbeedka qaaradda, waddamadan ayaa tan iyo wixii ka danbeeyey ka xorroobiddii guumaysiga laf dhabar u ahaa joogtigaanka iyo saameynta Faransiiska ee qaraadda. Waxa u muuqata Baariis in ayna horistaagi karin isbeddelada caalamiga ah ee la xidhiidha Afrika, gaar ahaan kor u kaca Shiinaha oo imika iskaashi ganacsi la leh badi waddamada Afrika. Saameynta Faransiiska ee qaaraddu waxa ay si weyn hoos ugu dhacday laga bilaabo sannadkii 2020 ka dib markii waddamada galbeedka iyo badhtamaha Afrika ay ka dhaceen afganbiyo ciidan, ka soo bilaw Mali, haddana Burkina Faaso iyo Nayjar. Waxa iyana isbeddello siyaasadeed oo waaweyn ka dhaceen Jaad, Sinigaal iyo Ivory Koost. 

Tani waxa ay keentay in ay oodaha jabsadaan shacabka diidan joogitaanka Faransiiska ee waddamadaas, waana waxa hoggaamiyayaasha cusub ee la wareegay talada waddamaas ku riixay in ay soo saaraan go’aanno ka dhan ah saldhigyada ciidan ee Faransiiska iyo reer galbeedka, waxayna diidmadaasi ka bilaabmatay Mali, Burkina faaso iyo Nayjar sannadii  sannaddadii 2022 - 2023. 

Mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayey Baariis ku baraarugtay sida ay wax u jiraan, waa kolkii ay Jaad ay ku dhawaaqday 29 Noofembartii hore in ay laashay heshiiskii iskaashiga Milatari ee ay la lahayd halkaas oo ay Baariis ku wayday garab muhiima oo ay ku lahayd badhatamaha qaaradda, isla maalintaas dhexdeeda Madaxweynaha Sinigal, Baasiro Dhiyoome waxa uu iclaamiyey doonistiisa ah in uu albaabada isugu laabo saldhigyada Faransiiska oo lid ku ah madaxbannaanida iyo jiritaanka waddankiisa waa sida uu ku dooday e.

Shukaaminta Dalalka Afrika ee Biritishku Gumeystay

Isbeddelaas sare oo dhami waxa ay ka turjumayaan fashilka dul hoganaya siyaasadda arrimaha dibadda ee Faransiiska gaar ahaan waddamada Afrika ee la isku yidhaa Farankifooni, waddamadaas oo shucuubtoodu u arkaan in joogitaankiisi uu halis ku yahay isla markaas na uu ku soo dhiso madaxda kelitalisyada ah taasi na ay tahay sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee ka jira waddamadooda oo lagu tilmaamo in ay yihiin waddamada ugu saboolsan ugu na dib dhacsan qaaradda.

Dhanka kale, xaajadu kuma koob na uun saarista ciidamada Faransiiska ee dhanka kale waxa ay taxantahay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa heshiisyada ganacsi iyo ilaha dabiiciga ah ee ka dhexeeya shirkadaha Faransiiska iyo xukuumaddaha Afrikaanka. Kaalintii Faransiiska ee waddamadan ayaa waxa uu buuxiyey Ruushka oo taageero Milatari siiyey Mali, Burkinafaaso iyo Nayjar iyo badhtamaha Afrika iyada oo aan la soo hadal qaadin maalgelinta maalgashiga ilaha dabiiciga ah. 

Arrimahan oo idil waxa ay keeneen in ay Baariis garwaaqsato baahida ay u qabto Istaraatijiyad siyaasadeed oo cusub taas oo ka madax bannaan siyaasaddii hore ee guumaysiga waxaanay gucle ugu jirtaa sidii ay u kasban lahayd qalbiyada shucuubta waddamadan, iyada oo taas raacaysa ayaa waxa ay sannadkii 2021 marti gelisay shirka waddamada Afrika ee Faransiisku gumeystay waxaanay soo jeedisay iskaashi labo geesood ah oo ay yeeshaan labada dhinac, laakiin haddana kama ay guulaysan mawjadaha ka dhanka ah. 

Marka taas la barbar dhigo, Baariis waxa ay ku guulaysatay xidhiidh fiican oo ay la yeelato waddamada aan ahayn Farankifooni, isla markaas na ayna lahayn taariikh guumaysi waxa ka mid ah Moosanbiig oo ay joogto shirkadda Total ee faransiisku isla markaas na ay ku leedahay maalgelinta ugu weyn ee dhanka Gaasta dabiiciga ah. Waxa kale oo ka mid ah Nayjeeriya oo Madaxweynaheeda uu Maakroon ku soo dhaweeyey Baariis 28 Nofiimber, iyada oo labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa, iskaashiga la xidhiidha beeraha, amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Maakroon waxa uu Nayjeeriya booqday 2018, waxa kale uu sannadkii kaas xigay booqday Itoobbiya, sidaas si la mida sannadkii 2021 waxa uu booqday Koonfur Afrika, isaga oo la kulmay madaxda waddamadaas. Halka uu dhawr maalmood ka horna uu mar labaad booqday Itoobbiya. Saddexdan dawladood waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin saddexda dawladood ee ugu weyn dhaqaale ahaan iyo dad ahaanba waddamada koonfurta saxaraha. Nayjeeriya iyo Koonfur Afrikana halka lagu tilaamo in ay yihiin waddamo Angalo-sikson, Itoobbiya waxa ay xidhiidh fog oo dheer la lahayd faransiiska tan iyo markii qabsaday Jabuuti waa muddo imika laga joogo in ka badan hal qarni. 

Faransiisku waxa uu u muuqdaa in aanu haynin siyaasad cad oo uu ku wajaho badhtamaha iyo galbeedka afrika, iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana dhanka kale waxa cad in uu leeyahay Istaraatiijiyad cad oo ku saabsan labada badweyn ee Baasifik iyo Hindiya taas oo uu dajiyey sannadkii 2018, waxaanu xubin buuxda ka yahay ururka waddamada badweynta Hindiya iyo Guddiga badweynta Hindiya. Faransiisku dano doora ayuu ku leeyahay mandaqadan, waxaanu aad ugu dadaalayaa in uu ku faro adaygo jiritaanka danahaas iyo joogitaankiisa Jasiiradda “La Reunion” oo dhacda badweynta Hindiya ee beriga madagasar iyo in uu xoojiya iskaashiga uu la leeyahay waddamada ku yaal cidhifka badda. 

Waxa kale uu ku ka shaqaynayaa in uu xoojiyo isla markaasna dhiiri geliyo is dhexgalka waddamada labada gobol iyo labada badweyn iyo in la fududeeyo is dhaafsiga danaha oo ah mid labo dhinacle ah waana arrin u baahan awood iyo joogista Jabuuti. 

Ku loolamidda Geeska Afrika 

Faransa waxa ay dareensatahay khatarta iyo tartanka isa soo taraya ee shiinaha iyo Turkiga gaar ahaan beriga afrika, inkasta oo ay joogto Jabuuti oo ah goob Istaraatiijiyadeed oo awood u siinaysa in ay lug ku yeelato meelihii ay hore saameynta ugu lahayd ee badhtamaha qaaradda  iyo in ay ku ilaashato danaheeda ganacsi ee ay la leedahay waddamada Aasiya ee mara marinka Suweys iyo sidoo kale in ay ku xoojiso joogitaankeeda Badweynta hindiya. Iyada oo sidaas ah, ayaa haddana waxa jirey madmadaw badan oo hadheeyey xidhiidhka Jabuuti iyo Faransa kaas oo keenay in dib loo eego heshiiskooda, ugu danbeynna la cusboonaysiiyo, heshiiskan danbe waxa ka mid ah dhismaha madaar cusub iyo in kor loo qaado iskaashiga dhaqaale iyo milatari ee labada dhinac. Ta cajiibka ah ee ku jirta booqashada Maakroon ee Jabuuti ayaa ah iclaaminta saxiixa labo heshiis. Heshiiska koowaad waxa uu la xidhiidhaa dhismaha garoon diyaaradeed oo la xidhiidha cusboonaysiinta iskaashiga difaaca, waa heshiis faransiiska u oggolaanaya adeegsiga garoomada duulimaadyada. Heshiiska labaad ayaa isa na ku saabsan horumarinta wakaaladda hawada sare, waana heshiis la caynad ah midkii ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxeexdeen qodobkan oo albaabadda u furaya in wax la iska wayddiiyo tartanka faransiiska iyo Turkiga ee geeska afrika, gaar ahaan faransiiska oo leh barnaamij horumarineed oo dhanka hawada ah, halka Jabuuti ayna lahayn awood farsamo iyo tu maaliyadeed oo hawada ah. 

Booqashada Maakroon ee Itoobbiya ayaa ah arrin la xidhiidha Jabuuti iyada oo xasiloonida tan danbe ay la xidhiidho xasiloonida gudaha Itoobbiya iyo xidhiidhka ay taasi la leedahay gobolka gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya taas oo cirka isku shareertay sannadkan. Dhanka kale faransiisku waxa uu tartan adag kala kulmayaaoo Turkiga, tartankaas oo salka ku haya mandaqada Geeska Afrika oo hore u ahayd meel uu ku keliyeytay Faransiisku isaga oo muddo dheer sal dhig ku lahaa Jabuuti isla markaas na xidhiidh xoogan la leh Itoobbiya, waxaan Iyana meesha ka maqneyn saameynta Faransiiska iyo reer galbeedku ku leeyihiin Eratariya iyo mashaqada ka taagan Suudaan. 

Siyaasadda Faransiiska ee ku fool leh Itoobbiya waxa ay ku qotontaa kuna dhisantahay iskaashi saddex geesood ah: Dhaqaalaha, dhaqanka iyo iskaashi ciidan, waxa Iyana xusid mudan in labada dal waa Itoobbiya iyo Faransa e ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen iskaashiga dhanka dhaqanka, iyada oo Faransa maaliyad ku bixisay soo celinta iyo dib u dayac tirka dhismaayasha dhaxal dhaqameedka ee Itoobbiya. Waxa kale oo sheegid mudan in safaaradda Faransiiska ee Itoobbiya ka koobantahay saddex kun oo qalab ah kuwaas oo ay ururiyeen hawl waddeennada qadiimiga ah ee faransiisku lagu na tilmaamo waxyaabah ugu xiisadda iyo khibradda badan ee la xidhiidha dhaxalka aadamaha ee Itoobbiya. 

Faransa waxa iyada oo soo dhex maraysa hiddaha iyo dhaqanka waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii ay u xoojin lahayd xidhidhka ay la leedahay xukuumadda iyo shacabka, sidaas awgeed labo toddobaad ka hor booqashadii Maakroon ee Itoobbiya waxa ay faransa dawladda u gacan gelisay saddex qalab hiddeed oo taariikh ahaan aad u fog.

Dhanka dhaqaalaha, Madaxweynaha faransiisku, Maakroon waxa uu bayaamiyey in uu si buuxda u taageerayo dadaallada loogu jiro dib u qaabeynta daymaha itoobbiya oo gaadhaya saddex bilyan oo dollar halka dhanka siyaasadda uu sheegay in uu dhab ahaan taageersanyahay dadaallada ay Itoobbiya ku doonayso in ay gaadho badda cas iyada oo loo marayo wada hadallo, lana ixtiraamayo qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa dalalka dariska ah. Dhan kale marka laga fiiriyo, arrinka ku saabsan badda iyo rabitaanka Itoobbiya waa mid uu danaynayo faransiisku isaga oo haddana dhawraya muhiimadda iyo danaha jabuuti oo ah marinka badda ee Itoobbiya. Waxaana muuqata in aanu qarsan rabitaankiisa in ay Itoobbiya gaadho badda cas isla markaas na ay uu ka faa’iidaysto tabo bar siinta ciidamada badda ee Itoobbiya. 

Marka loo eego Turkiga, Faransiisku saameyn badan kuma laha gobolka, sidoo kale na lagu ma tiriyo waddamada reer Yurub ee shuraakada la ah Soomaaliya sidaas awgeed ilaa hadda malaha Istaraatiijiyad cad oo uu ku hawl geli karo. Mid baa se la odhan karaa, Geeska afrika marka la joogo waxa jira labo hab oo faransiisku ka duulo, ta koowaad waa in ay sugaan joogitaanka ciidamadooda ee Jabuuti, joogitaankaas oo ugu fadhiya muhiimad weyn oo la xidhiidha Istaraatiijiyadiisa joogitaan ee Badweynta Hindiya iyo ta Baasifigga. Habka labaad ayaa isna ah, dano dhaqaale oo dhaw, sida helitaanka heshiisyo iyo qandaraasyo ganacsi oo waaweyn, tusaale waxa ah; heshiiska ay wada galeen Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobbiya iyo Shirkadda Air Bus. Guntii iyo gabo gabadii wax suuregal ah, in xidhiidhka labada dal mid sii bullaala, waa haddii Itoobbiya ku guulaysto in ay xal u hesho khilaafyada gudaha ah kuwaas oo laf dhuun gashay ku noqday horumarka dalka iyo xidhiidhadii ay Itoobbiya la lahayd waddamada reer galbeedka gaar ahaan dagaalkii Tigray ee dhacay 2020.