Saturday 19 April 2025
Wax la haybiyaba dawladnimo, waa la soo helaye
Nin walba haruub buu toshoo, hoorso leeyahay
Hayeeshee sidii loo hantuu, hadal ka joogaaye
-Cali Xuseen Xirsi
Soomaalidu waa bulsho la ildaran xasarado, dagaallo sokeeye, xasilloonidarro siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale. Dr. Saadiq Eenow waxa uu yidhi, "labadii qarni ee ugu danbeeyey ma jirto, toban sano oo xidhiidha oo nabad ah oo Soomaalida soo martay." Geyiga Soomaalidu ku dhaqan tahay waxa uu ahaa mid ay colaado aynigiis ka reebeen. Inta badan colaadda arladaas ka dhalata waxa ay ku saabsanayd, daaqa iyo biyaha suququlka ku ah dhulkaas oomasooraha ah. Rashiid Gadhweyne waxa uu qoray, "colaaddoodu waxay ka dhalan jirtay tartanka iyo loollanka ku saabsan khayraadka kooban ee dhulka saxare-xigeenka ah iyo habka dhaqaale ee ahaa xooladhaqatada reerguuraaga ah." Dagaalladaas hore ee qabaa'ilka Soomaalida dhexmari jiray, waxa aynu odhan karnaa, waa dagaallo sooyaal ah (classical wars), oo aynu ugala jeedno, in dagaalladaasi maanta gabaabsi ku yihiin dhulka Soomaalida, marka la fiirsho uhda colaadda maanta jirta halka seeska u ah. Aqoonyahannada Soomaalidu waxay qabaan in dagaalladii Soomaalida isbeddel weyni ku dhacay, si gaar ah markii la hantay xornimada iyo dawladnimada. Waxa ay ku tageen in colaaddii loo raray ku tartanka xukunka iyo khayraadka dawladnimo. Halkaas waxa ka dhashay dagaallo sokeeye oo aad u qadhaadh, kuwaas oo dad iyo duunyaba naafeeyey. Magaalowgii iyo carro-edegayntii curatay, waxa ay dardar geliyeen colaadda maanta ka belbelaysa geyiga Soomaalida.
Curiskan waxa aynu ku eegi doonnaa uhda colaadda sokeeye ee Soomaalida iyo qurubbada shidaaliya. Waxa aynu ku doodi doonnaa in dagaallada maanta jira ay si walba uga duwan yihiin, kuwii qabaa'ilka xooladhaqatada dhexmari jiray. Waxa kale oo aynu tibaaxi doonnaa in dagaalladani kuwii hore ka halis badan yihiin, xagga dhimashada, helidda hubka lagu dagaallamayo iyo cududda militari ee dagaallada udubxoogga u ah. Geesta kale waxa aynu sawir waafi ah ka bixin doonnaa, in dagaallada sokeeye ee maanta socdaa ay yihiin, waxa marka dagaallada la dersayo la yidhaahdo: dagaallo murugsan (complex wars). Waa dagaallada qurubbada huriya iyo xalkooduba ay yihiin kuwo adag oo aan si sahlan loo soo afjari karin, waxa ay qaataan wakhti. Dabshidkii 1978 ilaa haatadan la joogo, Soomaalidu waxa ay ku jirtaa dagaal sokeeye. Waa wax ku dhow nus qarni. Weli waa loo taag iyo maaro la'yahay in dagaalladaas la soo afjaro. Murti hore waxa ay tidhaa, "dhibta oo la fahmo, waa xalka badhkeed." Haddaba qaybaha danbe ee qoraalka waxa aynu ku gaalaabixinaynaa uhda dagaallada sokeeye ee Soomaalida iyo qurubbada shidaaliya. Dagaalka sokeeye ee Soomaalida waxa sees u ah, qodobbadan soo socda:
Afyare Cabdi Cilmi buuggiisa, "Understanding the Somalia Conflagration", oo ah waxqabad qoraalleed oo si gudaballaadhan u dersaya xididka hoose ee colaadda sokeeye ee Soomaalida, waxa uu ku dheeraaday khilaafaadka qabaa'ilka Soomaalida ka aloosan iyo sida ay xidhiidh u la leeyihiin dawladnimada. Mudane Afyare waxa uu ku dooday in loollankii qabaa'ilka ka dhexeeyey loo raray ku tartanka khayraadka iyo xukunka dawladnimo. "Awoodda dawladeed, hubka, shaqada iyo gargaarka shisheeye, waxay noqdeen khayraadka ugu muhiimsan ee ay qabaa'ilku ku tartamaan", ayuu ku qorayaa (bogga 36). Uhda colaadda Soomaalidu la daalaadhacayso waxa uu ku soo ururiyey in ay ka dhalatay, awoodda xukunka ee lagu tartamayo. Soomaalidu markii ay dhaxashay dawladdii uu gumaystuhu uga tagay, waxa ay loollankii ka jiray dhulka saxare-xigeenka ah ee salka ku haye kala dhacsashada khayraadka kooban dhexgeliyeen, nidaamkii dawladnimo ee imbiriyaaligu ka tagay. Virginia Lulling (1997), waxa ay tibaaxday in Soomaalidu dhaqankii raacatada ee geelu tiirxoogga u ahaa in ay dhexgeliyeen dawladnimadii. Halkaas waxa ka unkamay iskudhac iyo khilaaf ayey tilmaantay. Aqoonyahannada dersa Soomaalida waxa ay qabaan in Soomaalidu dawladnimadii u fahmeen hashii la odhan jiray, "Maandeeq." Cabdalle C. Mansuur curiskiiska la yidhaahdo, "Contrary to a Nation: The Cancer of the Somali State", waxa uu ku lafaguray sida Soomaalidu konsabkii dawladnimada u khalad fahmeen. Waxa uu tibaaxay in dawladnimadii lagu matelay neef geel ah oo "Maandeeq" la yidhaahdo. Xeerkii geela ka yaallay in dawladimadii lagu qaaday, ayuu qalinka si hagaagsan ugu sugay. Xeerka geelu waxa uu ahaa: "xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma", iyo "aydin geel hadba waa ninkay gacantiisa gasho." Geelu waxa uu ahaa wax la dhaco, la xado, oo ay mulkiyaddiisu ku waajibto inta cududdaadu iyo tolkaagu le'eg yahay. Cilmi Carab waa tii uu ku maansooday, "xejin waayey geel nimaan tolkii lagu xurmaynayne/kol hadday xigtadu kugu yar tahay kuu xasili waaye."
Noloshii reer guuraaga Soomaalidu waxay aaminsanaayeen in geelu ragga u dhexeeyo, Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo arrinkan tilmaamayana, waxa uu ku yidhi: "dhaqaaleeya dhaha geelu wuu inaga dhexeeyaaye." (Mansuur, 2016, b. 280). Markii lixdankii madaxbannaanida la helay, Soomaalidu waxa ay qarannimadii ku miisaaleen Maandeeq. Suugaantii waagaas la allifay waxa ku jiray; "waataa curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq/waataa magawdoo candhadii gollaa marisee aan maalno hasheenna Maandeeq." Konsabkii dawladnimada ee la khalad fahmay, waxa uu u gogolxaadhay khilaaf, loollan iyo colaad. Inta maanhagga dawladnimada laga haysto uu qaabkaas yahay, way adag tahay in colaadda laga gudbo, iyo in la gaadho mafhuum dawladnimo oo saxan. Mansuur waxa uu qoray, "konsabka qarannimada Soomaaligu ma fahmi karo, iyada oo aan meesha laga saarin caqliyadda geela." Dr. Cali Muumin Axad oo ah akadeemig iyo qoraa si gaar ah wax uga qora dawladnimada iyo suugaanta geellayda waxa uu tilmaamay fahanbixin ah, "dawladnimada Maandeeq." Mudane Axad waxa uu sheegay in reer guuraagu magaaladii u soo rareen falsafaddii raacatada ee qabiilka iyo loollanka ku salaysnayd, taas oo ay ugu danbayntii dhexgesheen dawladdii. Mansuur (2016), waxa uu ku tagay in dawladnimadii loo fahmay Maandeeq. Jabhad beeleedyadii dillaacay iyo halaagii dagaalka sokeeye, labadaba waxa uu ku ururinayaa ‘Maandeeq’ oo lagu heshiin waayey.
Bariise iyo Afyare cilmibaadhistooda la yidhaahdo; "The Somali Conflict: Root causes, obstacles, and peace-building strategies", waxa ay si faahfaahsan u sharraxeen asalka colaadda Soomaalida. Waxa ay qalinka ku adkeeyeen in ubucda dagaalka sokeeye uu yahay ku tartanka khayraadka iyo xukunka dawladnimo. Wixii dagaallo iyo ayaandarro nololeed ahaa ee Soomaalida ku dhacay in seeskoodu ahaa xukun doon ayey cod dheer ku sheegeen. Taliskii Siyaad Barre waxa afka dhulka loo daray oo ay jabhaduhu hadhcad duurka u galeen wuxuu ahaa xukun raadis. Kolkii Siyaad Barre xukunkiisii dhulka la dhigay, qabaa'ilkii Soomaalida waxa ka aloosmay dagaallo sokeeye. Qabiil walba dhexdiisa colaad xukun kala xigsasho ah ayaa dhexmartay. Ka bilow, Daarood, Hawiye, Isaaq, Digil iyo Mirifle. Bilmatel; Habargidir iyo Abgaal, iyaga oo kala taabacsan Cayddiid iyo Cali Mahdi, waxa uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waa dagaalka loo yaqaanno, "dagaalkii afar biloodka." Doc kale Habargidir iyo Xawaadle colaaddii dhexmartay, seeskeedu waxa uu ku aroorayey cidda dekedda Kismaayo maamulaysa. Dhanka Daaroodka, Absame iyo Harti dagaalkii sokeeye ee ay galeen, waxa uu ka dhashay cidda maamulaysa magaalada Kismaayo. Tabtaa oo kale waxa isugu dhacay Marreexaan iyo Harti, sabab la xidhiidha maamulka Kismaayo. Geesta kale Buntland colaaddii ka qaraxday sannadii 2001, asalkeedu waxa uu ahaa xukun. Dhanka Isaaqa dagaalladii ka dhacay Hargeysa iyo Burco, waxa ay ku salaynaayeen xukun kala xigsasho. Waxa la mid ah Digil iyo Mirifle dagaalladii ku dhexmaray gobollada Baay iyo Bakool, sida ay tibaaxeen Bariise iyo Afyare.
Intaa waxa dheer al-Itixaad al-Islaami iyo jabhaddii USC dagaalkii ay galeen in uu ku salaysnaa xukun kala riixasho. Waxaa taa la mid ah, dagaalladii Itixaadka iyo SSDF ku dhexmaray deegannada Buntland. Suugaanta qoran ee colaadda sokeeye ee Soomaalida ku saabsan waxa ay tilmaamaysaa in uhda colaaddu ay tahay ku tartanka khayraadka iyo xukunka dawladnimo. Waxa muhiim ah in la xuso qodob muhiimaddiisa leh oo ku saabsan nidaamka federaalka, kaas oo la aaminsan yahay in uu kaalin xooggan ku leeyahay dagaalka sokeeye, maaddaama uu seeskiisu yahay awood qaybsi. Dad badan waxa ay qabaan in dagaalka sokeeye aanu dhammaanayn inta uu jiro federaalka dalka lagu kala qoqobayo. (Farah, 2022, b. 344). Heritage (2016), daraasad ay ka samaysay waxyaabaha huriya colaadda magaalada Gaalkacyo, waxa lagu tilmaamay in nidaamka federaalku qaadhaan sheegan ku leeyahay. Daraasaddaas waxa lagu yidhi, "colaadda Gaalkacyo waa mid in la fahmaa aanay sahlanayn isla mar ahaantaana leh wejiyo badan. Waxa ay colaaddu salka ku haysaa dhul iyo dhaqaale. Nidaamka federaalka ee la hirgeliyey iyo dhismihii Galmudug oo ka koobnaa gobolka Galguduud iyo qayb ka mid ah gobolka Mudug ayaa sii huriyey colaadda." Khilaafaadka u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada, waxa tiirxoog u ah awoodda siyaasadeed iyo khayraad qaybsiga, taas ayey la xidhiidhaa iskudhacyada waayadan taagan (Bade, 2021).
Tacaddiyadii iyo cabbudhintii kacaankii askarta waxa loo tixgeliyaa in ay yihiin shayga labaad ee sababta u ah dagaalka sokeeye. Soomaalidu waxa ay jijaabiyeen maamul militari oo ku sifaysnaa jaad walba oo leh cadaadis, handadaad iyo khaarijin. Afyare & Bariise (2006), gaboodfalladii taliskii kacaanka waxa ay u diiwaangeliyeen in uu yahay qodobka labaad ee dhaliyey colaadda. Waxa ay tilmaameen in kacaanku beegsi aan loo meel dayin ku qaaday qabaa'ilka. Waxa ay xuseen dilkii kacaanku ku fuliyey raggii ka danbeeyey inqilaabkii fashilmay, sannaddii 1978. Waxa ay intaa ku dareen wixii uu kacaanku ka geystay gobolka Mudug, taas oo la aaminsan yahay in taliskii askartu burburiyey barkado Gaalkacyo agagarkeeda ku yiil, taas oo sababtay in bil gudaheed ay harraad ugu le'daan dad gaadhay 2000 oo qof. Doc kale, waxa ay qalinka ku sugeen gabood falladii kacaanku ka fuliyey gobollada Woqooyi (Soomaaliland). Ururrada xuquuqul insaanka difaaca warbixinno ay sameeyeen waxa ay ku diiwaangeliyeen dagaalkaas in ay ku dhinteen dad gaadhaya 50,000 oo qof. Askartii kacaanku cabbudhintii ay wadday waxa ay ugu danbayntii dhashay in ay unkamaan jabhado seeskoodu qabaa’il yahay, kuwaas oo ugu danbayn xididdada u siibay taliskii askarta.
Maamulkii askarta waxa loo tiiriyaa in uu geystay tacaddiyo iyo xasuuqyo ka dhan ah insaaniyadda, kuwaas oo reebay riiq nafsadeed oo baaxad weyn. Cabdiqaadir Shire Faarax buuggiisa "Matxafka Cadaabta Soomaaliya", waxa uu soo guurinayaa xasuuqyo ay galeen nidaamkii askartu. Xasuuqyada uu taxay waxa ka mid ah: xasuuqii Garabcase, xasuuqii Jasiira, xasuuqii gobollada Woqooyi iyo xasuuqii gobolka Mudug. Waxa intaa dheer in markii laga soo laabtay jabkii dagaalkii Itoobiya, in askartu bilowday in dadweynaha u hubayso qaab beeleed. Beelihii la hubeeyey mooyee, beelihii kale ee deriska la ahaa iyaguna waxa ay raadsadeen hub, waxana bilowday is hubayn reereed. Xasuuqyadii iyo is hubayntii beeluhu waa taariikh qadhaadh oo ay Soomaalidu kala tirsato, waxa ayna kaalin lixaad leh ka yihiin colaadda sokeeye. Geesta kale waxa tacaddiyadii maamulkii askarta ku lammaanaa tacaddiyadii ay galeen jabhadihii reeraha ku dhisnaa. SSDF, USC, SNM, SPM iyo SDM waxa ay sameeyeen xasuuqyo ilaa maanta xasuusta qabaa'ilka raad ku leh. Lidwien Kapteijns waxa ay qortay in jabhaddii USC ay ku kacday tirtird qabiil oo waxshi ah. Falalkii ay jabhaduhu geysteen waxay door muuqda ku leeyihiin nacaybka, colaadda, shakiga iyo kalsoonidarrada bulsheed ee maanta Soomaali haysata.
Dawladdii askartu waxa ay dirir xooggan ku qaadday labo hidde oo soojireen ah oo Soomaalida noloshooda udubdhexaad u ahaa, waa qabiilka iyo diinta. Wixii ay qabaa'ilka ku samaysay waynu ka faalloonay, waxa se muhiim ah in la xuso in maamulkii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed uu dagaal la galay diinta. Xeerkii Qoyska ee gu'gii 1975 iyo ereybixintii "wadaad xume", ee kacaanku hindisay labadaba waxa loo kaydiyey in ay ahayd cadaawaddii ugu weynayd ee kacaanku u qaaday diinta. Islaamiyiinta Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin in xagjirnimada diimeed ee Soomaaliya ka dillaacday, in xididkeeda hoose uu la xidhiidho faragelintii uu kacaanku kula kacay diinta. Dr. Cumar Iimaan waxa uu tilmaamay in kacaanku jid iyo hab walba kula dagaallamay diinta, waxa uu tibaaxay in uu jidgooyo u dhigtay firfircoonidii dacwadeed iyo in uu duldhigay dabaggal xooggan. Geesta kale waxa uu carrabka ku dhuftay in xagjirnimada diimeed salkeedu ku aroorayo cadaadiskii nidaamkii askarta. Waxa uu yidhi: "dalka waxa ku soo laabtay dhallinyaro badan, waxa ayna la soo noqdeen labo arrin oo kala ah, cilmi diineed iyo mad'habka Takfiirka. In Takfiirku baaho waxa kaalin ku lahaa jawigii cadaadiska ee dalka ka jiray iyo nidaamkii hantiwadaagga. Jamaacadii Takfiirku ma kala soocin bulshada iyo nidaamka hantiwadaagga, way se gaalaysiiyeen." Buuggiisa "The Islamic Movement in Somalia", Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, uhda xagjirnimada Soomaaliya ka askuntay waxa uu ku uruurinayaa dilkii uu kacaanku ku fuliyey wadaaddada. Waxa uu qoray, "gaar ahaan Soomaaliya xagjirnimada magaca Islaamka ah waxa ay bilaabantay, kolkii qudha laga jaray wadaaddadii ka horyimi Xeerkii Qoyska ama xeerkii arrimaha shakhsiga ee aan waafaqsanayn Islaamka, sannaddii 1975."
Dirirta kacaanku la galay diinta, waxa ay jidka u bannaysay in dagaal badheedha ah lagu qaado kacaanka, in la gaalaysiiyo iyo in taageero diineed loo muujiyo jabhadaha. Bilmatel; jabhadihii Soomaaliya ka qarxay waxa jiray culimo fatwoonayey in dagaalka la gula jiro taliska kacaanka uu yahay jihaad oo xaqa loogu adeegayo. Markii qaranjabku dhacay Islaamiyiintu waxa ay ka horyimaaddeen dadaalladii qarandhiska. Kuwo Islaamiyiintaas ka mid ah waxay ku sifoobeen argagixisannimo badheedh ah, ilaa waagan la joogana waxa ay duurka ugu jiraan sabab xukun raadis salka ku haya. Xididkooduna waa tacaddiyadii ka dhashay maamulkii kacaanka. Waxaa la aaminsan yahay in cabbudhintii iyo gaboodfalladii askartu kaalin xooggan ku leeyihiin colaadda Soomaalida ka holcaysa. Waana qodob labaad oo muujinaya eelka laga taransaday maamulkii militariga.
Gumaystuhu waxa uu ahaa curiye wasakhaysan oo ka tagay eel aad u daran. Dhaxalkii iyo qoqobkii uu gumaystihii reer Yurub Soomaalida kula kacay, Afyare cilmi waxa uu ku sheegay qodobka saddexaad ee sababta u ah dagaallada sokeeye. Gumaystuhu raad ilaa hadda saamayntiisii la la daalaadhacayo ayuu kala dhex dhigay Soomaalidii raacatada ahayd. Kala qaybinta dhulka Soomaalida waxa uu saamayn ku yeeshay taariikhda bulsheed iyo siyaasadeed. Waxa xuduud loo sameeyey qoysas iyo qabaa'il xoolaraacato ahaa oo si xorriyad ah isugu kala gooshi jiray. Isticmaarka ka hor Soomaalidu waxay lahayd nidaam xerudhalad ah oo dadka oo idil u siman yihiin (egalitarian system). Waxa la burburiyey dhaqannadii bulsheed, waxa la xididdo saaray falsafaddii soo-jireenka ahayd ee bulshadu isku maamuli jirtay, waxaas oo dhan waxay ka tageen waleecaad (Bulxan, 2013). Isticmaarku waxa uu Soomaalida u qaybiyey shan waaxood. Lixdankii waxa midoobay labo ka mid ah shantii waaxood, waa Koonfur iyo Woqooyi. Dawladnimadii ay salka u taageen waxa laga biirsaday walaahow, kadeed iyo halaag. Woqooyiga (Soomaaliland), waxay ku doodday in ay go'day oo ay ku taagan tahay, xadkii isticmaarkii Ingiriiska. Taasi waxay dhashay gadood qabaa'ilka qaar ku aaddan, oo muddo dheer jiitamayey. Waxa ayna dhashay dagaallo qabaa'ilka ka dhex qarxa, taas oo seeskeedu yahay xuduud gumaysi. Weli mushkiladdaasi way taagan tahay oo xal looma helin. Soomaaliya iyo Soomaaliland waxay isaga laadlaadaan waa sabab la xidhiidha kala qoqobkii isticmaarku sameeyey, taas oo ay mid waliba qabto dood u gaar ah. Iyada qudheeda weli xal looma helin. Xal la'aanteeda waxa laga korodhsaday nacayb, colaad iyo khilaaf aad u weyn. Qodobkan saddexaadi waa qoqobkii gumaystaha, oo loo tixgeliyo sabab ka mid ah sababaha colaadda sokeeye.
Maqaalkiisa "Theorizing Stability of Somali State", Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu ku gorfeeyey caqabadaha hortaagan qarandhiska dawladeed ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Soomaalida ay haystaan labo caqabadood, mid waa caqabad jufuraafiyadeed (geographic challenge), oo ah boqcadda istiraatiijiga ah ee ay taallo taas oo xidhiidhisa; Aasiya, Yurub iyo Afrika. Ta labaadi waa kala qoqobkii gumaysi (colonial partition). Gumaystuhu qaybintii uu Soomaalida qaybiyey waxa ay noqotay mushkilad hortaagan qarandhiska Soomaaliya, waxa ayna horseedday xasilloonidarro siyaasadeed iyo bulsheed, waxana laga biirsaday colaad gudeed iyo mid debadeed. Saddexdan qodob ee aynu ka soo faalloonay waa ubucda dagaalka. Waxa se lamahuraan ah in wax laga taabto, qurubbada shidaalinaya colaadda, kuwaas oo si walba uga geddisan qurubbadii hurin jiray colaaddii sooyaalka ahayd ee xoolaraacatada.
Dagaalka sokeeye waxa hurinaya ee shidaalinaya waa afar qodob oo muhiimaddooda leh. Kow, dhallinyarada badan ee boqolkiiba siddeetan shaqo la'aanta ah. Labo, helitaanka hubka casriga ah ee halistiisu ka badan tahay hubkii hore. Saddex, qabiilka la siyaasadeeyey. Aqoonyahannada dersa colaadda waxa ay aaminsan yihiin in qabiilka la siyaadeeyey uu yahay agabka ugu culus ee colaadda lagu shidaaliyo. Qabiilku waa qalab wax lagu abaabulo oo dadka lagu mideeyo, se ma aha wax sees u ah colaadda. Waxa si weyn uga shaqaysiiya nukhbada Soomaalida oo dano gaar ah ku fushada waana waxa colaadda qabaa'ilka Soomaalida ka dhigay, colaad siyaasi ah, oo ugu danbayn salkeedu ku arooro xukun. Soomaalidu qaabdhismeedkeeda bulsho waa mid qabiil, taa macneheedu ma aha, wax walba oo la isku dilayo in uu qabiil yahay, sida ay dadka qaar ka dhaadhacsan, waxa se lagama kacaan ah in qabiilku yahay hayb bulshada lagu midayn karo, laguna kala gayn karo. Sidaa awgeed ayey nukhbadu u adeegsadaan qabiilka agab ay dantooda ku fushadaan. Sababtuna waa in qabiilku yahay wax nugul oo cid walba ka danaysan karto. Qabiilka waxa geeddigeliya oo ku adeegta, kooxaha ay Barbara Walter u bixisay: isir-ka-macaashyo (ethnic entrepreneurs), waxa ay noqon karaan siyaasiyiin, ganacsato iyo wadaaddo. Xarafraac ahaan kuwani waa shakhsiyaadka qabiilka sida biyakamadhibcaanka ah u isticmaala.
Afar, baraha bulshada oo noqday qalab saamayntiisu ilaa xad culus tahay. Waxa uu tiirxoog u noqday hurinta colaadda. Waxa uu qaadhaan ka geystay dicaayadda, beenta, iskudirka iyo kala'irdhaynta bulshada. Waxa loo adeegsaday agab qabaa'ilka lagu kiciyo. Waagii hore haddii qabaa'ilka lagu kicin jiray suugaan ama gabay casriga waxa qaabaa'ilka lagu kiciyaa oo laga dagaal geliyaa baraha bulshada. Waxa laga abaabulaa dhaqdhaqaaqyo bulsheed iyo kooxeed. Waxa lagu diiwaangeliyaa jarriimooyin waaweyn. Waxaad arkaysaa qof la dilayo, hanti la bililiqaysanayo, guryo la gubayo iyo dad shacab ah oo habeen la miranayo. Intaas oo idil waxa lagu kaydiyaa baraha bulshada. Waa qodob kale oo colaadda hurinaya dogobyana sii saaraya. Intarneetku waxa uu soo kordhiyey in colaadda loo daawado qaab layf ah. Waxa lagu dhexgeynayaa goob urta iyo rasaasta baaruuddu is qarisay, oo lagu madhanayo, la iskuna ummuladooxayo. Barbara Walter oo ah shakhsi si weyn u baadha dagaallada sokeeye, waxa ay cod dheer ku sheegtay in baraha bulshadu yihiin "huriye", si weyn uga qaybqaata xasarado iyo colaado sokeeye oo lagu rogmado, si dhayal ahna lagu loodin karin. Arrinkaa qadhaadhkiisa si banyaal ah ayuu Soomaalida u horyaallaa, wayna dareemi karaan khatarta laga dhaxlay.
Afartaas qodob ee aynu xusnay waxa ay shidaaliyaan colaadda oo waxa ay suurtageliyeen in colaadda jirta si qadhaadh oo arxadan loo dareemo, sababtuna waa in huriyayaashani ay yihiin kuwo khatar ah oo adduunku maarayntiisa had iyo goor ku dadaalo, se dawlad la'aanta, maamul xumada iyo saboolnimada baahsan ee waddanka ka jirta ayaa keenay in "huriyayaashani", helaan kansho ay ku bulaalaan, oo ay bari iyo bogox dhiigga Soomaalida ka tuuraan. Qodobbadani waa kuwo sii xididdaysanaya had iyo goor, waana arrin u baahan wax ka qabasho, si colaadaha loo damiyo.
Sida lagu sheegay dib-u-eegis uu sameeyey Bangiga Adduunka (2017), marka loo eego dalalka ugu nugul adduunka oo ay Afgaanistaan kaw ka tahay, Soomaaliya waa dalka labaad ee qarashka ugu badan ku bixiya laamaha nabadgelyada. Dagaalka sokeeye waa mid dabadheeraaday, iskuday walba oo lagu samaynayo dibuheshiisiin iyo qarandhis waxa ay ku idlaadaan hal bacaad lagu lisay, waxa ayna abuuraan quus iyo in aanay waxba ka soo naasacaddayn xalalka colaadda. Sababta waxa la la xidhiidhiyaa in dagaalka aan lagu kala adkaan iyo in aan la gaadhin heshiis iyo wadahadal. Labadan hab waxa lagu dhisaa nabad, xasillooni iyo qaran heshiis lagu yahay. Soomaalidu labadan jid midna ma aysan qaadan waana sababta colaaddu u waarayso. Dagaalka waxa lagaga gudbi karaa in uu dhaco isbeddel xilliyeed iyo in Soomaalidu ka guurto hannaankan ay tahay. Waxa taas ka horreysa in la fahmo uhda colaadda iyo waxyaabaha shidaalinaya, taasi waxa ay sahlaysaa in heshiis waara la gaadho. Odaydhaqameedka qabaa'ilka oo ah dadka sida gaarka ah u xaliya colaadda Soomaalida, waxa aan qabaa in colaadda aan sababaheeda ka warramay in aanay xalin karin oo aanay fahmi karin. Sababtuna waa colaad gudaballaadhan oo u baahan in loo kaashado deraasado iyo khuburro ogaal u leh waayaha Soomaalida ee xilligii gumaysiga, gumaysiga ka dib iyo qaranjabka. Odaydhaqameedku xalka ay hayaan waa dhiig-joojin, taasina waxa ay keentaa in colaaddu dib u soo labakaclayso, sidaa awgeed xalkoodu colaaddan waxba ka tarimaayo.