Sunday 7 June 2026
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Bertelsmann Stiftung, taas oo qeyb ka ah Tusmada Isbeddelka ee BTI 2026 —oo ah qiimeyn caalami ah oo lagu cabbiro isbeddelka siyaasadeed, isbeddelka dhaqaale iyo waxqabadka dowladnimo ee 137 dal — ayaa la shaaciyay, iyadoo sawir mugdi ah ka bixisay xaaladda Soomaaliya ee xilligan.
Warbixintu waxay ku soo gabagabeysay in Soomaaliya weli ka mid tahay dalalka ugu liita caalamka marka la eego isbeddelka dimuqraadiyadeed, sarreynta sharciga iyo xasilloonida hay’adaha. Soomaaliya ayaa heshay dhibcaha Tusmada Xaaladda oo gaadhaya 1.80, waxayna gashay kaalinta 133aad ee 137 dal oo la qiimeeyay. Dhibcaha isbeddelka siyaasadeed ee dalka ayaa ahaa 1.72, halka isbeddelka dhaqaaluhu uu gaadhay 1.89. Waxqabadka dowladnimo ayaa wax yar ka sarreeyay, isagoo gaadhay 2.48, inkastoo taasi weli Soomaaliya ka dhigeyso dalalka ugu hooseeya caalamka.
Qodob muhiim ah oo si joogto ah uga dhex muuqda warbixinta ayaa ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordheysa ee ka dhex jirta nidaamka federaalka Soomaaliya. BTI waxay xustay in dib-u-habeyntii dastuuriga ahayd ee la bilaabay muddadii dib-u-eegista ay dhalisay khilaafyo waaweyn oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Puntland ayaa ka baxday qaab-dhismeedka federaalka kaddib markii ay ka hortimid wax ka beddello dastuuri ah oo ballaadhiyay awoodda madaxweynaha, isla markaana beddelay qaab-dhismeedka doorashada.
Sida ay warbixintu sheegtay, khilaafaadka aan weli xal loo helin ee ku saabsan “qaybsiga mas’uuliyadaha, iyo murannada la xidhiidha awood-qaybsiga iyo qaybsiga kheyraadka” ayaa weli wiiqaya isku xidhnaanta siyaasadeed, isla markaana daciifinaya nidaamka federaalka.
Wax ka beddelladii dastuuriga ahaa ee la ansixiyay bishii Maarso 2024 ayaa soo jeediyay in doorasho madaxweyne oo toos ah la qabto sanadka 2026, taasoo beddeli lahayd nidaamka doorashada dadban ee hadda ku saleysan beelaha. Qaab-dhismeedka dib loo eegay, oo baarlamaanku meel mariyay, kaddibna uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxeexay si uu sharci uga dhigo, ayaa sidoo kale muddo-xileedka madaxweynaha ka dhigay shan sano halkii uu ka ahaa afar sano, wuxuuna ballaadhiyay awoodaha madaxweynaha.
Hase yeeshee, sida ay arrimuhu u soo socdeen sanad iyo badh kii la soo dhaafay, iyo sida ay warbixinta BTI xustay, kooxaha mucaaradka ayaa diiday geeddi-socodkaas oo dhan, taasoo keentay in laba dowlad-goboleed oo federaal ah ay si dhab ah xidhiidhka ugu jaraan dowladda federaalka. Arrintaas ayaa dalka gelisay qalalaase dastuuri ah. Hadda waxaa si isku barbar socda u shaqeynaya laba fasiraad dastuuri ah: Dastuurka Ku-meelgaadhka ah, oo ay Jubbaland, Puntland iyo kooxaha mucaaradku ku adkeysanayaan inuu yahay qaab-dhismeedka dastuuriga ah ee keliya ee sharciyadda leh, iyo dastuurka cusub ee uu Madaxweyne Maxamuud saxeexay si uu sharci uga dhigo.
BTI waxay ku soo gabagabeysay in dhacdooyinkani ay bannaanka soo dhigeen “kala qaybsanaanta siyaasadeed ee socota iyo jilicsanaanta nidaamka federaalka Soomaaliya.”
Xaaladda amni ee dalka ayaa weli u kala qaybsan ciidamada federaalka, ciidamada maamullada gobollada, maleeshiyaad beeleedyo iyo ciidamo caalami ah, kuwaas oo inta badan shaqeeya iyadoo aanay jirin isku duwid wax ku ool ah. Warbixintu waxay xustay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada booliska ay weli si weyn ugu tiirsan yihiin maalgelin, tababar iyo taageero sahay iyo adeegyo ah oo caalami ah.
BTI, oo ku celisay walaacyo ay indha-indheeyayaal badan soo jeedinayeen sanadihii u dambeeyay, waxay Al-Shabaab ku tilmaantay khatarta ugu weyn ee ku wajahan xasilloonida Soomaaliya. Inkastoo howlgal militari oo la bilaabay sanadkii 2022 uu markii hore wiiqay kooxda, iyadoo ciidamada dowladdu ay qabsadeen qaybo badan oo ka tirsan Hirshabelle iyo qaybo ka mid ah Galmudug, haddana ololahaas ayaa markii dambe gaabis noqday, iyadoo ay saameeyeen khilaafaadka dastuuriga ah iyo murannada doorashooyinka. Sidaas darteed, Al-Shabaab ayaa dib isu abaabushay, dhulalna qabsatey, isla markaana kordhisay weerarrada ay ka fuliso dalka oo dhan. Warbixintu waxay xustay in shantii bilood ee ugu horreysay sanadkii 2025 oo keliya, in ka badan 155 weerar oo loo adeegsaday qaraxyada miinooyinka macmalka ah ee IED-yada loo yaqaan ay sababeen dhimashada qiyaastii 300 qof.
Warbixintu waxay sidoo kale ku doodaysaa in istaraatiijiyadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay gacan ka geysatay xasillooni darro, maadaama ay awood siisay maleeshiyaad beeleedyo, taasoo beddeshay isku dheelitirnaantii awoodaha deegaanka, isla markaana hurisay rabshado beeleed. Sida ay sheegtay BTI, taageerada la siiyay maleeshiyaadka beelaha waxay “hurisay tartan hubaysan oo beelaha dhexdooda ah, waxayna horseedday dagaallo beeleed dhacay 2024.”
Dhanka sarreynta sharciga, BTI waxay soo saartay mid ka mid ah qiimeynteedii ugu adkeyd. Waxay sheegtay in dalka oo dhan aanu ka jirin “ku dhaqanka sharciga.” Warbixintu waxay sidoo kale xustay in xadhig aan sharciyeysneyn, xabsi dheerayn iyo faragelin siyaasadeed ay si baahsan u jiraan. Dilalka xukun maxkamadeed lagu fuliyo ayaa si weyn u kordhay sanadihii u dambeeyay. BTI waxay diiwaangelisay 38 dil oo xukun ahaan loo fuliyay sanadkii 2023, marka la barbar dhigo 11 dil oo dhacay sanadkii 2020.
Musuqmaasuqa ayaa lagu tilmaamay mid ku baahsan dhammaan nidaamyada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya. Warbixintu waxay sheegtay in musuqmaasuqu saameyn ku leeyahay doorashooyinka, qandaraasyada dowladda, wareejinta dhulka iyo qaybinta gargaarka. Soomaaliya waxay weli ka mid tahay dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka. BTI waxay xustay in hababka isla-xisaabtanku ay weli daciif yihiin, dacwad-oogidduna ay dhif tahay, iyadoo intaas ku dartay in “mas’uuliyiinta musuqmaasuqa ku kaca ay inta badan ku raaxeystaan isla xisaabtan la’aan.”
Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay xadgudubyo ballaadhan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ay geystaan dhinacyo badan, oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, hay’adaha sirdoonka iyo Al-Shabaab. Haweenka iyo gabdhaha ayaa weli si gaar ah ugu nugul xadgudubyada. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu hooseeya caalamka marka la eego tilmaamayaasha sinnaanta jinsiga, halka ilaalinta sharciga ee ka dhanka ah tacaddiyada ku saleysan jinsiga ay weli daciif tahay. Warbixintu waxay dhaliishay xeerka ciqaabta, maadaama uu tacaddiyada galmada u arko xadgudub ka dhan ah “xishoodka iyo sharafta galmada” halkii uu u aqoonsan lahaa xadgudub ka dhan ah jidhka iyo badqabka qofka.
Dhanka dhaqaalaha, BTI waxay aqoonsatay calaamado soo kabasho ah kaddib sanado abaaro, fatahaado iyo dhibaatooyin deegaanka la xidhiidha oo burburiyay beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Wax-soo-saarka guud ee gudaha Soomaaliya ayaa ka kacay 10.9 bilyan oo dollar sanadkii 2023, wuxuuna gaaray 12.1 bilyan oo dollar sanadkii 2024, iyadoo kobaca lagu qiyaasay 4%. Hase yeeshee, dhaqaaluhu weli si weyn ayuu ugu tiirsan yahay wax soo dejinta, lacagaha xawaaladaha iyo gargaarka caalamiga ah. BTI waxay xustay in shabakadaha ganacsiga Soomaaliya ay gacanta ku hayaan “koox yar oo ganacsato awood badan leh,” kuwaas oo xidhiidh dhow la leh hoggaanka siyaasadda.
Warbixintan ayaa soo baxaysa xilli Soomaaliya ay wajahayo dhibaatooyin badan oo is biirsaday. Dalka ayaa hadda si dhab ah ugu shaqeynaya laba fasiraad dastuuri ah oo is barbar socda. Doorashooyinku weli waxay noqdeen kuwo aan la gaadhin. Xiisadda siyaasadeed ayaa sidoo kale ku sii qotontay caasimadda Muqdisho. Shalay oo keliya, mucaaradka ayaa abaabulay dibadbaxyo la sheegay inay sababeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca dhowr kale. Dowladda ayaa sidoo kale hor istaagtay hoggaamiyeyaal muhiim ah oo mucaarad ah inay ka qeyb galaan dibadbaxyada.
Isla waqtigaas, dowlad-goboleedyo muhiim ah oo xubno ka ah federaalka ayaa weli ku jira is-mari waa siyaasadeed oo kala dhexeeya dowladda federaalka, taas oo muddo-xileedkeedu ku eg yahay maalmo gudahood sida ku cad qodobbada Dastuurka Ku-meelgaadhka ah. Isku darka arrimahan ayaa dalka geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo aan hore loo arag.