Friday 16 January 2026
Turkiga ayaa shaaca ka qaaday, bisha Febraayo ee soo socota in uu biyaha Soomaaliya u diri doono Markab, si uu uga bilaabo mashruuc shidaal qodiseed oo ah noocii ugu horreeyey ee Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan dalkiisa. Tallaabadan ayaa ah mid ka turjumaysa jihada ay qaadday Ankara oo ah mid xoogga saaraysa ballaadhinta hawl gallada dibedda ee sahaminta iyo hoos u dhigista ku tiirsanaanta soo dajinta tamarta.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in hawlgankan shidaal qodista ay u adeegsan doonaan markabka “Cagri Bey”isla mar ahaantaana ay diiradda saari doonaan goobo ka baxsan xeebaha Soomaaliya, balse wax faah faahin ah oo dheerada kama uu bixin baaxadda uu gaadhsiisanyahay maalgashiga iyo qiyaasaha ay gaadhsiisanyihiin kaydka la bartilmaamdeesanayo.
Tallaabadan uu qaadayo Turkigu ayaa dabo socota heshiis iskaashi oo la xidhiidha saliidda iyo Gaasta oo ay kala saxeexdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Maarso 2024, heshiiskan oo lagu sheegay in uu u dhexeeyo labada dawladood ayaa isugu jiray sahamin, iyo qiimeyn lagu samaynayo goobo lagu tuhmayo shidaal iyo gaas oo Soomaaliya gudaheeda ah.
Shaacintan ka hor xilli ku beegan bishii Luulyo ee sannadkii 2024, Wasiirku waxa uu carrabaabay in ay qorshaynayaan sidii ay Xeebaha Soomaaliya ugu diri lahaayeen markabka la yidhaa “Oruc Reis”, si uu u fuliyo baadhitaano kuwaas oo qaadan kara bilo. Heshiiskan oo sida la sheegay u dhexeeya labada dawladood ayaa ka koobnaa saddex baloog oo labo ka mid ah xeebta ka fogyihiin ku dhawaad 50 Km, halka midka saddexaad uu u jiro wax ku dhaw 100 Km
Sida laga soo xigtay hadalladaas hore, Ankara waxa ay aaminsantahay in ay Soomaaliya leedahay khayraad muhiima oo ka kooban Saliid iyo Gaas kuwaas oo dhex ceegaaga baddeeda. Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaa iskaashigan u aragta fursad ay ku xoojin karto maalgashiga tamarta, iyo ilo dhaqaale oo ka caawin kara kordhinta dakhliga Qaranka.
Dhaqdhaqaaqan shidaal qodista ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xidhiidhka labada dal uu marayo meel fiican. Turkiga ayaa ka mid ah xulafada Soomaaliya, waxaanu maalgashi ku sameeyey mashaariic kala duwan sida kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxa uu iskaashi amni iyo milatari la leeyahay dawladda, isaga oo sannadkii 2017-kii Muqdisho ka furay saldhigga ugu weyn ee Turkiga ka baxsan, waa sida ay xusayaan warbixinno hore e.
Bishii Oktoober, 2024 Ankara waxa ay ku dhawaaqday heshiis cusub oo u dhexeeya shirkadda Tamarta iyo ee dawladda Turkiga TPAO iyo dhanka kale Haayadda Batroolka Soomaaliya, heshiiskan ayaa ahaa mid lagu sahaminayo dhulka, iyada oo isla waqtigaas uu markabka “Orac Reis” uu xeebaha Soomaaliya ka bilaabay hawlaha sahaminta, baadhistan oo ku salaysan heshiiskii Maarso.
Hawshan shidaal qodista oo la filayo in ay bilaabmato Febraayo 2026 ka hor doorashada Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed oo salka ku haya wax ka beddelka Dastuurka iyo habka loo galayo doorashada. Waxa xusid mudan Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisu in ay riixayaan doorasho toos ah, halka ay mucaaradku u arkaan in aanu jirin waqti ku filan, isla markaas na dedejinta doorashadu ay fursad u siinayso Xasan sheikh iyo Xukuumaddiisa dib isu doorasho.
Xiisadaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay tan iyo kolkii la ansixiyey wax ka beddelka Dastuurka oo ay si adag uga horyimaaddeen Mucaaradka oo rumaysan in ay tallaabadani xoojinayso awoodda fulinta ee xukuumadda. Arrintan ayaa sababtay in ay Buntilaan ku dhawaaqdo in ay arrimaheeda u maaraynayso si ka madax bannaan Muqdisho ilaa iyo inta wax ka beddelka Dastuurka lagu ansixinayo cod loo dhanyahay. Sidoo kale arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan walaacyo amni, isla mar ahaantaana ay kordhayaan weerarrada al-Shabaab, kormeerayaal ayaana ka digaya dib u dhac yimaadda jadwalka doorashooyinku in uu sii murgin karo khilaafka siyaasadadeed iyo sharci nimada joogitaanka talada ee Xasan Sheekh.