Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Turjumaadda af Turkiga ah ee Taariikda Soomaalida

7 February, 2025
Image
cover
Share
Ebuzer Demirci, waa cilmibaadhe iyo turjumaan Turki ah, oo takhasuskiisu yahay Geeska Afrika, wuxuu Geeska uga warramay sababta ku riixday in uu turjumo buugga Cabdiraxmaan Baadiyow ee Iftiiminta Taariikhda Soomaalida.

Samankan lagu soo shaandheeyo sheekada abaabulan ee ku saabsan Afrika maanhagga reer galbeedka, buugga Iftiiminta Taariikhda Soomaalidu waa waxsoosaar lamahuraan ah, waa buug ay ku duugan tahay aragtida taariikhyahan Soomaaliyeed ee ku wajahan sooyaalka qaniga ah ee isla mar ahaantaan karka badan ee Soomaalida. Waxaa qoray Dr Cabdiraxmaan Cabdillaahi Baadiyow, oo ah aqoonyahan gaasabaxay iyo indheergarad bulsheed, buuggu waxa uu iftiiminayaa taariikhda Soomaalida, isagoo diiradda saaraya gumeysigii, halgankii xornimaddoonka, saamayntii dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah, iyo burburkii dawladnimada casriga ah ee Soomaalida.


Nuskhadda af Turkiga ah oo uu turjumay Ebuzer Demirci, waxay ka kooban tahay oo hal buug la isugu geeyay labadii buug qaybood ee uu ka koobnaa asalka Ingiriisiga ah ee buugga Making Sense of Somali History, kaas oo cinwaan looga dhigay Somali Tarihini Anlamlandırmak. Waa buug akhristaha Turkiga ah ka caawinaya in isagoo afkiisa ku akhrisanaya, uu fahan dheeraad ah ka qaato isbeddelada Taariikheed ee Soomaalida. Turjumaanku sidoo kale waxa uu buugga ku lifaaqay oo uu cutub dheeraad ah ka dhigay, maqaalka nuxurka ballaadhan ee Dr Baadiyow, ee Islamism in Somalia. Kaas oo uu ku iftiiminayo doorka lafdhabarta ah ee dhaqdhaqaaqyada islaamiga ahi ku leeyihiin qaabaynta bulshada Soomaaliyeed.

 

Baadiyow maaha taariikhyahan ay xagluhu u laaban yihiin oo wax uun ka qora Soomaalida, waa se mid ku gacan leh halganka Soomaaliya loogu raadinayo xasilloonida, waxa uu la taliye sare oo arrimaha dastuurka ah u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Turjumaaddan Ebuzer Demirci waa mid luuqadda Turkiga u minguurinaysa aragtiyaha akaademig ruug caddaa ah oo Soomaaliyeed. Buuggani waa mid raadraacaya geeddi-socodka taariikheed ee Soomaaliya, taas oo lagu soo gudbiyay tebin maxalli ah oo daacad ah, buugga Somali Tarihini Anlamlandırmak wuxuu kayd dhaxagal ah u noqonayaa cilmibaadhayaasha, ardayda iyo siyaasad dejiyayaasha Turkiga ee xiisaynaya in ay si qotodheer ula falgalaan Geeska Afrika, waqti uu Turkigu aad uga dhex muuqdo dublomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga gobolka. Demirci waxa uu Geeska uga warramay sababta ku riixday turjumista buuggan, saamaynta uu ka filanayo in uu yeesho, iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Cabdixakiim Kalale: Maxaa kugu dhaliyay in aad af Turki u turjunto buug ku saabsan taariikhda Soomaaliya?

Ebuzer Demirci: Go’aanka aan buuggan ku turjumay waxaa igu dhaliyay sababo isku dhafan oo isugu jira faduul shaqsi ah iyo xil isa saarid. Xidhiidhkaan Soomaaliya la leeyahay waxa uu bilaabmay markaan jaamacadda sannadkii koowaad ahaa 2011, isla xilligaas ayaa Madaxweyne Rejeb Dayib Ordugan (oo markaa ahaa Ra’iisal wasaaraha dalku) booqasho taariikhi ah ku tagay Soomaaliya, booqashadaas oo ibofur u ahayd wajiga cusub ee xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya. Dhugashada xidhiidhkan isa soo taraya ayaa igu dhalisay wayddiimo tirobadan: Soomaaliya halkay dhacdaa? Dadka ku dhaqan maxay yihiin? Muxuu yahay waxa xidhiidhiya qaramadayada? Muxuu Ra’iisal wasaarahayagu naftiisa iyo nafaha wefdiga weheliya ugu biimeeyay booqashada Soomaaliya? Maxay Soomaaliya nooga dhigan tahay? Nasiib darro se, ma heli karayn dhigaallo af Turki ku qoran oo ka baxsan wararka saxaafadda ka soo baxa, Ingiriisidayda liidataana waxay iga hor joogsatay in aan u kuurgalo Soomaaliya anigoo adeegsanaya dhigaallada caalamiga ah ee laga dhiteeyay.

Booqashada Ordugan – oo ahayd mid igu dhalisay su’aalo aan waagaa jawaabo u waayay – may ahayn mid iska summad ah; waxay ahayd booqasho jidka u xaadhay iskaashi macno leh, oo ay qayb ka ahayd in kumannaan arday Soomaali ah waxbarasho loo keeno Turkiga. Qaar ka mid ah ardaydaas ayaan isku fasal ku noqonnay Jaamacadda Ankara, oo ku caan baxday Mekteb-i Mülkiye. La sheekaysigoogu waxa uu wax iiga biidhaamiyay taariikhda yaabka leh ee Soomaaliya, sooyaalkeeda dhaqan ee qaniga ah, iyo ruuxdooda adkaysiga badan, hasa ahaatee, waxaan dareemayay in ay intaan ogahay tahay sarka xaadis oo aanan dhiisha gunta ugu dhaadhicin. Waxaan yaqiinsaday in Soomaaliya ay tahay sida caruusadda Matryoshka oo markaad wax badan ka sii ogaadaba, waxa sii badanayay waxyaalaha kale ee ay tahay in loo kuurgalo.

Baadigoobkaan jawaabaha ugu jiray, waxaan kula kulmay laba qoraal oo markii koowaad iila muuqday kuwo aan jawaabo ka heli karoSomali’ye Bir Umut by Çevik Bir iyo Afrika Boynuzunda Ne Oldu? Oo uu qoray Ümit Kıvanç—balse, labadooduba way ka gaabiyeen in ay abaaraan weydiimaha qoton ee ku mudan maankayga. Sannado ka dib ayaa aan yaqiinsaday sida xagal aragtiyeedoodu dhan ugu janjeedhay. Markaa ka dib, ayaa buugga Afyare cabdi Cilmi ee Understanding the Somalia Conflagration loo turjumay af Turki, waxaana uu noqday mid jidka u xaadha akhristayaasha ila midka ah. Markaas ayaan kolkii koowaad helay jawaabo aan dareemay in ay yihiin kuwo daacad ah oo macno leh, waxaana buugga qotonaan dheeraad ah sii siisay in Afyare laf ahaantiisu Soomaali yahay. Qodob kan la xidhiidhana, waxaan abaal u hayaa oo aan aad ugu mahadcelinayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay in buuggan af Turki loo turjumo. Wax yar maaha hawsha ay qabteen.

Maanta, maktabaddaydu waa mid tusmaynaysa geeddigan, buugta Soomaaliya ku saabsan ee aan haysto ayaa mawduuc kasta ka tirabadan. Waxaa ku jira buug ay qoreen mufakiriin iyo qoraayo igu wehelinayay geeddigaan ugu jiray fahmidda Soomaaliya, qoraayadaas waxa ka mid ah sida: Siciid Sheekh Samatar, Maxamed Ibraahim Warsame, Nuuraddiin Faarax , Caa’isha Axmed, Alex de Waal, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Baadiyow, Afyare Cabdi Cilmi, Stig Jarle Hansen, Maxamed Trunji, Ken Menkhaus, iyo qaar kaloo badan oo aanan magacyadooda oo dhan halkan ku tixi karin oo buugtoodu camireen maktabaddayda.

Sannado ka dib xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya wuu sii xoogaystay waxaana uu noqday mid ku astaysan iskaashi dhinacyo badan. Waa uu ka diga rogtay taageeradii bini’aadantinimo, Wuxuna u gurtay iskaashi dhinacyo badan leh sida difaaca, tamarta iyo dhinacya kale oo badan. Isla jeerkaas, xidhiidhkan xoogaysanaya lamay jaanqaadin laamaha akaademiga iyo suugaantu. Aragtiday, goldalooladani waxay tilmaan u yihiin arrin ka gudo ballaadhan – karaaniinta Turkiga ayaa siyaalo badan kaga horreeya hay’adaheeda akaademiga ah in ay dhaliyaan aqoon ku saabsan Soomaaliya. Tan iyo markii la turjumay buugga Afyare 2012-kii – oo ay turjumaadiisa suuragaliyeen karaaniintii Turkiga ee waqtigaasu – ma jirin waxqabad Soomaaliya ku saabsan oo af Turki loo turjumay markaa dabadeed. In kasta oo aan nasiib u lahaa in aan awoodo helidda iyo fahanka waxqabadyada Ingiriisida ku qoran, haddana waxa aan is wayddiin  jiray kuwa aan awoodin, oo waxaan iswayddiin jiray siday u fahmi karaan tafaasiisha dal ay xidhiidh lafdhabar ah yeesheen dalkooda Turkiga. Iswayddiintaa ayaa falkan igu dhaqaajisay. Turjumaadda buuggani way ka gudo ballaadhnayd geeddi shaqsi ah; waxay ahayd masuuliyad aan isa saaray oo buundo u noqon karta isfahanka Turkiga iyo Soomaaliya. Waxaan ku taamayay in turjumaaddani noqoto dhaxal aqoon-wadaag ah oo jiilasha mustaqbalka dhiirrigelin u noqota.

Qiimaha turjumaaddan waxaa ka marag kacaysa maahmaahda tidhaawixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay”, waa mid lagu sugayoo kaydinta sheekada Soomaaliya, taariikhdeeda iyo adkaysigeeda oo lagu wadaagayo laguna fahmayo sannado badan.

AK: Baadiyow sida laga wada dharagsan yahay waa akaadmig iyo taariikhyahan bad ah oo la wada tixgaliyo. Maxaa se buuggan ku duugan oo adiga ku soo jiitay?

ED: Sidaan hore u xusay, waxbadan oo Soomaaliya ku saabsan ayaan akhriyay, balse, dhawr qodob ayaa buuggan ka soocay. Si ka gedisan buugta kale maaha buug layli akaademig ah, waa buug uu qoray qof ku takhasusay taariikhda Soomaaliya isla jeerkaasna noolaaday, oo u soo taagnaa isbeddelo waaweyn oo ka dhacay. Buugga iftiiminta taariikhda Soomaalidu waxa uu isku darsaday qotonaan aqooneed iyo hab qoraal cuddoonaanta, u sahlaysa akhriskiisa akhristayaasha kala duwan. Waa buug raacayaa hannaan baadhiseed oo kakan, isla mar ahaantaana ah mid cid kastaa ku dhiirran karto akhriskiisa. Waa buug bixinaya falanqayn ay si fudud u fahmi karto ciddaan xataa fahan ka haysan Soomaaliya. Maaha buug akaademiyiinta oo kaliya loogu talagalay ee waa mid cidkastaa wax kala bixi karto.

Waxaan ka war helay buuggan labada qaybood ah ee Baadiyow, markaan waxbarashada ka waday Maraykanka. Si fiican baan weli u xasuustaa khibradii akhriskiisa – bog walba waan caalamadinayay waayo wuxuu daaha ka qaadayay qodobbo ku saabsan taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida oo aanan hore u arag. Markaa waxaan hore u akhriyay maqaallada Baadiyow, oo waan ka dharagsanaa hannaanka uu u wajaho wax ka qoridda taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida, balse, waxaa buuggan gaar yeelay waa awoodda uu u leeyahay in uu si cad u soo gudbiyo sooyaalka Soomaaliya. Kolkay igu soo dhacday in aan turjumo waxqabadayada qoraayada Soomaalida, judhiiba waxaa maankayga ku soo dhacay buugga iftiiminta taariikhda Soomaalida. Waa buug ka jawaabi kara wayddiimaha  tiradabadan ee dadku ka keeni karaan Soomaaliya, hadday yihiin kuwo  guud iyo kuwo faahfaahsan.

Fahmidda Soomaaliya kaliya ma daarna in la taxo taariikhdeeda siyaasadeed ama la gorfeeyo caqabadaha ku habsaday waayadan danbe. Waxay u baahan tahay in la fahmo jawharka dadka Soomaalida – dhaqankooda, qiyamkooda iyo dhacdooyinka taariikheed ee qaabeeyay adduun aragooda. Halkan ayaa quruxda shaqada Baadiyow tahay. Kaliya muu soo tebin dhacdooyine, wuxuu dhex muquurtay nidaamyada qoton ee qaabeeyay haybta guud ee Soomaalida. Wuxuu bayaamiyay waxa haga hab fekerka Soomaalida, isagoo tooshka ku ifiyay halgannada taariikheed ee saameeyay siday Soomaalidu uga fekeraan ee ula falgalaan adduunka. Waa buug lamahuraan u ah cid kasta oo rabta in ay fahan daacad ah ka qaataan Soomaaliya.

AK: Xagasha taariikhda Soomaalida ku saabsan ee aad u aragtay lamahuraanku maxay tahay, maxayna tahay sababta ay kuula muuqatay in ay tahay in la gaadhsiiyo akhristaha Turkiga ah?

ED: Rejadaydu waxay ahayd, welina ay tahay, in buuggani noqon karo buundo akhristaaysha Turkida ah ku xidha taariikhda iyo dhaqanka qaniga ah ee Soomaalida. Waxaan rabay in aan la loollamo fahannada qaldan, baahsan ee ay badanka qaabeeyeen aragtiyaha dhanka u janjeedha ee reer galbeedku, kuwaas oo ka been sheega Afrika guud ahaanteed iyo Soomaaliya gaar ahaan. Sida badanaa dhacda, Soomaaliya waxa laga soo eegaa uun caqabadaha intan danbe soo foodsaaray, waxaana la iska hilmaamaa dhaxalkeeda taariikheed ee ballaadhan. Waxaan ka damacsanaa turjumaaddan in aan si ka qumman u soo gudbiyo sheekada abaabulan ee Soomaaliya: Soomaaliya kuma koobna caqabbadaha tobaneeyadii sanno ee u danbeeyay soo foodsaaray. Waa qaran adkaysi badan, oo qarniyo badan dawladdo kala gedisan ka jireen, waa qaran leh dhaqan qani ah oo adduunka si macno le hula falgalay.

Markasta oo aan Soomaaliya booqdo xaqiiqadan ayaan indhahayga ku soo arkaa, Soomaaliya waxkastoo kale marka laga yimaaddo waa dhulkii rejada. In kastoo maanta loo arko in ay tahay mid bulsho ahaan kala qoqoban, waa kala qoqobnaan ka dhalatay sababo samays ah oo banaanka ka soo gashay taariikhdeedan danbe, waa mid ay keeneen, gumeysiga, dagaalkii qaboobaa iyo khilaafaad gudaha ahi, khatarta argagaxisaduna waa mid reebtay summadeeda, iyadoo sidaa ah qodobbadani ma aha kuwo qeexaya jawharka Soomaaliya. Kala qaybsanaanta waxaa u sabab ah faragalin shisheeye oo 150 sanno soo taxnayd. Marka arrimahooda faraha looga qaado, Soomaalidu waa kuwo ka gudba xuduud beenaadka la kala dhex dhigay oo isku duuban.

In kastoo maanta Soomaaliya dawladnimo halgan ugu jirto, haddana waxaa xusid mudan in aanay ahayn qaran haybtiisa raadinaya. Waa qaran u midaysan in ay dawlad dhistaan – waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya labadaas, oo isku duubnidoodu waa mid ku salaysan wadajirkooda iyo is ahaanshahooda. Buugga Baadiyowna arrintan ayuu si cad u soo gudbinayaa, isagoo tusaalayaal cad ka bixinaya sida looga gudbi karo xuduud beenaadka taariikhdu kala dhex dhigtay Soomaalida. Buuggiisu waxa uu ina siinayaa khariidad tusmaynaysa jidkii looga bixi lahaa kala qaybsanaanta ee ay bulshada ula soo noqon lahayd midnimadeeda iyadoo ku dhuganaysa mustaqbalka yididdiilo cusub.

Xagal aragtiyeeddani waa mid aan dareemay in ay tahay in la la wadaago akhristayaasha Turkida ah. safaradaan ku maray Afrikada Bari hal xaqiiqo ayaan indhaha ka soo qaaday taas oo ah in Soomaalida midkoodba kan kale daryeelo, meel kasta oo ay joogaan. Soomaaliga Jabuuti joogaa wuu la damqadaa Soomaaliga Kiiniya ku sugan, sida ay reer Jigjigiba u daneeyaan waxa ka socda Muqdisho. Xidhiidhsanaantan iyo is danayntan xuduudaha ka talowsani waa qaayo lamahuraan u ah ummad kasta. Turkidayaduna caynkaas oo kale ayaan nahay. Meel kasta oo aan joogno waanu is daryeelnaa, hadday tahay gudaha Turkiga iyo dibaddiisa labadaba. Halkaas uun kuma joognee waxaan ku faannaa in aan taageerno halgannada bulshooyinka muslimiinta ah, oo aan u difaacno sidii oo uu halgankoodu kaayaga yahay. Dareenka masuuliyadeed iyo awooddaan u leenahay in aan ula danqano culeysyada dadka kale sidii oo uu kaayaga yahay, waa shay agtayada ku weyn oo aan ku dhaadanno.

AK: Maxaa taariikhda Soomaalida muhiim uga dhigaya akhristayaasha Turkida ah?

ED: Xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya maaha mid cusub waa masuuliyad ay qaabaysay taariikhday wadaagaan, aaminaada iyo qiyamkay ka midaysan yihiin. Kala fogaanta degeleed iyo kala duwanaanta muuqaal maaha wax ina kala soocaya; ee dhab ahaantii muddo dheer ayaa taariikhdeenu isku sidkanayd. In aan isku aragno dad aanay jirin waxay wadaagaan waxay ka dhigan tahay in aan ku dhacnay dabinka kuwa ka shaqeeyay ilaa haddana ku hawlan in ay ina kala qaybiyaan.

Su’aashu waxay tahay, sidee kala tagsanaantan dhexdeena ahi markii koowaad ku timid? Jawaabta waxaynu ka helaynaa halgannada ay taariikhaheenu ka midaysan yihiin. Awooddihii kala furfuray Boqortooyadii Cusmaaniyiinta waa isla kuwa kala qoqobay Soomaaliya. Tan iyo horraantii 1900-dii ilaa tobaneeyadii sanno ee u danbeeyay, waxaa laynagu kala gudbay darbiyo aan muuqan. Darbiyadani ma ahayn kaliya mid juquraafi; waxa kaloo jiray caqabado taariikheed iyo kuwo aydhiyoolajiyadeed oo loo qaabeeyay in ay ka hortagaan midnimo in ay inna dhex marto ama is fahan. Ilaa maanta waxaa jira dedaallo – gudaha iyo dibaddaba ka imanaya – oo looga gol leeyahay in halkeenaa la inagu kala hayo. Siday doontaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in booqashadii Ordugan ee 2011, iyo wadashaqaynta joogtada ah ee ururrada rayidka Soomaaliya iyo karaaniinta dawladda Turkigu in ay dumiyeen darbigan la innagu kala gudbay ee ay innagu kala qaybiyeen xumatashiilku.

Labaatankii sanno ee u danabeeyay waxyaabihii suuragalay waxa uu marag u yahay in aan caqabadahan ka gudbi karno. Xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya maanta wuu ka xeeldheeryahay mid dublomasiyadeed, oo waxaad mooddaa in dib loo soo celiyay walaaltinimadii ilaa dura ka dhaxaysay. Waa soo celin saxaysa majaraha qumman ee taariikhda, taas oo ah in qaramada qiyamka iyo ixtiraamkay isku hayaan is garab joogsadaan.

Si loo hubiyo in xidhiidhkani sii waaro oo sii xoogaysto, waa in aan xoogga saarnaa is fahamka. Soomaalidu Turkiga aad bay uga dharagsan tahay. Waa dad adduunka u furan, oo qaar badan oo ka mid ahina ku noolaadeen, wax ka barteen oo ka shaqeeyeen Turkiga, taas oo siinaysa fahan fiican oo ay ka haystaan bulshadayada iyo dhaqankayaga. Balse, Turkidu waa cagsiga, taas ayaa lamahuraan ka dhigaysa in la turjumo sheekadaan wadaagno, iftiiminta taariikhduna waa mid lamahuraan u ah buuxinta goldaloollada.