Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Tukaamaysiga dhijitaalka ah iyo saameynta uu ku leeyahay ganacsiga

30 May, 2025
Image
Tukaamaysiga dhijitaalka ah iyo saameynta uu ku leeyahay ganacsiga
Share

Shalay galab aniga oo ku sugan magaalada Krefeld ee waqooyiga Jarmalka, Daani oo ah maamulka mid ka mid ah xarumaha shirkadda C.A ee caanka ku ah iibka dharka, ayaa iiga warramay go’aan shirkaddu qaadatay oo ah in la dhimo tirada shaqaalaha ka hawgala, gaar ahaan shaqaalaha sida ku meelgaadhka ah uga shaqeeya shirkadda, shaqaalaha kale ee joogtada ahna loo wareejiyo xarumo kale.

Daani oo 33 jir ahi, waxa uu arrinkan iigu sababeeyey in shirkaddu xidhayso xarumo badan oo ay ku ganacsan jirtay, sababta oo ah waxa hoos u dhacay tiradii macaamiisha ee tooska u iman jiray xarumahaas, waxaana kor u kacay dadka ku tiirsan ka adeegashada internet-ka. Sida cad, dhimista shaqaalahani lama xidhiidho kartidooda iyo waxsoosaarka xarumahaas, ee waa wax la xidhiidha wax intaasba ka weyn, oo ah isbeddelka dunida ku yimi ee beddelay habdhaqankii macmiilka wax iibsanayey. Kol haddii ay hoos u dhacday booqashadii tooska ahayd ee macmiilku ku imanayey xarumaha ganacsiga, ka adeegashada internet-kuna korodhay, shirkadihiina waxa ay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan istiraatiijiyadahoodii iyo qaabkii looga shaqaynayey xarumaha ganacsi.

Dhacdada Krefeld keliya waa tusaale, se waa wax caddayn u ah isbeddelka weyn ee ay suuqyadii caalamiga ahaa waajahayaan, iyada oo macaamiishii ka guureen adeegashadii tooska ahayd ee la yaqaannay, oo ay internetka u adeegsadeen goob ay wax ka iibsadaan, iyagoo doorbidaya degdegsiimadiisa.

Jidadkii waaweynaa ee ganacsiga caanka ku ahaa, maanta baahi weyn uma qabaan boodhadhkii xayaysiinta ee ay caanka ku ahaayeen. Kol haddii ka adeegashada internet-ku noqday habka macaamiisha inta badani doorbidaan, shirkadihii waaweynaa ee calaamadaha ganacsi lagu yaqaannay waxa ay bilaabeen in ay xidhaan xarumihii tooska ahaa ee la iman jiray, waxaanay xoogga saareen ganacsiga dijitaalka ah. Isbeddelkani ma aha mid keliya saamaynaya habdhaqankii macmiilka, ee waa isbeddel wata saamayn dhaqaale iyo bulsho oo taabanaya dhinacyo kala duwan.

Xarumihii iibka dharka ee soo jireenka ahaa ayaa isbeddelka u weyni haleelay marka ganacsiyada kale loo eego, sababtoo ah waxa fudud in dharka si onlayn (online) ah loo iibsado, macmiilkuna kala doorashada dharka iyo qiimahoodana u helayo fursad intii hore ka badan. Sidaas darteed, waxa hoos u dhacay tirada macaamiisha dukaannada dharka toos u yimaadda, furitaanka xarun cusubna waa wax lacag badan u baahda, waana sababta dukaanno badan oo dharka iibiyaa u xidheen xarumo badan. Arrinkani waxa uu sii labajibbaarmay markii Karoonuhu dunida kala xidhay.

Sooyaalkii ganacsiga: laga soo bilaabo suuqyada wadhatada ilaa ganacsiga dijitaalka ah

Kala gadashada alaabaha iyo ganacsigu waa wax soo maray jid dheer, oo barbar socday isbeddelladi aadamaha kusoo dhacayey, laga soo bilaabo bilawgii noloshu koobnayd ilaa laga soo gaadhay kacdoonka tiknoolajiyadda. Wakhtiyadii hore, habka ugu caansan ee ay dadku wax ku kala iibsadaan waxa uu ahaa in ay alaabaha isku doorsadaan, iyada oo aanay jirin lacag ama goobo rasmi ah oo lagu ganacsado. Marar baa la furi jiray suuqyo wadhato ah oo xilli cayiman la joogo, dadkuna waxa ay ksuoo bandhigi jireen alaabaha ay iibinayaan.

Markii aadamuhu soo gaadhay ilbaxnimooyinkii Giriiga iyo Roomaanka, waxa soo ifbaxay dukaan aan guurguurin, oo meel loogu soo hagaago leh. Tallaabadani waxa ay ganacsiga kusoo kordhisay deggenaan iyo isku hallayn, wax kala iibsiguna waxa uu ku qotomay gorgortan, manay jirin sicir sugan ama alaabuhu ka midaysanyihiin.

Qarniyadii dhexe, suuqyadu waa ay horumareen, waxaanay samaysmay guddiyo korjoogtayn, oo soo rogay xeerar iyo sharciyo adag oo ku saabsan sicirka iyo tayada alaabta. Xilligan waxa soo ifbaxay tukaanno kala xadaysan oo mid kasta wax lagu yaqaan, waxaana caanbaxay boodhadhka tukaannadu samaystaan, si dadka jidka maraya loo soo jiito.

Markii lasoo gaadhay Kacdoonkii Warshadaha, qarniyadii 18aad iyo 19aad, ganacsigii baa gun iyo baar isbeddelay. Waxsoosaarka warshadeed ee hanaqaaday waxa uu soo kordhiyey in laga baxo suququlkii alaabta iyo qiimaha alaabtu hoos u dhaco, waana waxa markii dambe sababay samaysanka dukaannada waaweyn, ee hal meel ku iibiya alaabo kala duwan. Xilligan baa la hindisay sicirka sugan, oo beddela gorgortankii, waxaana sii horumaray boodhadhka xayaysiinta iyo qiimodhimista, si loogu tartamo macaamiisha.

Qanrigii labaatanaad waxa soo kordhay dukaannada ‘supermarket’-ka ah, oo qofka u saamaxa in uu adeegto, isaga oo dukaanka dhexgalaya, qalabka adeegashadana jiidaya, waxa uu u baahanyahayna soo qabsan kara. Fikraddan waxa ku hoos jira in macmiilku go’aanka wax iibsasho ku dhex gaadho dukaanka, kol haddii uu alaabo badan uu arkayo inta uu dukaanka dhex wareegayo.

Soddonaadkii qarnigaas, waxa soo kordhay moolasha waaweyn, oo hal goob ku kulmisa tobanaan xarumood oo alaabo kala duwan gada. Arrinkani waxa uu adeegashada ka dhigay wax dadku xiiseeyaan oo ay ku raaxaystaan, halkii uu markii hore ka ahaa hawl qofku ku iibsado baahiyahiisa.

Dhammaadkii qarnigii 20aad iyo bilawgii qarnigan 21aad, internet-ka ayaa isbeddel kale oo gun iyo baar ah ku keenay ganacsigii iyo hababkii loo adeegan jiray. Macaamiisha waxa y fududaaday in ay alaab ka iibsadaan dukaan kasta oo dunida dacalkeeda ku yaalla, iyaga oo aan ka tagin guryahooda. Ganacsiga dijitaalka ah ee ay sameeyeen mareegaha sida Amazon iyo eBay, waxa ay soo kordhiyeen habab cusub oo ay dadku wax ku iibsadaan, sida in alaabta laga qaado sawir iyo muuqaal, qiimaynta macaamiishii horena lagu hoos qoro, dadka iibsanayana loo soo bandhigo hababka ay lacagta ku bixin karaan iyagoo adeegsanaya kaadhadhkooda bangiyada. Arrinku halkan kuma istaagin, ee waxa sannadihii dambe kaalin weyn ku yeeshay tiknoolajiyadda leh garaadka macmalka ah, oo macaamiisha u sii sahlay tijaabinta alaabta ay iibsanayaan iyo helidda xogo dhammaystiran. Waxa horumar weyn laga gaadhay oddoroska baahida macmiilka iyo aqoonsiga waxyaabaha uu doorbidayo, waxaana kaydsan sooyaalkiisa adeegasho.

Marka aynnu eegno jidkan ganacsigu soo maray, waxa aynnu ogaanaynaa in aanay keliya isbeddelin goobaha ganacsiga iyo qaabka lacag bixinta ama kala beddelashadu, se waa isbeddel saameeyey xidhiidhkii ka dhexeeyey ganacsadaha iyo macmiilka, oo uu markasta joongaynayey horumarka tiknoolajiyadda iyo isbeddelka noloshu.

2025: sannad ku suntan albaabbo u laabidda xarumaha ganacsiga

Wakhti xaadirkan, qaaradaha dunida waxa si xawli ah uga socda xidhitaanka goobihii ganacsiga oo ku raadaysmay isbeddellada tiknoolajiyadda iyo isbeddelka ku yimi qaababkii macaamiishu u iibsan jireen alaabaha.

Jarmalka, dukaannada caanka ah ee Galeria ee taafriiqda iibiya ayaa bishii Apriil ee 2024 sheegtay in ay xidhayso 16 dukaan oo ka mid ah 92 dukaan oo ay dalka ku lahayd, waana arrin meesha ka saaray 1400 oo shaqo. Shirkaddani waxa ay 2023-kii sheegtay in ay xidhayso 52 farac, shaqadana waxa ay ka joojisay shan kun oo shaqaale oo sababsaday isbeddelka ku yimi qaabkii tukaamaysiga iyo kharashka badan ee ku socda xarumahaas aanay macaamiishu imanayn.

Ma aha arrin ku kooban Galeria, ee sidoo kale shirkadda dharka iibisa ee Esprit, ayaa 2024 sheegtay in ay xidhayso dhammaan xarumaha ay ku leedahay Jarmalka dhammaadka sannadkaas, waana arrin meesha ka saaray 1300 shaqo. 
Ma aha sheeko laba shirkadood ku kooban, ee Midawga Tukaannada Tafaariiqda ee Jarmalka ayaa ka digay in kumannaan tukaan la xidho, xarumihii tukaannadaasi magaalooyinka ku lahaayeenna haawan doonaan. Digniintani waa mid rumoobaysa, oo Jarmalka sannadkii 2015 waxa ka diwaangashanaa 372 kun oo xarumood, hadda se 311 kun baa soo hadhay, waxaana la saadaalinayaa in shan kun oo xarumood sannadkan gudihiisa xidhmaan. Warbixin kale oo arrinka kasii dayrinaysaa, waxa ay saadaalinaysaa in 50 kun oo xarumood xidhmaan sannadkan, laguna tartamo ganacsiga dhijitaalka ah iyo ka faa’idaysiga dhaqanka cusub ee macaamiisha.

Haddiiba xaalka Jarmal sidan yahay, mid la mid ah waxa waajahaya Ingiriiska. Dukaannada WHSmith oo qarniyo badan qayb ka ahaa nolosha maalinlaha ee reer Ingiriis, waxa ay shaacisay in ay xidhayso xarumo badan oo magaalooyinka dalka ku leedahay, iyadoo fulinaysa in ay albaabbada u laabto 500 oo xarumood. Waxa ay sidan kusoo afjaraysaa 233 sanno oo ay jidadka Ingiriiska ka calanwallaynaysay. Ganacsiyo kale oo leh summado ganacsi oo caan ah ayaa jidkan ku socda, sida Jojo Mama Bebe, oo xidhay sagaal xarumood muddo sannad ka yar gudaheed. Shirkadda kale ee Joules ayaa iyana 19 xarumood xidhay.

Xarunta Ganacsiga Tafaariiqda (CRR) ayaa sannadkii 2024 ku tilmaamay sannad u darnaa ganacsigan, iyada oo si maalinle ah Ingiriiska loo xidhayey 37 tukaan, waana korodh 28.4% ah marka la barbardhigo sannadkii 2023.

Kasoo gudub Atlaantiga. Maraykanka laftiisu xaalad tan dhaanta kuma sugna, oo waabu kasii daran yahay. Waxa la saadaalinayaa in sannadkan 2025 ay xidhmaan 15 kun oo xarumood, oo ah labajibbaarka xarumihii xidhmay 2024. Saamaynta u weyni waa ganacsiga internet-ka, sida shirkadaha Shein iyo Tamu, ee tukaamaysiga internetka ku calanwallaynaya. Shirkado badan baa xidhmay, oo aan awood u yeelan in ay xitaa ganacsigaas internet-ka ah u wareegaan, sida Joann Fabric, Soleply iyo Forever 21, halka shirkadda Macy’s ay qorshaynayso in ay albaabbada u laabto 66 xarumood, si ay ula qabsato tartanka ganacsiga dhijitaalka ah.

Shirkadda kale ee Kohl’s ayaa xidhi doonta 27 xarumood, oo 15 gobol oo Maraykanka ah ku kala yaalla. Xitaa shirkadda Goodwill, oo macaamiil badan kusoo hiran jireen sicirkeeda jaban, ayaa ku khasbanaatay in ay xidho xarumo dhawr ah.

Haddii aynnu u gudubno Shiinaha, mawjaddani ma ay nabadgelin. Mareegaha ganacsiga dhijitaalka ah, sida Taobao, JD.com iyo Pinduoduo, ayaa beddelay saaxaddii ganacsiga, oo sababay in ay hoos u dhacaan dukaannadii waaweynaa ee tooska wax looga iibsan jiray. Ganacsiyadii tafaariiqda ee Shiinuhu hadda waxa ay la daalaadhacayaan in aanay sallaanka uun ka dhicin, oo ay la qabsadaan isbeddelka ku yimi habka tukaamaysiga ee macmiilka.

Eeshiyada kale, Singabuur iyo Hindiya ayaa isbeddelkan la daalaadhacaya. Marka la joogo Singabuur, kharashaadka tukaannada ee sii badanaya iyo tartanka ganacsiga dhijitaalka ayaa sababaya in albaabbada la isugu laabo dukaanno badan. Hindiya lafteeda waxa ku cartamaya isbeddelkan iyo soo jireenkii, ganacsiyo badanina waxa ay ku khasbanyihiin in ay dhijitaalka u wareegaan.

Xaaladahan oo kale Afrika ayaa ay soo gaadheen, se weji ka daran inta horeba ayaa ay ku hayaan. Koonfur Afrika, waxa si xawli ah u xidhmaya ganacsiyadii yaryaraa iyo kuwii dhexe, Nayjeeriyana waxa tukaannadii soo jireenka ahaa meesha ka saaray ganacigan Internetka. Tuunis, waxa suuqa ka baxay shirkado sannado badan naf la caari ahaa, oo ugu dambayn iska xejin waayay tukaamaysiga dhijitaalka ah.

Tukaamaysiga dhijitaalka ah iyo khariidadda cusub ee dhaqaalaha dunida

Dad ka badan 2.77 bilyan oo qof oo dunida ku nool, in ay noocyada kala duwan ee tukaannada dunida ku yaalla wax ka iibsadaan waxa ka xiga halmar oo ay aaladaha tiknoolajiyadda ee ay haystaan gujiyaan. Boqolkiiba 33 dadka dunida ku nool waxa ay maanta ka tukaamaystaan internet-ka, waxaanay qayb ka yihiin dhaqaalaha dhex wareegaya tukaamaysigaas dhijitaalka ah oo lagu qiyaasay 6.8 tirilyan doollar, iyadoo la saadaalinayo in uu dhaqaalahaasi sannadka 2027-ka gaadhi doono 8 tirilyan oo doollar.

Tukaamaysiga dhijitaalka ahi waxa uu kusoo bilaabmay hab madaddaalo iyo hawlyaraysi ah, se hadda waxa uu noqday aasaasi aan nolosha dadka ka soocnayn, waxaana sababaya faafitaanka internet-ka iyo in dadku si fudud ku heli karaan. Waxa la saadaalinayaa in tirada dadka internet-ka ka tukaamaystaa gaadhi doonto 2.86 bilyan oo qof sannadka 2026-ka.

Isbeddelkan dhacay, waxa kaalin weyn ku leh mareego soo ifbaxay oo ganacsiga dhijitaalka ah hoggaanka u haya, oo tiradooda lagu qiyaasay 603 mareegood, oo u adeega 4.9 milyan oo shirkadood oo dunida ku kala yaalla. Mareegta WooCommerce oo keliya ayaa 38.76% suuqan haysata. Ganacsigan waxa kaalinta koowaad dunida kaga jira Shiinaha oo 904.6 milyan oo qofi internet-ka ka adeegtaan, waxaana kusoo xiga Maraykanka oo 288.45 milyan oo qofi internet-ka wax ka iibsadaan.

Taleefannada casriga ah: isbeddelku waxa uu ka dhex socdaa jeebadaheenna

Dunida waxa jira 5.64 bilyan oo taleefanno dad sitaan, dadkaas boqolkiiba 69 waxa ay sitaan taleefannada casriga ah. Sannadkii 2023, ganacsiga dhijitaalka ah, boqolkiiba 72 % waxa laga dhex sameeyey taleefannada gacanta, waxaana la saadaalinayaa in ay sannadka 2027-ka gaadho 88%.

Mustaqbalka ganacsiyada soo jireenka ah

Isbeddelladan dhijitaalka ah ee xawliga ku socda, ganacsiyadii soo jireenka ahaa waxa ay ka laalaadaan jar; in ay baaba’aan oo duufaantani qaadato iyo in ay isbeddelkan geeskooda ka raacaan, oo ay la qabsadaan isbeddelka ku yimi habkii macmiilku wax u iibsan jiray. Saadaashu waxa ay sheegaysaa in ganacsiyada guulaystaa noqon doonaan kuwa soo kordhiya hab la jaanqaada isbeddelka tiknoolajiyadda iyo horumarka garaadka macmalka ah, iyo abla’ablaynta habdhaqanka macaamiisha.

Xarumaha ganacsi waxa ay kusoo koobmayaan meelo macaamiishu alaabta ay doonayaan ka eegtaan uun, se ma aha goobo wax laga iibsado, oo waxa ay si fudud taleefankooda uga iibsan karaan alaabtii ay xarunta ganacsi u aadayeen. Weli waxa jira rejo laga qabo in ganacsiyadii hore u jiray isbeddelka qayb ka noqdaan, sida ganacsiyo caan ahi haddaba sameeyeen oo lammaaneeyey ganacsiga dhijitaalka ah iyo ka tooska ah.

Ugu dambayn, si fudud ganacsiyadaas soo jireenka ahi kuma baaba’ayaan, se haddana marnaba ma sii ahaan karaan sidii ay ahaan jireen. Mustaqbalkoodu waxa uu ku xidhanyahay ka qaybnoqoshada isbeddelka socda iyo in ay kulmiyaan soo bandhigidda alaabta iyo tukaamaysiga internet-ka.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay Madasha Magazine