Tuesday 11 November 2025
Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u cusbooneysiiyay go’aan uu hore u soo saaray Joe Biden oo dhigayay in Waqooyiga Dalka Itoobiya uu halis ku yahay degganaanshaha Itoobiya, gobolka iyo masaalixda Maraykanka, lagulana dhaqmo xaalad degdeg ah.
Go’aankan uu qaatay Trump, oo ay dhif tahay in uu wax ku raaco Madaxweynihii isaga ka horreeyay, ayaa muujinaya in mawqifka Maraykanka ee Itoobiya aanay waxba iska beddelin, Trump-na uu weli ula dhaqmayo in Itoobiya ay tahay waddan aan degganayn.
Madaxweynihii hore, Joe Biden, ayaa waxa uu go’aankan soo saaray sannadkii 2021-kii, xilligaas oo ay colaado xooggani ka oognaayeen gobolka Tigreeyga, waxana uu isla waqtigaas uu Biden ka saaray Itoobiya liiska dalalka ku jira Xeerka Koboca iyo Fursadaha Afrika (AGOA) isaga oo ku eedeeyay in ay gashay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadane, kolkii uu socday dagaalkii gobolkaas waqooyi.
Intaas waxii ka dambeeyay, sannad kaste waa la sii cusbooneysiinayay go’aankan, haddana waxa uu Trump cusbooneysiiyay illaa bisha Sebtember ee sannadka 2026. Madaxweyne Trump ayaa hore u dhaliilay Itoobiya waxana uu muddo-xileedkiisii hore bixiyay hadallo u janjeedha dhanka Masar oo ku saabsan arrinta muranka badan leh ee Dhaamka Weyn ee Itoobiya.