Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Trump, Masiixa iyo Baadariga: Wajiga Waallida Awoodda

15 April, 2026
Image
Trump, Masiixa iyo Baadariga: Wajiga Waallida Awoodda
Share

Ugu dambayn, Madaxweyne Trump wuxuu ku qasbanaaday inuu tirtiro sawir uu ku baahiyey mareegtiisa Truth Social, kaas oo u muujinayey isaga oo isu ekaysiinaya Ciise Masiix. Sawirkaas waxa ka dhex muuqanaya Trump oo xidhan hu’ cad oo qaab Tawraati ah, garbasaar guduudanna ka lusho. Gacantiisa, oo iftiin ka bidhaamayo, ayuu ku dul hayaa nin bukaan ah oo sariir saaran. Hareerihiisana waxa jooga kalkaaliso, askari, gabadh duco miisaysa iyo nin sita koofiyadda baseball-ka. Dhabarka sare ee sawirkana waxa ka muuqda gorgor, calanka Maraykanka iyo Taallada Xorriyadda.

Sababaha ku qasbay Trump inuu tirtiro sawirkan, sida la filan karo, way badnaayeen. Waxa ka mid ahaa duullaan cadho culus wata oo uga yimid qaybo ka mid ah bulshada Masiixiyiinta muxaafidka ah ee taageersan, eedeymo gaalnimo ah, iyo dhaleeceyn ku saabsan inuu si badheedh ah meel uga dhacay Ciise Masiix. Waxa kale oo lagu canaantay qabkiisa waallida u dhow ee gaadhsiisay inuu dareenka diimeed ka dhigo wax uu ku tunto, isaga oo isku qasay astaamo siyaasadeed iyo astaamaha diineed ee Kiristaanka.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani Trump kamuu bixin wax raalli-gelin ah. Taa caksigeeda, wuxuu miciinsaday dood uu ku caqli-caayayo dadka, isaga oo ku andacooday in sawirku astaan u ahaa dhakhtar ka hawlgala Bisha Cas, halka warbaahinta “beenta dhurta” uu ku eedeeyey inay si qalloocan u leexisay sawirka si dadweynaha loogu kiciyo. Dhanka kale, madaxweyne-ku-xigeenkiisa, oo dhawaan soo saaray buug uu kaga hadlayo rumayntiisa diimeed, ayaa isaguna doortay inuu ugu qiil sameeyo caqli caayid aan tii hore ka dhicin, isagoo sheegay inay arrintu ahayd “kaftan madaxweyne jecel shacabkiisa inuu kula dhex kaftamo baraha bulshada”.

Run ahaantii, dhaqankan uu Trump ku canjilayo Ciise Masiix waa uun qayb yar oo ka mid ah isla-weynida waallida u dhow ee lagu yaqaan madaxweynaha Maraykanka. Waa isla-weyni ku dhisan ku-takrifalka awoodda, dulmiga, gardarrada, iyo kibriga aan hadda qarsooneyn ee maankiisa buuxa, kuwaas oo maanta si toos ah uga muuqda jihada siyaasadda dibadeed ee xukuumaddiisa. Arrintuna halkaas kuma joogsan; ee waxay sii baro-dhaaftay markii uu weerar toos ah ku qaaday Baadariga Faatikaanka, oo hore uga soo horjeestay dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan Iiraan.

Trump kuma uu ekaan inuu Baadariga ku eedeeyo inuu jecel yahay in Iiraan yeelato nukliyeer; wuxuu sidoo kale ku sifeeyey inuu yahay qof “shaqo wanaagsan aan haynnin”, “jecel fal-dembiyeedka”, “liberaal weyn” ah, isla markaana u ololeeya “bidixda fog”. Sida oo kale wuxuu sii raaciyey in Baadarigu “naftiisa dhibayo”, isla markaana uu culays iyo dulsaar ku yahay Kaniisadda Kaatooligga. Wuxuu xitaa ku dooday in Baadariga aan loo dooran mudnaan diimeed ama karti awgeed, balse loo soo xulay oo keliya sababta oo ah wuxuu kasoo jeedaa Maraykanka. Sida uu Trump sheegay, tani waxay ahayd habka keliya ee Kaniisaddu ula macaamili karto madaxweyne Donald J. Trump. Wuxuuna hadalkaas sii gaadhsiiyey heer kale markii uu yidhi: “Haddii aanan joogi lahayn Aqalka Cad, Liyuu ma joogi lahayn Faatikaanka.”

Siday ahaataba, la yaab ma leh in Trump uu hanjabaado u jeediyo Baadariga ama uu isu sawiro Ciise Masiix ahaan. Waa madaxweynaha gacanta ku haya awoodda ugu weyn dunida. Hore ayaynu u aragnay isaga oo safaaradda Maraykanka u wareejiyey Qudus, oo ay Israa’iil haysato, isla markaana sharciyeeyey qabsashada Israa’iil ee Joolaan. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirraday inuu ku baaqo in Marinka Qasa loo beddelo goob dalxiis oo “Riviera” ah, isaga oo sii wata damacyadiisii ku wajahnaa Greenland. Imikana waxa uu wadaa dagaal uu ku hanjabay inuu hilfaha u laabi doono Iiraan iyo xaadaradeeda gebi ahaanba; waxa kale oo uu ku handadayaa inuu u jeedsan doono dhanka Kuuba marka uu ka soo jeesto Iiraan.

 

  • Waxa laga soo turjumay halkan.