Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Trump iyo Wadahadallada Iiraan: Jid uu Dagaalka uga Baxo mise Khiyaamo Cusub?

30 March, 2026
Image
Trump iyo Wadahadallada Iiraan: Jid uu Dagaalka uga Baxo mise Khiyaamo Cusub?
Share

Madaxweynaha Maraykanka, Trump, ayaa si lamafilaan ah, 23-kii Maaris ee 2026, uga laabtay hanjabaad uu laba maalmood ka hor bixiyey, taas oo ahayd in Maraykanku uu duqaymo burburin ah ka gaysan doono warshadaha tamarta ee Iiraan, “ta u weynna laga bilaabayo”, haddii aanay Iiraan 48 saacadood gudahood ku furin marinka Hurmus. Ka laabashada hanjabaaddu waxa ay timi saacado ka hor xilligii ballantu ku ekayd, waxaanu shaaciyey in uu shan maalmood u kaadiyey. Ka laabashadiisa waxa uu ku sababeeyey jiritaanka wadahadallo dhab ah oo wax-ku-ool ah oo ay Waashinton la waddo Dahraan, isagoo tilmaamay in labada dhinac isla qaateen ka heshiinta 15 qodob, sidoo kalena uu doorbidayo in si wadajir ah Dahraan iyo Waashinton u maamulaan marinka Hurmus.

Trump, walow uu shaaciyey in Waashinton wada hadal kula jirto “hoggaamiye muxtarim ah” oo nidaamka Iiraan ka tirsan – weliba xaqiijiyey inaanu ninkaasi ahayn hoggaamiyaha sare ee Mujtabaa Khaamin’I, sidoo kalena uu sheegay in Iiraan tahay cidda soo bandhigtay bilaabidda wadahadallada, haddana Iiraan waa ay diidday in wax wadahadal toos ahi u socdo iyaga iyo Maraykan, hadallada Trump-na waxa ay ku tilmaantay iskuday ah inuu ku ciyaaro suuqyada maaliyadda iyo shidaalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baaqir, ayaa sidoo kale diiday warbixinno sheegay inuu wadahadallo uu la wado labada ergey ee Maraykanka ah; Steve Witkoff iyo Jared Kushner.

Waxa ay u badantahay in Trump uu tilmaamayo farriimo Waashinton u dirtay Dahraan iyadoo dhex maraysa dhinacyo saddexaad, oo ay ku jiraan dalalka Turkiga, Masar iyo Baakistaan, se aanay Dahraan u arkin wadahadallo. Trump waxa kale oo uu aaminsanyahay in dagaalka laftiisu qayb ka yahay sii wadidda wadahadallada, wadahadalkuna yahay xaalado dagaalku waajibiyey, isagoo kolkan ku socda caqliyadda siyaasadda awoodda, ee ah haddii aanu cadawgu u hoggaansamin shuruudaha awood loogu yeedhiyo, ay tahay in awood dheeraad ah loo adeegsado.

Sababaha isbeddelka mawqifka Maraykan

Sababaha beddelay go’aankii Trump, ee keenay inuu dib u dhigo muddadii uu qabsaday, waxa lagu soo koobi karaa afar sababood oo muhiim ah, iyadoo sidoo kalena meesha aan laga saarayn suurogalnimada in go’aanka dib-u-dhigidda laftiisu qayb ka yahay marinhabaabin iyo khiyaamayn istaraatiiji ah, weliba xilli ciidamo dheeraad ah oo Maraykan lagu soo daabulayo gobolka; horena way u dhacday in uu khiyaamayntan oo kale laba jeer adeegsaday, iyadoo looga faa’idaystay Iiraan wadahadallo lagaga jiray barnaamijkeeda nukliyeer: marka koowaad oo ahayd 13-kii Juun ee 2025, kolkaas oo Israa’iil weerar ku qaadday ka hor intaan ugu dambayn Maraykankuna qayb ka noqon weerarka. Marka labaadna, waa 28-kii Feebarweri 2026, kolkaas oo Maraykanka iyo Israa’iil weerarkan hadda socda ku qaadeen Iiraan. Haddaba afartaas sababood waxa ay yihiin:

1. Cadaadiska xulafada

Waxa cad in maamulka Trump uu digniino ka helay xulafadiisa, siiba dalalka Khaliijka, digniintaas oo ah in fulinta weerarro lagu beegsanayo warshadaha tamarta ee Iiraan ay keeni doonto in Iiraanna weerarro ka fulin doonto kaabayaasha tamarta ee dalalkan, iyadoo aargoosi wadda. Waxa intan dheer, waxa soo baxday cabsi ah in dhibaato weyn oo la gaadhsiiyo kaabayaasha Iiraan ay keeni doonto dawlad fashilan dagaalka ka dib. Waxa muuqata in dhinac ka mid ah dalalku gobolku suurogaliyey in uu xidhiidh cusub la sameeyo hoggaanka Iiraan, ka dib dilkii Cali Laarijaani, Madaxii Golaha Nabadgalyada Qaran ee Iiraan, oo loo arkayey dhinaca ugu macquulsan ee lala geli karo wadahadallo lagu joojiyo dagaalka. Kolkii uu Trump, 21-kii Maaris, soo saaray hanjabaaddiisa ah in uu burburin doono warshadaha tamarta ee Iiraan, haddii aan 48 saacadood gudahood lagu furin marinka Hormus, waxa la gaadhsiiyey jiritaanka xidhiidh suurogalin kara wadahadallo Iiraan lala sameeyo, tan oo ku dhiirrigelisay in uu shan maalmood dib u dhigo go’aankiisa. Baakistaan oo xidhiidho la samaysay labada dhinac ee Dahraan iyo Waashinton ayaa soo bandhigtay martigelinta wadahadallo heersare ah oo dhexmara Maraykan iyo Iiraan. Qadar, Cumaan, Turkiga, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale xidhiidho sameeyey, si ay labada dhinac ugu dhiirrigeliyaan wadahadal, waana wax u muuqda in Waashinton ay aqbashay.

2. Dhimidda saamaynaha siyaasadeed iyo dhaqaale

Waxa Iyana suurogal ah in go’aanka Trump uu dib ugu dhigay weerarka warshadaha tamarta ee Iiraan uu ku sal leeyahay iskudaygiisa dejinta suuqyada oo khalkhal ku yimi dagaalka iyo hanjabaadaha Trump awgood. Waxa kale oo uu ku maaraynayaa qiimaha shidaalka ee libanlaabka ku dhow marka la barbardhigo heerkii uu marayey dagaalka ka hor, arrinkan oo si taban u saamaynaya Xisbiga Jamhuuriga iyo doorashooyinka kalabadhka teeramka Koongarayska ee bisha Noofambar 2026. Arrinkan Trump oo tilmaamaya ayaa yidhi: “Qiimaha shidaalku hoos buu u dhici doonaa judha heshiis la galo […] waxa aannu haysanaa fursad dhab ah oo aannu heshiis ku gaadhi karno”. Shaacintiisani waxa ay kusoo beegantay kolkii uu muddo kordhinta u samaynayey go’aankiisa, arrinkan oo judhiiba sababay hoos u dhac weyn oo ku yimi qiimaha shidaalka qaydhin iyo korodhka qiimaha suuqeed ee S&P 500.

Sababtani waxa ay xoogaysanaysaa kolka aynnu ogaanno in maamulka Trump uu 20-kii Maaris soo saaray in cunaqabatayntii laga qaaday muddo soddon maalmood ah iibinta shidaalka qaydhin ee Iiraan ee saaran maraakiib badda taagan. Sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, tallaabadan dambe waxa ay ka mid tahay istaraatiijiyad lagu dhimayo cadaadiska ku yimi iskusocodkii caalamiga ahaa, cadaadiskan oo kordhay intii dagaalku bilaabmay. Waashinton waxa kale oo ay si kumeelgaadh ah xayiraaddii uga qaadday shidaalkii Ruushka, si xaddi dheeraad ahi suuqa usoo galo, suuqyaduna u degaan.

Go’aanka cunaqabataynta lagaga qaaday shidaalka Iiraan ayaa uu Trump si badheedh ah uga yidhi: “Keliya waxa aan doonay inaan xaddiga ugu badan ee shidaal ah helo […] halkii maraakiibtu badda iska taagnaan lahaydna, waxaan doorbiday inaan arko iyadoo suuqyada tagaysa”, isagoo go’aankiisa adkaynaya, waxa uu xaqiijiyey in macaashka xaddidan ee ay Iiraan ka helayso shidaalkani “aanu wax farqi ah oo la sheego ku yeelanayn jihada dagaalku ku socdo”.

3. Fursad siinta xal diblumaasiyadeed

Waxa kale oo suurogal ah in Trump uu raadinayo jid uu ka baxo, weliba iyada oo ay guuldarraysteen qiyaasihii uu dagaalka ku galay, uguna horrayso dhicitaanka nidaamka ama isdhiibiddiisu. Waxa la sawirtay in cadaadiska milatari uu qaar ka mid ah hoggaanka milatari ee Iiraan ku khasbi doono wadahadal, sidii ka dhacday Finisweella, se arrimuhu sidan uma socon Iiraan gudaheeda. Laga yaabee in uu kolkaa Trump raadinayo waddo uu uga baxo dagaal dheer oo Bariga Dhexe ka aloosma, oo ah dagaalladii uu weligiiba dhaliili jiray in Maraykanku ku lug yeesho, siiba iyadoo kharashka dagaalka Iiraan uu ilaa hadda gaadhay kharash ka badan 25 bilyan oo doollar, sidoo kalena Wasaaradda Dagaalku ay Koongarayska ka codsatay maalgelin dheeraad ah oo dhan 200 bilyan oo doollar. Hase ahaatee, suurogalnimada in la gaadho heshiis degdeg ah oo Iiraan iyo Maraykan u dhexeeyaa waa mid hoosaysa, kolka la eego sida Trump ugu adkaysanayo in Iiraan u hoggaansato shuruudihiisa.

4. Khiyaamayn iyo marinhabaabin

Waxa kale oo suurogal ah in dib u dhigidda hanjabaaddii ay tahay taatiko uu ku qarinayo dhaqdhaqaaqyo milatari oo cusub. Sadaashani waxa ay cuskanaysaa labadii khibradood ee Juun 2025 iyo Feebarweri 2026, iyo arrimo kale oo hadda taagan. Wasaaradda Dagaalka Maraykanku waxa y 24-kii Maaris amartay in ku dhawaad laba kun oo ciidanka xaaladaha degdegga ah oo ka tirsan unugga 82aad, cirkana ku hawlgala, ay u dhaqaaqaan dhinaca Bariga Dhexe, tan oo ah tallaabo dheeraad ah oo lagu cadaadinayo Iiraan si ay ugu hoggaansato shuruudaha Maraykanka, “Madaxweynaha Maraykanna loo siiyo doorashooyin cusub oo milatari”, oo garab socda hindisahiisa “diblumaasiyadda” lala samaynayo Iiraan. Waxa kale oo dheer, ku dhawaad 4500 ciidamada mariiniska ah oo gobolka ku jihaysan, tan oo ciidamada lugta ee lagu soo daabulay gobolka tiradooda ka dhigaysa ku dhawaad toddoba kun, taas oo tilmaan u ah dagaal hor leh.

Waxa la aaminsanyahay in qaybta mariinisku ay qaabbilsanyihiin laba shaqo: marka koowaad, qabsashada jasiiradda Kharaj ee Iiraan, kuna taalla cidhifka waqooyi-bari ee Khaliijka Carabta, kana soo horjeedda Buushahar, waana goobta ay ku yaallaan kaabayaasha ugu muhiimsan ee shidaalka Iiraan, sidoo kalena ay maraan boqolkiiba sagaashan shidaalka ay dhoofisaa. Shaqada labaad ayaa ah inay ka qayb qaataan nabad ilaalinta Hurmus, iyagoo qabsanaya xeebaha Iiraan.

Saadaalo khaldan iyo xisaabo iska hor imanaya

Maamulka Trump waxa uu waajahayaa isdiiddooyin dhawr ah kol kasta oo uu kusii jiro dagaalka Iiraan, waxaana ugu cadcad isdiiddooyinkaas, maqnaanta istaraatiijiyad cad iyo qaabkii dagaalka lagu dhamayn lahaa, dumitaanka qiyaaso badan oo dagaalka lagu saleeyey, iyo sidoo kale kala duwanaanta waxa ay mudnaanta siinayaan Maraykan iyo Israa’iil, walow aanay isbahaysigooda wiiqayn. Kolka uu Trump ka sheekaynayo inuu raacayo jidka diblumaasiyadda, maamulkiisuna weli waxa uu sii wadaa xoojinta awoodda milatari ee gobolka, iyada oo aanay caddayn waxa “guul” uga dhigantahay.

Waxa soo jiidasho lahaa isdiiddada iyo iska hor imaadka hadalladiisa ku jiray, isagoo mar kaalmo ka codsaday NATO iyo dalal kaleba oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed iyo Hindiya, si loo ilaaliyo in si nabad ah lagaga gudbo marinka Hurmus, sababtoo ah dalalkan ayaa ugu baahi badan shidaalka marinkan kasoo gudba (arrinkan oo ka dhigan inay dagaal aanay dooran cagaha la galaan), iyo hadalkiisa kale oo uu ku shaaciyey inaanay Waashinton cidna kaalmo uga baahnayn oo ay isku filantahay ka dib codsigiisa la diiday, haddana uu mar kale ku hanjabay duqaynta kaabayaasha Iiraan iyo warshadaheeda tamarta haddii aanay marinka furin, ka hor intaanu hanjabaaddanna dib u dhigin, si heshiis loo gaadho. Iska hor imaadka hadalladiisu waxa uu kusoo beegmayaa xilli Maraykanku awooddiisa millatari ee gobolka xoojinayo.

Waxa si joogto ah u kordhaya tilmaamaha muujinaya in Maraykanku u jihaystay gelitaanka dagaal dabadheer, oo ah noocii uu Trump diidi jiray xilliyadii ololaha doorashadiisa. Dagaalkan dabadheeranayaa waa mid ku salaysan xisaabo iyo qiyaaso khaldan oo ay Israa’iil buunbuunisay, madaxweyne Maraykan ooh ore aanu ku qancin, waxaana ugu muhiimsan qodobka uu Raysalwasaare Binyaamin Netanyaahu ku qanciyey Trump oo uu khadka taleefanka kula hadlay oo ah in ka takhallusidda hoggaanka siyaasadeed iyo millatari ee Iiraan ay keeni doonto in Iiraaniyiinta usoo baxaan jidadka, si ay nidaamka meesha uga saaraan. Dhiirrigelinta Netanyaahu ee ah in uu “taariikh dhigo” ayaa Trump ku riixday in uu qaato go’aankiisii kamadambaysta ahaa 27-kii Feebarweri, dagaal cinwaan looga dhigay “hawlgal millatari oo ballaadhanna” uu ku qaado Iiraan. Hase ahaatee, dilkii Cali Khaamin’I iyo hoggaankii sarsare ee Iiraan ma keenin in nidaamku dhaco, mana suurogalin in tusaalihii Finisweella soo noqdo; waana sida qiyaasaha sirdoonka Maraykan ka digayey, se uu Trump iska dhegamariyey, sida uu isaga dhegamariyey saamaynta laga filayo in dagaalku ku yeesho dalalka Khaliijka iyo gobolka oo dhan oo holca.

Kalsooni meesha ka baxday awgeed, uma muuqato in dib-u-dhigiddani wax ka beddelayso qiyaasihii Dahraan, amaba, sida Trump aaminsanyahay, ay ay Iiraaniyiina ku khasbi doonto inay debecsanaan muujiyaan. Ma jirto sabab nidaamka Iiraan u aamino in Trump ama Netanyaahu ilaalin doonaan heshiis kasta oo suurogal ah. Qaalibaaf laftiisu waxa uu caddeeyey in aanay hadda ahayn wakhti wadahadal, dhammaana ay ku daba faylsanyihiin hoggaankooda, bulshaduna diyaar u tahay iskacaabbinta xadgudubka. Qodobkani waxa uu meesha ka saarayaa fursadihii lagu caleemo saari lahaa qof nidaamka Iiraan ka mid ah, sida Delcy Rodriguez ee Finisweella, oo noqotay madaxweynaha dalka ka dib markii la qafaashay madaxweynihii dalkaas ee Nikoloos Madduuro, 3-dii Jeenaweri 2026.

Arrinka kale ee xaaladda sii adkaynaya, kolka Trump la eego, waa isku dayga Israa’iil ee ah inay xagaldaaciso wadahadallo kasta oo Iiraan lala yeelanayo, sida dilkii Cali Laarijaani, iyo sidoo kale doonista weyn ee Israa’iil ku rabto inay burburiso xarumaha tamarta ee Iiraan, arrinkan oo wiiqaya awooddii nidaamka iyo dawladdaba, sidoo kalena dalalka Khaliijka gelinaya dagaalka, iyagoo ka jawaabaya weerar kasta oo Iiraan ku beegsato warshadahooda iyo xarumahooda. Walow uu Netanyaahu sheegay in Trump soo gaadhsiiyey suurogalnimada in wadahadal lala galo Iiraan oo heshiis lala gaadho, haddana waxa uu shaki geliyey u diyaarsanaanta Dahraan ee aqbalidda shuruudaha Maraykan (oo ah in Iiraan shuruud la’aan furto marinka Hurmus, joojinta barnaamijkeeda gantaallada, joojinta tarminta yuraaniyamka iyo kala diridda joogitaankeeda gobolka), waxaanu aaminsanyahay in jidka keliya ee furani yahay sii wadidda dagaalka. Dahraan lafteedu waxa ay adkaynaysaa, in haddii Waashinton kusii adkaysato shuruudaheeda, aanay wax wadahadal ah la galayn ka hor inta aanay Waashinton shuruudaheeda aqbalin, oo ugu muhiimsantahay dammaanad laga bixiyo in aan dagaalku soo laabanayn, magdhow Iiraan laga siiyo dhibaatooyinka dagaalka ka dhashay iyo in la qiro “in lagu xadgudbay”. Waxa dheer in Iiraan codsanayso in gebi ahaan cunaqabataynta laga qaado, sidoo kalena waxa ay diiddantahay inay ka tanaasusho xaqa ay u leedahay barnaamij nukliyeer oo nabdoon, waxa kale oo ay si weyn uga soo horjeeddaa in wax xayiraad ah la saaro barnaamijkeeda gantaallada.

Gebogebo

Waa ay adagtahay in la go’aamiyo in fursadaha lagu gaadhi karo heshiis dhex mara Waashinton iyo Dahraan oo dagaalka lagu joojiiyo ay sidii hore ka fududaadeen dib-u-dhigista duqaymaha ee Trump awgeed, walow uu isagu sheegay in “fursado dhab” oo arrinkaa lagu gaadhayaa jiraan. Waxa jira warbixino sheegaya in Iiraan diyaar u tahay wadahadalka Madaxweyne-ku-xigeenka, JD Vance, oo aanay diyaar u ahayn la hadalka Witkoff ama Kushner, kalsoonida wiiqantay awgeed, ka dib markii wahadalladii hore burbureen. Sidoo kale, qorshaha Maraykanku soo jeediyey, isagoo Baakistaan usii maraya, waxa ay u dhigantaa kaadh isdhiibid. Maamulka Trump waxa uu Iiraan ugu hanjabayaa in haddii ay wadahadallada diidaan, uu weerar xooggan ka gaysan doono xarumaha tamarta ee Iiraan, sidoo kalena uu qabsan doono marinka Hormus iyo jasiiradda Kharaj. Qorshaha uu soo jeediyey waa mid ka kooban 15 qodob, si dagaalka loo soo afjaro, waxaana ugu cadcad in gebi ahaan awoodda Iiraan ee nukliyeer la baabi’iyo, la joojiyo tayaynta yuraaniyamka, inta ay tarmisayna ay ku wareejiso Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka, sidoo kalena warshadaha Natanz, Asfahaan iyo Foordo gebi ahaan la burburiyo, dhammaan xogta iyo dhaqdhaqaaqyada nukliyeerna ee Iiraan gudaheeda loo bandhigo Wakaaladda. Sidoo kale waa in Iiraan ka tanaasushaa kaalinteeda gobolka iyo wakiillada ay ku leedahay, marinka Hormus uu furnaado isagoo loo aqoonsanayo marin caalami ah oo aan la xidhi karin, in faylka gantaallada mar kale la baadho, xayiraadana la saaro tirada ay ka yeelan karto iyo masaafada gantaalladu gaadhi karaan, keliyana lagu koobo adeegsigooda “isdifaacidda”. Intan beddelkeeda, Waashinton waxa ay ballanqaadaysaa in dhammaan xayiraadaha laga qaado Iiraan, ka kaalmayso Iiraan horumarinta mashruuc nukliyeer oo nabdoon oo laga hirgaliyo Buushahar, si koronto looga dhaliyo, meeshana laga saaro halista dib u hawlgalinta qaabkii “snapback”, oo dhigaya, sida ku xusan go’aanka Golaha Ammaanka ee lambar 2231, in dib loo soo celiyo cunaqabatayntii qarameed ee Iiraan la saaray, haddii ay ka baxdo heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.

Waa ay adagtahay in la sawirto inay Iiraan aqbalayso shuruudahan, oo kaadhadhka awoodeed ee tirada kooban ee ay haysto meesha ka saaraya, si ay xadgudub kale oo cusub isaga caabbiso. Haddii ay doorato inay diiddo shuruudahan Maraykanna, Trump waxa uu badhtanka u galayaa isdiiddo dhab ah. sii wadidda dagaalka xilli uu maqanyahay qeexitaanka dhabta ah ee guushu, ama aanu dhabayn jid diblumaasiyadeed oo waafaqsan shuruudihiisa iyo kuwa Telaabiib, waxa uu Maraykanka ku jiidayaa dagaal dhiigbax oo muddo dheer, waana wax ka dhigan dagaal dabadheeraada oo Bariga Dhexe ka jiitama, lana mid ah dagaalladii uu hore ugu sheegi jiray “caqli darro”, ama waxa uu ku khasbanaanayaa in uu adeegsado heerka ugu dambeeya ee awoodda Maraykan, si dagaalku dhinac uun ugu dhaco, tallaabadanina waa mid Iiraan ku noqonaysa musiibo, gobolka oo dhanna halakaynaysa. Waxa intan dheer, sii socoshada dagaalka waxa ka dhalanaya saamayno dhaqaale iyo siyaasadeed oo halis ah, Xisbiga Jamhuurigana u horseedi karta in uu khasaare weyn kala kulmo doorashooyinka teeramka dhexe, arrinkan oo labada sanno ee muddoxileeddiisa Trump ka dhigaya barlaawe gaashaan la’, oo u bandhigan dabagallada dimuqraaddiyiintu ku samaynayaan faylashiisa, sida ka Ebestayn, in qoyskiisu talada ka faa’idaystay, iyo go’aanka weerarka Iran isaga oo aan Koongarayska marin. Sidaas dartee, waxa ay u muuqataa in Trump raadinayo jid uu ka baxo, sababtoo ah waxa horyaalla labadaas doorasho ee kala daran.