Sunday 12 July 2026
Ka soo qaad in uu ereygu yahay sida ganacsade socdaal badan, oo suuqyada dhex wareega, alaabtiisana ka qaada luuqad una gudbiya mid kale. Mala-awaalkani ma aha mid xaqiiqada ka fog. Ereyga “tacriifad” (canshuurta kastamyada), oo maanta si weyn looga adeegsado macaamillada kastamyada isla markaana noqday mid ka mid ah ereyada ugu isticmaalka badan sannadkan, waxa uu xambaarsan yahay taariikh luuqadeed oo ka soo bilaabmaysa Carabiga una gudbaysa Faarisiga, hadana u gudbaysa Turkiga iyo Laatiinka, halkaasna uga sii tallaabaysa luuqadaha casriga ah ee Yurub. Sidaas darteed waxa uu u egyahay dukumenti caddeyn u ah xeeladaha taariikhda iyo saamaynta awoodda dhaqaale ee qaabaynta ereyada.
Xitaa siyaasadda dhexdeeda, ereyadu waxa ay leeyihiin awood ka baxsan macnahooda luuqadeed. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump khudbaddiisii caleemo-saarkiisa ee lagu qabtay fagaaraha Capitol, waxa uu yidhi: “Mar walba waxaan idhaahdaa ‘tariff’ (canshuurta kastamyada) waa ereyga aniga iigu quruxda badan qaamuuska.” Kadibna inta uu is-daba-qabateeyey ayuu raaciyey Ilaahay, diinta iyo jacaylku waa saddexda erey ee ugu horreeya, halka tacriifaddu ay ku sii xigto.
Mar kale ayuu Trump haddana sheegay in tariff-ku yahay “ereyga ugu quruxda badan luuqadda Ingiriisiga, kana qurux badan jacaylka, kana qurux badan wax kasta oo kale.”
Waxaase yaab leh, ereygan uu Trump u arko kan ugu quruxda badan qaamuuska, in uu leeyahay taariikh dheer oo amaahasho ama “afduub” luuqadeed ah oo dhex maray luuqado kala duwan; waana arrin ku habboon erey si joogto ah loogu isticmaalo ganacsiga caalamiga ah, kaas oo isaguna leh taariikh hodan ku ah sahamin, hal-abuur, iyo is-weydaarsi sharci iyo sharci-darroba leh.
Laga soo bilaabo Carabiga ilaa Faarisiga, Turkiga ilaa Laatiinka, kadibna Faransiiska iyo Ingiriisiga, ereyga “tariff” wuxuu iskaga soo gooshay wakhtiga isagoo u eg tigidh safar oo luuqadeed kaas oo xambaarsan raadadka boqortooyooyin, ganacsato iyo badmaaxyo. Akhristaha qaaliga ahow, sheekada oo koobani waa tan:
Asalka ereyga Ingiriisiga ah ee ‘tariff’ wuxuu ka yimid ereyga Faransiiska ah ‘tarif’, oo macnihiisu yahay “qiimo cayiman”. Ereygaasna wuxuu isaguna ka soo jeedaa Talyaaniga ‘tariffa’, oo macnihiisu yahay “qiimaha la soo rogay”, taas oo loola jeedo jadwalka canshuuraha iyo kastamyada. Asalka ka sii horreeya waa ereyga Laatiinka dhexe ee ‘tariffe’, kaas oo dunida Laatiinka ku galay xidhiidhkii ay la lahaayeen dadka Turkida ah. Halkaasna ereygu wuxuu ka soo jeedaa ereyga Cusmaaniyiinta Turkiga ee ‘taʿrife’, oo macnihiisu yahay “liiska qiimaha” ama “jadwalka heerarka kastamyada”.
Ereygan Turkiga ahna wuxuu asalkiisu ka yimaadaa Faarisiga ‘taʿrefe’, oo macnihiisu yahay “qiime la cayimay” ama “rasiidh”. Ereygaas Faarisiga ahna wuxuu ka soo jeedaa Carabiga ‘tacriif’ ((تعريف, oo leh macnayaal kala duwan sida “ogeysiis”, “sharraxaad”, “xayaysiis”, “xaqiijin”, ama “liiska khidmadaha la bixinayo”. Ereygan Carabiga ahi wuxuu ka farcamay falka “carafa” (عرف), kaas oo macnihiisu yahay “in la ogaaday, in awood loo yeeshay in la aqoonsado, in la fahmay, ama in la ogaaday wax cusub”.
Tani waa waxa ay tilmaamayaan inta badan ilaha cilmiyeed ee ku saabsan luuqadaha taariikhiga ah, cilmiga asalka ereyada, iyo daraasadaha isbarbardhigga ah ee u dhexeeya luuqadaha Hindo-Yurubiga iyo kuwa Sametigga ah (Semitic). Hase yeeshee, cilmi-baadhayaasha qaar ayaa qaba aragti kale. Qoraaga David Day wuxuu ku tilmaamayaa buuggiisa “Tahriibiyayaal iyo Badmaaxyo: Taariikhda Kastamyada Ustaraaliya ”, in ereyga Tariff uu ka soo farcamay madax-furashooyinkii ay dalban jireen budhcad-badeedda ku sugnayd deegaanka jasiiradda Dariifa (Isbaanish ahaan: Tarifa), oo ka tirsan gobolka Cádiz ee ku yaalla Andalus, koonfurta Isbayn.
Ilo taariikheed ayaa sidoo kale sheegaya in jasiiradda Dariifa iyo deegaanka ku hareeraysani ay ahaayeen dekeddii ugu horreysay ee ganacsatada ka qaadda lacag isticmaalka marsadooda, taas oo horseeday faafitaanka isticmaalka ereygan. Magaca jasiiradduna wuxuu ka yimid hoggaamiyihii Muslimka ahaa ee Dariif ibn Maalik sannadkii 710 miilaadiga, kaas oo lagu tilmaamo Muslimkii ugu horreeyay ee gala jasiiradda Iberia isaga oo ku jira hawlgal ciidan.
Sida badeecooyinka looga qaado canshuuraha kastamyada marka ay galaan suuq cusub, ereyaduna waxay maraan isbeddello dhawaaqeed iyo naxweed marka ay galaan luuqad kale. Waxay la qabsadaan oo isu beddelaan si ay ugu habboonaadaan deegaanka cusub, sida laga arki karo isbeddelladii uu soo maray ereyga “taʿriif”.
Ballaadhintii Islaamka ee qarniyadii dhexe iyo xakamayntii waddooyinka ganacsigu waxay raadkooda ku reebeen ereyada ganacsiga. Sidoo kale dekedaha Badda Mediterranean-ka ayaa saamayn muuqata ku yeeshay dhammaan xeerarka ganacsiga casriga ah. Waxa ay tani muujinaysaa in luuqaddu aysan ahayn oo keliya aalad isgaadhsiineed, balse ay tahay khariidad qarsoon oo sawirta awoodda iyo saamaynta, isla markaana ilaalisa taariikh aan ku qornayn oo keliya bogagga waraaqaha, balse ku xardhan laf-dhabarta ereyada laftooda.
Waxay u muuqataa in ereyadu yihiin nooc ka mid ah badeecooyinka luuqadeed ee macnahooda ka qaada dhaqan una gudbiya dhaqan kale, iyaga oo mara habab “soo dejin” iyo “dhoofin” la mid ah kuwa ka dhaca suuqyada ganacsiga. Sida badeecad kastaa u leedahay meel ay ka timid, erey kastaa wuxuu leeyahay asal luuqadeed oo ka turjumaya duruufihii uu ku dhashay. Haddii dawladuhu canshuur ku soo rogaan badeecooyinka dibadda ka yimaadda, luuqaduhuna waxay ereyada qalaad ku khasbaan inay la qabsadaan xeerarkooda gaarka ah, iyaga oo wax ka beddela ama u qaabeeya si ay ugu habboonaadaan nidaamkooda dhawaaqeed iyo naxweeed. Sidaas ayay ku dhashaan ereyo isku-dhaf ah oo xambaarsan raadadka luuqado kala duwan.
Ma aha wax iska yimid in ereyada ganacsigu ka mid noqdeen ereyada ugu badan ee luuqadaha dhex mara. Waxay ka turjumayaan is-dhexgalka tooska ah ee shucuubta ku kulma suuqyada; halkaas oo ganacsadaha Faarisiga ahi kula kulmo maraakiibta Cusmaaniyiinta, socod-maalka reer Marookona la gorgortamo badmaaxa Talyaaniga, ganacsadaha Yamani ahina la macaamilo dilaallada Yurub. Heshiis kasta oo ganacsina waxaa ka dhex socda is-dhexgal luuqadeed oo joogto ah, kaas oo ereyadu ku tijaabiyaan awooddooda faafid.
Dhanka Trump, wuxuu u arkaa canshuuraha kastamyada hubka ugu habboon ee lagu joojin karo waxa uu ku tilmaamo xatooyada hantida Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, fahamkiisa habka ay canshuurahani u shaqeeyaan wuxuu u muuqdaa mid khaldan. Wuxuu aaminsan yahay in kharashka si toos ah loogu soo rogo shirkadaha shisheeye, halka xaqiiqadu tahay in ay bixiyaan soo dejiyeyaasha Maraykanka, taas oo sare u qaadda qiimaha badeecooyinka kana dhigta macaamiisha iyo shirkadaha gudaha kuwa sida dhabta ah u waxyeelloobaya. Sida ay sheegeen falanqeeyayaal dhaqaale xilligii muddadiisii ugu horreysay ee madaxtinimada, sababaha dhabta ah ee Trump u taageero canshuurahani waa in ay yihiin il dakhli canshuureed iyo aalad wax-ku-ool ah oo cadaadis juqraafi-siyaasadeed lagu saaro dalalka kale.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan