Sunday 7 June 2026
Suxufiga reer Maraykan ee Timothy Noah ayaa mareegta The New Republic ku qoray maqaal gorfayn ah oo keliya aanu ku dhaliilin shirkadaha tiknoolajiyadda ee Maraykan, ee uu sidoo kale kala dhigdhigay sheekada ku saabsan in “tiknoolajiyaddu tahay agab xorayn”, isagoo bayaamiyey waaqaceeda ah hannaan kootaysi oo ku falan awood maamul iyo macaash.
Noah waxa uu u kuurgalayaa qaabka haldoorkii tiknoolajiyaddu uga diga rogteen kaalintoodii hore ee ahayd foolaad dhaqan oo sheegta awoodsiinta dadka, isuna beddeleen dabaqad oligaarkiyad ah oo dib usoo cusboonaysiiya cabudhintii ay rabeen inay wiiqaan. Xitaa heerkan meel ka fog gaadhay, iyagoo meelmariya olole dacwad diineed u eg, oo ay garaad-gacmeedka u ekaysiinayaan badbaadiye nololeed, ciddii ku doodda in la habeeyana kala hortaga tuhun ah inuu cadaw ku yahay mustaqbalka. Sida qoraagu ku doodayo, natiijada ka dhalatay kuma koobna leexasho anshax, ee sidoo kale waa isbeddel gunta ah oo shirkadahan ka dhigaya awoodo siyaasadeed iyo dhaqaale oo dawladda kula loollamaya awoodda maamul, dimuqraaddiyaddana ula dhaqmaya inay tahay caqabad ay tahay in laga gudbo.
Suxufigu waxa uu aaminsan yahay in taariikhyahannada mustaqbalka (taariikhyahannada qarniga 22aad), marka ay darsayaan sooyaalka Maraykan iyo farsamadiisa tiknoolajiyadeed, ay arki doonaan sida shakhsiyado hal-abuur lahaa oo jaadgoonni ahaa, ay isugu beddeleen dabaqad kootaysi. Shakhsiyadahani waxa ay dhabaynayaan saadaasha qoraa Philip k. Dick (qoraaga khiyaalka sayniska). Suxufigu waxa uu figta isbeddelkan u arkaa afar muxaadaro oo uu Peter Thiel ka jeediyey barkulanka Commonwealth ee ku yaalla San Faransiisko. (madaxa shirkadda PayPal, hantidiisuna gaadhayso 29 bilyan oo doollar), muxaadarooyinkan oo uu jeediyey bilihii September iyo Aktoobar ee sannadkii 2025. Mawduuca muxaadarooyinku waxa uu ahaa “Dajaal-Cawar ”.
Muxaadarooyinkan, Thiel waxa uu ku sheegay in qarniyadii 17aad iyo 18aad, dadku ay Dajaal-Cawar u arkayeen qof shar badan oo wata aqoon shar leh oo maanka ka fog. Se qarniga 21aad, Thiel waxa uu aaminsanyahay in Dajaal-Cawar uu yahay qofka colaadinaya tiknoolajiyadda, ee raba in uu hor istaago horumarka sayniska. Waxa uu tusaale usoo qaatay shakhsiyado ay ka mid yihiin Greta Thunberg, gabadh reer Iswiidhan ah oo cimilada u dhaqdhaqaaqda, iyo Eliezer Yudkowsky, oo dhaliila garaad-gacmeedka.
Isaga oo khudbaddiisa wada, bannaanka hoolka khudbadda waxa ku dibadbaxayey tobanaan qof, oo qaarkood xidhay dhar shaydaameed, iyagoo sita boodhadh lagu qoray: “dhammaadkii waa uu dhaw yahay. Palantir baa jidka ah. Thiel baa jidka hor kacaya”.
Noah waxa uu ku dooday in ay dhif tahay in loollanka dabaqadeed “gaadho heerkan isku qasan; iyadoo Booloqaraaddiyada Maraykan (nidaamka maamul ee dabaqadda hodanka ah gacanta ku hayso awoodda siyaasadeed iyo go’aannadu), aanay hore u samayn inay danaheeda dhaqaale u iib gayso qaab lamahuraan diineed ah. Xitaa Waadiga Waxsoosaarka Silikoon, marxaladihii uu ugu hal-abuurka badnaa, ayaa mar kasta u janjeedhay is xayaysiin uu aadamha ugu bishaaraynayo inaan keliya tiknoolajiyad la keenin, ee sidoo kale uu kobcinayo garaadka aadame. Se maanta, mid ka mid ah wejiyada ugu caansan foolaadka farsamada tiknoolaji, ayaa horumarka tiknoolajiyadda ka dhigaya camaliyad lagula dagaallamayo shaydaan kalkaallada”.
Sida qoraagan suxufiga ahi qabo, hadallada Thiel keliya waa hadallo si dhab ah u metelaya olole loogu jiro garaad-gacmeedka, oo ka dhex caan baxay hormuudka tiknoolajiyadda. Waxa uu tilmaamayaa in khaladka uu Thiel sida cad ugu dhacay uu yahay in uu hadalkiisa habraac diineed oo cad mariyey, halka hoggaamiyeyaal kale ku doodayaan calmaaniyeynta isla sheekadan uu wejiga diineed u yeelay. Waa sheeko ku qotonta in dagaal dhex mari doono “khayrka” (garaad-gacmeedka) iyo “sharka” (habaynta xukuumaduhu wadaan), oo haddii garaad-gacmeedku guulaysto uu waa cusub beryi doono, awoodihii aadamahana lagu beddeli doono koombiyuutarro karti sare leh, oo si maldahan u dhigma soo laabashada Ciise (CS).
Qoraagu waxa uu daliishanayaa hadalka xisaabyahankii reer Ingiriis, Irving John Good, oo maqaal uu 1965-kii qoray ku sheegay: “Agab garaad-gacmeed ee awoodda sare leh ee aadamuhu ugu hor sameeyo, waxa uu noqon doonaa agabka ugu dambeeya ee ay hindisihiisa u baahdaan”. Waa aragti dadka qaar ka dhigaysa in isku day kasta oo lagu habsaaminayo dardargelinta horumarka garaad-gacmeedku uu yahay la bahoobidda sharka, sidaas awgeed, soo faragelinta dawladda iyo dimuqraaddiyaddu waa mid caqabad u ah oo wax kasta lagu joojin karo.
Dhinac kale, qoraagu waxa uu soo qaadanayaa bayaanka uu soo saaray maalgashadaha Marc Andreessen (mid ka mid ah aasaasayaasha Netscape), oo 2023 ku dooday in garaad-gacmeedku u yahay khiimiyaagooda (agab sixir oo ciidda dahab u roga, waaridna dhabeeya), waxaanu aaminsanyahay in iskuday kasta oo dib loogu dhigayo horumarintiisu uu ka dhigan yahay in ishortaag dad lagu laynayo (fursaddii dad lagu badbaadin lahaa la habsaaminayo). Andreessen Horowitz oo ah shirkad maamusha hanti gaadhaysa 90 bilyan oo doollar, ahaydna shirkad si weyn tabarrucaadka ugu ururisa Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa sannadkii 2024 ku bixisay 5.5 milyan doollar, si ay u taageerto doorashada Trump.
Timothy Noah waxa uu qoray in fikradda ah in dadka lagu xoreeyo tiknoolajiyaddu aanay ahayn khiyaal waaqaca ka fog, ee ay tahay fikrad la soo ifbaxday koombiyuutarrada shakhsiga ah. sannadkii 1972, qoraaga Stewart Brand waxa uu ku bishaareeyey in dadku fursad u helaan haysashada koombiyuutarro shakhsi, waxaanu ku tilmaamay “warkii ugu farxadda badnaa tan iyo markii la ikhtiraacay mukhaadaraadka dadku isku mashquuliyaan”. Xilliga uu hadalkan qorayaa waa xilli weli koombiyuutarradu u xidhnaayeen xukuumadaha iyo shirkadaha waaweyn. Markaasba, koombiyuutarka shakhsiga waxa loo arkayey agab lagu xoraynayo qofka, oo lagu xoojinayo madaxbannaanidiisa, se aanu ahayn agab lagu xakamaynayo.
Se bishaaradani weligeedba waxa ay ahayd mid isdiiddo ku lammaantahay, sababtoo ah, internet-ka laftiisa waxa maalgeliyey Bentagoonka, xilli dadku aaminsanyihiin in tiknoolajiyaddu dunida ka dhigayso mid ka xorriyad iyo dimuqraaddiyad badan sidii hore, waxaana dareenkan xoojinayay in tusaalayaal wanaagsan oo xogta laga helaa soo baxayeen, sida Wikipedia. Se hindisihii Web-ka laftiisu, Tim Bernes-Lee, waxa uu arkaa aragti ka dayrin ah, oo ah in internet-kii uu gacanta u galay shirkado kooban oo xogtii dadka u haysta dano ay leeyihiin awgood. Qaar ka mid ah suxufiyiinta rugcaddaaga ah ayaa iyana internet-ka u arka inaanu marna ahayn mid xorriyadda u adeega, ee uu ahaa wax u adeega nidaamka hantigoosadka iyo suuqa, sidaas awgeedna halkii uu ka noqon lahaa agab xorayn, isu beddelay agab xakamayn.
Shirkadaha tiknoolajiyaddu waa ay ballaadheen oo ay suuqa qabsadeen, heer kootaysi ay gaadheen, se xukuumadda Maraykan waxba kama qaban, ama si dhab ah umay faafreebin, sababtuna waa in khibradda siyaasiyiinta ee tiknoolajiyaddu yarayd, sidoo kalena uu jiray xeer shirkadaha siinayey xasaanad ah inaanay masuul ka ahayn waxa dadka adeegsada barahoodu ay faafiyaan, arrinkan oo sahlay in xogaha marinhabaabiska ahi si fudud u fidaan.
Noah waxa uu ku doodayaa in balaayiin adeegsade la siiyo fagaare ay afkaartooda ku faafiyaan ay fashilantay dhab ahaan. Walow wax ka beddelka xeerkaasi uu baraha bulshada wax ka beddeli lahaa, haddana, waa suuragalnimo hoosaysa, sababtoo ah, awoodda shakhsiyado ay ka mid yihiin Elon Musk iyo Mark Zuckerberg, ayaa ah awood xooggan. Waxa uu tusaale usoo qaatay shirkadda Meta, oo uu Mark ku ololeeyey fikradda inaan awoodda la kootaysan, se haddana la arkayo akoonnada dad aan qaangaadhin oo iska dhegomariya dhibaatooyinka “filtarrada qurxinta”. Qayb ka mid ah dakhliga shirkaddan ayaa kasoo gala xayaysiisyo been ah. Waxa kale oo uu tusaale usoo qaadanayaa bar-bulsheedka X, oo oggolaatay faafinta nuxur been ah oo weliba halis ah. Waa caddaymaha in shirkadaha tiknoolajiyaddu ay doonayaan inay adeegyadooda fududeeyaan inta awooddooda ah, xitaa haddii arrinkaasi uu keensanayo hoos isaga dhigidda dabagalka iyo faafreebka.
Qormadani waa tarjumaad iyo soo koobid; maqaalka asalka ahna waxaad ka heli kartaa halkan.