Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Tiirka Dimuqraaddiyadda Soomaalida

23 November, 2024
Image
Somaliland
Share

Dunida, ummad kaste waxa ay leedahay tilmaamo u gooni ah oo ay tahay in uu fahmo qof kaste oo daraaseynaya ama maamulaya ummaddaas, ujeedkiisuna yahay hirgalinta danteeda ama fahanka xaqiiqooyinkeeda. Hoggaamiyeyaasha ummadeed iyo fikiryahannadeeda ayaa ay kaalintooda ugu mudani tahay in ay nolosha casriga ah ee bulsho-siyaasadeed u baaqbaaqaan carrada dhaqan ee ay bulshadu sii lahayd si ay isugu hayb dhawaadaan isuna yeeshaan. Si loo shisheeye-bixiyo, dawladnimada casriga ah iyo maareynta nolosha ummadeed waa in ay cuskadaan canaasirta dhaqan iyo qaayasoorrada bulsho ee dawladnimada u macneyn kara qaab u dhaw fahanka ummadeed. Waxa fiiro gaar ah mudan sida ay dhaqanka Soomaalida isu qaadan karaan nidaamka dimuqraaddiga ah iyo xididka ay ku leedahay sooyaalkooda bulsho. Qoraal hore oo aan sameynnay waxa uu nuxurkiisu ahaa in jiraalka Soomaalida uu sal u yahay ‘qalalaase maareysan’ waxana ay, qayb ahaan, ku fadhidaa dhaqanka sinnaanta iyo isu-hoggaansanka aan qasabka ahayn, waana waxa ay qoraayo badani ku tilmaameen dhaqanka ‘ninna caaro ma dheera nin kale oo la reer ah – egalitarianism.

Richard Burton (1821 – 1890), oo ahaa sahamiye iyo xeeldheere culuumta bariga u qaabilsanaa gumeysigii Ingiriiska, waxa uu Soomaalida ku tilmaamay ‘isir ba’an oo ay taladoodu jahmuuri tahay.’ In ka badan 150 sannadood ayaa laga joogaa tilmaantaa uu shisheeyuhu ka bixiyay Soomaalida, welina dunida casriga ah waxa ay u caddeeyeen in ay yihiin ummad dagaal oo aan qasab loogu talin karin, isuguna talin karin. Talada jamhuuriyadeed waxa ay, taariikh ahaan, ka soo horjeeddaa hannaanka maamul ee boqortooyo oo ah hannaanka ugu caansan ee ay ku hirgashay isu-talintu, marka laga reebo xaalado teelteel ah sida jamhuuriyadihii maamul magaaleed ee Giriigga. Si ka duwan boqortooyonimada, waxa talada jamhuuriyadeed u sal ah ‘talada dadweyneha’ waana halka laga keenay isla eraybixinta republic – res publica/jamhuur. Sidaa awgeed, waxa ay in badan istagaan talada noocaas ah ama ku lammaan oo dhuux u ah dimuqraaddiyadda – xukunka dadweyneha oo ah in taladu u dhexeyso dadka, cid kastena u furan tahay dhiibashadeedu, iyada oo uu dhaqanku, mar kaste, abuuri karo kuwo ka caaggan talada (qaybaha bulshada ee talada ka reebban). Dimuqraaddiyadda Soomaalidu, haddaba, waa dimuqraaddiyadda raacatada - pastoral democracy – sida uu tilmaamay I. M. Lewis (1930 – 2014) oo ahaa xeeldheere antaraboolojiga, aqoon dheeri ahna u lahaa taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida.

Dimuqraaddiyadda noocan ahi waa xerudhalan xidid dheer ku leh dhaqanka Soomaalida. Sidaa awgeed, kolkii xeerarkeeda dhaqan loo raaco waxa hubaal ah in ay ka qaybqaadanayso degganaanshaha bulsho, nabadda iyo is-oggolaanta. Xeerarkaas waxa ka mid ah nidaamka xeerbeegtida, hannaanka gar/talo dhiibashada iyo dhaqanka garqaadashada oo dhammaantood udubdhexeed u ah jiraalka dhaqan ee Soomaalida. Dawladnimada casriga ah iyo hannaankeeda dimuqraaddiga ahi waa ay ku cusub yihiin Soomaalida, laakiin waa la deegaameyn karaa, waxana sal looa dhigi karaa qaayasoorradaas soojireenka ah.

Doorashooyinkii u dambeeyay ee Soomaalilaan waxa ay caddeeyeen sida ay doorasho aan la faragalin oo aanu garsoorkeedu eex lahayni ugu dhaw dahay shucuurta Soomaalida iyo dhaqankooda. Doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, 2022, iyo doorashada hadda ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda, 2024, waxa ay ku tilmaaman yihiin in ay yihiin kuwii ugu cuslaa ee Soomaalilaan ka dhaca haddana, si ka duwan filashada, ugu nabdoonaa uguna degganaa. In kaste oo ay siyaasadda Soomaalilaan ku suntanayd xiisad joogto ah iyo kacsanaan, haddana doorashooyinkii dhacay xilliyadani waxa ay ahaayeen kuwii loogu niyadsamaa. Dad badan oo kuwii la socday ka mid ahi waxa ay isku raacsan yihiin in sababta ugu weyni ay tahay hannaanka hirgalintooda oo ka madhnaa faragalin iyo ‘gar eexeed’ uu ku sameeyay dhinacii awoodda maamulayay oo ah xukuumadda iyo xisbigeeda. Dad badani waxa ay arrintan u aaneynayaan dhaqanka Madaxweyneha xilka ka degaya oo, in kaste oo laga arko hab-dhaqanno isburinaya, haddana in badan ah mid geeljire oo oggol in uu legdamo lana legdi karo. Ku dhiirrarashada ciyaar lagaga libkeeni karo iyo garqaadashadeedu waxa ay qayb ka tahay dhaqankan. Ha se ahaato e, hab-dhaqanka qofeed ee Madaxweynaha, oo lagu kala duwanaan karaa, maha dulucda mawduuca; biyodhaca aan lagu kala duwanayn, dhacdaduna u marag tahay, waxa weeye in Soomaalida ay, dhaqan ahaan, is leeyihiin dimuqraaddiyadda haddii salka loo dhigo qaayasoorrada degal-oolka ah oo ay ka mid yihiin curfiga geeljireha oo la casriyeeyay.

Dhexdhexaadnimada hay’adaha fulinta doorashooyinka, daahfurnaanta hannaanka doorashada iyo faragalin la’aanta, iyo aqbalaadda natiijada taban (jabka) waa qaabka casriyeysan ee dhaqankii ‘garqaadashada’ iyo ceebsiga ‘qaadidda gar eexeed’ loogu mili karo hay’adaha iyo xeerarka dimuqraaddiyadda. Waxa arrintaa lagu daweyn karaa cabsida soo noqnoqta ee ku saabsan in doorashooyinka iyo loollanka awooddu ay keeni karaan nabadgalyo-darro iyo colaado sokeeye oo looga cabsado dalalka nugul ee aanay hay’dahooda dawliga ahi adkaan, Soomaalilaanna la la laab-kaco mar kaste oo ay doorasho oogan tahay. Kalsooni-darrada hannaanka doorashada, tuhun-ku-abaabulka taageereyaasha iyo muranka natiijada ayaa sees u ah cabsida nabadgalyo-darro iyo dhacdooyinka fadqalallo ee dhaca xilliyadan.

Sheeko bulsheedyada caanka ah ee arrintan ku saabsan, oo malahayga laguna sharciyeynayo dhaqanka aqbalaadda guuldarrada ka soo baxda gar la sooray, waxa ka mid ah sheeko dhigaysa in oday Soomaali ah loogu warramay in wiilkiisii laga helay. Odaygii, oo ay sheekadu bidhaaminayso in uu ahaa xeerbeegti, waxa uu u celiyay hal weyddiin ah ‘ma qaatay?’ Haddii loo sheegay in uu gartii qaatay oo aqbalayna, waxa uu yidhi: “Isaga ayaa garta helay, markaas.” Ma helin xuquuqdii laga garnaqay e, waxa uu ujeedaa in uu helay ‘dadnimadii’ sidaa awgeed uu isagu mudan yahay bogaadin. Waa bogaadinta uu muteystay Madaxweyneha xilka ka degaya ee Soomaalilaan, Muuse Biixi Cabdi, oo markii ugu horreysay si cad u sheegay in doorashada lagaga adkaaday isna uu aqbalay guuldarrada, waqti ay caado u soo noqotay Soomaalilaan in qof kaste oo guuldarro siyaasadeed la kulmaa uu ku tago ‘dalka iyo dadka dartood ayaa aan u tanaasulay’ isaga oo ka afgobaadsanaya in uu qiro ama qaato guuldarrada, arrintan oo ahayd khatar joogto ah maaddaama oo ay taageereyaashiisa bulsho ku abuureyso tuhun ah in laga gardaran yahay ama la dhacay oo ay dulqaateen.  

Dad badan ayaa dimuqraaddiyadda ku dura iimo badan oo ay qaarkood dhab yihiin. Ha se ahaato e, waxa ay leedahay tiirar ay ku taagan tahay oo macne u yeela; waa ku-dhaqanka sharciga oo wax kaste oo hannaankeedu marayaa uu yahay sharci hore u sii yaallay la islana ogaa, dhaqanka aqbalaadda natiijada oo kalsooni buuxda lagu qabo lagana sii werwerin, iyo jiritaanka hay’ado xooggan oo dhexdhexaad ah oo ka shaqeeyo fulinta sharciga iyo ka garsoorka cabashooyinka. Xoojinta xeerarkaas iyo hay’adaha fulinanaya, iyo in salka loo dhigo laguna bishlo qaayasoorrada dhaqan ee Soomaalidu waxa ay teed adag iyo xidid dheer u sameynaysaa dimuqraaddiyad Soomaali ah oo si deggan oo nabdoon isugu beddesho awooddu.