Sunday 16 November 2025
Taywaan ayaa sheegtay in ay xoojinayso difaaceeda badda, xilli uu isa soo tarayo cadaadiska kaga imanaya Shiinaha oo kordhiyay Maraakiibtiisa dagaalka ee gooshaya biyaha Taywaan iyo duullimaadyo ku xadgudba hawada Taywaan. Madaxweyne Kuxigeenka Taywaan, Hsiao Bi-khim, ayaa sheegtay in ‘nabaddu aanay weligood noqon wax damaanad leh’ oo loo bahan yahay in difaaceeda loo hawlgalo.
Duullaan dhinaca badda ah oo uu Shiinuhu ku qaado Taywaan ayaa, in muddo ah, ahaa walaaca ugu weyn ee ay qabaan Taaybeey iyo Xulufadeedu, waxana labo cisho gaafwareegay biyaha Marinka Taywaan maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Ustaraaliya iyo Filibbiin kuwaas oo adkeynaya in biyahani yihiin kuwo caalami ah, isla waqtigaas waxa si dhaw ula socday maraakiibtan Shiinaha oo ka cadheysan tallaabadan, oo uu gadaal ka joogo Maraykanku.
Taywaan ayaa ah bogcadda ugu kulul ee Bariga iyo Koonfurta Bari ee Eeshiya, marka laga hadlayo loollanka Maraykanka iyo Shiinaha waxana laga walaac qabaa in ay noqoto ubucda qaraxa ee dagaal suuragal ah. Xidhiidhka cakiran ee Taywaan iyo Shiinuhu waxa uu lug ku leeyahay Geeska Afrika, iyada oo ay labada dhinac la kala safan yihiin Muqdisho iyo Hargeysa.