Wednesday 12 November 2025
Taywaan iyo Somaliland, oo labadooduba ku jira go’doon diblumaasiyadeed, waxa ay kala saxeexdeen iskaashi iyo isbahaysi aan la filayn, arrinkan oo lagala soo dhex bixi karo sida xidhiidhka Taywaan uu Somaliland ugu noqon karo fursad dhif ah oo ay ku horumariso dhaqaalaheeda khayraadka badda ee iska dayacan.
Laga soo bilaabo 2007-kii, Taywaan iyo Somaliland waxa ay lahaayeen xidhiidh laba dhinac ah oo soo xoogaysanayey, figta u sarraysana gaadhay ka dib markii labada dhinac kala saxeexdeen baratakool laba dhinac ah 26-kii Feebarweri 2020-kii, oo ay ku kala saxeexdeen caasimadda Taywaan ee Taybii. Heshiiskan waxa ka dhashay isweydaarsiga xafiisyo metelaad, oo leh tilmaamo u dhigma kuwa uu heshiiskii Fiyeena siiyey xidhiidhada diblumaasiyadeed.
Ka dib saxeexa baratakoolkaas, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Ciise Kayd Maxamuud, waxa uu la kulmay Tsai Ing-wen, oo kolkaa madaxweyne u ahayd Taywaan. Saddexdii Julaay, 2020, Luo Zhenhua ayaa noqday safiirkii u horreeyey ee ay Taywaan usoo dirto Somaliland, halka Maxamed Xaaji-na noqday qofka Somaliland ku metela Taywaan. Xafiiska Metelaadda Taywaan waxa Hargeysa laga furay 17-kii Ogos, 2020-kii.
Bishii Julaay ee sannadkan 2025, labada xukuumadood waxa ay wada saxeexeen iskaashi taariikhi ah oo ilaalada xeebaha ah, si kor loogu qaado nabadgalyada xeebaha. Heshiisku waxa soo bandhigayaa tababbar la wada sameeyo, hawlagallada badbaadada badda la xidhiidha, kala beddelashada, iyo isweydaarsiga shaqaalaaha si loo xoojiyo difaaca xeebaha Somaliland ee ku dhereran Gacanka Cadmeed. Laga soo bilaabo 2020-kii oo kolkaas xafiisyo metela labada dhinac isweydaarsadeen, hindisahan cusubi waa mid beddelaya kaalmadii xoogga lagu saarayey horumarinta, oo abuuraya iskaashi badda iyo dhaqaalaha istaraatiijiga ah.
Heshiiskani waa mid leh muhiimad jiquraafi-siyaasadeed oo weyn, marka la eego jidadka badeed ee firfircoon ee ka gudba Gacanka Cadmeed iyo Aagga Dhaqaale ee Cashuuraha ka Caaggan ee Somaliland. Sidoo kale waa heshiis kusoo beegmaya xilli Taywaan iyo Somaliland-ba khilaaf weyn kula jiraa Shiinaha iyo Soomaaliya, oo labaduba si adag uga soo horjeeda iskaashiga Taywaan iyo Somaliland. Shiinuhu waxa uu si adag u dhaleeceeyey iskaashigan, isagoo xidhiidhkan ku tilmaamay mid si dhab ah weerar ugu ah mabda’a “Shiine Midaysan”, oo uu ku dhaqmo, sidoo kalena ah xidhiidh horseedaya in ay soo baxaan gobollo kale oo aqoonsi caalami ah raadinayaa.
Somaliland, marka la eego, iskaashiga ay la gashay Taywaan waxa uu uga dhiganyahay fursad dhab ah oo ay kusoo jiidan karto maalgashi dibedeed, dhaqaalaheedana ku ballaadhin karto.
Shiinuhu waxa uu garab taaganyahay baaqa Soomaaliyi ku rabto in Somaliland ilaaliso mabda’a midnimada Shiinaha. Sidaas darteed, taageerada Shiinuhu uu Soomaaliya u hayo iyo cambaarayntiisa xidhiidhka Taywaan iyo Somaliland waxa ay sababeen kor u kaca khilaafka jiquraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadoo xidhiidhka Taywaan iyo Somaliland loo arko mid caqabad ku ah ololaha Shiinaha iyo Soomaaliya ee midnimada dhulalkooda. Dhinaca kale, xubno ka tirsan Koongarayska Maraykanka oo Jamhuuri ahi waxa ay Somaliland ku tilmaameen saaxiib dhinaca dimuqraaddiyadda iyo istaraatiijiyadda ah, oo awoodda dheellitiridda awoodda Shiinaha ee Gobolka ku fidaysa. Waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, iyo in xitaa la aqoonsado, iyagoo ku doodaya in garab-istaaggani uu xoojinayo xukunka dimuqraaddiga ah, dheellitirna u noqonayo jiquraafi-siyaasadeedka Shiinaha.
Arrinkii ku bilaabmay isdhaafsi diblumaasiyadeed oo hoose, ayaa isu rogay iskaashi istaraatiiji ah oo wejiyo badan leh. Maalgelinta ay Taywaan dhawaan kaga qayb qaadatay jidka cusub ee isku xidhaya magaalada iyo Madaarka Cigaal ee Hargeysa, waa astaan la taaban karo oo la xidhiidha sii xoogaysiga xidhiidhka labada dhinac.
Somaliland, marka la eego, iskaashiga ay la gashay Taywaan waxa uu uga dhiganyahay fursad dhab ah oo ay kusoo jiidan karto maalgashi dibedeed, dhaqaalaheedana ku ballaadhin karto. Jidka ay Taywaan u martay horumarka, oo ku salaysan: hal-abuurka warshadeed, xoog-saaridda wax dhoofinta iyo la falgalidda go’doonka diblumaasiyadeed, waa tusaale ay Somaliland ku dayan karto. Taywaan iyo Somaliland-ba waxa ay ku shaqeeyaan qaab ka baxsan habraaca caalamiga ah ee dunida rasmiga looga arko, sidaas oo ay tahay labadooduba waxa ay go’doonka diblumaasiyadeed u rogeen qaab ka mid ah qaababka madaxbannaanida istiraatiijiyadeed.
Walow Taywaan laga saaray Qaramada Midoobay wixii ka dambeeyey 1971-kii, haddana waxa ay samaysay dhaqaale dakhligiisu sarreeyo oo ku qotoma hal’abuurka ganacsi iyo maalgashi. Sidoo kale, walow Somaliland aanay haysan aqoonsi rasmi ah tan iyo kolkii ay shaacisay madaxbannaanideeda 1991-kii, haddana waxa ay ku guulaysatay dhisidda nidaam dimuqraaddi ah iyo deggenaansho siyaasadeed oo aan looga baran Geeska Afrika. Somaliland waxa ay sooyaal u leedahay qabashada doorashooyin madaxbannaan oo markasta ku dhammaada in si nabad ah maamulka la iskugu wareejiyo.
Wadaagidda go’doonka diblumaasiyadeed ee labada dhinac waxa uu xoojinayaa isku soo dhawaansho dabiici ah oo Taywaan iyo Somaliland dhexmara. Somaliland dhinaceeda marka la eego, Taywaan waxa ay u tahay il maalgashi iyo jid ay ku gaadhi karto kala duwidda qaababka dhaqaale ee Somaliland ee hadda ku kooban dhoofinta xoolaha iyo lacagaha qurbajoogtu soo xawilaan. Hantida xooleed hadda waa boqolkiiba lixdan waxsoosaarka gudeed ee Somaliland, sidoo kalena waa boqolkiiba 85 macaashka ay ka hesho waxdhoofinta. Sidoo kale, lacagaha ay soo xawilaan qurbajoogtu ayaa halbawle u ah nolosha dhaqaale, oo ah waxa ay ku tiirsanyihiin qoysas badani.
Marka la eego dhinaca Taywaan, Somaliland waxa ay u tahay suuq dihin iyo saaxiib horumarinta ay kala shaqayn karto. Sannadkii 2023-kii, dhaqaalaha khayraadka badda ee Taywaan waxa uu soo saaray 40.2 bilyan doollarka Taywaan (u dhigma 1.3 bilyan doollar), oo u dhigma in ka badan boqolkiiba 40 waxsoosaarka guud ee kalluumaysiga.
Inkasta oo Somaliland aanay haysan aqoonsi rasmi ah tan iyo kolkii ay shaacisay madaxbannaanideeda 1991-kii, haddana waxa ay ku guulaysatay dhisidda nidaam dimuqraaddi ah iyo degganaansho siyaasadeed oo aan looga baran Geeska Afrika.
Xeebta Soomaliland waxa ay dhererantahay 850km oo ku teedsan Gacanka Cadan, laguna tiriyo xeebaha ugu qanisan, uguna dihin Geeska Afrika. Waxa baddan ka buuxa noocyada kala duwan ee kalluun, se haddana dhinaca kalluumaysigu waa mid dib u dhacsan, oo u dabran xirfadihii loo baahnaa, maqnaanta kaabayaashii iyo adkaanta gaadhidda suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale, joogtaynta kalluumaysiga aan sharciga ahayn ee cid nidaamisaa aanay jirin, oo ay wadaan maraakiibta ajanabigu, waxa uu dhiigbax ku yahay khayraadka badeed, waxaanu yaraynayaa macaashkii laga heli lahaa. Sidoo kale, maqnaanta agabyadii iyo qaboojiyayaashii kaydka, doonyihii kalluumaysiga ee casriga ah iyo nidaamyada loojasti waxa ay hor istaagayaan in si dhab ah looga faa’idaysto kalluunka, loona dhoofiyo suuqyo qiimaha kalluunku sarreeyo.
Magaalooyinka xeebaha Somaliland – Berbera, Maydh, Saylac – waxa ay leeyihiin fursado maalgashi oo la iska kaashan karo. Marka la eego Taywaan, waxa suurogal ah in dekedahani albaab u noqdaan istaraatiijiyaddeeda ganacsi iyo maalgashi ee suuqyada Badda Cas iyo Bariga Afrika. Dhinaca Somaliland, iskaashiga ay Taywaan la samaysaa waa mid u suurogalinaya raasamaalka iyo tiknoolajiyadda ay uga baahantahay horumarinta khayraadkeeda badeed ee aan laga faa’idaysan iyo casriyeynta dhinaca kalluumaysiga.
Iskaashigan awgii ayaa ay Somaliland iyo Taywaan sidoo kale go’doonka ay wadaagaan u beddeli karaan waxtar la is dhaafsado, seesna u noqonaya saaxiibtinnimo ku qotonta qiyamka dimuqraaddiyadeed iyo horumarinta ficilka leh.
Si loo dhabeeyo hiraalkan labada dhinac wadaagaan, Somaliland waxa ku waajib ah in ay meesha ka saarto caqabadaha dhisme ee jidgooyada ku ah maalgashiga, oo ay ka mid yihiin: kala dhantaalnida kaabayaasha, dabarrada haayadeed iyo koobnaanta awoodaha farsamo. Sidoo kale, dekedaha, jidadka isku xidh iyo nidaamyada qaboojin in la casriyeeyo, si loola jaanqaado halbeegyada caalamiga ah. Isla kolkan, waxa waajib ah xoojinta habraacyada nidaamin iyo bayaaminta sababaha waxtarka maalgashiga, si loo abuuro deegaan-shaqo daahfuran oo la oddorosi karo, oo dhiirrigalisa in ganacsiga gaarka ahina qayb ka noqdo.
Haddii lagu dedaalo in qodobbadan si istaraatiiji ah loo hirgaliyo, Somaliland waxa u suurogalaya ka faa’idaysiga gaadhidda suuqyada xorta ah ee Taywaan, iyo in ay albaabbo cusub u hesho khayraadkeeda badeed iyo kalluun ee aan weli laga dheefin. Iskaashigani waxa uu keenayaa in Somaliland ilo kale oo dhaqaale hesho – maaddama dhaqaalaheedu muddo dheer ku tiirsanaa xoolaha, lacagta xawaaladaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay – sidoo kalena waa mid xoojinaya horumarka ku qotoma dhoofinta, iyadoo laga faa’idaysanayo maalgashiga iyo mashaariicaha la wadaago. Iska kaashiga dhinaca kalluumaysiga iyo dhaqaalaha khayraadka baddu waa mid sidoo kale keenaya shaqo abuur ballaadhan, hoosna u dhigaya ku tiirsanaanta Somaliland ee wax lasoo degidda.