Wednesday 9 July 2025
Billawgaba waad liqaysa fikradda taxanaha kolka aad aragto Maark (Adam Scott) isaga oo baabuurkiisa saaran oo ilinta iska tiraya. Waxa uu hortaaganyahay shirkadda Lumon oo uu ka shaqeeyo. Ilbidhiqsiyo kaddib marka uu ilinka xafiiskiisa cagta saaro waa qof kale, gabi way is beddelayaan xariijimaha wajigiisu, isaga oo wahabkii saarnaa ka tirmayo, oo hal mar dhoolla caddayn layaab leh muujinaya, tallaabo fir-fircooni lehna qaadaya.
Taxanuhu waxa uu ka sheekaynayaa shirkadda Lumon oo adeegsata qalab la dhaho “Sever “kaas oo awood u leh in uu gabi ahaanba kala qaybiyo shaqada iyo nolosha shaqada ka baxsan ee bannaanka ka jirta, iyada oo qofka shaqaalaha ah la galinayo qalliin maskaxda ah. Qalabkani waxa uu cagta marinayaa xasuusihii iyo khibraddii uu shakhsigu dibadda ka haystay inta aanu soo gelin xafiiska, isla sidaas si la mid ah baana dhacaysa kolka uu ka baxo xafiiska shirkadda. Wax allaala iyo wax uu ka xasuusanayo shaqada iyo shaqaalaha ay wada shaqeeyaanba ma jirayaan. Shakhsiyaddu marka ay shaqada gudaheeda ku jirto waxa ay ugu yeedhaan “inies” marka ay bannaanka joogtana waxa ay ugu yeedhaan“outies” taas oo laga wado in loo sameeyo laba aqoonsi oo kala madax bannaan. Labadan “qof” ee ka dhasha maskaxdaa qalliinka gashay, ee midina xafiiska joogo ka kalena guriga, waxa uu leeyahay mid walbaaba noloshiisa, xasuustiisa iyo dareenkiisa u goonnida ah.
Severance waa taxane qorsoodi ku dhisan oo qaybtiisa koobaadi soo baxday sannadkii 2022, saddex sanno kaddibna waxa la soo daayey qaybtiisa labaad. Waxa uu muuqiisii koobaadba dheliyey hadal hayn badan. Waa sheeko khayaali ah oo illaa xad si adag oo qoto dheer kaa siinaysa kasmo nafeedka darsin rasiin ah. Waa taxanaha haatan ugu daawashada badan Apple TV, waxana la filayaa in uu noqdo ka ku maamuusan The Foundation of The Library ee Fifth Season, taas oo ay sheegtay guddoomiyaha cusub ee suuq-geynta. Waxa xooggiisa u badan soo saaray jilaaga iyo soosaaraha shactirada caanka ku ah ee Ben Stiller, isaga oo adeegsanaya qaabayn ku mutuxan warwarka nafsiga ah, isla markaana si dheelli tiran u bixinaya silsiladaha taxan ee qarsoodiga ah jawaabahooda. Waxa duubtay Jessica Lee Gangne iyada oo adeegsatay muuqaallo dhaadheer oo indhosarcaad leh, midabada isku dhafan ee caddaanka iyo buluugga, oo mararka qaarna soo jiidhayo casaan halis tilmaamaya, muusigga waa Theodor Shapiro. Naqshadda cidhiidhiga ah ee xafiiska Lumon waxa ay si weyn uga turjumayaan xannibaadaha maskaxeed ee ay shaqaaluhu ku jiraan.
Ujeeddada ay Lumon ka leedahay soohdimeynta shaqada xafiiska iyo nolosha dibadda waa in la helo shaqaale si habsami leh u gudanaya shaqada iyaga oo aan looga warwarayn in ay mashquuliyaan arrimaha adduun ee ka jira shaqada bannaankeeda, isla markaana si taa la mid ah uga xasilaan isku buuqa shaqada iyo culaysyadeeda marka ay dibadda u baxaan. Laakiin intaa kuma eeka, waxa soo baxaya fahan adag oo ku saabsan (innie-du) oo ah ta shaqaysaa in ayna raalli ahayn, cuqdad yeelan karto oo cidiyaha ku dagaallami karto, maadaama oo la duudsiiyey xuquuqdii ay xorriyadda u lahayd, iyada oo laga xayuubiyey wixii dhisi lahaa; xasuusta iyo khibradda. Si giraan oo kale ah ayey ugu soo wareegayaan shaqada, iyaga oo ku ogaanaya in ay maalintu dhammaatay kaliyaata in ay nafis ka dareemayaan murqaha qoorta oo ka dhigan in ay soo nasatay. Xor ma yahay shakhsigu marka xasuustiisa loo maamulo?
Go’aankan bilaa taxaddarka ah waxa uu adeegsaday Maark kaddib dhimashada xaaskiisa, si uu uga baaqsado bal inyarna tiiraanyada, taas oo uu quus ka gaadhay baxsad kale oo aan tan ahayn, noloshiisa dibaddu sidii bay mugdi u tahay, hadana wuu ku nafisaa dhalanteedka in uu muddo kooban aanu murugoonin oo uu xasilooni ku noolyahay, waana sababta uu subax walba ugu kallaho xafiiska.
Helly, waa shakhsiyadda ku cusub shaqada, ee aan garanayn xeerarka ay ku socoto, waxa ay wajahaysaa markaba caqabadda jahwareerka, oo si adag uga soo horjeedsanaysaa go’aanka ay shakhsiyaddeeda kale qaadatay, iyada oo ku istaadhaysa shaqaalaha inta kale kacdoon iska caabbin ah oo (innie-du) kaga hortagayso muquurinta, si ay u ogaadaan jawaabta, daaha dabadiisa waxa ku jira, oo ah nolosha dibadda ee uu mulkiga u hayo (outies-ku) waana meesha uu ka bilaabanayo hayaanka furfurista siraha ay maleegayso Lumon. Helly waa furaha aynu ku baranayno sida ay u shaqayso Lumon. Waa wajiga cusub ee sideenna oo kale ula yaabban dhaqanka ka jira xafiiska, taas oo shaqaalaha kale laqabsi la sameeyeen muddada dheer ee ay joogeen awgeed.
Sawir wadareedka ay wada galayaan, xafladaha malaayacniga ah ee abaalmarinaha qaabka daran la isku siiyo iyo cawaandadda ay maamulku u geystaan shaqaalaha, Helly way jidhdiidaysaa oo bilaabaysaa in ay iclaamiso dagaalka ku aaddan shirkadda.
Waxa ugu xiisaha badan taxanuhu waa ubucda fikradda uu ku dhisanyahay, kaliya ma abuurayo sheeko wadata fikrad cusub oo curdin ah, se waxa uu dhallinayaa su’aalo waaweyn oo in badan maskaxdaada ku wareegi doona, sida maxaa qofka qaabeeya wacyigiisa, aragtiyihiisa iyo waxa qiimaha u leh? Waa maxay aqoonsiga qofka lagu garan karo? Ma xasuusahaa? Xasuusuhu door intee leeg ayey ka qaataan qaab-dhaqanka iyo dhisidda wacyiga qofka. Doodda taxanuhu waxa ay leedahay, haddii hal qof aad qaadato, oo aad gayso laba goobood oo kala xaalad iyo duruuf duwan, adigoo xasuusahana u kala qarinaya, maxsuulku waxa uu noqonayaa laba shakhsiyadood oo kala wacyi iyo aaminaad gaddisan se ku jira hal jidh. Tani waxa ay kugu sii riixaysaa xasuusaha maxaa qaabeeya? Xasuusaha waxa qaabeeya mar walba oo aad soo celiso xaaladda aad ku sugantahay, taas oo ka dhigan mar walba oo aad soo celiso xaalad goonni ah ayaad ku sii duldhisaysaa, taas oo macnaheedu tahay in aanay ahayn wax si buuxda gaarkeeda u taalla oo aan loogu tiirsanaan karin. Bal ka warran marka ay xasuustaasi qaldantahay? In intee le'eg ayey maamulaysaa go’aannada iyo caadifadda?
Jilayaasha oo dhami waxa ay muujiyeen hibo jilliin oo aan caadi ahayn, iyaga oo hal mar jilaya laba shakhsiyadood oo kala madax bannaan. Sida awoodda leh ee ay kolba u gaddinayaan dareenka wajiga iyaga oo ka fog kakanaanta. Adam, oo ah hoggaanka taxannaha si aad u xeeldheer buu u gudbiyey.
Gunaanadkii, taxanaha “Severance” waxa la odhan karaa waa taxanaha u muhiimsan ee hadda aan wali gebageboobin, amaba soo baxa muddooyinkii u danbeeyey, fikraddiisa, qaab-fulintiisa iyo habdhaca dhacdooyinkiisa ayaa ka dhigaya taxane qaayasoor leh. Qaybaha soo socda, innaga oo ka xukumayna labadaas qaybood, oo og sheekadu in ay weli qabyo tahay, waxa aynu odhan karnaa waa taxane caaqibo leh.