Monday 7 September 2026
Markii koowaad ee uu Turkigu aqoonsado Israa’iil waxa ay ahayd 1949-kii, ha yeeshee, xidhiidhkoodii iskaashiga istiraatiijiga ahaa waxa uu isku beddelay tartan istiraatiijiyadeed oo furan bilawgii 2026-kii. Isbeddelka qotodadheeri waxa uu dhacay wixii ka dambeeyey weerarkii 7-dii Aktoobar ee 2023 iyo Dagaalkii Qasa, iyadoo Israa’iil u aragtay Turkiga weerar kobcaya oo halis ku ah awooddeeda gobolka, siiba Suuriya.
Sannadihii 2025 iyo 2026, khilaafkii diblumaasiyadeed waxa uu isku beddelay tartan adag oo loogu jiro awood ku yeelashada Suuriya iyo Bariga Dhexe, iyo hanashada taageerada Maraykanka, iyadoo Israa’iil ku tilmaantay Turkiga “Iiraanta cusub”. Sidaas oo ay tahay, dagaal toos ahi waa mid aan weli dhicin cadaadiska Maraykanka awgii, siiba xilli uu xooggan yahay xidhiidhka shakhsiga ah ee Madaxweynaha Turkiga, Rajib Dayib Ordagaan iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Suuriya waa saaxadda ugu muhiimsan ee tartanku ka socdo. Dhicitaanka nidaamkii Bashaar al-Asad ee Diisambar 2024 waxa uu albaabka u furay tartan daran. Turkigu waxa uu taageero siinayaa xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Axmed al-Sharac si loo dhiso dawlad dhexe oo awood leh, dalkana midaysa. Waxa uu Suuriya siinayaa hub, xogo sirdoon iyo taageero farsamo, waxaanu qorsheeyey inuu Suuriya ka hirgaliyo saldhigyo ciidan, se waxa uu si ku meelgaadh ah qorshahaas u joojiyey ka dib duqaymihii Israa’iil. Turkigu waxa kale oo uu Suuriya la galayaa heshiiska aag dhaqaale oo laga hirgaliyo Suuriyada Cusub.
Israa’iil dhinaceeda, waxa ay gudaha Suuriya ka fulisay 988 duqaymood oo cirka iyo gantaallo isugu jira toddobadii bilood ee ka dambeeyey dhicitaankii Bashaar, oo ah saddex jeer lab celceliska sannadihii hore ee Nidaamka Bashaar jiray. Duqaymahaasi waxa ay bartilmaameedsadeen saldhigyo ciidanka cirka ah oo uu Turkigu dhisayey. Israa’iil waxa kale oo ay xoojisay joogitaankeeda koonfurta Suuriya, waxa aanay taageero siisay malleeshiyaadka Duruusta ee goosashada raba. Israa’iil waxa ay Suuriya u aragtaa halis suurogal ah oo caqabad ku noqon karta, waxaanay rabtaa inay Suuriya ka dhigto mid taag daran oo kala qaybsan, si ay uga hortagto awood kasta oo Iiraan ama Turki.
Turkigu waxa uu fulinaya aaminaaddiisa ah “Dalka Buluugga ah”, waxaanu Liibiya la saxeexday heshiiska “aag dhaqaale” 2019-kii, waxaanu rabaa inuu heshiiskan ku fidiyo Suuriya. Turkigu waxa uu ka cabsi qabaa in la hareereeyo, sababtoo ah waxa iskaashi millatari oo sii kobcaya ku jira Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus (dhoollatusyo wadajir ah oo ay qabteen Diisambar 2025). Sidoo kale, Israa’iil waxa ay qayb ka tahay isbahaysiyada tamarta ee Bariga Dhexe, sida “Dalladda Gaaska ee Bariga Dhexe”.
Gobollada kale ee tartankani ku fiday waxa ka mid ah Geeska Afrika. Turkigu waxa uu saldhig millatari ku leeyahay Soomaaliya laga soo bilaabo 2017, Israa’iilna waxa ay aqoonsatay Somaliland, iyadoo noqotay dalkii koowaad ee aqoonsada, sida warbixinno Maraykan ahi sheegeenna waxa ay saldhig millatari ka dhisanaysaa Somaliland. Badda Cas, Yaman iyo Suudaan laftooda waxa ka socda tartan aan toos ahayn oo la isku dhex marayo wakiillada dhinacyadan. Sida muuqata, tartankani waa mid gundhig ah oo aan ahayn marxalad wakhti oo laga gudbayo.
Israa’iil:
Israa’iil waxa ay xoojisay isbahaysiga ay kula jirto Giriigga iyo Qubrus, iyadoo u maraysa iskaashi iyo dhoollatus wadajir ah. Waxa kale oo isbahaysigeeda ku jira Hindiya iyo Imaaraadka. Awooddeeda millatari ee ka horumarsan Iiraan waxa ay u suurogalisay in tartan loo galo, waxaana la filayaa inay hesho suuqyada khaliijka oo ay ka iibiso hubkeeda, sababaha dagaalka Iiraan awgood. Sacuudigu weli waa uu diiddan yahay inuu xidhiidh la sameeyo Israa’iil, waxaanu shardi ka dhigayaa in la helo wadahadallo nabadeed oo dhaliya dawlad Falasdiin. Isla jeerkan, Sacuudigu waxa uu u dhawaanayaa Turkiga si intii hore ka ballaadhan, oo dhinaca difaaca cirku ku jiro.
Turkiga:
Turkigu waxa uu adkeeyey xidhiidhka uu la leeyahay Turkiga, walow uu ka fogaaday inuu dhex galo weerarradii Iiraan uu ku hayay dalalka gobolka, Turkiguna uu ka fogaaday inuu taageero saaxiibbadiisa la kulmayey weerarrada Iiraan. Turkigu waxa kale oo uu xoojiyey iskaashiga millatari ee uu la leeyahay dalka Adribiijaan, waxaana guulo soo hooyay darooniskiisii uu u adeegsaday gobolka Nagorno Karabaakh. Turkigu waxa kale oo uu joogaa koonfurta Badda Cas, isagoo saldhig ku leh Soomaaliya, laakiin muu faragashan dhibaatada Xuutiyiinta Yaman ay ku hayaan Baab al-Mandab. Turkigu waxa kale oo uu Bariga Dhexe ku yeeshay awood ballaadhan, isagoo taageeray Suuriyada Cusub, waxa kale oo uu ku guulaystay inuu wanaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay dawladaha Carbeed, siiba Sacuudiga iyo Masar, sidan darteedna waxa uu u muuqday awood hor istaagaysa Israa’iil.
Labada dhinacba, Israa’iil iyo Turkigu, waxa ay ku tartamayaan hanashada taageerada Maraykanka, ha yeeshee, Turkigu waxa uu ka faa’idaysanayaa xidhiidhka shakhsiga ah ee uu Ordagaan la leeyahay Trump, xilli xidhiidhka Maraykan iyo Israa’iil uu la daalaadhacayo khilaafka ka dhex jira Netanyaahu iyo Trump ee la xidhiidha dhibaatooyinka Iiraan iyo Lubnaan.
Labada dalba waa laba dal oo ah awoodo warshadeed oo waaweyn. Hase ahaatee, waxa ay ku tartamayaan suuqyada darooniska iyo nidaamyada iskood is wada.
Turkigu waxa uu xaqiijiyey guulo waaweyn. Dhoofintiisa qalabka difaac iyo duulimaad waxa ay kor u dhaafeen 10 bilyan oo doollar sannadkii 2025, oo ah saddex laabka intii 2021, iyadoo weli sannadkan 2026 uu koboco sii socdo. Shirkadda Baykaar waa hormuudka, daroonta Bayraktaar “TB2”-na waxa ay gaadhay wax ka badan soddon dal oo dunida ah, waxaana si guul leh looga adeegsadaa Yukrayn, Liibiya, Suuriya iyo Adribiijaan. Qiyaasaha qaar waxa ay sheegayaan in ku dhawaad boqolkiiba 65 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dunida uu isugu leeyahay, kuna soo bandhigo qiimo hoose iyo shuruudo ka fudud kuwa kale. Sacuudigu waa mid ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee Turkiga kula jira waxsoosaarka millatari.
Israa’iil lafteedu, waxa ay dhabaysay dhoofinta nidaamyo difaac (sida qiyaasaha qaar xusayaan ku dhawaad 19.2 bilyan doollar sannadkii 2025). Israa’iil waxa ay ku horraysaa waxsoosaarka farsamooyinka horumarsan u baahan: daroonka, gantaallada, nidaamka difaac, awoodaha saybarka iyo sirdoonka. Waxa ay isbahaysi kula jirtaa dalal ay ka mid yihiin Hindiya iyo Imaaraadka.
Turkigu waxa uu fursad suuqeed ka helay Afrika, Eeshiya iyo Bariga Dhexe, sababtoo kharash yaraanta waxsoosaarkiisa, halka Israa’iil ay ku horumarsan tahay dhinacyada agabyada farsamada sare u baahan. Waxa lagu jiraa tartan is hubayn oo aan toos ahayn, iyadoo ay jiraan isku dayo Turkiga ah si uu u qotodheereeyo ka mid ahaanshihiisa isbahaysiga NATO.
Turkigu waxa uu taageeraa Xamaas siyaasad ahaan, Israa’iilna waxa ay ku tilmaantay dawlad argagixiso ah oo gaysatay xasuuq. Bishii Noofambar ee 2024, Turkigu waxa uu si dhamaystiran xidhiidhadii diblumaasiyadeed ugu jaray Israa’iil. August 2025-na, Turkigu waxa uu hawadiisa ka xidhay diyaaradaha Israa’iil, waxaanu jaray ganacsigii. Noofambar 2025, waxa la soo saaray warqad qabasho oo Netanyaahu ah iyo 36 masuul oo Israa’iiliyiin ah, laguna tuhmay xasuuq. Bishii Feebarweri ee 2026, Turkigu waxa uu fashiliyey unug basaasiin ah oo Israa’iiliyiin ah.
Israa’iil lafteedu waxa ay Turkiga ku tuhuntay laba-wajiilayn (qabsashada Qubrus iyo faragashiga Suuriya), xasuuqii Armiiniyana waxa uu Netanyaahu dhakada ka saaray Turkiga. Masuuliyiin Israa’iiliyiin ah ayaa Turkiga ku tilmaamay Iiraanta cusub, oo Israa’iil hareeraynaysa. Waxa aad u kordhay warbixinaha iyo maqaallada warbaahinta Israa’iil ka mid ah ee ka hadlaya halista Turkiga ee soo fool leh.
Turkigu waxa uu ka faa’idaystay xidhiidhka adag ee shakhsiga ah ee uu Ordagaan la leeyahay Trump, Trump laftiisuna uu ku tilmaamay xidhiidh saaxiibtinnimo iyo isxushmayn la is weydaarsado. Ordagaan waxa uu ka mid ahaa madaxdii ugu horreeyey ee hambalyaysay guushii Trump ee 2024, waxaanu Aqalka Cad booqday 2025 bishii Sibtambar.
Bishii Aktoobar ee 2025, Trump waxa uu Turkiga u magacaabay inay noqoto mid ka mid ah afarta dal ee ka damiinka ah xabbad-joojinta Qasa, iyadoo saddexda kale ahaayeen, Masar, Qadar iyo Maraykanka. Waxa kale oo uu ku tilmaamay dal kaalin ku yeelan kara dib-u-dhiska Qasa iyo ciidamada caalamiga ah ee ilaalinaya, Turkiguna waxa uu kaalin ka gaystay in Xamaas lagu qanciyo aqbalaadda heshiiska.
Bishii Julaay ee 2026, wax yar ka hor shirkii Isbahaysiga NATO uu ku qabsaday Ankara, Trump waxa uu muujiyey u furfurnaantiisa in diyaaradaha dagaalka ee F-35 laga iibiyo Turkiga, xayiraadahana laga qaado. Israa’iil aad bay uga soo horjeedsatay arrinkan, Netanyaahuna waxa uu ka digay in heshiiskani sababi karo burburinta dheellitirnaantii millatari. Turkiga waxa uu ku tilmaamay dal aan ahayn saaxiib isbahaysi lagula jiro. Ordagaanna, waxa uu qeexay rejada uu ka qabo in Maraykanku ballanqaadkiisa oofin doono. Trump waxa uu sheegtay inuu ahaa qofka Turkiga u diiday inuu la safto Iiraan oo uu dagaal ku soo qaado Israa’iil iyo Maraykanka intii lagu guda jiray dagaalkii ay ku qaadeen Iiraan.
Turkigu waxa uu ku jiray xaalad digtooni ah intii dagaalkani socday, dagaalkan muu gelin, walow warbixinaha qaar xusayaan in Maraykanku adeegsaday saldhigga uu ku leeyahay Turkiga, si uu weerarro toos ah uga fuliyo Iiraan. Turkigu arrinkan ma qiran, Iiraanna waa ay weerartay dhulka Turkiga bilawgii dagaalka, se waa ay joojisay markii dambe. Turkigu waxa uu xidhiidhka wanaagsan ee Trump u adeegsanayaa mid uu ku kasbado faragelinta Suuriya iyo faylka F-35.
Tartanka Turkiga iyo Israa’iil waxa uu noqday mid gundhigtay oo muddo dheer jiitami doona. Waa tartan dhaafsiisan Suuriya iyo Bariga Dhexe, oo gaadhsiisan awoodda caalamiga ah. Halista ugu weyni waxa ay ku jirtaa in si khaldan loola macaamilo faylka Suuriya, oo cadaadiska Israa’iil ay ku hayso xukuumadda cusubi uu keeno in qalalaase hor lehi dhasho ama faragashi toos ah oo Turkigu sameeyo.
Intan ka sokow, haddana dagaal toos ahi waa mid muddada dhow aan suurogal ahayn kaalinta Maraykanku ku jiro awgeed. Trump waxa uu xaqiijiyey inaanu arrinkaasi dhacay inta uu xilka joogo. Turkigu waxa uu hadda ka faa’idaysanayaa waxsoosaarkiisa millatari iyo xidhiidhka Trump, halka Israa’iil ay ku tiirsan tahay hormuudnimadeeda tiknoolajiyadda iyo isbahaysiyada ay kula jirto dalal Galbeed iyo Khaliijka. Hase ahaatee, mustaqbalku waxa uu ku tiirsan yahay horumarka laga sameeyo Qasa iyo Suuriya, iyo awoodda uu Maraykanku u yeelan doono isku dheellitirka labadan saaxiib. Tartankani ma aha ismaandhaaf diblumaasiyadeed uun, ee waa tartan ku salaysan qaabaynta nidaamka goboleed ee samaysmi doona.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.