Habeennimadii 3-dii Sebtembar, qaraxyo ayaa ka dhacay guriga uu magaalada Doolow ka deggan yahay Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Shub, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ilaa hadda waxa la isku khilaafsan yahay waxa dhab ahaan dhacay iyo cidda ka dambaysay.
Warbaahinta maxalliga ahi waxay sheegtay in dad guriga ku sugnaa ay waxyeello soo gaadhay, hase yeeshee wararku way ku kala duwan yihiin inta uu le’eg yahay khasaaruhu, mana jirto tiro dhimasho oo rasmi ah oo la xaqiijiyay. Sidoo kale, si madax-bannaan looma xaqiijin sababta qaraxyada iyo khasaaraha ka dhashay.
Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa sheegay in guriga duqayn cirka ah lala beegsaday, iyaga oo dawladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen. Dhankeeda, dawladda federaalka ayaa eedahaas beenisay.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay duqaymo laga fuliyay Doolow ee gobolka Gedo iyo deegaanno u dhow Baydhabo. Laftagareen ayaa 30-kii Maarso ku dhawaaqay inuu “iscasilay” kadib markii ciidamada federaalku la wareegeen Baydhabo, balse markii dambe waxa uu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed. Waxa uu ku eedeeyay in weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16, isla markaana Turkigu fuliyay kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Laftagareen waxa kale oo uu sheegay inay garanayaan qofka sida gaarka ah u bixiyay amarka duqaynta, ayna ka qaadi doonaan tallaabada ay u arkaan inay ku habboon tahay. Sida uu sheegay, ujeeddada weerarka Doolow waxay ahayd in lagu dilo Mahad.
Bayaanka Laftagareen waxa kale oo Turkiga lagu eedeeyay inuu oggolaaday in qalabkii ciidan ee Soomaaliya la siiyay loo adeegsado waxa uu ku tilmaamay cabudhinta iyo dilka siyaasiyiinta iyo dadka rayidka ah ee kasoo horjeeda maamulka Xasan Sheekh, isaga oo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ugu baaqay inay si dhow ula socdaan eedaha xadgudubyada ee loo jeedinayo dawladda federaalka.
Hase yeeshee, ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin eedaha Turkiga loo jeediyay iyo sheegashada ah in diyaaradaha F-16 lagu fuliyay weerarka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council), oo ay hoggaamiyaan siyaasiyiin mucaarad ahi, ayaa isaguna cambaareeyay dhacdadan, waxaanu dalbaday baadhitaan madax-bannaan oo lagu sameeyo eedaha sheegaya in weerarka loo adeegsaday awood ciidan oo taageero shisheeye haysata.
Goluhu waxa uu sheegay in Mahad, oo hore xilka looga qaaday isla markaana loo xidhay khilaaf siyaasadeed, aanay inta ay og yihiin jirin wax dembi ciqaabeed ama mid argagixiso la xidhiidha oo lagu soo oogay.
Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay sheegashada ah in weerarka loo adeegsaday awood ciidan oo ay shisheeye hawlgeliyaan, qalabeeyaan ama taageeraan. Hase yeeshee, goluhu cid gaar ah dusha kama saarin masuuliyadda dhacdada, waxaanu ku adkaystay in waxa dhacay lagu caddeeyo baadhitaan iyo caddaymo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
Goluhu waxa uu saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay hubiyaan in hubka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xogta sirdoonka iyo taageerada la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya la siiyo aan loo adeegsan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.
“Taageeridda Soomaaliya macnaheedu ma aha taageeridda qofka talada haya,” ayuu goluhu sheegay, isaga oo intaa ku daray in taageerada la-dagaallanka argagixisadu tahay inay Al-Shabaab la dagaallanto, ee aan loo adeegsan mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Masuuliyiin hore oo sarsare, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ra’iisalwasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah, ayaa iyaguna cambaareeyay dhacdada. Qaar ka mid ahi waxay dawladda federaalka si toos ah ugu eedeeyeen inay fulisay ama amartay weerarka.
Dawladda federaalka ayaa dhinaceeda iska fogaysay eedahaas, waxaanay diidday in dhacdadii Doolow ay ahayd duqayn cirka ah.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegtay in dawladdu la socoto xaaladda, xogta hordhaca ah ee ay heleen hay’adaha ammaankuna muujinayso in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo guriga gudihiisa lagu diyaarinayay.
“Dawladdu waxay caddaynaysaa inaanay wax lug ah haba yaraatee ku lahayn dhacdadan,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Dawladdu waxay sidoo kale sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baadha sida ay wax u dhaceen, sababta ka dambaysay iyo cidda masuulka ka ahayd. Waxa ay ka digtay faafinta warar aan la xaqiijin inta baadhitaanku socdo, waxaanay sheegtay in natiijada guddiga dadweynaha lala wadaagi doono.
Sidaas darteed, weli lama kala caddayn in qaraxyadu ahaayeen duqayn cirka ah iyo in ay ka dhasheen walxo qarxa oo guriga yaallay. Sidoo kale lama xaqiijin in ciidamo Soomaali ama kuwo shisheeye ahi dhacdada ku lug lahaayeen.
Dhacdada Mahad lagu beegsaday lama kala saari karo khilaafka siyaasadeed iyo dagaallada muddada bilo ah ka socday Koonfur Galbeed. Khilaafkaasi waxa uu qayb ka yahay muranka ballaadhan ee ka taagan wax-ka-beddellada dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kaas oo sii xumeeyay xidhiidhka dawladda federaalka iyo qaar ka mid ah dawlad-goboleedyada Soomaaliya.
Xiisaddu waxay sii korodhay markii Baarlamaanka Soomaaliya bishii Maarso 2026 ansixiyay wax-ka-beddello kale oo dastuurka ah. Mucaaradka ayaa ka digay saamaynta ay wax-ka-beddelladaasi ku yeelan karaan geeddi-socodka siyaasadeed iyo xilliga doorashooyinka.
Koonfur Galbeed, oo xilligaas uu hoggaaminayay Laftagareen, ayaa kasoo horjeeday qorshaha dawladda federaalka ee dastuurka iyo doorashooyinka. Bishii Maarso, maamulka Koonfur Galbeed ayaa xidhiidhka u jaray dawladda federaalka, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha maamulka.
Laftagareen ayaa intaas kadib bilaabay hannaan doorasho oo heer dawlad-goboleed ah, waxaana 28-kii Maarso xildhibaannada Koonfur Galbeed ku dhawaaqeen in mar kale loo doortay xilka madaxweynaha, muddo shan sannadood ah.
Dawladda federaalka ayaa doorashadaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo dastuurka ka hor imanaysa, taas oo sii xoojisay khilaafkii labada dhinac.
Murankii siyaasadeed ayaa wax yar kadib isu beddelay iska-horimaad hubaysan. 30-kii Maarso, ciidamada federaalka ayaa gudaha u galay Baydhabo, waxaanay la wareegeen magaalada kadib dagaal ay la galeen ciidamo taabacsanaa maamulkii Koonfur Galbeed.
Isla maalintaas Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degay, waxaanu ka baxay Baydhabo. Waxa dabadeed la dhisay maamul ku-meel-gaadh ah, waxaana la bilaabay hannaan cusub oo doorasho.
Bishii Juun, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”, oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed u doortay madaxweynaha maamulka. Waxa uu helay 88 ka mid ah 90-ka cod ee xildhibaannadii codeeyay. Hase yeeshee, doorashadaasi murankii siyaasadeed ma soo afjarin.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka baxay tartanka ka hor intii aan codka la qaadin, isaga oo sheegay in hannaanka doorashadu aanu sax ahayn. Dadka dhaliila dawladda federaalka ayaa iyaguna su’aal geliyay sharciyadda hannaan siyaasadeed oo la hirgeliyay kadib markii ciidamo federaal ahi la wareegeen Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa markii dambe xilka la wareegay, waxaanu noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ay aqoonsan tahay dawladda federaalku.
Hase yeeshee, isbeddelka maamulka laguma soo afjarin dagaalka. Ciidamada daacadda u ah Laftagareen ayaa sii joogay deegaannada ka baxsan Baydhabo, waxaanay marar badan la dagaallameen ciidamada federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee taageersan maamulka Aadan Madoobe.
Dagaallo waaweyn ayaa dhacay bilihii May iyo Agoosto, waxaana mar kale la isku dhacay horraantii Sebtembar, markii xoogagga taabacsan Laftagareen ay weerareen fadhiisimo ku yaalla gudaha Baydhabo iyo hareeraheeda.
Dagaalladaasi waxay khasaare gaadhsiiyeen dadka rayidka ah, waxayna carqaladeeyeen hawlaha gargaarka, marar badanna waxay dadka ku khasbeen inay ka qaxaan qaybo ka mid ah magaalada.
Dagaalkii 3-dii Sebtembar, Cusbitaalka Gobolka Bay ayaa sheegay in la geeyay 71 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo 15 ka mid ahi dumar ahaayeen, halka ugu yaraan hal qof oo rayid ahi dhintay. Baydhabo waxa kale oo ay hoy u tahay boqollaal kun oo qof oo abaaro iyo colaado hore uga soo barakacay, waana mid ka mid ah xarumaha waaweyn ee hawlaha gargaarka Soomaaliya.
Xaaladdan siyaasadeed iyo amni ayaa muhiim u ah fahamka dhacdadii Doolow. Mahad waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca siyaasadeed iyo ciidamada taabacsan Laftagareen, taas oo dhacdada ku xidhaysa khilaafka ballaadhan ee u dhexeeya garabka Laftagareen iyo dawladda federaalka.
Mucaaradku wuxuu sheegay in Mahad si ula kac ah loo beegsaday. Dawladda federaalku taas way diiddan tahay, waxaanay ku adkaysanaysaa in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo guriga gudihiisa yaallay, ee aanu jirin weerar dibadda lagaga soo qaaday.
Dhacdada Doolow waxay sii kordhisay walaaca laga qabo halka uu ku dambayn karo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Muranka dastuurka iyo doorashooyinka weli xal looma helin, xidhiidhka dawladda federaalka iyo qaar ka mid ah dawlad-goboleedyaduna wuu kacsan yahay. Waxa taas u dheer xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo hubanti-la’aanta ku xeeran mustaqbalka hawlgallada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya ka socday qaabab kala duwan in ka badan labaatan sannadood.