Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Taliyeha Guud ee Ciidanka Itoobiya oo Hanjabaad u Diray TPLF

5 November, 2025
Image
Taliyeha Guud ee Ciidanka Itoobiya oo Hanjabaad u Diray TPLF
Share

Taliyeha Guud ee Ciidanka Itoobiya, Birhaanu Juula, ayaa uga digay Jabhadda Shacbiga ah ee Xoreynta Tigree – TPLF dagaaal kale oo ka dhan ah. Isaga oo ka hadlayay xuska sannadguurada 5aad ee dagaalkii ka qarxay gobolkaas, 2020-kii, xilligaas oo xoogagga Tigreeygu ay weerar xooggan ku qaadeen, kuna qabsadeen, Taliskii waqooyi ee Itoobiya, arrintaas oo horseedday dagaal labo sannadood socday oo geystay khasaare ba’an.

Isaga oo farriin toos ah u diray ururka TPLF, waxa uu Birhaanu Juula yidhi: “Keligayo kama baaqsan karno dagaal” arrintaas oo u muuqatay hanjabaad dagaal oo ka dhan ah TPLF.

Munaasibadda xuska oo uu kula hadlay saraakiil ciidan, waxa uu Juula cambaareeyay wax uu ugu yeedhay ‘khiyaanadii weynayd’ oo uu uga jeeday weerarkii ay TPLF ku qaadday fadhiisinkii ciidanka ee gobola, waxanu sheegay in ay khiyaanadaas ka dambeysay koox yar oo ka tirsan TPLF. Kooxdaas ayaa uu sheegay in ay tahay in la dabarjaro.

Dagaalkii Tigreey ayaa waxa uu qarxay shan sannadood ka hor, markaas oo uu ismari-waa siyaasadeed isu roogay dagaal buuxa oo keenay in, sidoo kale, Eriteriya, oo markaas isbahaysi la ahayd Raysal Wasaare Abiye Axmed, ay iyaduna duullaan ku qaaddo gobolkaas waqooyiga Itoobiya. Dagaalkan oo socday labo sannadood ayaa ay ilaha qaarkood ku qiyaaseen in uu galaaftay dad gaadhaya 600,000 oo qof kuna barakaceen ugu yaraan 3 milyan.

In kaste oo heshiis laga gaadhay dagaalka oo ay Dawladda Itoobiya iyo TPLF ay gaadheen heshiiskii Pretoria, haddana waxa dhawaanahan jiray muranno ku saabsan fulinta heshiiska iyo in ay dhinacyadu u dhawaanayaan colaad hor leh, iyada oo uu burburay isbahaysigii dawladda Itoobiya, Jabhadda Amxaarada iyo Eriteraiya. Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan ku eedaysay TPLF in ay iskaashi la sameynayso Eriteriya iyo jabhadda Amxaarada ee Faano si ay u mijoxaabiyaan degganaanshaha Itoobiya, eeddaas oo ay labada dhinac ee kaleba beeniyeen.