Skip to main content

Monday 13 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Takoorka Xalkiisa Bilowga ahi Waa Takoor Togan

11 August, 2025
Image
Takoorka Xalkiisa Bilowga ahi Waa Takoor Togan
Share

Bulsho-weynta Soomaalida, dhaqan ahaan, waxa ka dhex jira takoor aad u baahsan oo lagu hayo qaybo ka tirsan isla bulshada, falkaas oo, runtii, ah dhaqan dib-u-socod ah. Dadka la hayb-sooco waxa deegaan u ah oo ay si filiqsan ugu dhex nool yihiin Soomaalida kale ee takoorta. Takoorka lagu la kacay dadyowgani waa mid aan ku koobnayn hal dhinac oo keliya, balse saameeyey dhinacyada kale ee nolosha; sida kala guursiga, sinnaanta iyo qaayosoorka bulsho. Intaa waxa dheer, cidhibtirka dhaqankani, ilaa hadda, waa mid dhutinaya oo aan guulaysan, taas oo loo fasiran karo in aan lagu bixin dedaalkii uu mudnaa ama in laga gaabiyey, iyada oo tan sababaha keenay loo tiirin karo bulshada qabiiliga ah oo weli xooggan iyo dawladnimada casriga ah oo aan  laga gaadhin guul wax-ku-ool ah. Marka laga reebo hadallada lagaga soo horjeedo takoorka ee laga jeediyo munaasabadaha qaar, haddana waxa jirta qabyo iyo gaabis aad u badan oo ka dhigan “Guuli waa weli”. 

Bulshada dhibbanayaasha u ah takoorku waa dad, intooda badan, leh xirfado iyo farsamooyin ay weligood kula soo bixi jireen quudka iyo nolosha. Xirfadahan, oo ah kuwo waxtar ballaadhan u leh bulshada, waxa ka mid ah; kabo tolista, dhiska, sameynta agabka qodaalka, timo jarista, iyo qalista xoolaha nool iyo iibintooda. Shaqooyinkan oo markii hore faquuq-wadayaashu ay ka dhawrsan jireen ayaa hadda laga dareemayaa isbeddel aragtiyeed kaas oo salka ku haya dan iyo duruuf ay sababeen isbeddelka dhaqan iyo dhaqaale ee Soomaalida ku socdaa. Xirfadahan u gaarka ahaa la-takoorayaasha ayaa hadda noqday il dhaqaale oo furan oo cid waliba gasho, waxayna laf-dhabar nololeed u noqdeen bulsho aad u badan oo, dhaqan ahaan, iska weyneyn jirtay se ay duruuftu bidday. Arrintan ayaa u muuqata in uu jiro isbeddel dhaqan-dhaqaale oo looga faa’idaysan karo baabiinta takoorka, isla markaana lagu abuuri karo bulsho isku doon saaran oo aan waxba is dheerayn.

Shaqooyinkan la ceebsaday, hadda se dantu qasbayso, waxa ay wadaagaan ayaa ah in ay yihiin dhammaantood kuwo ku qotoma farsamo iyo karti ay tahay in qofka qabanayaa uu la yimaaddo oo la’aanteed aanu shaqadan qaban karin, kuwa loo qabanayo, oo u badan kuwa takoorka wadaana, aanay aqbali karin la’aanteed. Dadka farsamada iyo kartida leh ee lagu ceebsaday shaqada ay qabanayaani waxa ay ku suntanyihiin in ay yihiin dad aan aqoonin shaxaadka iyo gacmo-hoorsiga, balse takoorayaashu ceeb uma arkaan shaxaadka iyo dawarsiga midna, waana halka ay ku kala duwanyihiin. Waayuhu waxa uu la jiraa kuwa danbe oo si fudud ula qabsan kara casriyowga. Dhanka kale, takoorku sidiisaba waa dhaqan iyo fekrad aan sinaba loo difaaci karin, haba yaraato ee.

Ahaanshaha ayaa ah mideeyaha bulsho kaste oo hayb wadaagta. Haybtaasi ha noqoto mid diineed, mid dhaqan, ama mid afeed. Ka sokow dhaqanka iyo diinta, afka udub dhexaadkiisa iyo dhuuxiisuba waa fanka iyo suugaanta ay bulsho leedahay. Qaybaha Bulshada ee la takooray qaarkood waxa ay door weyn ku leeyihiin horumarinta fanka Soomaalida. Fanku maaha oo kaliya murti iyo maddadaalo, balse waa wax intaas ka ballaadhan oo xidhiidh la leh waayaha iyo dareenka qofka. Soomaalida, inta wax takoorta, waxa ay leedahay dhaqan aan wanaagsaneyn oo ku dhaw dhaqan munaafaqadeed. Tusaale; kolka ay masraxa joogaan fannaaniinta ka soo jeeda qaybaha bulshada ee la takooray, waa ay u sacab tuntaa, waxayna u dhag raaricisaa codka fannaanka takooran; tusaale u qaado Tubeec, Tahliil, Cumar dhuulle, Maryan, Digfeer oo caan ka ah dunida fanka Soomaalida. Fannaaniintan kolka ay masraxa saaranyihiin aad ayaa ay ula weyn yihiin Soomaalida, kolkii qabiilka la isla tagana, waa ay u liitaan. Waa xaqiiqo xanuun badan. Waa mararka kooban ee ay dad hayb ahaan loo faquuqaa dareemaan in ay la siman yihiin bulshada kale oo ay ka mid yihiin kana sarreyn karaan in badan. Waxa aan aaminsanahay, haddii la wayddiin lahaa markaas waxa ay tabayaan, in ay odhan lahaayeen: Taajka iyo ammaanta labadaba waan idiin hibaynnay, kaliya waxan codsanaynaa in aan idinka idin la mid ahaanno. In aan u noolaanno sida aad u nooshihiin, in aan maalin kaliya aan dareenno nolol aan takoor, faquuq, iyo yaraysi mid na lahayn!

Waxa hubaal ah in ay iswayddiinayaan dadka idin liida ma dadkan hortiina soo fadhiyaa? Ma dadkan idinku faraxsan baa? Ma dadkan idin jecel baa? Maxaan u simannahay marka aan masraxa joogno? Maxaan u kala mudan nahay marka aan dibadda joogno? Waxa dadkan lagu quudhsadaa in ay ka liitaan bulshada inteeda kale, iyada oo la iska indhatirayo in baahiyaha nolosha ee dhabta ah aanay ku liidan ee ay kaga sarreeyaan inta badan bulshada takoorta.

Dadku, duruufkasta oo la soo darista, waa ay ka dabbaalan karaan waanay ka gudbi karaan, balse sinaba guul uma gaadhi karaan haddii aanay haysan rejo. Waxa la lagu doodi karaa in haddii aanay rejo jirin, aanu dadkuna jireen. Sababta oo ah qof kasta oo innaga mid ahi, maalinta ay dhib la soo daristo, halkaas ayay noloshiisu ku eekaan lahayd, balse rejada ayaa ah hubka ugu culus ee aadamuhu ku sii tamariyo. In bulsho dhan loo abuuro rejo waxa ay la mid tahay nolol cusub oo loo abuuray. Haddaba, si bulshada la takooray loogu abuuro rajo cusub oo abuurta nolol cusub waa in diiradda la saaraa sidii looga saari lahaa saboolnnimada iyo aqoon la’aanta oo ah halka ugu dambaysa ee ay salka ku hayso quusta iyo rrjo la’aantu.

Si looga midho dhaliyo rejo soo-celintan, waxa aan soo jeedinayaa in dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto laga abuuro takoorka togan (positive discrimination). Takoorka togan waa soo jeedin fursad u siinaysa in bulshadaas la takooray ay ka soo kabtaan dhibaatada ku dhacday ee qarniyada soo taxnayd. Waa soo jeedin siinaysa mudnaan ah in fursadaha shaqo iyo waxbarashaba laga qaybgaliyo, iyada oo loo qooondaynayo saami go’an oo iyaga u gaar ah. Tusaale ahaan, waxa aan soo jeedinayaa in dhammaan goobaha waxbarasho laga bilaabo oo dugsi hoose illaa heer jaamacadeed looga dhigo lacag la’aan, iyada oo loo marayo nidaam loo maaraynaayo arrintan si ay u noqoto mid guud oo midho dhal ah. Qofku, kolka uu jaamicadda dhammeeyo, waa in fursadaha shaqo laga siiyo mudnaan ku sar go’an saami u gaar ah; tusaale ahaan in goobaha shaqo ee dawaladda laga siiyo boqolley la yaqaan. Sidaas si lamid ah goobaha shaqo ee shirkadaha waaweynna waa in lagu soo rogo in ay tabtaas oo kale yeelaan. Sidaas si lamid ah, goobaha caafimaadka laga siiyo fursad daawayn ah oo si gaar ah u eegaysa xaaladda dhaqaale bulsheed.

Soojeedintani, si ay u noqoto mid hirgasha oo midho-dhal ah, waxa ay u baahan tahay in loo sameeyo sharci gaar ah oo cidina aanay ka baxsan karin isla markaana leh guddi ama hay’ad u gaar ah oo ka masuul ah kor-joogtaynta iyo ka midho-dhalinta arrintan. Waxa aan qabaa in arrintani ay si weyn u dhimmi lahayd saboolnimada iyo waxbarasho la’aanta. Taasina ay horseed ka noqon lahayd in qof kasta oo bulshadaas ka mid ahi uu arko iftiin u muuqda oo rajo ah, rajadaas oo horseedaysa in uu ka baxo saboolnimadii oo uu helo fursado waxbarasho iyo xirfad-dhis. Waxa aan aaminsanahay in tallaabadani ay siin lahayd qab ay ku hubaysanyihiin oo aanay dareemeen in ay dadka ka hooseeyaan, halka bulshada kalena dareensiin lahayd isla sinnaantaas oo kale.

Waxa xusid mudan in tallaabadan mid la mid ah ay horey u qaadday Malaysiya. Hirgalinta takoorka togani muddo dheer ayaa ay ka socotay dalka malaysiya midho dhalna waa ay noqotay. Dadka ka soo jeeda qawmiyadda Malaayga oo ah dadka asal ahaan dhulka iska leh, uguna tiro badan, ayaa ahaa kuwo tacliin ahaan iyo dhaqaale ahaanba dadka kale ka hooseeyay. Balse takoorka togan ee laga hirgaliyay dalka ayaa kor u soo qaaday, waxa uuna horseedday caddaalad dhalisay xasillooni iyo badhaadhe. Waa tusaale laga dheehan karo sida loo hirgalin karo soojeedintan haddii loo guntado.