Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Tacriifadaha Taraam iyo Kobcinta Wada Ganacsiga Dalalka Afrika

13 April, 2025
Image
 (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)
Madaxweyne Taraam oo hayo boodh tusmaynaya tacriifadihiisa, tan oo qayb ka ah ololahiisa "Mar kale iyo Ameerika oo qani ah". (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)
Share
Tacriifadaha Taraam waxay khalkhaliyeen dhaqaalihii adduunka, waxayna albaabada u fureen saman hubanti la’aan weyn ku suntan. Geeska(u) waxa uu kala sheekaystay Cabdullaaye Nadaaye oo ah dhaqaalayahan iyo akaademi reer Sinigaal ah, saamaynta ay tallaabooyinkani ku yeelanayaan Afrika.

“Waa Maalintii xorraynta”, ayuu ku baaqay madaxweyne Doonal Taraam, isagoo lulaya xeer boodhweyn lagu daabacay oo jideynaya tacriifado ka dhan ah dalalka dalka uu madaxweynaha ka yahay ganacsigu kala dhexeeyo. “waxaa la dhacayay cashuurbixiyaha muddo ka badan 50 sano,” ayuu ku daray, isagoo isla dhacsan oo isu haysta geesiga kaligii difaacaya Ameerika. “balse, taasi maanta ayay soo dhamaatay.” Si kastoo la isugu dayay in Taraam laga dhaadhiciyo, in bulshada gadatada ah ee Maraynkanka ay fuuli doonto culeyska ka imanaya tallaabadani, dheg jalaq umuu siin. Sarkaal Midowga Yurub ayaa yidhi, “maalin xorrayna ma ahee, waa maalintii sicirbararka”.

Yoolka Taraam waa in sancada dib loogu soo celiyo Ameerika, shirkadaha Maraykanku waxay isu gaynta iyo samaynta waxsoosaarkooda u rareen dalalka Eeshiya ee shaqaalaha jaban, balse, waa siduu tilmaamay dhaqaalyahanka weyn ee Kuuriyada Koonfureede Ha-Joon Chang, waxaad u baahan tahay istaraatiijiyad si aad u dhisto suuqa sancada, waxba tari mayso cashuur ciqaabeed lagu soo rogo shirkadaha suuqaaga damacsan in ay wax ka iibiyaan. Maalmo yar gudahooda tacriifadahani waxay xasillooni daro ku abuureen suuqa saamiyada ee adduunka, sidoo kalen waxaa dhulka galay doolarkii.

Tallaabadan si isku mid ah ayay u dhaleeceeyeen dalalkii xulafadda la ahaa Ameerika iyo kuwuu loollanku kala dhexeeyaaba, Taraam tacriifadihiisu may kala reebin dalalkan. Dayfidh Laami oo ah wasiirka/xoghayaha arrimaha dibadda ee Yuukeey (UK), ayaa tilmaamay in siyaasadaha Taraam qarni dib u celiyeen Ameerika. Halka Madaxweynaha Faransiisku, Imaanuweel Makroon, uu ku qeexay tacriifadahani in ay yihiin kuwo “kakan oo aan loo baahnayn”. Shiinaha, oo iyaguna badeecaddo aad u badan u dhoofiya Maraykanka, oo lagu soo rogay tacriifad boqolkii 34 ah, taas oo ay u dheer tahay 20% hore u saarnaa, waxa uu ka digay in aan cidna libin ka dhaxlayn dagaal ganacsi, waxa ay na Maraykanka ugu baaqeen in uu joojiyo “daandaansiga”.

Xataa, wargeysyada arrimaha dhaqaaluhu ma ay cafin Taraam. Wargeyska Financial Times wuxuu ku sheegay tallaabadan in ay tahay fal “is dhaawacid ah oo yaab leh”, halka wargeyska Wall Street Journal sheegay in cidda qudha ee tallaabadan ka faa’ideysaa tahay hogaamiyaha Shiinaha, Shii Jiinbiin (Xi Jinping), iyagoo ku tilmaamay in ay tahay “deeq istaraatiiji ah”.

Dhanka Afrika, sawirku waa mid kakanaan badan. Dalalka badankooda tacriifadaha u yar ayaa lagu soo rogay, waana 10%, balse, tacriifadaha u sareeya waxa la saaray Lisooto (Lesotho) (50% ayaa saaran), Madagaskar (47%), Moriishas (Mauritius 40%) iyo Bootiswaana oo wajahaysa (38%). Tallaabooyinka Taraam waxa ay sidoo kale dhaawacayaan heshiiskii lagu taageerayay dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, ee loo yaqaan Xeerka Koboca iyo Fursad siinta Afrika (Agoa), kaas oo dalalka Afrika qaar ka mid ah u saamaxayay in ay badeecadahooda ugu dhoofiyaan Ameerika shuruudo sahlan. Hasa yeeshee, waxa hadda xeerkaa laga reebay soo dhoofinta tamarta iyo badeecadaha kale ee lafdhabarta ah, kuwaas oo ah inta yar ee Afriki ku darsato dhaqaalaha adduunka.

Waxay ahayd xeerkani in uu gaashaan uga noqdo tallaabooyinkan oo kale, balse, sidaas arrintu uma sahlana, ayuu ku dooday Cabdullaaye Nadaaye oo baresare oo dhaqaalaha ah ka ah Jaamacadda Niyuu Yook, kuliyadeeda Ganacsiga ee Stern. Cabdullaaye Nadaaye waxa uu sidoo kale la shaqayn jiray oo dhaqaaleyahan u ahaa waaxda Kaydka federaalka ee Maraykanka, waxa uu dhawaan baahiyay cilmibaadhis uu kaga aragti bixinayay qaadacaadda (boycott). Sidoo kale waxa uu dhawaan ka soo muuqday barnaamijka caanka ah ee Muslimka Fikiraya (Thinking Muslim Podcast). Cabdullaaye Nadaaye, waxa uu Geeska uga warramay saamaynta uu filayo ee ay tacriifadahani keenayaan, tallaabooyinkay qaadi karaan dalalka Afriki si ay arrintan u maareeyaan iyo sababtaan ugu baahanahay in aan dib u furno marinada ganacsi ee dabiiciga ah, si kor loogu qaado kala ganacsiga Afrika.

Faysal Cali: Kolkaan eegayay liiska tacriifadaha Afrika, waxaan is weydiinayay in ay wax saamayn ah ku yeelan doonto qaarada, maadaama oo Maraykanku jideeyay xeer u saamaxaya dalalka Afriki in ay shuruudo fudud ugu soo dhoofiyaan khayraadkooda leh noocyada macdanaha biraha, saliida iyo gaasta iwm, tusaale ahaan, Liibiya waxaa lagu soo rogay 31% oo ku kooban saliida ay dhoofiyaan. Ma dhalanteed baan iska dhaadhicinaynaa, haddaan ku doodno in saamaynta tacriifadaha haatan laga badbadinayo?

Cabdullaaye Nadaaye: Waa su’aal wanaagsan. Haddaan dal walba gaarkiisa u eegno oo aan nidhaa maadaama oo aan badeecadoodahooda lafdhabarta ah wax tacriifad ah la saarin, saamayntu way xadidan tahay, waa aragti halis ah. Waa run oo si toos ah hadda meelo badan uma saamaynayso, balse, saamayn ka dhalanaysa ayaa jirta, waayo dalalka kale ayaa ka falcelin doono oo sidaas oo kale yeeli doona, maadaama oo aan haatan afka saarnay dagaal ganacsi oo caalami ah. Waxaan ognahay in uu imika saameeyay suuqa saamiyada (Stock Market), marka maaliyaddu gabaabsi noqoto Afriki waa meelaha u horreeya ee afka ciida loo daro. Waxaa sidoo kale jira dalal saliid aad u tirabadan dhoofiya, sida Angoola, Nayjeeriya iyo Aljeeriya, oo ku tiirsan saliida, kuwaasna waxaa saamayn ku keeni doona hoos u dhaca qiimaha saliida ee adduunka. Balse, arrintan lafteedu waxay caawinaysaa dalalka kale ee tamarta soo dhoofsista sida Kiiniya iyo Sinigaal.

Ka Afrikaan ahaan waxaa inala gudboon in aan ka fekerno sidaan danaheenna u wada ilaashanayno iyo waxa falcelinteennu noqonayso.

FC: Taraam waxa uu ka cabanayaa in dalkiisu ganacsi dhan ka raran la leeyahay dalalka daafaha adduunka, waana waxyaalaha uu isleeyahay tacriifadaha uu soo rogay way hagaajinayaan. Tani waxay ka dhignaanaysaa in dalalka Afriki u dhoofiyaan Ameerika wax ka badan waxa ay ka soo dhoofsadaan, dabadeed waxa uu iska dhaadhiciyay in ay arrintan la xidhiidho tacriifadaha ganaaxa ah ee ay dalal badan saaraan badeecadaha Ameerika. Tallaabadani ma ka caawinaysaa Ameeriki in ay dib isugu dheelitirto ganacsiga kala dhexeeyay dalalka Afrika?

CN: Waa sida timajarahayga oo ay naga dhaxayso kala ganacsi dhan ka raran/taban, waayo aniga uun baa u doonta adeegga uu bixiyo. Haddaan maalin damco in aan la yeesho wada ganacsi aan labadayaduba faa’ideyno oo togan, waa in aan cashuur ka qaado kolka uu timaha ii jarayo, oo aan xataa isku dayo in aan u jaro timihiisa. Mandiqaasi ma aha mid maangal ah. Markaa arrinku waxa uu isugu biyo shubanayaa in aan ka fekerno saamaynta muddada fog ee ka dhalanaysa arrintan. Kama hadlayo bilo kooban, waa in aan isweydiino sannado ka dib waxa ka dhalan kara. Hadda looma baahna in aan tallaabooyin culus kaga jawaabno, waxa aynu u baahanahay in aan suuqyo kale raadsano.

FC: Sidoo kale, maanta dalalka Afrika badankoodu waxa ay ganacsiga u ballaadhan la leeyihiin Shiinaha, ee lama laha Ameerika. Waxaan filayaa dalal faro ku tiris ah ayaa Maraykanku u yahay dalka xidhiidhka ganacsi ee u ballaadhani kala dhexeeyo. Balse, si guud intee in le’eg ayaa taasi yaraynaysaa saamaynta tacriifadahani ku yeelanayaan guud ahaan qaaradda.

CN: Way yaraynaysaa oo waxa ay ka dhigan tahay waxa ay kala duduween shuraakadooda ganacsi, balse, waxa ay u baahan yihiin in intaa laga sii kordhiyo. Falanqeeyayaasha qaar waxa ay ka fekerayaan sidii aan dhexdeenna u kala ganacsan lahayn – sidii dalalka Afriki dhexdooda u kala ganacsan lahaayeen. Balse, waxaa loo baahan yahay in aan galno gorgortano lagu raadinayo heshiisyo ganacsi oo laba geesood ah. Heshiisyo Afrika oo isku raran dal kale la galayso ma aha, waa mid dal kastaa goonidiisa ula galayo dalalka qaaradda iyo kuwa adduunka, taasi waxa ay ka caawinaysaa in la helo suuqyo kale. Maraynkanka laftiisa waa in ay la gorgortamaan oo la xidhiidhaan.

FC: Laba dal ayaa tacriifadahan ka bedbaaday waana Soomaaliya iyo Burkiina Faaso. Maxaa u saamaxay in ay ka gabadaan tacriifadahan?

CN: Ma garanaysaa dalka kale ee aan tacriifado cusub lagu soo rogin? Waa Ruushka. Dalalka badankooda waxaa la saaray 10%. Markaa, waxa ay ila tahay in sababtu tahay in aan dalalkani la lahayn Maraykanka wax ganacsi ah oo buuran.

FC: Lisooto waa dalka tacriifadaha u badan uu Taraam saaray. Waxa lagu soo rogay waaxo ganacsigooda ka ah 20%, tacriifad dhan 50%. Wasiirka ganacsiga ee dalkaas, Mokhethi Shelile, ayaa sheegay in uu ka welwelsan yahay in shaqo la’aan baahsan dhacdo oo ay warshaduhu xidhmaan. Sidee bay tahay in ay ula tacaalaan dhibaatadan dalalka la xaalka ah Lisooto, kuwaas oo tiro ahaan iskaba kooban?

CN:  Boqolkiiba 50-ku aad buu ugu culusyahay Lisooto, waxaana aad looga walaacsan yahay in warshaduhu xidhmaan. Laakiin aan tusaale ka soo qaadano muddo xileedkii koowaad ee Taraam, xilligaas oo uu jiray dagaal ganacsi. Shirkaddo badan oo Jayniis ah ayaa qunyar xidhxidhay qalabkoodii oo u guuray Fiitnaam, oo ka tacriifaddo yareyd, waxayna sii wadeen in ay waxsoosaarkooda u dhoofiyaan Maraykanka. Markaa, shirkadahani waxa ay haystaan beddel oo dalka tacriifado culus la saaro qunyar bay ka guurayaan. Markaa Lisooto iyo dalalka la mid ah waxaa u furan in ay waxsoosaarkooda dal kale u raraan ama suuq kale raadsadaan.

Aniga walaaca u weyn waxa igu haya saamaynaha is biirsaday ee tacriifadahan iyo cidhib xummada ka dhalanaysa, waxa ay yimaadeen xilli uu sidoo kale Maraykanku jartay kaalmaduu siin jiray dalalka Afrika. Miisaaniyadda dalalkani waa mid cidhiidhi ah, mana awooddaan in ay dakhli ka sameeyeen suuqyada gaarka ah. caqabada hadda taagani waa nuglaanshiyaha is biirsaday.

FC: Ganacsiga dalalka Afrika dhexdoodu muddo dheer waxa uu ahaa caqabad ka taagan guud ahaan qaaradda. Dhamaan dalalka qaaradda, marka laga reebo dhawrka wax u dhoofiya dalka Koonfur Afrika, waxa ay la ganacsadaan dalal qaaradda ka baxsan. Dedaallo badan oo arrintan wax lagaga qabanayo ayaa la sameeyay, waxaa la hirgaliyay heshiisyada ganacsiga xorta ah iyo heshiis goboleedyada ganacsiga xorta ah sida, Dalladda Afrikada Bari (East African Community). Haddaba, maxay tallaabooyinkani u miradhali waayeen oo ay u beddeli waayeen qaab dhismeedka ganacsi ee dhaqaalaha Afrika?

CN: Sida aad tilmaantay, waxa jiray hindisayaal hanweyn. Waxaa jira Dalladda Afrikada Bari, tan Galbeedka Afrika iyo dalladda Afrikada Koonfureed, kuwan oo dhamaan leh heshiisyadooda ganacsi. Imikana, waxaa la dejiyay heshiis saamaxaya in ay qaaraddu si xor ah oo bilaa caqabad ah u kala ganacsato. Balse, nasiib daro heshiisyadani ma aha kuwo warqadda soo dhaafsiisan. Waxba ma soo kordhiyaan. Waxa weli jira caqabaddo badan oo ku gudban ganacsiga. Kaabayaashii dhaqaale ee saamixi lahaa waa kuwo aan hormarsanayn, sharciyadda kastamyadu waa kuwo kakan, xeer nidaamiyayaashu ma toosna, ugu danbayna, waxa jira caabbi siyaasadeed oo ku gudban is dhexgal in uu yimaado.

Waxa aan u baahanahay in aan si wanaagsan u fahano taariikhda iyo sida ay isugu xidhan tahay, si aan xal ugu helno arrimahan, halkii aan nafaheenna oo qudha ka fekeri lahayn, marka ay timaaddo masalada gumeysiga ama gumeysi ka baxu. Haddaan eegno heshiisyada ganacsi ee Afrikaanka macnaha u samaynayaa ma aha kuwa la dejiyay 60-kii sanno ee u danbeeyay ee ay Afriki xorta ahayd. Waa xidhiidh ka dabiicisan. Tusaale ahaan, aniga hadda kula sheekaysanayaa waxa aan ka soo jeedaa Sinigaal, adna Soomaali baad tahay – xidhiidhku waa uu ka dhaw yahay sida aad filayso. Soo qabo Sucuudi Careebiya, waa dal Soomaaliya ay la leedahay ganacsi, marinkaasi waa mid ay garanayaa dadyowga Galbeedka Afriki, oo uu ugu caansan yahay Maansa Muusa, kaas oo ka dhaqaaqay Maali oo u socdaalay ilaa Xajka. Waxa jira marino ganacsi oo badan oo isku xidha Afrikada saxaraha ka hoosaysa iyo Saaxilkaba (Sahelian).

Ma daawatay filinka lo Capitano, waa filin arrintan sawir ka bixinaya. Waxa uu ku saabsan haayirka, filinku kama warramayo uun dad ka tagaya Afrika oo Yurub aadaya – waxa uu sidoo kale ku tusayaa jidkay qaadayaan. Waxa ay ka baxayaa Dhakaar oo ku taal Sinigaal, waxa ay sii dhex marayaan Maali, Nayjar waxa ayna ku danbaynayaan Liibiya oo ay cadaab ku mudanayaan. Maanta meelahan oo dhan waxaa harqiyay colaado iyo argagaxiso, balse, haddii aad taariikhda dib u raacdo, marinkani mar buu ahaa mid qani ku ah ganacsiga iyo wax is weydaarsiga, waxaana uu ahaa ganacsi dabiici ah, oo ay taariikhyahanadu si buuxda uga warbixiyeen. Biyadhacaygu, waxa uu yahay haddii aan ku dabaqno fahanbixinta dhaqaale ee mayaladayga (persistence), taas oo ka waranta sida hannaanada degsani u noqdaan kuwo iskood u socda oo u kobca, dalladdaha aan hadda haysanaa ma aha kuwo ku salaysan hindise fog iyo hannaanka mayaladayga, kuma salaysna marinadan ganacsi ee muddada dheer soo jiray. Waagii hore dadku waxa ay is weydaarsan jireen dahabka, milixda iyo alaab kale, inta laga soo daabulo xeebaha Sinigaal iyadoo la soo marinayo marinada haayirka, ayaa la geyn jiray Waqooyiga badyarada Midhitareeniyaanka (Mediterranean) iyo saaxilka guud ahaantii ilaa Badda Cas.

Qaabka uu u yaalo Juquraafiga xidhiidh ee dabiiciga ah ee Afrika iyo dalladaha aan hadda samaysanay way kala duwan yihiin, dalladahan waxa sees u ah luuqadda iyo qodobo kale. Marinadan ganacsi ee taariikhiga ahi waxa ay u baahan yihiin kaabayaal dhaqaale in loo sameeyo iyo waxyaalo kale oo lagu taaeerayo, waana arrin u baahan in aan dib uga fekerno.