Tuesday 19 May 2026
Sida uu qirayo Jiin Rene Ladmiral, dadkoo dhammi waa ay yaqiinsanyihiin in turjumaaddu ay tahay “shaqo kasta oo laba af la isku xidhayo oo badhitaarta wada xidhiidhka dad kala afaf duwan”. Ka dib markii la fahmay waxa ay tahay turjumaaddu iyo kaalinteeda, waxa markasta lagu dedaalay horumarinta shaqadeeda iyo kartideeda iskuxidh. Laga yaabee in labaalayaasha lagu lam yihiin tusaalaha ugu mmaaneeyey turjumaadduudan ee loo soo qaadan karo iskudayada ah; in qoraal asalka ah loo helo turjumaad ku habboon: afka wax lagayo/afka wax loo turjumayo, nuxurka asalka ah/nuxurka tarjuman, turjua turjummaad xarfi ah/turjumaad madaxbannaan/ turjumaadda kala dhigdhigan/turjumaadda nuxurka guud.
Isku ekaynta labada af, marka turjumaadda la joogo, waa badweyn aan laga dabbaalin karin, waana arrin ay si wadajir ah u garanayaan dadka wax turjuma ee xirfadleyda ah Maxay tahay sababta dadkan oo keli ahi u garanayaan oo dadka kale looga reebay? Sababta oo ah waxa ay ogyihiin shaqada adag ee uu la kulmo qof kasta oo dib u eegid ku samaynaya nuxur turjuman, jaad kasta oo uu yahayba.
Asalka dooddani waa mid u laabanaya xilliyadii hore, sababtoo ah masalada ka hadlaysa mudnaan siinta afka asalka ah ee wax laga soo tarjumayo ama mudnaan siinta afka wax loo tarjumayo waa mid taagnayd ilaa haddana socota. Cicero oo ku noolaa Roomadii Qadiimka ahayd ayaa kaalin weyn ka qaatay hanaqaadka dooddan, isaga oo laba dhinacba kaalin kaga yeeshay: waxa uu ahaa qofkii koowaad ee aragtiyihiisa ka dhiibta turjumaadda, isla jeerkaasna, waxa uu furay doodda ku saabsan afka ay tahay in mudnaanta la siiyo [ma ka wax laga tarjumayo mise ka wax loo tarjumayo?]. Waxa uu u dan lahaa in la laatiineeyo qoraalladii Giriigga. Yoolkiisani waxa uu lahaa laba xaglood, mid siyaasi iyo mid dhaqan, isagoo ay ku jirto doonista xididdaynta awoodda Roomaanka. Luuqad ahaanna, waxa uu muujiyey wacyi qotodheer oo uu u leeyahay kaladuwanaanta afafka.
Dadka kala taageersan mudnaansiinta nuxurka wax laga soo turjumay iyo nuxurka wax loo turjumayaaba waxa ay soo qaataan hal-ku-dhiggiisii caanka ahaa: “Macnaha macne ku turjun, oo erey erey ha ku turjumin”. Halkan waxa inooga soo baxaya in dib u eegidda turjumaaddu, walow yaan si badheedh ahba loogu baaqin e, haddana ahayd fekrad doonid weyn leh. Waxa xusid gaar ah mudan, in casriyadii dhexe hal-abuurka suugaaneed iyo turjumaadda loo arkayey laba wax oo isu dhigma. Waa sababta ay dabiici u tahay in hal-ku-dhiggaas Cicero qaabab kala duwan loo fasiro. Isku qasanka curinta suugaaneed iyo turjumaaddu waa waxa keenay in gabayaagii reer Ingiriis, Geoffrey Chaucer, ee noolaa qarnigii 14aad, aanu qoraalladiisa u kala soocin qoraallada asalka ah ee uu curiyey iyo turjumaadaha. Sababtoo ah xilligaas turjumaadda ayaa loo arkayey hal’abuur sidiisa u taagan, oo ka madaxbannaan nuxurkii asalka ahaa, sida ay xusayso Jacqueline Gueman-Fleischer.
Casrigii Baraarugga, dadka aqoonta u leh turjumaadda iyo wadaaddadu dib u eegis ma ku sameeyeen turjumaaddii Martin Luther ku sameeyey Baybalka? Dib u sixidda iyo dib u eegistu markii ay hanaqaadeen, nuxurradii tarjunnaa ayaa ay fahankooda u fududeeyeen dadka. Ujeedkan dartii, Luther waxa uu ku adkaystay adeegsiga luuqadda maalinlaha ah, waxaanu u jidbixiyey dib ugu noqoshada ereybixino iyo jumlado aan lagu aqoon luuqadda Jarmalka. Di u eegayaasha turjumaaddaasi hadal miyey ka keeneen? Siiba iyadoo arrinku la xidhiidho turjumaadda “hadalka Eebbe”? Se weedhaha Jarmal ee dadkiisu garanayaan ma bixinayaan macnihii dhammayska tirnaa ee laga helayey afafka Cibriga, Aaraamiga iyo Giriigii Hore?
Isla wayddiimahan baa ka soo noqon kara qarnigii 17aad, iyo, si kasii xoog badan, qarnigii 18aad, kolkan oo turjumaaddu isbeddel gunta ah la kulantay. Iyadoo la adeegsanayo madaxbannaanida rogitaanka, ayaa ay turjumaado badani nuxurkii asalka ahaa rogeen, ilaa heer marar badan ay noqdeen dhalanrog, waana halka uu ka yimi hadalka ah “turjumaado qurxoon, se aan lagu kalsoonayn”.
Tabaha iyo manhajyada turjumaadda ee aynnu qormadan kooban ilaa hadda kusoo qaadannay, waxa ay mudnaanta siinayaan afka wax loo tarjumayo, se dedaal aan kan yarayn baa lagu bixiyey nuxurka asalka ahna. Tusaale ahaan, sida ay xusayso Jacqueline Gueman-Fleischer, turjumaadda Baybalka ee marar kala duwan oo sooyaalka ah la sameeyey, ku dedaalka in aan la weecin “ereyga Eebbe” ayaa sababay in mudnaan la siiyo nuxurka asalka ah, oo mararka qaar gaadhsiisan heerka xarfiga ah. Waxa tusaale ah, turjumaadaha Baybalka ee qadiimka ah, nuskhada Baybalka ee lagu tifatirey Ingiriiska (1881 – 1885) iyo nuskhada Maraykan ee soo baxday 1901-dii. Fekerka Jarmalka marka la joogana, qaddarinta nuxurka asalka ahi waxa uu ahaa udubdhexaad markii la joogay Casrigii Roomaansiga, iyada oo ujeedka dhaqdhaqaaqani ahaa soo noolaynta afka iyo hodminta suugaanta iyada oo loo marayo nuxurka asalka ah.
Xaaladda qarnigii 20aad waa sidee? Qarnigii 20aad, xaaladdu waa ay sii kakanaatay. Dooddu kumay joogin qaababka turjumaadda, ee waa ay sii socotay iyada oo ka duulaysa aragtiyo cusub, sidaas awgeed, waxa soo ifbaxay isbeddel gunta ah oo dhinaca aragtiyaha ah. Aragtiyihii la haystay waxa isbeddelka u weyn ku keenay soo ifbaxa “aqoonta afka”, waana sababta keentay in aqoonyahanka afeed kootaysto “iskusargoynta turjumaadda”. Saamaynta cilmiga afku waxa uu markii koowaad soo ifbaxay isagoo qayb ka ah habraaca aragtiyeed ee “structuralism”; isagoo ka hanaqaaday Yurubta Bari sida “Dugsiga afafka ee Prague, iyo Maraykanka, oo uu dabada ka riixayey Eugene Nida (1914 ilaa 2011), oo madax ka ahaa Jamciyaddii Turjumaadda Baybalka. Turjumaadda, oo wixii intaas ka horreeyey loo arkayey fan, waxa ay isu beddeshay mawduuc cilmi ahaan la diraaseeyo. Markii koowaad baa la arkay xidhiidhka ka dhexeeya aragtida turjumaadda iyo aragtida afka, dad badanina ku doodeen in labadan la isku xidho.
Qaar badan oo ka mid ah dadka arrinkan dhaliilay, sida George Steiner, buuggiisa “Baabil Ka-dib”, waxa ay dhaliileen fikradda ah in afafka loola macaamilo inay yihiin xeerar qallalan ama isle’egyo xisaabeed aanay waxba wehelin. Mufakeriintani waxa ay aaminsanyihiin in turjumaaddu aanay keliya ahayn ereyo laba af loo kala raro, ee ay tahay shaqo “dib-u-eegis” ah iyo shaki gelin nuxurka tarjuman. Shaki gelintani ma aha wax taban, ee waa qayb ka mid ah manhaj aqooneed oo ujeedkiisu yahay damaanad qaadidda tayada nuxurka turjuman.
Sidan awgeed, waxa innagu waajib ah in aynaan dhayalsan ereyada sida “dib-u-eegis” ama “hubin” ee jaldiyada buugagga ku qoran. Ereyadaas fududi waxa ay xambaarsanyihiin dedaal aragtiyeed oo weyn iyo manhaj dhammaystiran oo ku saabsan qaabka loola dhaqmayo afka, laba dhaqanna loo kala rarayo nuxur.
Inta badan madbacadaha buugagga waxa ka shaqeeya dib-u-eege turjumaadda ah, oo waafaqsan sida uu George Stainer qabo, oo yidhi: “Waxa aan aaminsanahay in ay jirto fursad ah in la raaco qaab muhiimadda siinaya xidhiidhka ka dhexeeya afafka, oo aan af keliya xoogga saarayn” (buuggiisa Baabil Kadib, 107). Kolka la eego aragtida Steiner, turjumaaddu waa mafhuum aad u ballaadhan oo xitaa ay soo guda galayaan tafsiirrada hal luuqad gudaheed lagu dhex samaynayaa. Waxa uu diiddan yahay in si kutalaxtag ah loogu janjeedhsado afka asalka ah ama afka wax loo turjumayo, waxaanu ku baaqayaa mawqif ka miisaamman intaas oo dheellitiraya labada dhinacba. Qodobka ah “turjumaadda luuqadda gudaheedu” waxa uu si wanaagsan uga muuqanayaa shaqada dib u eeguhu ku hubinayo nuxurka turjuman ee uu saxayo, isaga oo aan u baahan inuu nuxurka asalka ah eego.
Kolka aynnu sii gudagalno cilmibaadhasaha, waxa aynnu helaynaa Joorji Moumin oo qodobkan hore uga hadlay. Cutubka koowaad ee buuggiisa “Mushkiladaha Aragtiyeed ee Turjumaadda”, waxa uu ku caddaynayaa aragtidiisa, isaga oo si toos ah isu su’aalaya: “Maxaynnu u danaynaa deraasaynta turjumaadda oo aynnu u aqoonsannay habka wada xidhiidh ee afafka? Si fudud, maxaa yeelay, dhab ahaantii ayaabay sidaas tahay turjumaaddu”. Waxa uu buuggiisu ku nuuxnuuxsaday faahfaahinta caqabadaha ka dhasha qaababka kala duwan ee afafku u nidaamiyaan xogta iyo waaqaca ku hareeraysan, heer uu cutubka shanaad ee buugga uu cinwaan uga dhigay “Waxqabadka Turjumaadda iyo Kaladuwanaanshaha Xaddaaradaha”. Jiin-Rene Ladmiral laftiisu waxa uu kala soocayaa nidaamka afeed iyo ereyada dhabta ah ee afka, isagoo ku dooday in turjumaaddu aanay ahayn in ereyo ereyo lagu beddelo ama astaamo loo rago astaamo kale, ee habdhaca sheekada iyo ujeedka qofka hadlaya afka kale loo rogayo.
Waxa suurogal ah in dib-u-eegaha turjumaadda aynnu dhigno kaalinta isku xidh ee qoraaga asalka ah iyo akhristaha turjumaadda. Sida Eugene Nida aaminsanyahayna, waxa waajib ah in afka loo fahmo agab caalami ah oo la iskula xidhiidho. Waxa uu kala soocayaa laba nooc oo turjumaadda iyo isku sargo’naanta labada af ah: qaab ku dedaala “nuxurka farriinta” oo isku sargo’naan daynaamiiki ah, iyo qaabka labaad oo ah ereyo isku rarid ama “isku sargoynta shakliga ah”. Ujeedka ugu muhiimsani waa in turjumaaddu waafaqdaa qaab fahankeenna afeed, oo ay kulansataa xeerarka naxwe iyo dhaqanka bulsheed.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.