Sunday 12 July 2026
Bishii Feebarwari 1926-kii, taariikhyahanka Maraykanka ah ee Carter G. Woodson wuxuu bilaabay waxa uu ugu yeedhay “Toddobaadka Taariikhda Dadka Madow”, kaas oo tobannaan sanno ka dib isu beddelay waxa maanta loo yaqaan “Bisha Taariikhda Madowga”. Boqol sanno kadib hindisahaas, bulshooyinka madowgu weli waxay bisha Feebarwari sii wadaan dhaxalkiisii: ka horimaatinka taariikhaynta shaacsan, dalbashada xusuus ka duwan iyo dib isku waydiinta cidda sheekooyinkooda la aasay. Sirtu waa soo celcelinteeda; sii jiritaanku awoodiisa kama helo xuskiisii ugu horreyay, balse wuxuu ka helaa in mar kasta dib loo milicsado.
Woodson kuma ekaan toddobaad taariikheed oo keliya; wuxuu dhisay “kaabayaal” dhammaystiran oo lagu kaydiyo aqoonta madowga: wuxuu aasaasay sannadkii 1915-kii “Ururka Daraasaadka Nolosha iyo Taariikhda Afrikaanka-Maraykanka”, dabadeedna “Wargeyska Taariikhda Afrikaanka-Maraykanka” sannadkii 1916-kii, kadibna madbacadda “Associated Publishers” sannadkii 1922-kii, ka hor intii aan la gaadhin hindisihiisii ugu caansanaa ee 1926-kii. In lagu tilmaamo “kaabayaal” si wanaagsan bay ugu haboon tahay, maxaa yeelay mashaariicdan waxa loo qaabeeyey inay ka ag shaqeeyaan hay’adaha rasmiga ah ee soo saara aqoonta — sida dugsiyada iyo jaamacadaha — ee ma aha in iyaga loo dhex maro.
Waxa Woodson ka dhigaya mufakir, ee aanu kaliya ahayn abaabule, waa fahanka uu dejiyey ee: “waxbarasho qaldan” ama waxbarasho fashilantay. Weedhiisa ugu caansan ayaa soo koobaysa mowqifkiisa oo dhan: “dilka deldelaadda lama arkeen haddii aanay arrimuhu ka bilaaban qolka waxbarashada!” Waxa uu Woodson ula jeedo ma aha oo keliya goldaloolooyin manhajka ku jira oo la sixi karo; fahamkiisa qotada dheer ayaa ah, waxbarashada qaldani waa nidaam qorshaysan oo lagu soo saaro hoggaansanaan. Aqoonta mar walba waxa lagu soo bandhigaa qaab sharciyeynaya xidhiidhka ay la leedahay awoodda jirta, qalloocyada aqooneed ee ka dhashana ma aha wax dhinac socda ee waa ujeeddada laga lahaa lafteeda.
Nidaamkani wuxuu sameeyaa saddex kala-qaybin oo nidaamsan. Marka hore wuxuu kala saaraa aqoonta iyo waayo-aragnimada: waxa ay dadku maalin kasta kala kulmaan cunsuriyadda kama muuqato manhajyada, sidii iyada oo dunida wax laga baranayo iyo dunida wax baranaysaa aanay wax xidhiidh ahi ka dhaxayn. Marka labaad wuxuu kala saaraa xusuusta iyo awoodda wax-qabad. Marka saddexaadna wuxuu kala saaraa taariikhda iyo wakhti-xaadirka: taariikhda iska-caabbinta bulshooyinka la cunsuriyadeeyey kama mid aha xusuusta wadajir ee firfircoon, waa in ay ku xannibnaataa tagtadii, mana isu rogto awood wax lagu beddelo. Taariikhda waxaa loo dersaa sidii iyada oo albaabada loo xidhay, halka wakhtiga hadda la nool yahayna sidii isaga oo aan lahayn taariikh. Natiijaduna waa: waaqic hadda jira oo u muuqda mid aan lahayn beddel kale, sababtoo ah sheekadii iftiimin lahayd beddelladaas waa la qariyey.
Fekradda Woodson maanta waxay heshay macne cusub. Waxa uu samaynayo maamulka hadda jira ee Maraykanku ma aha qalad dhaqan-siyaasadeed oo gudbaya; waa mashruuc nidaamsan. Smithsonian Institution waxa lagu qaaday weerar adag, waxaana lagu amray inay dib u eegis ku samayso barnaamijyadeeda, halka xafiiskieedii kala-duwanaanshiyaha la xidhay. Marmarsiiyuhu wuxuu ahaa in hay’adaha noocan ahi faafinayaan dacaayad ka dhan ah Maraykanka, islamarkaana si xad-dhaaf ah diiradda u saarayaan taariikhda addoonsiga bulshooyinka aan caddaanka ahayn. Hal-ku-dhegga “Black Lives Matter” ee ku dhowaa Aqalka Cad waa la tiray, barnaamijyadii kala-duwanaanshiyaha, sinnaanta iyo wadar-wadaagta waa la kala diray, halka Google ay ka saartay jadwalkeeda Bisha Taariikhda Madowga. Sida maamulku tilmaamay, Taariikhda madowga ayaa noqotay “cutub ka mid ah taariikhda faca weyn ee Maraykanka.”
Horumarkani wuxuu leeyahay culays gaar ah oo xaaladda sii murjinaya. Qofka difaacaya xusuusta madowga wuxuu isku arkayaa inuu ilaalinayo hay’ado markii horeba lagu dhaliilay mowqifyo ka dhan ah cunsuriyadda. Smithsonian lafteeda waxa lagu dhaliilay sannadkii 2020-kii markii maaddooyinkeeda waxbarasho ay ku tilmaameen fekrado ay ka mid yihiin caqli-galnimada iyo dadaalka in ay yihiin astaamo “dhaqanka caddaanka”. Tirtiridda is-jiidhkan lafteedu waa qayb ka mid ah istiraatiijiyaddaas: waxay ka dhigaysaa naqdiga qotoda dheer mid aan suuragal ahayn, waxayna ku khasbaysaa qof walba in uu laba daran mid doorto.
Falanqeeyaha Vanessa Thompson waxay ina xusuusinaysaa, iyadoo ka eegaysa dhaqanka aragtiyeed ee madowga xagjirka ah, in faashiisamku aanu ahayn wax ka go’ay dimuqraadiyadda, balse uu ku dhex qarsoon yahay. Waxay si gaar ah uga muuqataa meelaha lagu xakameeyo xusuusta, halka taariikhda lagu tirtiro, halka si amar-ku-taagleyn ah loogu go’aamiyo waxa wax laga sheegi karo iyo waxa kale. Taas ayaana ka dhigaysa falcelinta hadda jirta ee ka dhanka ah taariikhda madowga jaantuus faashiisam, ee aanay ahayn oo keliya siyaasad dhaqan oo muxaafidnimo ah.
Falcelintani kuma shaqeyso oo keliya habraacyada hay’adaha, balse waxay ku shaqeysaa abaabulka waxa uu cilmibaadheha bulshada ee Arjun Appadurai ugu yeedhay “goobaha dareennada guud”: goobo aan ku shaqeyn dood, balse ku shaqeeya dareen, ku-abtirsasho, sawirro iyo astaamo, daacadnimadaa shaqaysa xagga la reebo waxa mugdigu galo. Fannaanadda Lauryn Hill waxay hore fekradda Woodson ugu adeegsatay albamkeedii The Miseducation of Lauryn Hill sannadkii 1998-kii, iyadoo u qaaday meel kale: waxbarashada qaldan saameynteedu kuma dhacayso oo keliya manhajka iyo aqoonta, balse waa xaalad jiritaan oo taabanaysa xidhiidhada iyo xidhiidhka qofku la leeyahay naftiisa, isla markaana soo saarta daacadnimo loo hayo nidaam sii wada abuurka sinnaan la’aanta.
Fekradda taariikhda madowga ku dhaqan ahaan waxa ka dambaysa aragti ku eegta qurbajoogta Afrikaanka ah qaab aqooneed, oo aan kaliya ahayn xaqiiqo juqraafiyeed. Qurbajoogtu waxay suurtogelinayaan in madowga aan loo fahmin sifo asal ahaan ku dheggan ama dhisme dhaqan oo keliya. Sida uu tilmaamay cilmibaadheha bulshada Stuart Hall, madowgu wuxuu soo dhigayaa su’aalo asaasi ah: dilaalka dhaqanka, dhaxalka, iyo xidhiidhka ka dhexeeya asalka Afrikaanka iyo kala firidhsanaanta qurbajoogta ee aan laga laaban karin. Taariikhyahanka Michel-Rolph Trouillot wuxuu intaas ku darayaa in aqoonsiyada wadajirka ahi aanay xambaarsanayn waayo hore oo go’an, balse ay dhalanayaan isla wakhtiga ay samaysmayaan fasiraadahoodu. Xusuustu kama turjumayso aqoonsiga — xusuustu waa waxa sameeya aqoonsiga.
Xaaladda taariikheed ayaa culayskeeda halkan ku soo rogaysa: ka ganacsigii addoonta ee Badweynta Atlaantikadu wuxuu Afrika ka gumaaday dhinaca aqoonta — wuxuu u kala jarjaray jasiirado go’doonsan isaga oo burburiyey luuqadaha, gooyey silsiladaha abtirsiinta, isla markaana dadka ku kala saydhay badaha. Édouard Glissant arrintan uma arko khasaare oo keliya, balse wuxuu daba-galaa raadkii ay dhalisay: laxanno, tilmaamo iyo dhaqanno isku xardhay jidhka iyada oo aanay jirin wax dib ugu celiya halka ay ka yimaadeen. Qurbajoogta dhexdeeda waxaa wada shaqeeya laba dhaqdhaqaaq oo aan is burinayn balse is shardiyeynaya: ku milanka abtirsiinta Afrikaanka ah, iyo ku noolaanshiyaha goobaha kala farriiqsan wakhti xaadirkan iyada oo aanay jirin meel cayiman oo laga tixraaco. Qofka u fekeraya habka qurbajoogta wuxuu diidayaa fekerka qaaradeed, sababtoo ah ma laha xarrun dhexe ama awood dibadeed oo u qeexaysa waxa taariikhdu tahay iyo sida loo akhrinayo.
Fekerka madowgu wuxuu ku shaqeeyaa saddex hawlood oo mar walba ku xidhan jidhka. Midda koowaad waa dib-u-soo-celin: in la muujiyo kala firidhka sheekooyinka qofka, dareenka kala go’a ee u dhexeeya waxa qofku naftiisa ka ogyahay iyo waxa laga sheegayo. Midda labaad waa tolid lid ku ah kala goynta: dhisidda kayd-xusuuseedyo cusub oo aan ku dhisnayn xeerarka aqoonta Yurub, balse leh laxan u gaar ah. Midda saddexaadna waa dhaqdhaqaaq joogto ah: ku dhex socodka muuq aqooneed oo jajaban oo isdiiddan iyada oo aan lagu hallaabayn. Saddexdan hawlood marka la isu geeyo waxay noqdaan saldhigga awoodda wax-qabadka, jidhkuna halkan ma aha faallo feker ku lifaaqan; aqoonsiga madowgu waa kayd-xusuuseedyo nool oo xambaara taariikhda, muujiya oo dareen ahaan u noolaada.
Maxaa la dhisi karaa si looga hortago waxbarashada qaldan? Kaliya ma aha fikrad naqdida caddaannimada — kaasi wuxuu ugu horrayn bartilmaameedsadaa ka qaadista mudnaanta gaarka ah. Wacyigelinta lidka ahi waxay doonaysaa wax ka sii qoto dheer: inay qaadacdo nidaamka aqooneed ee jira, isla markaana bannaanka soo dhigto fakaagyadiisa, doodihiisa iyo eexaha uu nidaamku u baahan yahay in uu ku xukumo kooxo gaar ah. Wacyigelintani kuma shaqeyso aqoomayn oo keliya; waa wax dhaqan ahaan iyo jidh ahaan loo sameeyo, waxay ka shaqeysaa jidhka, bulshada, muusigga iyo luqadda. Ururka Each One Teach One ee ku yaal Berlin tusaale nool ayuu u yahay arrintaas: ma aha hay’ad dowladeed, balse waa is-abaabul madax-bannaan oo aan ku shaqayn xarrun dhexe iyo xidhiidh wadaag toona — tabta arkhabiil isku dhaqan geliso.
Su’aasha ay keenayso boqol-guurada hindisihii Woodson weli waa mid welwel leh: ma astaamaha oo qudha ayaa la soo dheegtay — iidaha iyo munaasabadaha — mise sidoo kale shardiga qotoda dheer, ee ah wacyigelinta lidka ah sida dhaqan ka dhan ah faashiisamka? Mar kasta oo taariikh beddel la sameeyana, fakaagyadiisa la muujiyo, xusuustana si madax-bannaan loo abaabulo, waxaa la iska caabinayaa nidaam ku dhisan shardi ah in sheekooyinka qaar ka mid ah aan weligood la sheegin.
Waxa laga soo turjumay halkan