Friday 12 December 2025
Maanta oo Axad ah, bulshada Suuriya waxa u beryey waa cusub oo ka duwan sidii ay u barteen muddo dheer oo sooyaalkooda ka mid ah, ka dib markii madaxweynihii taliska Suuriya Bashaar al-Asad uu dalka uga baxsaday jiho aan xog laga hayn, xoogagga mucaaridkuna gacanta ku dhigeen inta badan magaalooyinka waaweyn ee Suuriya. Waa dagaal socday 11 maalmood oo keli ah, laguna riday talis dad badan dhuunta u galay, dad badanina ka quusteen in uu dhaco, hase ahaatee dhicitaankani waa mid ka fududayd sidii ay in badani filayeen.
Saddex iyo toban sanno oo dagaal, dil, macaluul iyo qaxin ah ka dib, maanta oo bishu tahay siddeeda Diisambar, 2024, waxa soo afjarmay taliskii Bashaar al-Asad, xoogagga mucaaridkuna waxa ay gudaha u soo galeen magaalada Dimishiq. Ka hor inta aan xoogagga mucaaridku Dimishiq wada qabsan, ayaa uu suuqa galay warka sheegaya in taliskii Bashaar dumay, isaguna dalka ka baxsaday. Wararka farxadda lehi waxa ay ku bilaabmeen in xoogagga mucaaridku gacanta ku dhigeen xabsiyo ku yaalla baadiyaha magaalada Dimishiq, Xums iyo Qunaydara. Waa xabsiyo dad badani ka sasi jireen magacooda, waxaana ugu sumcad xumaa xabsiga Saydnaaya. Xabsiyadaas waxa ay mucaaridku ka sii daayeen kumannaan maxaabiis ah, waxaanay wadahadal la galeen taliyaashii xabsiyadaas.
Madaxweynihii taliskaas, Bashaar al-Asad, oo aan muddo dheer si fudud isu dhiibin, wax badanna ka dhego adaygay in uu bulshada isbeddelka rabta dhegaysto, sida uu Raami Cabdiraxmaan u sheegay warbaahinta AFP, waxa uu madaarka Dimishiq ka qaatay diyaarad, ilaa haddana si rasmi ah looma oga meesha uu u baxsaday. Sidaa si ka duwan, Raysalwasaarihii xukuumadda, Maxamed Qaasi al-Jalaali, waxa uu caddeeyey in aanu dalka meelna uga baxayn, shaqadiisii xukuumaddana sii wadan doono, dhammaan dhinacyadana si wanaagsan ula shaqayn doono. Hadalkaas Raysalwasaaraha waxa si dhakhso ah uga jawaabay madaxa “Jabhadda Xorraynta Shaam” Axmed Sharci, oo loo garan ogaa Abuu Muxammad al-Jawlaani, isaga oo sheegay in dhammaan haayadaha dawliga ah ee Dimishiq ku yaallaa maamulkoodu hoos tagayo Raysalwasaaraha ilaa inta si rasmi ah looga wareejinayo.
Maamulka hawlgallada millatari ee mucaaridku waxa ay ku dhawaaqeen in ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen dhismaha idaacadda iyo talefeeshinka ee ku yaalla barxadda Umawiyiinta, oo ah badhtamaha Dimishiq, waxaana la hakiyey wararkii sida tooska ah looga soo tabinayey talefeeshinkan talisku gacanta ku hayay. Talafeeshanka ayaa daqiiqado ka hor intaan la hakin baahinayey warar been ah, oo uu ku dejinayey bulshada, sida in xaaladdu deggantahay oo aanay mucaaridku caasimadda soo geli karin. Bulshada Dimishiq deggan ayaa isugu soo baxay jidadka si ay u hubsadaan waxa socda, masaajiddo badanna waxa laga akhrinayey takbiir.
Waa dhicitaan ka fudud oo ka degdeg badan sida dad badan filayeen. Taliska meesha ku xididaystay awgii in badan ayaa u malaynaysay in aan taliska Bashaar meesha laga saari karin, jiilal badanna ku dhalan doonaan kuna dhiman doonaan joogitaankiisa. Bashaar al-Asad, waxa uu xukunka ka dhaxlay aabbihii Xaafid al-Asad sannadkii 2000, isaga laftiisuna waxa uu naawilayey in uu inankiisa xilka ku wareejiyo. Rejadaas Bashaar iyo taliska uu isa siiyeyba waxa lagu soo afjaray 11 maalmood, ka dib markii mucaaridka hubaysani ay dagaalka ka soo bilaabeen magaalada Idlib, dabadeed maalin gudaheed ku qabsadeen Xalab oo ah magaalada labaad ee dalka ugu weyn, waxa ay ku xigsiiyeen Xamaa iyo Xumus, ugu dambaynna waxa ay isku shubeen magaalada Dimishiq. Shacab badan oo gadoodsanaa ayaa barbarkooda qabtay taliska sii ruxmayay ee aan cagaha adag ku taagnayd, mucaarid iyo shacab badan oo garab galaya ayaa caasimadda ugu soo galay taliska oo aan wax iska caabbin ah samayn markii albaabka caasimadda lagu garaacay. Xoogagga taliska Bashaar oo dhinac walba kaga hareeraysnaa Dimishiq waa ay is dhiibeen badankoodu, kuwo badanna waxa ay iska siibeen dharkii ciidanka waxaanay gabbaad bideen guryahooda, iyaga oo raacaya baaqa mucaaridka ka soo baxay ee ah in aan ciddina wax u geysan doonin qofka hubka iska dhiga ee gurigiisa taga.
Maanta, waxa la laabay bog madow oo muddo dheer ka mid ahaa sooyaalka Suuriya, muddadaasna bulshada Suuriya waxay ku noolaayeen cabsi, cabudhin iyo dullayn. Waa muddo murugo badan, oo dhereran 54 sannadood, kana soo bilaabantay markii Xaafid al-Asad 1970 xukunka qabtay, kolkaas oo xisbigii Bacsigu talada afgambi kula wareegay. Taliskaas qoyska al-Asad waxa soo afjaray Bashaar oo dalka ka baxsaday iyada oo maalmo kooban ka hadhsanyihiin dhammaadka sannadka 2024. Waa muddo bulshada Suuriya u arkaan in ay tahay muddo dalkoodu gadaal u socday, cabsi iyo cabudhin lagu noolaa, kooxaysigu baahay, taayirka dhaqaaluhuna gaabis galay.
Jabhadda Xorraynta Shaam (HTS) waxa ay ahayd laanta al-Qaacida ku leedahay Suuriya, dalalka Galbeedkuna waxa ay u arki jireen urur argagixiso. Se, jabhaddan ayaa muuqa beddelatay muddooyinkii dambe, oo la shir timi is debcin iyo ka tanaasulid arrimo badan. Waxa ay bulshooyinka iyo kooxaha laga tirada badan yahay ku wargeliyeen in aanay werwerin. Tan iyo markii uu dagaalkani bilaabmay waxa ku dhintay 826 qof oo u badan ciidamadii dagaallamayey. Waxa kale oo la sheegay in 370 kun oo qof ku barakaceen.
Dalalka dunidu qaabab kale duwan ayaa ay uga falceliyeen xaaladda ka taagan Suuriya. Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump waxa uu soo jeediyey in aanu Maraykanku wax faragelin ah ku yeelan arrimaha Suuriya ka socda. Ruushka oo muddo dheer garabka midig u ahaa Bashaar iyo Iiraan oo aad ugu dhowayd taliskaas galbaday waxa ay sabtidii shalay dalka Qadar kaga doodeen xaaladda Suuriya, waxaanay ku baaqeen in wadahadal ay galaan dhinacyada is hayaa. Ruushku, waxa uu caddeeyey in ay aad uga soo horjeedaan in kooxo argagixiso ah loo oggolaado in ay Suuriya qabsadaan. Turkiga oo labadaba kaga aragti duwan taageerada taliskii Bashaar, laguna tuhunsanyahay in uu taageeray mucaaridka, ayaa sheegay in Suuriya ka daashay dagaal iyo dhiigbaxa ku socda tobannaanka sannadood.
Maqaalkan waxaa laga soo turjumay halkan.