Saturday 8 November 2025
Su’aal ku soo noqnoqota doodaha siyaasadeed ee Suudaan, ayaa maalmahan dambe isweydiinteedu mar kale badatay. Waxa jira dhaqdhaqaaqyo hal-ku-dheggooda siyaasadeed ka dhigtay colaadinta dawladda, labaatankii sanno ee u dambeeyeyna la dagaallamayey ciidamada Suudaan, ka hor intii aan lagu soo xerogelin heshiiskii nabadda ee ka dambeeyey dhicitaanka nidaamkii Xasan al-Bashiir. Isweydiintu waxa ay tahay haddaba: maxaa dammaanad qaadaya in aanay dhaqdhaqaaqyadaasi dib u fallaagoobin? Dad badani waxa ay suuqgeeyaan oo ay faafiyaan doodda ah in aan dhaqdhaqaaqyadan la barbardhigi karin fallaagada birmadka ee Xamiidti, oo Isfahan iyo wadashaqayni ka dhaxayso dhaqdhaqaaqyadan iyo dawladda, sidaas darteed, aanay ku fikiri karin dib u fallaagoobid.
Runtii waxa jira laba mushkiladood: midda koowaad waa in hadallada iyo baaqyada jabhadahan hore, ee colaadin jiray dawladda Suudaan, sheeganna jiray in yoolkoodu yahay isbeddel gun iyo baar ah oo dhinacyada siyaasadda iyo bulshada ahi, ay ka qotodheer yihiin hadallada Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagloo (Xamiidti), oo isagu soo ergistay, dibna u hawlgaliyey hadalladii jabhadahaas hore, siiba marka ay ka hadlayaan xadgudubka, duudsiga, loollanka ka dhex taagan xuddunta dalka iyo darafyada iyo fikradda ah in dadka dawladda haystaa yihiin dad beelo iyo deegaanno gaar ah ka soo jeeda.
Dooddii Jabhadahan ee ku saabsanayd colaadinta dawladda Khartoum, iyo dhalinta isbeddel sal iyo baar ah oo dhinacyada siyaasadda iyo bulshadaba leh waxa hadda adeegsada Xamiidti oo ku dagaal gala
In labadii jabhadood ee ugu cadcaddaa maanta ka mid yihiin isbahaysiga lagu magacaabo “Ciidamada Huwanta” oo Ciidamada Qaranka taageersan, taageeradoodana ay ciidamada qaranka ku soo biiriyeen bilo ka dib markii uu dagaalku bilaabmay, innama illawsiin karto sooyaalka jabhadahan, siiba baaqoodii ahaa goonni-u-goosadka. Magaca la siiyey ee ah Halganka Hubaysan ee ciidamada ka barbar dagaallamaa ma masaxayo magacyadoodii iyo baaqyadoodii hore ee kala ahaa: “Jabhadda Xoraynta Suudaan” oo aaminsanayd in qaabka ay Suudaan u dhisan tahay aanu xor ku ahayn, iyo “Jabhadda Caddaaladda iyo Sinnaanta”, oo ka duulaysay doodahaas hore ee ku saabsan xaglinta dawladda iyo caddaalad-darrada.
Mushkiladda labaad waxa ay la xidhiidhaa buunbuuninta waddaniyadda jabhadahan, kartidooda iyo la shaqayntooda ciidamada qaranka si looga takhalluso jabhadda Xamiidti. Waa isla buunbuunin ina xusuusinaysa ammaantii Xamiidti la huwin jiray dagaalka ka hor, heer laga cadhoodo qofka ninkaas ka shakiya, amaba ka diga isballaadhinta xoogaggiisa oo haystay hub iyo saanad tartan kula jirta ciidamada qaranka.
Sababo jabhadahan u gaar ah, Ciidamada Huwantu dagaalka Ciidamada Qaranka iyo Dacmu Sariica may soo gelin, oo ah markii taageeradoodu waxtarka u weyn yeelan lahayd, dagaalkana dheellitiri lahayd. Su’aasha aan la dhaafi karin waxa weeye: ku soo biiriddooda dagaalka ee xilliga dambe timid ma go’aan ku yimibaa in ay si dhab ah u rumaysan yihiin mudnaanta in Ciidamada Qaranka laga barbar dagaallamo iyo lexojeclo dhab ah oo ay ka qabaan Suudaan, mise waa go’aan ku yimi ka faa’idaysashada hubka iyo adduun loo ballanqaaday oo ay dagaalka ku soo galeen, iyo in ay rabaan isa sii ballaadhin hor leh, halka heshiiskii nabaddu dhigayey in jabhadahan la kala diro, Ciidamada Qarankana lagu daro? Weydiintan waxa soo raacda weydiin kale oo ah: jabhadahani ma waxa ay dagaalka labada dhinac u dhexeeya ku soo biireen uun kolkii halista dagaalku u dhowaatay deegaannadooda Daarfuur? Weydiintan dambe waxay ka dhigan in aanay dagaalka muhiimad siinayn kol haddiiba uu gondahooda ka fog yahay.
Jabahadani ma ay galin dagaalka xilligii ay waxtarka ugu weyn u yeelan lahaayeen ciidanka, illaa goor dambe uu dagaalku ku soo dhawaaday aagaggooda lana siiyay ballanqaadyo
Labadan weydiimood ma aha su’aalo iska yimid. Su’aasha hore waxa dhalinaya in jabhadahan hore loogu adeegsaday dagaallo ka baxsan Suudaan, taageeradoodana la dhaafsaday adduun, goobahaasna ay kaga soo dagaallameen in ay yihiin qawlaysato la kiraystay. Ka qaybgalkooda dagaallo ka baxsan Suudaan, sida dagaalladii Liibiya, wuxuu ka marag kacayaa in aanay aaminsanayn in caddaaladdu dhinac ka mid ah dhinacyada is dagaalaya la jirto, ee keliya ay danta maalgelinta dagaalladaas ku galeen. Isweydiinta waxa sii xoojinaya, in taageeradooda Ciidamada Qaranka Suudaan ee hadda ay tahay taageeradii ay dheefta u badan ka heleen. Ka sokow saamaynta siyaasadeed ee ay heleen, waxa loo gacangaliyey wasaaradihii ugu muhiimsanaa dhaqaalaha dalka. Hadda, jabhadahan ayaa go’aanka ugu sarreeya ee xukuumadda loo gacangaliyey [iyada oo lagu abaalmarinayo taageradooda], heer mid ka mid ah jabhaduhu sheegay in murashaxa ay wataan aanay cidina diidi karin.
Xilalka siyaasadeed se ma aha dhibta u weyn ee meesha taalla, oo xukuumadihii Suudaan ee kala dambeeyey tobanaankii sanno ee lasoo dhaafayba waxa ay ku dhisnaayeen awoodqaybsiga, iyadoo la tixgalinayo miisaanka siyaasadeed ee dhinacyada. Se dhibta u weyni waxa ay ka taagan tahay waa hubaynta xadka ka baxsan ee jabhadahan iyo ku tabobaridda xoogaggooda hubkii ugu casrisanaa, arrimahan oo fududaynaya dib u soo noolayntooda, halka jabhadahani aad u wiiqmeen ka hor intii aan Cumar al-Bashiir la ridin. Xoogaysiga iyo hubaynta jabhadahani maxay dhib u tahay? Sababtoo ah, sida Heshiiskii Nabadduba dhigayo, yoolku wuxuu ahaa in la bilaabo hub-ka-dhigista jabhadahan, kala diriddooda iyo in Ciidamada Qaranka lagu daro. Se hadda waxa socdaa waa cagsiga heshiiskaas, oo bidhaaminaya in yoolkii ahaa kala diridda jabhadahani sii fogaaday.
Heshiiskii lala galay jabhaduhu waxa uu dhigayay in la kala diro, laakiin xaaladda hadda jirta ee hubeynta iyo askareynta dheeriga ahi waxa ay sii fogeynaysaa yoolkaas
Marka la isku soo wada duubo, lana eego xaaladda hadda ay Suudaan ku jirto, xaqiiqada soo baxaysaa waa in ay qofka ku adkaanayso in uu maankiisa ka saaro isu ekaanta xaaladdii uu Xamiidti ku jiray ka hor dagaalka iyo xaaladda hadda ay ku jiraan jabhadahan galaangalka xooggan ku leh hay’adihii milatariga, gacantana ku haya meelihii halbawlaha u ahaa dhaqaalaha dalka. Qodobka kale ee jiraa waa in labaduba [jabhadaha iyo Xamiidti] ay iska shabbahaan danaynta buunbuuninta iyo saamaynta, oo ah wax ugu dambayn qof kasta oo shakisan ka dhigaya in uu kala saari waayo labadan dhinac.
Waxyaabahaas aynnu xusnay oo dhammi ma aha sababta keliya ee looga shakiyi karo dib u fallaagoobidda jabhadahan, ee sababta ugu weyni waa dareenka jira ee ah in jabhadahani aanay weli ka tanaasulin mucaaridnimadii iyo fallaagawgoodii hore. Waa jabhado weli xukuumadda dhaliila, se haddana iyagu xukuumaddiiba gacanta ku haya. Dhinac marka laga eego waa maad ina xusuusinaysa dhaqanka xoogaggii Xorriyadda iyo Isbeddelka (ka dib dhicitaankii Cumar al-Bashiir), oo xilli hoggaankoodu xukuumaddii ku meelgaadhka ahayd hoggaaminayeen, kana masuul ahaayeen qaybinta xilalka, haddana cabashada u badan ay iyagu keenayeen.
Arrinka kale ee walaaca lihi waa in jabhadahani aanay mawqifkooda weli midayn, oo ay ka taxaddireen in ay beedkooda sallad keliya ku wada ritaan. Hoggaanka jabhadahani waa uu kala qaybsan yahay; garab taageersan Xamiidti iyo garab taageersan Ciidamada Qaranka, waana kala qaybsanaan sii ballaadhanaysa. Toddobaaddo ka hor, hoggaamiyaha ciidamada u badan ee taageersan Ciidamada Qaranka Suudaan, Mini Minaawi, waxa uu jabhaddiisa ka dhex waayay raggii ugu miisaanka cuslaa, oo ka goostay, kuna tuhmay Minaawi in uu danaha jabhadda ka soo horjeedo. Waa arrin ina xusuusinaya hoggaan sare oo hore u goostay, doorbidayna in ay garab siiyaan Xamiidti, afhayeenna u noqdaan mashruucisa fallaagoobidda ah, oo ay u arkeen in uu danahooda metelayo.
Goosashadan dambe ee Minaawi bannaanka lagaga dhaqaaqay, waxa markiiba ku xigay in uu Minaawi laftiisu shaaciyo in uu furayo wadahadallo lala galo dadka siyaasad ahaan iyo milatari ahaan ka fallaagoobay Ciidamada Qaranka. Shaacintan kuma uu koobsan Minaawi, ee waxa uu markiiba u baxay safar aanu caddayn in uu martiqaad rasmi ah yahay iyo in kale, safarkan oo sababay in dad badani muujiyaan walaaca ah in Minaawi uu isku dayayo in uu la kulmo, wadahadalna la galo malleeshiyaadka, amaba safarkani uu bilaw u yahay goosashadiisa iyo in uu saaxiibbadii raaco.
Arrimahaas hore oo dhammi ma keeni karaan walaac, mise siinnaariyada oddorosaysa in jabhadahani xukuumadda si lama-filaan ah uga dhextoosaan ama dhinaca kale dheellitiraan, waa sinnaariyo aan waaqici ahayn oo la buunbuuniyey? Waan rejaynayaa in oddoroskaasi sida la filayo aanu noqon, se waaya-aragnimada aynnu ka haysanno goosashadii Xamiidti, oo kolkii hore xoogaggiisu garabka ciidanka ahaayeen, weli waa waaya-aragnimo maanka ku dheggan, oo sababaysa in meelo hoose wax laga eego.