Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Suugaantu waa Kaydka Luuqadda

26 March, 2025
Image
jfui
Share

Waayadan waxaa aad u shaac baxday dood tidhaahda suugaantu lama fahmi karo, oo way adag tahay ama luuqadda loo adeegsado gabayada iyo geeraaradu waa af gaboobay. Suugaanleyda oo lagu jigraaro luuqadda ciyaalka xaafadda ku maansooda. Af suuqiga cusub ee fudud tixda ku tidic. Midh kama fahmin.

Weedhahaas iyo kuwo la cayn ah ee lagu afjigaa gabyaaga iyo geeraarshaha. Jikaarkaas waxaa ka dhasha niyadjab ay dareemaan badanaa suugaanleydu, taas oo marar badan kellifta in gabyaagu isku dayo in uu inta uu tixda meerinayo uu erey erey u sharraxo oo sheeko dhex geliyo maansada. Ama kaba darane uu mararka qaarkood adeegsado afsuuq aan naaxiyad iyo dhadhan lahayn. Hadda ba dooddani waa mid aasaaskeedu yahay wahsi, waxaa na ay salka ku haysaa aqoon la’aan luuqadeed iyo saboolnimo afeed. Isla jeerkaas waxay toos uga hor imanaysaa mid ka mid ah tiirarka iyo yoolasha suugaantu ku dhisan tahay, kaas oo ah in suugaantu tahay kaydka luuqadda. Marka laga yimaaddo qaamuusyada ereyada lagu madhxiyo kuwaas oo aan cidi na akhrin haddii aan ka fursanwaaga erey lagu murmay markaas laga xaqiijinayn, baydka iyo barada luuqaddu ku nooshahay waa suugaanta. 

Suugaantu, noocyadeeda kala duwan tix iyo tiraab  waa quruxda nolosha. Farshaxanka ereygu ama sida uu Cabdikariin Xikmaawi u dhigay buuggiisa ‘Afshaxanku’, habdhaca iyo xulashada weedha iyo dhismaha tibaaxda ayuu u dhintaa. Haddii qurux laga waayo, nuxur maleh. Abuurta bini aadamka ee quruxda iyo farshaxanka jecel  ayaa ah sirta waaritaanka. Qaafiyadda tixda, xaraf raaca murtida, xiisagelinta sheeko xariirada iyo bullaalinta malawaalka ayaa ka masuula xiisaha maguuraanka ah ee bini aadamku u qabo suugaanta. Sidaa si la mid ah, suugaantu waa kayd. Waa kaydka dhaqanka, hab nololeedka iyo curfiga bulshada. Waa meesha laga dheehdo heerka ilbaxnimo ee bulsho, diintooda, xeerarkooda, siyaasaddooda, qaayasoorradooda, waxa ay jecelyihiin iyo waxa ay necebyihiin. Sida oo kale waa kaydka luuqadda iyo ereyga.

Suugaantu marka laga yimaaddo qiimeheeda madadaalo, waxay leedahay qiime kaydin. Waxay kaydisaa taariikhda iyo hab nololeedka bulsho. Fekerka iyo ilbaxnimada ayay u tahay gal ay ku kaydsamaan. Bulshooyin waayo hore noolaa oo aanay warkooda inaga soo gaadhin wax kale, ayaan maanta fahmi karnaa sida ay u noolaayeen, waayo waxaan haynnaa sheeko xariiradoodii. Sheeko xariirada Giriiggii hore ayaan ka dheehannay heerkooda nololeed iyo waxay aaminsanaayeen. Garaadkoodii iyo fahankoodii diimeed ayaa ka dhex widhwidhaya khuraafaadka ilaahyada iyo basharka isku qasan. Sidoo kale sheekooyinkii Galgaamish, Kamiina iyo Dumna iyo malaaximta kale ee soojireenka ah ayeynu ka fahamnaa ilbaxnimooyin iyo dugaagnimooyin hore u jiri jiray. Dhanka kale waa kaydka ereyga oo luuqadda suugaanta lihi ma dhimato. Tusaale ahaan luuqadda Carabiga ee faseexa ah waxaa badbaadiyey gabayadii jaahiliga ahaa.

Tixda aan ka hadalno, gaar ahaan tixda Soomaaliyeed, gabyaagii Soomaaliyeed wuxuu inooga tegay qaamuus luuqadeed oo aan weligiis geboobayn iyo mawsuuco taariikheed oo aan laga geyoonayn. Wuxuu ku dhex kaydiyey fekradihii maskaxdiisa ku jiray, ereybixintii iyo hannaanka tibaaxda loo dhaho, dhacdooyinkii noloshiisa ka dhici jiray, wixii micnaha la lahaa iyo wixii aan wax ka soo qaadka lahayn, aqoontii uu yaqaanay iyo habkii uu nolosha u maarayn jiray. Soomaalidu malaha taariikh qoran iyo war laga hayo dhacdooyinkii dhici jiray boqol sano ka hor, marka laga reebo wixii aan gabayadii iyo geeraaradii suugaanleyda kala soo dhex baxnay. Kala soo bixidda taariikhda ee suugaantu waa tab iyo xirfad aad muhiim u ah, sidoo kale dhanka fahanka suugaanta na faa’ido ayay u leedahay in tixda lagu akhriyo indhaha waaqicii jiray xilligii la tiriyey ee aan lagu akhrin indhaha xilliga markaas la joogo. Tusaale Cabdi gahar oo muujinaya dareenka uu ka qabo geela waakii lahaa:

Idinbacasa awrkay dhashiyo aarankay wadatay

Asaxaabihii hore ba way  ku intifaaceene

Aakhiro nin aan geel lahayn  lama ammaanayn.

Mar kale Samatar Baxannaan oo muujinaya dareen kaas la mid ah isna waa kii kaydka suugaanta ku reebay tuducyada hoose:

Aarlaaga geelaha naftaa lagu ilaashaaye

Kol ay aabbahaa tahay nin kale looma aamino.

Haddii aad geel jacaylka Cabdigahayr iyo Samatar Baxnnaan ku xukunto wadciga maanta la noolyahay ee aan geelu illaa heerkaas  saxal baxsanayn, waad ka gardaran tahay, waayo waagii ay noolaayeen geelu wuxuu maarka geerida iyo nolosha kala xadeeya.

Suugaantu waxay ahayd meesha laga tixraaco macnaha ereyga iyo nuxurka loo adeegsan karo, ka hor intaan la allifin qaamuusyada, weli na tahay, xitaa iyada oo qaamuusyo la ururshay. Tixdu waxay ahayd qaamuus ka afka, warbaahinta iyo saxaafadda warka tebisa iyo buug taariikheed ee dhacdooyinka waarisa. Kelmedda ‘tix-gelin’ ee aan maanta u adeegsanno macnaha ixtiraamka haddaad u fiirsato meesha ay ka timi waa la fahmi karaa. In suugaanyahan kugu halqabsado, ama magacaaga tix ku daro waxay ahayd halka ugu sarraysa ee qaddarinta. Magacaaga ayuu waariyey. Bil cagsi qofka uu abwaanku uusan la dhacsaynayn waxaa ugu wayn ee uu kaga aargoosan jiray waxay ahayd in uu magaciisa kala masuugo in uu tix ku daro ama ‘tix-geliyo’.

Dhanka kale arrin gaar ah ayaa jirta, oo casrigan iminka la noolyahay, doorkii suugaantu hoos ayuu u dhacay, sababta oo ah shaqooyinkii loo cuskan jiray badankoodii si kale ayaa loo qabsadaa. Warbaahintii agabta saxaafadda ayaa qabta, taariikhayntii buugaagta taariikhda ayaa lagu diiwaanshaa, madadaaladii na cantarabaqashka Tiktok-ta iyo Reels Meta ayaa lagu doordsfsu. Weli se waxaan aaminsanahay, in shaqadii aasaasiga ahayd ee afshaxanka iyo macaansiga quruxda iyo sida oo kale doorkii shaqo ee macnaynta, tarminta iyo kaydinta luuqadda aan looga maarmin.

Maanta, marka aan u baahanno in aan erey macnihiisa fahanno, ama aan ereybixin iyo tibaax cusub u baahanno waxaan dib ugu cararnaa suugaantii soo jireenka ahayd. Maalin dhawayd ayay ahayd markaan u baahday in aan ka fekero nuxurka kelmedda Ingiriisida ah ee ‘dilemma’ Carabtu na ay tidhaahdo ‘mucdhilah/معضلة’, markaan cabbaar rogrogay oo aan mar idhi ‘isdiiddo’ marka kale na idhi, ‘xaggu gebi, xaggu gebi, guntu walac’ ayse ii toosi wayday, ayaan nin tixmaal ah oo aanu jaal nahay wayddiiyey bal waxa uu ku toosin lahaa kelmeddaas. Si yar oo fudud ayuu iigu yidhi tuducyadan Xirsi Hiirad :

Haddaan saawe-saawaha ka baxo surinka lay qoolay

Anigiyo maxaa seeddiyaday saancad kala haysta?

Tixdaas judhii aan maqlay ba ‘mucdiladii’ aan ku jiray waan ka baxay oo way iigu toostay in xaaladda noocaas ah ay saawe-saawe tahay. Markaas ayaan u mahadnaqay halabuurkii tobanaan sano ka hor isaga oo xaaladdii uu ku sugnaa iskii uga sheekaynaya kaydka suugaanta dhex qotomiyey nuxur ay adkaan lahayd in aan cabbir u helo maanta. Uma jeedo waa ereybixintaasi sidaas ayay sax ku tahay, oo waxaa dhici karta in tibaab kaga beegtoon loo helo, se waa tusaale iyo sida mararka qaarkood ay Suugaantu qoraaga iyo turjumaanka saawa-saawaha uga saari karto. Sidaas oo kale ayaa boqollaal afshaxan oo qurux badan looga soo qufi karaa kaydka suugaaneed. Gaar ahaan qolyeheenna xiiseeyaa turjumaadda iyo samaynta nuxurka, marar badan waxaan ku mergennaa nuxur ama macne ay inala noqoto in aan luuqaddeena lagu sheegi karin, markaas ayaan sharaxaad iyo faahfaahin dabada u qabannaa. Ugu danbeyn Suugaantu waa kaydka erayga gaar ahaan bulshada Soomaalida. 

Qoraallada kale ee qoraaga