Sunday 18 January 2026
Waa maalin roobaad oo ka mid ah sannadkii 2013-kii, Warsan Shire oo ku sugan Landhan, waxa ay rikoodhka codka duuba hor haysaa adeerkeed oo ka sheekaynaya xilligii dhallinyarannimadiisa ee Soomaaliya, noloshii qaxoontiga iyo la qabatinka qaadka. Warsan oo saddex iyo soddon jir ah, waxa ay adeerkeed la joogtaa qolkiisa oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee Landhan, kuna yaalla guri qaxoonti kale la degganyahay. Adeerkeed waxa uu badi ilkahiisa ku waayay cunista qaadka, oo sida ay Warsan iiga warrantay ah “geed marka la cuno qofka hurdada ka kaxeeya”. Warsan waxa ay adeerkeed ka warsatay waxa uu dareemo marka uu qayilo, waxaanu ugu jawaabay: “Marka aad mirqaansantahay, waxa aad riyo ku dhisaysaa guryo iyo fooqaq dhaadheer, waxaad qorshaynaysaa inaad berri hawshaa qabatid, waxaanad ka fekeraysaa sidaad noloshaada u hagaajin lahayd. Marka waagu beryo se, waxaas oo dhammi way kala daadanayaan. Sidaas baad maalin kasta ku jiraysaa, adigoon meelna gaadhin, sababtoo ah been baad isku maaweelinaysaa”.
Warsan adeerkeed kolkii uu dhallinyarta ahaa, waxa uu helay deeq waxbarasho oo dibadda ah, xubnaha kale ee qoyskuna waa ay u riyaaqsanaayeen, waxaanay ku tilmaameen qof meel sare gaadhaya nolosha, laakiin dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay sagaashanaadkii ayaa uu deeqdaas ku waayay. Waxa uu u soo qaxay Ingiriiska, waxii intaas ka dambeeyeyna, carruur ma dhalin, weligiina ma guursan. Warsan aabbaheed, sidoo kale, waxa uu u soo qaxay Ingiriiska. Warsan waxa ay sannado dhawr ah adeerkeed kala sheekaysanaysay tagtadiisa. Isaga oo ku sugan qolkaas dawladdu dejisay, oo fiiqsanaya shaah Soomaaliga xawaashka iyo haylku ka soo kamkamayo, waxa uu Warsan u sheegay sida uu u dareemayo in uu nolosha ku fashilmay, dhibbanaha dagaalkana yahay. Warsan waxa ay inta badan suugaanteeda xoogga ku saartay tijaabada dumarku kala kulmeen qaxa, se sannadihii dambe, waxa ay xiiso dheeraad ah u qabtay nolosha ragga iyaga laftoodu qaxaas kadeedka ka maray. Waxa ay igu tidhi: “Wax badan baan ka murugooday xaaladda ragga aan kusoo ag barbaaray. Xaaladda aan ka arkay, ee ah iyagoo xidhan suudhadh ka waaweyn, oo gacmo balaqsan, markastana tagaya ballanta kulan shaqo, se haddana aan weligood shaqadaas loogu yeedhin. Waa xaalad i xasuusisa bayhoofka ay nolosha kala kulmaan iyo siday nolosha dunidan cusub u dhex heehaabayaan. Boosba kuma laha”. Alban-suugaaneedkeeda dhammayska tirani waxa uu soo baxayaa bishan Maaris [waa Maaris, 2022-kii], oo ay cinwaan uga dhigtay “Bogaadinta Gabadh ku Barbaartay Codka Maankeeda ka Guuxaya”. Albankaas waxa ku jira gabay ay cinwaan uga dhigtay “Cidladaa i dilaysa”. Waxa ay ku sifaynaysaa adeerkeeda ay kula kulantay qolka ka midka ah guriga dawladdu qaxoontiga dejisay. Waxay sifaynaysaa qiiqa qaxwaha diirran ee uu fiiqsanayey iyo sigaarka uu marba mid nuugayey. Dhammaadka kulanka, waxa uu adeerkeed kula dardaarmayaa: “Adeer, cidlada ka adkow, dunidani hadiyad bay kuu noqone”. Waa halka ay cinwaanka gabayga ka tixraacday. Warsan waxa ay ii sheegtay: “Dhammaan gabayadani waxa ay cabbirayaan keenaddiidnimo, waxaanan ka fekeray in aan suugaantan u hibeeyo qaxoontiga”.
Warsan Shire waa jiilka abwaannada dhallinyarada ah, ee dad badan ku kasbada gabayadooda ay ku faafiyaan internetka. Markii hore waxa ay ka soo shaacbaxday barta Tumblr-ka, imikana waxa barteeda X kaga xidhan siddeetan kun oo qof, Instagram-kana waxa kaga xidhan toddoba iyo konton kun oo qof. Waa tiro ku dhow dadka ku xidhan xiddigaha taxanayaasha FX, oo aan la moodin in waxaas oo dad ahi qof gabyaa ah ku xidhanyihiin. Eliza Ronzheimer, oo jaamacadda Bielefeld ka ah cilmibaadhe suugaaneed, waxa ay ii sheegtay in waxsoosaarka Warsan “uu yahay mid qiimo u leh bulshada dhexe ee aan aadka u xidhxidhnayn, se sidoo kalena aan ahayn suugaanta aan u tixgaliyo dhaqan-bulsheedka”. Warsan waxa si weyn loogu xasuustaa in ay fannaanadda la yidhaa Beyonce kala shaqaysay albankii Lemonade, ee sannadkii 2016-kii. Waa alban muuqaal ah, oo muusigga fannaanadda lagu ladhayo gabayada Warsan. Gabyaa Terrance Hayes ayaa igu yidhi: “Warsan waxa ay leedahay dhiirranaan ay xaqiiqada qayaxan ku sheegi karto, si la mid ah qaabkii Plathian”. Terrace waxa uu wax ka dhigaa jaamacadda Niyuu Yook, waxaana ka yaabiyey sida qaar badan oo ka mid ah ardaydiisu ula dhacsanyihiin suugaanta Warsan Shire. “Saameynteedu kuma koobna uun kuwa Beyonce dhegaysta, ee xitaa waxa ay saameyn ku leedahay kuwa raba in ay abwaanno noqdaan, ee barta waxa ay Warsan samayso”.
Marka ay qoraysay buuggeeda, waxa ay inta badan tixraacday kulannada ay la yeelatay qaraabadeeda iyo qoraallada ay ka qortay. Dadkaas badankoodu waxa ay goobjoog u ahaayeen silicii dagaallada, waxaanay u halgameen in ay nolol ka samaystaan Ingiriiska. Aabbaheed baa faalleeyey sawirrada goobo ku yaalla Muqdisho, oo sawirradu muujinayaan quruxdii goobahaas dagaalka ka hor iyo burburkii soo gaadhay dagaalka dabadii. Warsan waxa ay leedahay: “Dadkii oo dhammi waxa ay la mid noqdeen sawirradaas dagaalka ka hor iyo kaddib kala duwan”. Waxa ay u kuurgashay qaar ka mid ah ragga oo isku dayay in ay la falgalaan dhaqanka Ingiriiska, oo ay ka fogaadaan wax kastoo dib u xasuusiya Soomaaliya, se ugu dambayn dareenka qurbe jilbaha u riday, kala fogaanta dhaqannaduna u run sheegtay. Gabay ay cinwaan uga dhigtay “Habeenbadhka Luuq Cunto Ajnabi lagu Gado”, waxa ay ku qortay: “Adeer qaali, wax kasta oo aad jeceshahay miyuu kaa duwanyahay, mise adigaa ka duwan wax kasta oo aad jeceshahay… Jacaylku ma aha xaaraan, se kaddib sannado badan oo aad la seexatay dumar aan magacaaga xitaa ku dhawaaqi karin, maanta keli baad tahay, waxaad cidlo ku dareemaysaa luuq cunto ajnabi lagu gado… waxa aad ku ducaysanaysa luuqad aanad sannaddo ku hadal”.
Buuggeeda suugaanta waxa uu isagu jiraa gabay iyo warbixinno ay Warsan ku sawirayso Soomaalida iyo qurbaha. Warsan waxa ay igu tidhi: “Awoowgay iyo ayeeyday codkooda maan maqal, badanka dadka qoyskaygana lamaan kulmin, sababtoo ah badankoodu waxaabay ku dhinteen dagaalka. Anigu se waxaan rabaa in carruurtaydu maqlaan codka dadkan”. Waa sababta ay u diwaangalisay tijaabooyinkii qaraabadeeda. Waxa kale oo ay tidhi: “Bulshadayda lama wayddiiyo su’aalahan oo kale, xarunta socdaalka marka ay joogaan mooyaane”. Waa sababta sheekooyinkeeda ka dhigaya kuwo jaadgoonni ah, oo tebinaya wacaalka dad weli nool.
Bishii Noofambar ee hore [2021-kii] ayaan Warsan ku booqday gurigeeda oo ku yaalla Los Angeles, oo ay kula nooshahay saygeeda, Andres Reyes-Manzo iyo labadeeda carruur ah. waxaan u tagay Warsan oo timaheedu dib u feedhanyihiin, oo xidhan laba dhegood oo dahab ah. Warsan ma jecla kulannada dadka badani joogaan, se gurigeeda waxa ay saacado badan kuugu tebin kartaa sheekooyin, iyadoo ku hadlaysa lahjaddeeda Waqooyi-galbeed ee Landhan, weliba iyadoo hadalka dedejinaysa, korna u hadlaysa. Reyes-Manzo, oo u shaqeeya urur khayri ah oo la yidhaa “California Endowment”, waxa uu qabanayey wicitaannada xafiiska uga imanayey, waxaanu ciyaarsiinayey wiilkooda weyn ee Ilyaas, oo laba jir ah. Ayuub oo siddeed bilood jira, ayaa oohin bilaabay, Warsan baana kasoo saartay xoolka uu ku jiray, kuna ciyaarsiisay qolka fadhiga. Waxa ay tidhi: “Waa ilmo oohin badan. Annagu Soomaali ahaan, waxa aannu nahay bulsho hadal badan”.
Warsan Shire aabbaheed waxa uu ku koray qoys reer baadiye xoolodhaqato ah, markii dambena waxa uu Muqdisho ka noqday suxufi siyaasadda falanqeeya. Sida ay Warsan xustay, hooyadeed waxa ay ahayd gurijoog, hawlaha guriga ku fooggan. Dhammaadkii siddeetanaadkii, aabbaheed waxa uu qorayey buug ka warramaya qaska siyaasadeed, buuggan oo uu cinwaan uga dhigay “Midhaha Burburka”, markii uu is yidhi daabacna, waxa ogaatay dawladda, oo ugu gooddiday xabsi. Kolkaas, aabbaheed iyo hooyadeed waxa ay u guureen Kiiniya, halkaas oo ay Warsan ku dhalatay 1988-kii. Dabadeed qoysku waxa uu u soo guuray Ladhan, halkaasna waxa ku dhashay walaalkeed Siciid. 1991-kii waxa dalka ka qarxay dagaalkii sokeeye. Jabhado beelaysan ayaa xukunka ka tuuray nidaamkii milatariga ahaa ee uu Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, kaddib na beelahaas, kooxo Islaamiyiin ah iyo dhinacyo kale ayaa weli ku hirdamaya talada dalka. Afar bilood gudahood, waxa Muqdisho lagu dilay dad lagu qiyaasay 25 kun oo qof, dad laba milyuun ka badan ayaa ku guryo beelay, dalkana waxa ka qaxay dad milyan iyo badh ah, oo qoyska Warsan ka mid yahay. Soomaallidu xilligan waxa ay u taqaan xilligii burburka, oo tibaaxaya dumitaanka wax kastoo dalku lahaa. Naciima Nuur, oo saaxiib la ah Warsan, ayaa ii sheegtay in Soomaalidu ku maahmaahdo “haddaad dhimanaysidna dhareerkaa la iska duwaa”. “Waa maahmaad si dhab ah uga turjumaysa dhaqankayaga; dad badan baa silic la kulmay, se haddana aan liicin”.
Labadeeda waalid waxa ay degeen xaafad waqooyiga Landhan ku taalla, oo dadka deggani u badanyihiin caddaan aan jeclayn soogalootiga. Warsan carruurnimadeedii, maalin bay eddedeed ka codsatay in ay gayso xaflad dhalasho oo loo dhigayey gabadh yar oo sekedda kasoo horjeedda ah; waxa albaabka ka furay gabadha yar aabbaheed, oo marka uu arkay diiday ka soo qaybgalkooda. Mar kale, maalin uu Warsan aabbaheed dugsiga u kaxeeyey, oo ah maalintii u horraysay ee waxbarasho lagu daro, wiil yar ayaa ugu yeedhay “inanta madoobeey”. Warsan waa ay oyday, oo aabbaheed oo sii socda ka codsatay in uu u soo laabto, una sheegtay waxa lagu yidhi. Waxa uu ugu jaawabay: “Waa run, oo waad madawdahay”, dabadeed wuu ka tagay. Warsan waxa ay tidhi: “Markaas baan baraarugay. Haddii uu si kale arrinka u maarayn lahaa, laga yaabee in aan qof sidaa ka duwan noqon lahaa”. Macallimiinta Warsan waxa ay ka cawdeen in ay dedaal ku bixiso ka qoslinta carruurta kale, in ka badan dedaalka ay ku bixiso waxqabadyada dugsiga. Se waxa ay jeclayd in ay buugaggeeda ka buuxiso sheekooyin, sawirro iyo gabay. Fasaxa dhammaadka toddobaadka, aabbaheed baa gayn jiray maktabad, buugaagta ay soo ergisatana waxa ay akhriskooda kansho ugu heli jirtay xamaamka.
Warsan markii ay toddoba jir ahayd, labadeeda waalid waa ay is fureen, aabbaheedna keligii buu degay meel aan gurigooda ka durugsanayn. Warsan waxa ay ii sheegtay, in laba sanno ka dib furriinka, markii dhawr bilood la siiyey digniin ah inay guriga ka baxaan, ugu dambayn boolisku guriga ka saaray. Wax ka badan laba sanno ayay bilaa hoy ahaayeen, oo ay u kala wareegayeen guryaha asxaabta qoyska. Warsan iyo walaalkeedba dugsigii waa ay ka hadheen, maalinkii oo dhanna waxa ay daawan jireen musalsallada, amaba waxa ay isku maaweelin jireen fuulitaanka iyo kasoo degidda wiishashka hudheellada qadiimiga ah ee hoyga u noqday dadka bilaa hoyga ah.
Ugu dambayn, qoysku waxa uu helay mid ka mid ah guryaha dadweynaha dawladdu dejiso. Warsan waxa ay iiga warrantay in hooyadeed badanka martigelin jirtay qaxoontiga kale ee Soomaalida ah, oo ay ku jiraan dad macaarif ah, dad qoyska ah amaba dad aanay aqoon. Xitaa waxa ay mar guriga keentay gabadh ay kula kulantay istaanka tareenka. Warsan waxa ay xustay in tijaabadaasi ahayd mid amakaag leh. Waa khibradda ay ka heshay dadkaas kala duwan ee guriga la keeno, sida gabadh cabbaysa bun Talyaani, oo ciddiyaha xammuurad u marsantahay. Waxa kale oo ay xasuusataa kuwo marka guriga lagu martigeliyo isku daya in ay Warsan iyo walaalkeedba edbiyaan, oo marar ku qayliyaan amaba garaacaan. Warsan waxa ay leedahay: “Ma illoobo in saameyntu tahay dagaalka, oo dambiilayaal iyo dhibbanayaalba dadkaasi lahaayeen. Ma garanaysid qofka guriga lagu martiqaadayo in uu yahay qof gacan-ku-dhiigle ah oo dad soo dilay iyo in uu yahay qof labaatan jeer la soo kufsaday”.
Sannadkii labadii kun, Warsan hooyadeed mar kale ayey guursatay, waxaanay dhashay saddex carruur ah. Warsan waxa ay ii sheegtay in ay hooyadeed carruurta ka hayn jirtay. Waxa ay tidhi: “Waa wax adag in aad dugsi aaddid, isku daydid in aad is carruuraysid, isla jeerkaasna dareentid in aad tahay hooyo saddex carruur ahi guriga u joogaan”. Cuntada ayay karinaysay, gurigay nadiifinaysay, carruurtay dugsiga gaynaysay, waxaanay ku dedaalaysay in aanay xafladahooda dhalashadu seegin. Walaasheed Saami, oo hadda barata xidhiidhka caalamiga ah, ayaa tidhi: “Aad bay ugu wanaagsanayd carruur korinta, waxaannu saf siman ku jaasi jirnay qolka fadhiga, annagoo cod sare ku heesayna. Lama arki jirin iyadoo isku buuqsan”. Warsan badanka waxa ay ka habsaami jirtay xiisadaha, waxa ay ka baaqatay imtixaanka A-level-ka intii ay carruurta haysay, waxaanay noqotay in ay ku soo celiso maaddooyin ay hoos martay.
Warsan waxa ay dhallinyarnimadeedii la dhib mudatay xanuun-nafsadeedka waswaaska iyo cabsida aan jihada lahayn (OCD), waxa kale oo ay la dhib mudatay iskubuuqa caadada ka hor, oo ah nooc daran oo xanuun ah oo qofka dumarka ah soo foodsaara caadada ka hor. Waxa kale oo walaac kaga furnaa muuqeeda. Qoyskeedu waa ay ammaani jireen midabkeeda maarriin-dhalaalka ah, se waxa ay aamineen in ay timo adagtahay, oo ay buurantahay. Waxa ay tidhi Warsan: “Hooyaday aad bay u qurux badantahay, quruxduna aad bay muhiim ugu tahay. Kol haddii aan inanteedii ahay, waxa la filayaa uun in aan si kasta ugu ekaado”. Sannadihii qaadhgaadhka, Warsan waxa ay la daalaadhacday xanuunka ku mammanaanta cuntada (xaalad xanuun ah oo aanu qofku iska xakamayn karin cuntada, kuna mammo). Xilligaas waxa ay qortay gabay ay cinwaan uga dhigtay “U Duceeya Dadka Cuntada ku Mamman”. Kaftan-dhable ayay ku tidhi: “Ducadayda iigu dambi dhaaf Ilaaha dumarka dhuudhuuban abuurayow, ii dambi dhaaf, macaluul baa dalkii ka jirtee”.
Laba iyo toban jirkeedii, waxa ay Warsan akhriday gabayga “Gorgorka” ee uu leeyahay Chinua Achebe, oo uu ku jiro tuduc ka hadlaya sarkaal Naasigii ka tirsan oo carruurtiisa xalwad siinayaa, waxaanay ku raadaysantay lagaaddada anshax ee gabayga ku jirta. Markaas bay bilawday in ay gabayo ay leedahay qorto. Kolkii ay 15 jir noqotay, waxa ay ka qaybgashay tababbar suugaaneed lagu qabanayey Xarunta Dhallinyarada ee Wembley, oo gurigooda u dhow. Waxa ay ku faraxday in macallinku, Jacob Sam-La Rose, oo gabyaa iyo tifaftire ahaa, uu yahay nin madaw. “Badanka waxa aan tiriyaa waxa ay ahaayeen wax laga naxo, se haddana marnaba macallinkaasi igama quusan” ayay Warsan tidhi. Waxa ay ku biirtay barnaamijka hagitaanka “Suugaanta Dhammayska Tiran” oo ay aasaastay qoraa Bernardine Evaristo, oo ah qoraa ku guulaysatay abaalmarinta Brooker. Waxa kale oo ay toddobaadle ula kulmi jirtay gabyaa Pascale Petit si ay gabayadeeda ula gorfayso. Evaristo waxa ay ii sheegtay: “Warsan waxa ay u muuqatay in si ashqaraar ah uga faa’idaysatay nafsad dheddigood, nafsad dhibaatooyin badan soo martay, oo awoodday in ay si qurux badan u cabbirto waxaas soo maray”.
Warsan waxa ay ka qalinjabisay jaamacadda Landhan Metropolitan, sannadkii 2010, iyadoo shahaado ka qaadatay qoraalka toolmoon. 2011-kii, madbacadda yar ee flipped eye, ayaa soo saaray buuggeedii u horreeyey ee “Dhallaankii Hooyadii Dhalmada Baray”. Se markii muumulkii madbacaddu, Nii Ayikwei Parkes, uu u diray guddiga korjoogtaynta dhaqanka nuskhado buugga ka mid ah, cidina kama soo jawaabin. Flipped eye may jeclaysan in ay Warsan ku suuqgayso isirkeeda, oo uu Parkes u arkayey in ay marinhabaabin noqonayso, se haddana waxa uu walaac ka hayay in arrinkani dadka ka hor istaago in ay gataan. “Haddii aynaan awoodayn inaynnu isla qaadanno sidaynnu dadka ugu sheegi lahayn buugga iyo waxa uu ka warramayo, markaa baahin uma qalmo” ayaa uu yidhi Parkes.
Warsan waxa ay kusoo beegantay xilli suugaanta kooxo kooban uun la la wadaagi jiray, badankana waxa loo akhrin jiray ardayda jaamacadaha, dadweynahana lama gaadhsiin jirin, se waxii ka dambeeyey 2010-kii, qoraayo badan oo dhallinyaro ah ayaa bilaabay in ay suugaantooda ku baahiyaan baraha internetka, sida Tumblr, oo akhristayaashu toos uga helaan. Dabadeed, abwaannadu waxa ay bilaabeen in ay baraha bulshada ku baahiyaan gabayadooda. Gabayada baraha bulshada lagu baahiyaa waxyar oo bostiga bartaas uun deeqi kara ayay ahaayeen, se lagu soo jiito cidda sii raacaysa inta dhiman. Gabay uu Lang Leav soo galiyey barahaas ayaa odhanayey: “Haddii la qoray in ay noloshaada ku sii jiraan, cidina ma awooddo in ay ku khasabto in ay tagaan, haddii se ay doorteen, cidina kuma khasbi karto in ay noloshaada kusii jiraan”. Gabay kale oo ay Rupi Kaur tirisay baa lahaa: “Dadku way tagaan/ se sidee u tagaan/ way tageen ayuun baa la hubaa.” Kaur hadda waxa Instagram kaga xidhan dad afar milyan ka badan, ururiskeeda suugaaneed-na, ee “Caano iyo Malab” waxa laga iibsaday laba milyan iyo badh, oo 25 af ku qoran.
Ronzheimer, oo ah cilmibaadhe suugaaneed, ayaa ii sheegtay in “badanka gabayadu markii hore fan heersare ah u ahaa dad kooban, dabaqaddda aqoonyahanka ah ee bulshada. Se hadda, gabaygu waxa uu fan u noqday dadweynaha oo dhan, waxaanu qayb ka noqday nolosha maalinlaha ah ee dadka ku akhrista tareennada iyo guryahooda.” Abwaannada aan caddaanka ahayn iyo dadka kas oo jeeda dabaqadaha hoose waxa ay dareemayaan in internet-ku u saamaxay in ay ka gudbaan faafreebka, oo ay tijaabin karaan habab cusub. Tommy Pico, oo ah gabyaa Ameerikaankii asalka ahaa ah, 38 jirna ahi, waxa uu gabayadiisa ku faafiyey Tumplr, kaddib na waxa uu qoray diiwaankiisa caanka ah ee IRL, oo ah gabay dheer oo qaab farriimo ah u qoran. Megan Fernandes, oo ah gabyaa iyo bare luuqadda Ingiriisida ka dhigta koolajka Lafayette, waxa ay ii sheegtay in Pico “si hal-abuurnimo leh u adeegsado luuqadda internetka ee afsuuqa ah, se qaab qurxoon loo dhigay”.
Suugaantan, ay ku jiraan suugaanta Leav iyo Kaur, waxa qaabeeyey Internet-ka. Fernandes waxa ay leedahay: “Suugaanta aan guul ka soo hoyn Intenet-ku, badanka waa suugaan raacsan dhaqdhaqaaqyada wacyiga oo aan dadka la falgelin”. Suugaanta akhristayaasha soo jiitaa “waa gabayga si fudud loo fahmi karo, ee dadkana la falgeli og”. Baraha cusubi waxa ay dhiirrigeliyeen in abwaannadu dadka ku xidhan la socdaan, dareenkoodana la jaanqaadaan. Inta badan gabayada barahan lagu baahiyey waxa ay noqdeen kuwo dadka soo jiitay, toos ula hadla oo ashqaraar ah. Laga yaabee in ay leeyihiin tayadii Halmark. Gabyaaga reer Ingiriis, Anthony Anaxagorou ayaa ii sheegay, in badanka gabayadani “aanay lahayn asluubka kakanaanta, waxaanay si xooggan ugu tiirsanyihiin ku-tidhi-ku-teenka suuqa”.
Warsan waxa ay barteeda Tumplr samaysatay sannadkii 2011, oo ah isla sannadkii buugyaraheedii koowaadna soo baxay, waa xilligii wabsaydkan fufkiisu bilaabmay. Barteeda Tumblr waxa ay u adeegsatay sidii meel ay fekradaheeda ku soo bandhigto, oo ay ku faafiso sawirro ay iska qaadday, muusig iyo gabayo ay muddo kooban ku qortay. Gabaygeeda “ku Socda Dumarka Jacaylku ku Adagyahay”, ilaa hadda waa mid ka mid ah gabayadeeda ugu caansan: “Dadka guryaha kama saari kartid/ in mar hore cidi kuu sheegto intan ayay ahayd/ haddii se qofku doorto in uu tago/ u oggolow in uu tago”. Meerisyo ka mid ah gabayadeeda ayaa dadka adeegsada mareegtaada ku dhex faafay: “Cidladaydaan ku dareemaa deggenaan/ Keliya waxa aan ku hanan karaa haddii aad kelinnimadaas ii dhaantid”, “Ma waxaad u malaynaysaa in aan noqonayo cir mugdi ah, adiguna xiddigta ka dhex ifaysa noqonaysid? / Gebi ahaanba waan ku liqi”.
Gabayadii u horreeyey ee ay Warsan ku baahisay Tumblr ayaa ahaa kuwo ugu soo jiidashada yar. Kuweeda ugu wanaagsani, waa kuwa ay tijaabadeeda nololeed kusoo bandhigto, sida Hayes ku tilmaamay. Barta ay mareegta ku lahayd waxa uu u ekaaday xasuusqor. Gabyaaga reer Ingiriis, Roger Robinson, ayaa igu yidhi: “Barteeda Tumblr waxa ay meteshay jawiyada lagu jiro”. Soo jiidashadaas waxa ay u badnayd in ay ku heshay dareen cabbirka. Sida gabayada Internet-ku u badanyihiin, danaynta dadweynuhu waxa ay la xidhiidhay mawduuca gabayga, ee maaha hal-abuurnimada ereyada iyo qaabka. Anaxagorou waxa uu leeyahay: “Aaladaha dareenka bulsho iyo lahjaddooda kula hadla awgood, imika gabayada lagama fekero qaab samaysankooda, ee waxa la eegaa nuxurkooda iyo la falgalkooda dareenka bulsho, waana isbeddel gunta ah oo ku yimi dhaqankii gorfaynta”.
Haddana, suugaanta Warsan waxa ay ahayd mid saameyn leh. Niciima Nuur, oo saaxiib la ah Warsan, waxa ay tijaabooyinkeeda shakhsiga ah ee nolosha ka dhex aragtay gabayada Warsan, waxaanay farriin uga soo dirtay Faysbuugga. Niciima waxa ay igu tidhi: “Warsan waxa ay wax ka qortaa nolosha dhabta ah ee dumarka Soomaaliyeed”. Sayga Warsan, Reyes-Manzo, ayaa gabayadeeda la wadaagay koox dhallinyaro ah oo uu kala shaqaynayey Kalifoorniya, sannadkii 2013-kii, waa kolkiiuu maqlay in Warsan rabto talooyin iyo xul muusig ah, waxa uu u soo diray liisto. Labadooda oo dalal kala fog joogay, waxa ay haasaawayeen sannaddo, ka hor intaan Warsan u guurin Los Angeles, oo aanay isguursan. Waxa aan Warsan u sheegay in aan aad ula dhacay in dadka ugu dhow maanta, ay markii hore ahaayeen taageerayaasheeda Internet-ka. Waxa ay igu tidhi: “Hore ugama fekerin, se waan ku faraxsanahay in shaqada aan qabtaa dad wanaagsan noloshayda ku soo dartay”.
Laba sanno ka gadaal, Warsan waxa ay xidhay bartii ay ku lahayd mareegta Tumblr. Parkes ayaa yidhi: “Tumblr waxa ay ahayd bar waafi ah oo aad u muhiim ah, sababta oo ah waa barta dadka u saamaxday in ay suugaantaas soo gudbiyaan, la sii wadaago, loo codeeyo, lana faalleeyo”, laakiin “daaqaddaas yare e ay Warsan ka isticmaalaysay Internetka” sida ay ku tilmaamayso, waxa ay dareentay in ay shaacbaxday. “Habka aan qoraalladayda u habeeyaa igu adkaatay. Waxa aan dareemay in dad badani akhrisanayaan, markaas baan bilaabay inaan idhaa: hagaag, raaxo kuma dareemayo in aan sii wado”. Warsan maanta marar dhif ah bay adeegsataa baraha bulshada, se haddana gabayadeeda weli waxa la wareejiyaa Twitter (X) iyo Instagram, kumannaan qofna way ka helaan.
Fiid aan la joogay guriga, Warsan waxa ay shidday cuud, waxay ii soo karisay shaah Soomaali caano leh, waxaanay iiga warrantay in ay ka hesho dareenka argagaxa leh. Markii ay yarayd, subixii waxay daawan jirtay filimada argagaxa. Waxay tidhi: “Hiigsigaygu waa in aan sameeyo filin argagax ah oo dadkii oo dhami miyirdoorsoomaan”. Laakiin, waxa aan ka walaacsanahay, haddiiba ay samayso, in uu filin argagax noqon doono, oo gaadhsiisan heerka dadku la suuxaan. Maalmahan, waxa ay aad u daawataa dhukumantariyada ka hadla mawaadiicda sida dumarka afrikaanka ah ee shaqaalaha ah ee sida xun loola dhaqmo Bariga Dhexe amaba dhibbanayaasha weerarrada Koonfurta Eeshiya. Iyadoo kaftamaysa waxa ay tidhi: “Waxa aan dareemaa in aan ku qasbanahay in aan xadgudubka ka hortago”. Filimada ay jeceshahay Warsan waxaa ka mid ah filinka “The Milk of Sorrow”, oo ah daraama ku saabsan gabadh xanuunsanaysa kaddib markii ay hooyadeed ka dhaxashay jug soo gaadhay, oo dhibbane u ahayd xadgudub galmo muddo uu dagaal socday. Waxa ay Warsan igu tidhi: “Waxaan ku soo ag barbaaray dad badan oo la dhibtooday qulubka dhibaatada dabadeed (P.T.S.D). Marar badan waxa aan yaqiinsaday in jugtii dagaalku saamaysay qoyskayga iyo bulshadayda, se taasi kama dhigna inaan dhaxlayo, oo noqonayo arxanlaawe bartii ka sii wada dhibta”.
Markii caannimada Warsan ka hanaqaadday Tumblr, dunida caadiga ahna caannimay ka heshay. Sannadkii 2014-kii waxa la siiyey magaca gabyaaga dhallinyarada, oo lagu helo abaalmarinta Landhan. Sannadkii xigay waxa ay ka qaybgashay bandhig suugaaneed oo koox dumar ahi ku martiqaadeen Johanisbeeg, halkaas oo ay gabayo ka tirisay. Milisuthando Bongela, oo qabanqaabada bandhigga gacan ku lahayd ayaa ii sheegtay in “bandhiggu isku beddelay sidii masrax weyn oo laga heesayo. Warsan waa ay hakinaysay akhriska, oo waa ay qoslaysay”. Iyada oo ay sidaas tahay, Warsan, waxa ay ka diiqadootay sida saxaafaddu u qaadaadhigaysay, iyagoo ku tilmaamaya gabadh qaxoonti ah oo haddana abwaanad noqotay. Weriyayaasha ayaa marar ayaa su’aalayey in ay raab tirin karto, halka Warsan kaftan ku gaabsanaysay.
Dadka aadka ula falgalay suugaanteeda waxa ka mid ah dumarka Soomaaliyeed, walow ay Warsan xidhiidh isdiiddo ah la leedahay aaminaadaha iyo dhaqanka Soomaalida. Warsan marar bay xijaabka xidhatay dhallinyarnimadeedii – aabbaheed baa u sheegay in ay doorasho u leedahay – se markii ay qaangaadhay waa ay joojisay, marar badanna waxa ay gabayadeeda kaga warrantay mawaadiic aan laga hadal. “Waxa aan xasuustaa mar anigoo yar, shan iyo toban jir baan ahaa meelahaas, aan akhriyey gabay, dadka i dhegaysanayeyna Soomaali bay u badnaayeen. Waxa aan akhrinayey gabay ka hadlaya gudniinka hablaha, ismana xasuusan markii aan badhtanka marayey mooyee. Hagaag, dadku aad bay u anfariireen”, ayay Warsan tidhi. “Se haddana, hareerahaan eegay, waxaanan ka fekeray in dadka qaar ku faraxsanyihiin inaan ereyadaas tiriyo. Sheekooyin xun ma sheegayo, waa wax jira, markaa la yaab ma jiro”, ayay tidhi Warsan.
Warsan waxa ay Talyaaniga u safartay 2010-kii, si ay gabayo uga tiriso. Intii ay booqashada ku jirtay tarjumaankeeda, Paola Splendore, ayaa u usoo bandhigtay in ay booqato jaaliyadda Soomaalida ee Rooma ku nool. “Waxa ay ahayd inan xishood badan, dhawrsan oo gebi ahaan dadka ka duwan”, ayay Splendore tidhi. Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga waxa la xidhay dagaalkii sokeeye, dad badan oo magangalyo doon ah ayaana dhismaha degay bannaankiisa. Qaar baa dhex seexanayey gawaadhida xumaaday, qaar kalena barandaha dambe ee dhismaha, xitaa qaar baa hoy ka dhigtay geerashka. Ma lahayn koronto, hal suuli iyo hal qasabad oo biyo qabaw leh ayaana ku yaallay. Badanka raggu waxa ay codsadeen magangalyo, se haddana looma oggolayn shaqo ama caydh.
Warsan waxa ay markastaba danaynaysay xidhiidhka Soomaaliya iyo Talyaaniga. Talyaanigu waxa uu Soomaaliya qabsaday qarnigii 19aad, ilaa la jabiyey 1942-kii, kolkii dambena maamul wisaayad ah ayaa uu ku haystay, intii dambena si uun buu faragelin ugu lahaa. Markii Warsan dhallinyarada ahayd, waxa ay xasuusataa hooyadeed oo ku canaanata ereyo Talyaani ah. Warsan waxa ay qaxoontiga wayddiisay xaaladdooda. Waxa ay ku jawaabeen: “Qofku waxa uu Talyaaniga soo gaadhayaa isaga oo aan waxba la noolayn. Haddana, qaxoontigu waa xabsi uun. Marka aad qaxoontiga ka baxdidna, qof baa ku odhanaya: orod oo tag meesha Afrikaanku joogaan. Sidaas baannu safaaraddan ku nimaadnaa. Maalinkiinna, waxa aannu u baxnaa si aannu wax usoo helno”. Dhawaan Warsan waxa ay ii sheegtay in wiil qaxoonti ahi figta dhismaha iska soo tuuray, oo dhintay. Waxa ay tidhi: “Wax badan waan soo arkay nolosha qaxoontiga, se waxa ay markii koowaad ee aan yaqiinsado halista qaxoontiga”. Habeenkaas, waxa ay qortay gabaygeeda “Dhulka Hooyo”, oo ay qaybta hore ku leedahay:
Qofna dalkiisa kama tago, marka uu dalku af libaax qofka ku noqdo mooyee
Qofku waxa uu ku qasbanaadaa in uu xuduudkiisa ka tallaabo
Marka uu arko magaaladiisii oo iyaba xadka ka baxaysa …
Waa inaad fahantaa
Qofna carruurtiisa doonni kuma daadgureeyo
Marka baddu uga badbaado roonaato berriga mooyee
Ma jiro qof doorta kaam qaxoonti
Ama baadhitaannada jidhkiisa dhaawaca kaga taga
Ama doorta xabsi
Se [qofkaas] xabsigaa kala ammaan batay
Magaalo dhan oo gubanaysa
Ilaalada xabsi keli ahina
Waxa uu kala wacnaaday gaadhi xammuul ah
Oo ay ka buuxaan rag u wada eg aabbahaa
Markii dhibaatada muhaajiriinta Yurub aloosantay, gabaygani waxa uu si aad ah ugu faafay Internet-ka. Sannadkii 2015-kii, bahda tifaftirka wargeyska Times, ayaa gabaygan kusoo xigtay maqaal ay dalalka galbeedka kula talinayeen in goobo nabad ah la siiyo qaxoontiga. Waxa kale jumlad kasoo qaatay xubin baarlamaanka Ingiriiska ah, oo bartiisa X ku qoray. Benedict Cumberbatch ayaa fagaare ka akhriyey gabaygan, isagoo metelayey kaalintii Hamlet, intaas kaddib na yidhi “nacalad ha ku dhacdo siyaasiyiinta”. 2017-kii, muddahaaraddadii Maraykanka, ee lagaga soo horjeeday xannibaadaha Donald Trump saaray socdaalka dalal Muslim ah, ayaa ku qaylinayey meerisyo ay kasoo qaateen gabayga.
Parkes oo baahiya buugagga Warsan, ayaa ku faraxsan falcelinta gabaygaas, oo yidhi: “Waxa ay awooddaa in ay cabbirto tijaabada qaxa, in wax la metelaana waa wax dad koobani awoodaan”. Hase ahaatee, Warsan, waxa ay murugo ka dareentaa marka ay aragto gabaygeeda oo loogu baroordiiqayo geerida qaxoontiga Bariga Dhexe. Waxa ay tidhi: “Gabayga waxaan u qoray qaxoontiga madawga ah, se inta badan waxa aan arkaa iyadoo loo adeegsanayo qaxoonti aan madaw ahayn”. Waxa kale oo ay ku dartay: “Waa wax la iska garanayo in qofku doonayo in suugaantiisa loo adeegsado nooc kasta oo dadka dhibban loogu qaadhaamayo, se waxa kale oo aan rabaa in dadkuna u jeestaan dadkii aan gabayga ka sameeyey”.
Lix sanno ka hor, Warsan oo Los Angeles joogta, waxa ay farriin iimayl ka heshay mid ka mid ah maamulayaasha shaqooyinka fannaanad Beyonce, oo weydiinaya in ay doorbidayso in ay mashruuc cusub kala shaqayso Beyonce. Warsan waxa ay xasuusataa iyadoo qoslaysa oo leh: “Waxa aan u maleeyey in la i khiyaamayo, waxaas igala tag, miyaad kaftamaysaa?” ayaanay isugu jawaabtay. Beyonce waxa ay ka shaqaynaysay albanka Lemonade, warsanna waxa ay saaxiib la ahayd Khaliil Joseph, oo ka mid ah soo saarayaasha filin albanka lala soo bandhigayey, Beyonce-na la shaqaynayey.
Warsan waxa ay fannaanadda kula kulantay istuudiyo weyn. Beyonce waxa ay xidhnayd dhar caadi ah, afkana libis cas baa u marsanayd. Warsan iyo Beyonce, labaduba, waxa ay saaxiib la ahaayeen Yosra El-Essawy, oo dhawaan kansar u dhimatay iyadoo 33 jir ah. El-Essawy waxa ay sawirqaade u ahayd Beyonce, Warsanna farriimo ayay usoo dirtay markay suugaanteeda aragtay. Warsan waxa ay tidhi: “Arrinkani waxa uu iga kala yareeyey werwerkii”. Beyonce waxa ay daartay qayb ka mid ah albanka, oo ay wax badan ka shidaal qaadatay xidhiidhka qalalaasaha leh ee ninkeeda kala dhexeeya. Warsan waxa ay xusaysaa in ay daartay heestii koowaad, oo ah hees ka warramaysa tijaabada marka qofka qof uu jecelyahay khiyaamo. Beyonce waxa ay nuskhad albankeeda ah siisay Warsan, si ay faallo uga soo dhiibato.
Warsan marka horeba gabayadeeda waxa ay ku samayn jirtay laxan muusig, sidaas darteed hawshani kuma adkaan. Waxa ay igu tidhi: “Waxa aan tixraacay tajribooyinkaygii nololeed. Dumarku inta badan waxa ay caqligooda u waayaan rag”. Waxa ay xasuusatay xidhiidhkii googooska ahaa ee ay la yeelatay nin diktaytar ah. Saygeeda ayay kala sheekaysatay dhibaatooyinkooda iyo macnaha saamaxaadda. Waxa ay dib u milicsatay furriinkii labadeeda waalid, waxaanay suuraysatay waxii loo baahnaa si ay u sii wada joogaan. “Waxyaabahaas baa ii saamaxay in aan sheekada dhinacayga ka qabsado” ayay tidhi. Dabadeed, Warsan waxa ay dhacdooyinka u qaybisay marxalado murugadu marto: aargoosasho, danayn la’aan iyo iska dhaafid.
Filinku waxa uu raacay qaabdhismeedka Warsan, waxaana la isku daray gabayga iyo muusigga. Qaybta labaad waxa ay ku bilaabmaysaa meerisyo gabayada Warsan ah, kaddib na waxa muuqaalka kasoo baxaysa Beyonce oo kurdad boodhe ah xidhan, kana heesaysa waajihidda qof ku jecel oo ku khiyaanay, ka dibna burburinaysa daaqad gaadho. Wargeyska Times waxa uu qoray in Warsan “gebi ahaan dib u dhistay habka heesaha, oo keliya aanay ahayn dhibta gabadh keliya, ee ay ka dhigtay dhibaato jiilal dumar ahi wadaagaan”.
Kolkii albanku soo baxay, buuggii koowaad ee Warsan waxa iibkiisu kordhay toban labaad, toddobaad gudihii. 2020-kii, Warsan waxa ay filinka muusig ee “Black is King” ee Beyonce ku darsatay gabayo, oo ah filin dib u habayn u ah filinkii Disney ee “The Lion King”. Se, ka dib albankii Lemonade, Warsan waxa ay si aad uga dhuumatay nolosha miidhiyaha, iyadoo diidday dhammaan kulannada iyo martiqaadyada, oo uu ku jiro martiqaadka imaatinka xafladdii Met Gala, waxaanay ka digtoontahay nolosha baraha bulshada. Waxa ay ii sheegtay in lagu soo barbaariyey aaminaadda ah in ismuujintu keento il. Waxa ay tidhi: “Dadkaa odhanaya: miyaanay nasiib badnayn? Maraykan bay tagtay, oo Beyonce ayay waddada kula kulantee?” (Marka aan la sheekaystay Evaristo, waxa ay igu tidhi: “Warsan lama malaysan karo, waxa ay tagtay Maraykan, ka dibna, si filanwaa ah, waxaaba la moodaa in Beyonce albanka usii diyaarisay. Sidee arrinkaasi ku dhici karaa?”) Si hoose ayay Warsan u xustay xafladaha iyo isu imaatinnada, ka dibna waxa ay bilawday ka shaqaynta suugaanteeda cusub, iyadoo ka shidaal qaadata waxa ay ku tilmaantay “jidka Beyonce ee saamaxa tagtada”.
Ka hor intaanan Los Angeles ka tagin, Warsan waxa ay ila fadhiisatay daaqadda qolka fadhiga, waxaanay soo saartay sanduuq sawiro qoys ka buuxaan. Waa sawirro ay haysatay ilaa intii ay 12 jirka ahayd, waana waxa keliya ee ay ka hayso qoyskeeda dunida ka kala dhacay. Waxa ay soo saartay sawiro iyada ah, iyada oo beerta xayawaanka ee London joogta, iyadoo filinkii “Calaa’uddiin” daawanaysa, iyo iyadoo xafladdii dhalasho ee walaalkeed joogta. Waxa ay tidhi: “Waxa aan aaminsanahay in dadku kaydsadaan sawirradoodii carruurnimada”.
Sawirrada ay warsan ugu jeceshahay waa kuwa u weriya qisadii jacayl ee labadeeda waalid: iyagoo barande taagan xafladdii arooskooda, iyagoo xafladdii jaaska jooga iyo iyagoo xeelliga badda jooga, waxaanay tidhi: “Sawirradan waan isku dhex waayaa”. 2013-kii ayaa ay markii koowaad Muqdisho tagtay. Waxa ay leedahay: “Soomaaliya ayaan xaqiiqo dhab ah oo jirta kasoo dhigtay, halkii ay wax khiyaalkayga ku lammaan uun u ahaan lahayd. Waxa ii darnaa in aan hawada uriyo, dhulka dareemo oo biyaha iska dhex helo”.
Warsan waxa ay gabaygeeda “u Duceeya Inanta” qayb ahaan ka qortay sooyaalka qoyskeeda. Waxa ay kaalmaysatay wararka ku saabsan dumar lagu tilmaamay in ay xiska ka dhimanyihiin. Qaarkood aad bay u madaxbannaanaayeen, qaarkoodna siyaabo filanwaa ah ayaa ay u dhaqmi jireen. Warsan waxa ay xasuusataa gabadh markasta tegi jirtay xafladaha iyada oo ay la socdaan rag wata gawaadhida dusha bannaan, waxaanay jidhka meel aan la arag ku lahayd taatuu ay mar Warsan tustay. Waxa kale oo ay xasuusataa gabadh meel gaar ah keligeed fadhiisan jirtay, caloolyawguna ka muuqdo markasta. Warsan waxa kale oo ay waraysatay gabadh saygeeda dagaalka ku weyday, carruurtiina qoyskii ninku ka qaatay. Waxa ay gabay ku sawiraysaa gabadhaas oo xasuusihii tagtadu baacsanayaan.
Waxa kale oo ay ka fekertay dadkii martida ku ahaa gurigooda, ee qoyska la joogay, oo marmar ka cabsiin jiray. Waxa ay igu tidhi: “Waxa jiray koox dadkaas ka mid ah oo aad tabcaan u ah, oo cunsuriyad la kulma markay dibadda u baxaanba, shaqana aan heli karin. Dhammaantood waxa ay isugu imanayeen guriga, markaa khilaaf waa ina daanweyne”. Gabadh baa ninkeeda middi galisay, xilli Warsan iyo walaalkeed ay dibadda ku ciyaarayeen (wuu badbaaday ninku). Waa mid ka mid ah xaaladaha ay gabayadeeda kusoo qaadanayso.
Mawduucyada dhallaannimadeedii ee gabayga “u Ducee Inanta” ku jiraa waxa ay u muuqdaan kuwo u dhow buuggeedii u horreeyey. Gabyaaga reer Ingiriis, Anaxagorou, ayaa sheegaya in caannimada degdeggi ahi abuurto filasho ah in qofku guushiisaas uun soo celceliyo, oo ah arrin marar badan niyadjab keena. Waxa uu yidhi: “Waxa aan aaminsanahay in abwaanno badan oo dhallinyaro ahi markay shacbiyad badan helaan, isku biimeeyaan uun dib usoo saarista waxqabadyo kuwii hore uun la mid ah”. Se, sida Warsan usoo bandhigto xaaladaha bulshadeedu waa kuwo markasta cusub oo xeeldheer.
Warsan hadda waxa ay ka shaqaynaysaa diiwaan suugaan tiraab ah oo ay kaga hadlayso xanuunnada nafeed. Waxa ay igu tidhi, iyada oo sawirrada dib ugu celinaysa sanduuqii: “Shakhsi ahaan waxa iga go’an in aan ceebta iyo cambaarta ka saaro waxyaabaha aan dareemayo, mararka qaar aan kaga saaro in aan ka khajilo. Waan la damqadaa dumarkaan wax ka qorayo, aniguna ka mid baan ahay”. Laga yaabee in buuggeeda cusubi soo bandhigayo tijaabadeedii ilmo iska soo ridista ee 2018-kii iyo khibraddeeda hooyannimo. Gabaygeeda “u Duceeya Inanta”, Warsan waxa ay ku cabbirtay wax kasta oo ay ka sheegi karaysay dhallaannimadeedii. Waxa ay tidhi: “Waa waxii u dambeeyey ee kharribnaa ee aan noloshayda ka tuuro. Hadda waxa aan dareemayaa deggenaan iyo horusocosho”.