Tuesday 19 May 2026
Marar badan waxaan u fiirsaday sida suugaanta Soomaalidu ay uga warrantay majaalkan la yidhaahdo, aragtida gumaystaha ka dib (postcolonial theory), oo ah laan akadamig ah oo si hagaagsan u lafagurta saamaynta jiitanta ee gumaystuhu kaga tegay la-gumaystaha. Waa dedaallo soo bilowday lixdannadii iyo toddobaatannadii qarnigii hoyday, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in la fahmo sida isticmaarku u qaabeeyey dunidii uu gumaystay ee uu muddada dheer silcinayey. Haddaba, curiskan waxa aynu wax kooban ka sheegi doonnaa sida aqoonyahannada ka faallooda aragtida gumaystaha ka dib ay uga hadleen eelkii uu gumaysigu kaga tegay ummadihii uu gumaystay innaga oo kolkaa barbardhigi doonna sida suugaanta Soomaalidu, gaar ahaan gabayga iyo maansadu ay u waafaqayaan aragtida gumaystaha ka dib. Qodob walba oo aynu ka warranno waxa aynu u soo qaadan doonnaa gabyaa ama maansayahan Soomaaliyeed oo hore wax uga tiriyey. Waa iftiimin guud, waxa se loo holladan karaa in mawduucan si qotodheer wax looga qoro.
Faraanz Faanon (1925-1961), oo ahaa aqoonyahan nafeed oo si qun ah u uurbaadhay raadka uu isticmaarku kaga tegay dadyowgii uu gumaystay, waxa uu tumay ereybixin meel dhow innaga tusaysa eelka isticmaarka, taas oo la yidhaahdo: "burjuwaasiyadda waddaniga ah/national bourgeoisie", waxay ku arooraysaa lodkii uu gumaystuhu barbaariyey ee isaga beddelay, ka dibna sii geeddigeliyey falsafadihii abaaday ee dadnimatirka iyo cabbudhinta isugu jiray. Waa kooxda aynu ugu yeedhno, haldoorkii isticmaarka ka dib (post-colonial elite), waa dadka dawladnimada guddoomay, taliyey, ee magacii iyo xukunkii ummadda ku naaxay, bulshada ku amarkutaagleeyey, cabbudhiyey, ee dhiigmiirad dhaqaale iyo mid maamulba kula kacay. Kooxdan waxay si habboon u dhaxleen afkaartii gumaystaha, waxayna galeen halkii isticmaarku banneeyey. Sidaas ayey u qaateen sifada rasmiga ah ee Faanon ugu yeedhay.
Tabtaas uu Faanon u dhigay gu'gii 1961, waxa sida oo kale isla waayadaas (1960nadii) uga warramay Axmed Ismaaciil Diirriye "Qaasin", isaga oo ka hadlaya jiilkii gumaystaha beddelay waa kii ku maansooday:
Isma doorrin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Kaarel.
Kol kale waa kii lahaa:
tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daanyeer dhe.
Guhaad Cabdi Gahayr ayaa isna sidaas oo kale waxa uu liishaanka saaray da'dii uu isticmaarku barbaariyey oo waa kii yidhi:
Good iyo abees baa isbeddelay garanna maysaane
Goreygii ilmihii buu ka tegay guumiska ahaaye
Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaarreeye
Kaarel kaama guurine halkan buu kuu guud madow yahay.
Xaaji Aadan Afqallooc baa isna yidhi: "mas bay nagu noqdeen iyo abees mici ku dhiigle ahe/mindidii walaaxawli bay nagu maqiiqeene." Suugaanlaydan iyo kuwo kale oo badan waxa aynu ka arkaynaa sida ay u fahansanaayeen eelka uu isticmaarku innagaga tegay iyo dadka uu barbaariyey ee maamulxumada, musuqmaasuqa iyo dhuuniraacnimada ku shaacbaxay. Waa suugaan ku beegmaysa aragtida gumaystaha ka dib.
Dawladnimada casriga ah ee Yurub ku dhalatay, waxay ahayd wixii ugu weynaa ee isticmaarkii kacay uu inooga tegay. Dawladnimadu waxay wadatay hidde u gaar ah iyo hannaan la raaco oo loo dhaqo, taas oo si walba uga geddisnayd ismaamulkii dhaqan ee aynu lahayn. Waxa dhacday in dawladnimadii doolka ahayd iyo habnololeedkii bulsho ay iskudhacaan oo isqaadanwaa darani soo kala dhexgelo, taas oo noqotay saxal si loo xalliyo la garan waayey ilaa maantadan la joogo. Dr. Cali Masruuci (1933-2014), oo ahaa caalim siyaasadeed oo Afrika macruuf ka ah, waxa uu dersay dawladnimadii uu isticmaarku uga tegay Afrika sida ay ula jaanqaadi la'dahay bulshada. Asalka dawladxumada waxa uu ku arooriyey isqaadanwaaga u dhexeeya: dhaqannada Afrika ee asalraaca ah, dawladnimada casriga ah iyo diinta Islaamka. Mid walba oo saddexdan ka mid ah waxa uu leeyahay falsafad xukun oo u gaar ah. Mudane Masruuci, dooddan, waxa ugu jilibdhigay buuggiisa caanka ah ee la yidhaahdo: "The Africans: A Triple Heritage."
Sida oo kale, Maxamuud Mamdaani oo lagu yaqaan shaqooyinka la taaban karo ee uu ka qabtay sida gumaysigu u xukumay Afrika waxa uu xusay in eelka uu isticmaarku ka tegay ay ka mid tahay; nidaam dawladnimo oo kalaqaaran (bifurcated state), oo bulshadu kala qoqoban tahay, taas oo shiddo weyn abuurtay kolkii gumaystaha la kiciyey.
Abwaan Cali Sugulle "Duncarbeed" waxa uu aragti dheer ulahaa sida hiddaha qabiilka iyo dawlad-qarammeeda casriga ahi aanay isu qaban karin. Waxa uu qabay in ay yihiin labo nidaam oo aan hal mar wadajirin karin. Sababta oo ah wax uu fahansanaa in dawladnimada meesha fog laga keenay iyo hab-xukunkeenna soojireenka ah aanay isla socon karin. Sidaa awgeed, waa in mid loo go’o isku xukunkeeda, oo isku qaska qabiilka iyo dawladnimada la dhaafo. Waxa uu yidhi: "Dhagax iyo dab layskuma dhuftee kaladhawraay/Wax ka dhigan qabiil qaran la dhex geshee kaladhawraay.".
Cabdi Miiggane sannaddii 1985 waxa uu sameeyey riwaayad la magacbaxday: "Qaran iyo Qabiil Isma Qaadi Karaan", oo ka hadlaysay cawaaqibxumada laga dhaxli doono haddii la sii wado qabyaaladda lagu dhex walaaqayo arrimaha siyaasadda iyo maamulka dawladnimo. Waxay ifinaysay in labadan walax aanay is qaadan karin ee la kala duwo. Suugaantan oo idil waxay ku sal go'an tahay aragtida ku doodaysa iskudhaca u dhexeeya dhaqannada Afrika iyo dawladnimada soo galootiga ah.
Maxamuud Mamdaani buuggiisa "Define and Rule", waxa uu ugu jidbixiyey jidadka uu isticmaarku u maray si uu dadka u xukumo, u dhiigmiirto, sida oo kalana u qaayibsiiyo dullinnimada. Arrinka ugu muhiimsan ee uu isticmaalay waa qaybi oo u tali, waxa uu kala qoqobay bulshadii wadanoolayd, wuu kala sarraysiiyey, meelaha qaarna haybsooc daran ayuu ka hirgeliyey, taas oo kolkii danbe sababtay xasuuq ba'an iyo colaado lagu hoobtay. Mamdaani sida uu qabo ‘kalaqaybintu’ waa dariiqa ugu culus ee isticmaarku ka hirgeliyey joogistiisa dunida la-gumaystaha. Sayid Maxamed Cabdille Xasan gabayadiisa waxa ku jira qaybo uu inooga warramayo hababka uu isticmaarku adeegsado si uu bulshada u dadnimotiro, kuwaas oo wax badan ku biirinaya sida gumaysigu u joogay caalamka la-gumaystaha. Gabaygiisan soo socda ee Dardaaran (1919), waxa uu irridda ugu furayaa meertada gumaystaha. Waxa uu yidhi:
"Waa idin dagayaa kufrigaad u dabcaysaane
Dirhamkuu idiin qubayaa dib u gudaysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xiga daabaqad ayuu idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku odhan duunyo dhaafsadee
Marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraad."
Waxa suugaanta Soomaalida ku jirta qaybo badan oo ka hadlaysa mashruucyada gumaysi ka bi'inta. Tusaale ahaan, Guugi Wa Tiyaango (1938-2025), waxa uu ku shaacbaxay aragtidiisa ku aaddan gumaysi-ka-bixinta luuqadaha iyo sida gumaysigu u xididdo siibay ilbaxnimadii dhaqan ee bulshooyinka Afrika iyo si guud dunida la gumaystay. In aqoon soojireen ahayd salka laga rujiyey ayuu marar badan si dhiirran uga tiiqtiiqsaday buuggiisa hirgalay ee la dhaho, "Gumaysi Ka bi'inta Maanka/Decolonising the Mind." Abwaan Hadraawi (1995), qodobkan isaga oo ka hadlaya oo weliba xusaya waxa uu gumaystuhu bi'iyey waxa uu maansadiisa "Dabahuwan", ku yidhi:
"Maxay dulin faafiyeen
Maxay samo duudsiyeen
Maxay godob daaqsadeen
Maxay denbi xoogsadeen
Maxay dabar soo xardheen
Maxay dabin soo shaqleen
Danbeed maran soo asleen
Waxay dumiyeen aqoon
Ilaa dura soo taxnayd
Waxay damiyeen ilays
U daaran qof meel lahaa."
Aragtida gumaystaha ka dib arrimaha ay xoogga saarto waxa ka mid ah naqdinta nidaamyada waxbarasho ee isticmaarka laga dheegtay. Indheergarad badan oo horusocod ahi waxay ku doodeen in dibuhabayn lagu sameeyo muqarrarka waxbarasho, hannaanka waxbarista iyo ujeedka tacliinta looga golleeyahay. Waxay naqdiyeen in habka waxdhigista Afriki ay tahay hannaan waarinaya falsafaddii waxbarasho ee isticmaarka, sidaa awgeed waxay ku baaqeen gumaysi ka bi'in taabanaysa tacliinta. Maxamud Mamdaani sida uu tilmaamay waxa saaxadda qabsaday doodo loogu yeedhay; “gumaysi ka bi'inta jaamacadaha (decolonising universities)”, oo ujeedkoodu yahay in wax la iska wayddiiyo in waxbarashada Afriki ay soo saarto qof waayaheeda turjuma, ka hadla, la falgala, oo si dhiirran arrimaheeda u difaaca. Suugaanlayda Soomaalidu qodobkan dareen gaar ah ayey ka qabeen, waxa ayna si dhab ah u garteen sida nidaamka waxbarashada casriga ahi aanu inoo metalin ee cido kale oo shishe habfekerkooda dhiirrigelinayo. Sidaa awgeed, waxa aynu arkaynaa abwaan Hadraawi oo dhaliilaya nidaamka dugsiyada wax looga barto. Wuxuun buu ku doodayaa in waxa ugu weyn ee dugsiyada laga taransado ay tahay damiinnimo aan caynkeeda la arag. Waa isaga leh:
"Iskuulladu waa deyayn
Damiinnimaday dhigaan
Dantay uma soo lugo'in."
Masalada dhaqaaluhu waa cunsur weyn oo Afrika la degay, waana qodobka ay sida layaqaan ulafagurto aragtidani. Wooltar Roodni (1942–1980), oo ahaa taariikhyahan iyo indheergarad horusocod ah waxa uu si toobboon wax uga qoray sida Yurub u dhiigmiiratay hantida Afrika iyo sida ay ugu horseedday dibudhac bulsho oo aan laga soo waaqsan. Waxa uu cod dheer ku sheegay Yurub horumarkeeda in uu salka ku hayo kaganacsigii addoomaha oo uu u tixgelinayo “cunsurka” asaasiga ah ee Afrika dib u dhigay. Laga soo bilaabo kaganacsigii addoomaha, gumaysigii Afrika qabsaday ilaa bixistiisii intaba waxa uu ku tilmaamayaa in ay yihiin hawlo dhiigmiirad dhaqaale ah oo Afrika ku socday, kuwaas oo burbur guunyo, bulsho, tacliin iyo fekerba sababay. Buuggiisa la magacbaxay; “Sida Yurub u Dib Dhigtay Afrika/How Europe Underdeveloped Africa”, ayeynu mawduucaas oo faahfaahsan ugu tegaynaa. Burburkaas dhaqaale ee Afrika haleelay waxa uu sababay caydhtoobid, waxana abuurantay waxa uu Samiir Amiin u bixiyey: "xidhiidhka ku tiirsanaanta/dependency relationship”, oo ah in khayraadka Afrika ay Galbeedku daldashaan ka dibna inta ay soo wershedeeyaan ay sicir culus uga iibiyaan Afrikadii ay ka qaateen, taas ayaa la dhahaa ku tiirsanaan waalli ah oo la qabatimay. Maxaa yeelay, dhaqaalaha Afrika waxa uu ku xidhan yahay suuqyada iyo wershadaha dibadeed. Abwaan Hadraawi oo qodobkan si hagaagsan u beegsaday waxa uu yidhi:
"Naf daahira bay legdeen
Docdeeda xun dhiirriyeen
Dan bay canlabeebiyeen
Dawgeedu xidhiidhsanaa
Waxay iga soo duween
Jidkaan isku daawan jiray
Waxay dibadyaaliyeen
Nin tiisa u door ahaa
In loo dewerey rabeen
Da’diisa nimaan baryeen."
Aragtida gumaystaha ka dib waxyaabaha lagaga doodo waxa ka mid ah isdhalanrogga ku dhacay qabiilka min gumaysiga ka hor, cahdigii gumaysiga ilaa wixii ka danbeeyey. Isticmaarku qabiilka wuu siyaasadeeyey oo sifadiisii rasmiga ahayd ayuu ka raray. Odaydhaqmeedkii ayuu mushahari ka dhigay oo xukunkiisa hoosgeeyey, daacadnimadii bulshada ayuu kala gorgortamay, taas oo dhashay in karaamadii madaxda dhaqanka loo hayey hoos u dhacdo. Kolkii uu gumaystuhu tegay waxa soo baxay rag dullaal ah oo qabiilka iyo qabyaaladda ku shaqaystay, kuwaas oo carqalad ku noqday hayaankii dawlad-dhiska. Buuggiisa “Gorfaynta Silsiladda Deelley” Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd), waxa uu ku tilmaamay sida suugaanlayda Soomaalidu ay ugu baraarugsanaayeen isbeddelka gun iyo baarka ah ee qabiilka ku yimi. Waxa uu soo qaadanayaa Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” sida uu bilowgiiba u xusay heerarkii ay qabyaaladda Soomaalidu soo martay. Saddex ayuu u qaybinayaa: 1) Tolaysigii gumaysigu abuuray, 2) Xilligii maamulladii rayidka oo ay qabyaaladda wadeen dibutaatiyo (xildhibaanno) iyo dabakannaax maamullada la shaqaysta, iyo 3) Xilligii Kacaanka oo qabyalaaddu meel sare gaadhay. Waxa uu yidhi:
"Qabiilkii dorraad yiil
isticmaarkii baa dumay
Shalay dabakannaaxiyo
Dibutaati baa waday
Maantana dillaal
Iyo dibbir baa ku xoogsada.”
Cabdi Muxumud Amiin waxa uu lixdannadii tiriyey maansada caanka noqday ee la odhan jiray, "Geedigga Wadaay", waxa uu ahaa gabay waxsheegid iyo hagid ah. Waxa uu Soomaalida kala dardaarmayey in dhaqannada haraadiga ah ee qabyaaladda siyaasadeed ka mid tahay laga fogaado, sababta oo ah waa kansar horumarka u daran. Meeriskan hoose ayuu ku yidhi:
"Dadkii nala gudboonaa
Dayaxuu u guuroo
Nin qabiil gargaarsadey
Meella gaadhi maaye."
Maxamed Daahir Afrax (1952-2021), oo ahaa mutacallin suugaanta Soomaalida aad ugu faradhuudhuuban, waxa uu qalinka ku adkeeyey suugaanta Soomaalida ee gobonnimada ka dib, (ee gabayga iyo maansadu ka mid yihiin) sida ay u yeelatay weji kalaguur ah. Waxa ay salka ku haysay dhaqankii miyiga, sidaas oo ay tahay waxay iskuddayday in ay waayaha bulsho ee casriyowga iyo magaaloobiddaba leh la jaanqaaddo. Waxay wax badan ka taabatay dawladnimadii la hantay sidii aynu ula kadeedannay, madaxdii inoo kacday adduun'araggoodii, waxay naqdisay isdhexyaaca qabiilka iyo dawladnimada, waxay dillaacisay aafada casriyowgu leeyahay iyo nolosha kalaguurka ah ee la galay.
Suugaanta Soomaalida dareenka gumaysi-ka-saaridda waa wax asal ku leh ma aha wax inooga yimi akadiimiyada. Sababta oo ah ma jirin jaamacado iyo xarumo feker (think tanks), oo inoo cilmibaadha dhinacyada uu gumaystuhu innaga saameeyey. Mar haddii aanay taasi jirin, suugaalayda oo ahaa indheergaradkii dhabta ahaa ee waagaas iyaga ayaa xilkaas qaaday, oo waxa ay inoo kaydiyeen suugaan ka halcelinaysa waxa uu isticmaarku ina baday ama uu ina baray. Waxa dhaxalkaas ka buuxa wax badan oo aynu u kaashan karno ogaalkeenna nafsadeed iyo dibuqeexiddeenna ummadeed, taas oo innaga kaalmaynaysa dib u yagleelka dawladnimo Soomaali u hanaqaadda, oo xididdo adag ku taagan. Qoraalkan waxa uu daarran yahay in aan sugo sida adabka Soomaalida ee lahjad walba leh looga raadguri karo aragtiyo xanbaarsan suugaanta gumaystaha ka dib (postcolonial literature). Intan aan xusay waa bidhaamin guud, ma aynaan samayn isbarbardhig ballaadhan. Ujeedka aan u dan leeyahay waa in aynu si wadajir ah mawduucan u baadhno.