Wednesday 12 November 2025
"Tabantaabo gacalbaan rabaa toloow hala i dhoofsho.”
Safar, safar, safar… Noloshu waa safar. SOOMAALIDU waxa ay hormuud ka yihiin bulshooyinka socotada ah ee kabuhu u giijisan yihiin goor walba. Kobtii ay tagaanba waxa ay ku reja weynaadaan in ay kasoo huleelaan oo kasii socdaalaan. “ragga (iyo dumarkaba) socodku waw door haddii mawdku daayo” ayay ku maahmaah, weliba keliya kuma maahmaahaan e, way dhaqan geliyaan oo goor walba waa ay ka adeejiyaan odhaahdan. Tusaale, ahaan wakhtigan hadda waxa ay soomaalidu safar ka tahay dhulkooddii udugga oo waxa ay u socdaan, Yurub, Ameerika, Ustaraaliya iwm. Soomaalida Yurub deggan laftoodu kuma sama e, waxa ay u socdaan Maraykanka, halka kuwa Maraykanka deggani ay u xadhko xidhan yihiin wadammada carabta iyo islaamka si bay yidhaahdeen carruura loo dhaqanceliyo oo ay diinta usoo bartaan. Tahriibka, fakadka, qalqaalaha fiisayaasha iyo hannaan kasta oo uu qofka soomaaliga ah u tacabbiri karo waa uu sameeyaa si uu u ga dhuyaalo saxaraxigeenka geeska Afrika.
Asalka dhalashada qofka Soomaaliga iyo reer guuraanimada ayaa uu safarku xidhiidh la leeyahay. Waxa laga yaabaa in uu dhashay hooyaddii oo hayaamaysa, aabbihii oo sahan ku maqan ama magaalada safar sannadle ah usoo baxay, adeerkii oo carabaha kasoo hadla, awowgii oo tuulooyin kale ku nool iyo ehelladdiisa oo dhan oo aan weligood iyo waaqood hal goob ku wada kulmin. Dhagahiisa waxa ka batay waxa aynnu nahay “reerguuraa” aan nasasho aakhiro mooyee ayna ifka u oollin. Inba intaannu jirin waxa uu noqday dabadhoon raaca geeljiraha isaga tallaabaya degmooyinka iyo gobollada dalka si uu biyo u gu helo naftiisa iyo xoolaha uu raacayo. Bilawgaa hore ee nolosheenna illaa maantadan waxa aynnu ku jirraa safar. Safar uu Siciid Jaamac Xuseen u yaqaannay mid bilaa ‘jiho’ ah. Aqalladdeenna waxa mar walba ku diyaarsan cunnooyin, cabbitaanno iyo gogol dheeraad ah oo loogu talagalay dadwayga socotada ah sida badanna ma baaqdaan oo lama waayo qof safar ah oo si bilaaa jiho ah u socdaalaya. Sababaha dhalinaya safarkani waa ay badan yihiin. Daryeel la’aanta ka dhalatay dawladxumada ayaase calanka u sidda.
Abwaanku (amaba dheh fannaanku) waa codka iyo caroogga bulshada. Waa buun cod dheer oo ku addima shaacsanaha bulshada dhexdeeda yaalla. Ma gabbado mana habrado oo xaqiiqooyinka cidda keliya ee ka run sheegtaa waa isaga, suugaantuna waa muraayadda bulshada. Sidaa awgeed, suugaanta safarku waa ay badan tahay, meel la joogaba dadku waa sahan; suugaanna waa ay ku cabbiraan socodkoodaas. Immisa jeer ayaa aad maqashay hees uu ku jiro ereyga safar, dhoof, socdaal, guure, dheelmad, hayaan ikk? Maalin annaga oo koox ah oo Kulliyadda Afafka Jaamacadda Burco ku wada sheekaysanayna ardayda ayaa nin aanan hadda xusuusan soo hadal qaaday, Safar iyo suugaanta ku saabsan in bal la halaanbeeyo. Ninba tuduc ayaa uu soo qoray waxana aan ka uruuriyay suugaantan hoose oo dhammaanteed ku arooraysa safar iyo sifihiisa.
(1)
“Ragga socodku waw door
Haddii mawdku daayee!
(2)
“Haddaad nolosha qawadaan
Nabad-gala ee haajira.”
(3)
"Geeddiga la raray meel fog baa loo gol leeyahaye
Gabbal dhaciyo waaberi jid baa lagu galoollaane
Gudoodi iyo mir baa loo ballami guura-bahallayne
Gaajiyo harraad iyo surmaa guudka loo dhigiye
Golcastiyo hanfigu waa waxaan laga gabboonayne
Garbo iyo jar baa layska shubi gootin iyo laage
Guryasamo ilaa lagu furay gibishu saarraane
Gonda-rooristiyo caataday guushu daba taal".
(4)
“Sidii aan usoo guurnay baan geeddigii nahayoo
Guraduu sidii ugu sitaa awrku gibishii”
(5)
"Saantii dhaqaaqdaa hadday socod ku dheeraato
Inaanay sooba noqon iyo Eebbahay inuu salaameeyo.
Labaday ku kala soocantahay silic se waa jiif"
(6)
"Waxan ahay idaarada dalkana eeg la leeyahaye
Amnigiyo istaafkaan qorrahay oo axdaan maray".
(7)
"Rag waa shariyo khayr doqon xunbaa shiiqsan abdikeede
Shiidaadda waxa iigu wacan shay lab baan ahaye
Mar haddaan naf sharaddeed gashaa shirib yar dhaafaynin
Fulaa shiil wadnaha loo dhigaa shucubbo naareede
Anse kama shakiyo meel haddaan uur ka shaawiro".
(8)
"Rabshad weeye raadaar sidii ruugga meel dhigo
Rawdh-maabka Eebbay hayiyo raaf halkaan dhigiye
Ra'yigaygu waa inan arlada raad ka badiyaa."
(9)
“Nin saboola iyo awrba way sibiq dhaqaaqaane
Labaduba haddaan seeto celin socod ma daayaan.”
(10)
“Waan dhoofayaayo
Waanigan dhaqaaqee
Axdi meel ma dhiganaa.”
(11)
"Amabaxaye socodkaa
Inaan Eebbe igu qadin
Adiguna dheh aamiin
Axdigana ha fududayn".
(12)
“Meel uu gacal ka dheeryoo
La yidhaahdo gadar baan
Intaan gaadhay waa hore
Waayuhu I geeyoon
Ka gayoonba waayee.”
(13)
"Weligaa u noolow
Nebi khadar sidiisii".
(14)
Allahayoow dhib badanaaa
Adoo dhoofay caashaqa
Dhul shisheeeye kaa helay.”
(15)
“Haddii aan naftani bixin
Wixii nool adduunayada
Waa laysu soo noqon".
(16)
“Taariikhda dunidaa
Iyadoo is daba taal
(17)
Ninba meel ku tuurtee
Aniguna tusmaystoo
Qayrkay halkuu tagay
U tabaashaystee
I tageer Allahayoow
Arrintaydan kala taal
Aduunbaa toosin karayee.”
(18)
"Safarbaan u baxayaa
Sibiqbaannu igu galay
Sahalna waan u soo noqon
Haddii Eebbe igu simo."
(19)
"In halkii sal hayn waayo
Laga saba-rogtaa door ah
In su'aal jawaabteed leh
Lala sara-kacaa fiican".
(20)
“Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigu soo noqo.”
(21)
“Bad jibaaxayaa iyo adduun jaanta mariyaaba
wallee geel (Dhoof) jacaylkaan u qabo waw jirrabi ruuxda.”
(22)
"Aniyo nasiibkuna
Naftaadaan u maqannee
Naso oo hurdada gama".
(23)
“Aroortii timaadaba raggii tacabiree dhoofay
Tunka lagama saareen waxaan tuludi qaadeen dheh
Tacaal yaa ximaar lama dheheen ehelu tawxiid dheh.”
(24)
"Geel iyo ninkii adhile bay gaajo haysaaye
Jiilaalku wuxu gaadayaa guban-xagaaftiiye
Geeddiga ha looyaamiyeen sida gabraareede
Gadhka waxan u feedhaa sidii goondharka cadmeede
Gini kuma qadeeyeen haddaan gurada noodh oole
Geerida horteed daar cad bay gogoshu ii taal".
(25)
"Gobta silicday saadada luntiyo suurta la afuufay
Abokoroow sabaankii na helay waa ku sugayaaye
Mar unbuu Ilaah kugu sallidi gaalka saynta lehe
Uu soo kac oo dhoof ku odhan saafur baad tahaye
Adigoo socdaalaad noogu iman sabadii Beereede."
(26)
“Ninkii gaal ag joogiyo gunbay gaajo dubataaye.”
(27)
"Sabciinna u maray sedkay tahayoo
Sooryeeyay wadaaddo saafurahoo
Saarreyda u tagay sitaadka tuntoo
Haddana seegay taan u saahiday".
(28)
"Dhulka mara Ilaah bayna yidhi dhawr horoo jeere
Kala dhigan nin dhaayaha la' iyo kaan dhaqaaqini.”
Bisha ama toddobaadka soo socda waa ay dhici kartaa in aad meel safar u tahay, sahaydaaduna ay kala dhiman tahay. Nooli kulantee.