Saturday 14 March 2026
Marka la joogo suugaanta caalamiga ah, kaalinta dameerku waa ay ka sarraysaa sawirka soojireenka ah ee dhaqan-bulsheedku ku nabay ee ah; in summad looga dhigo dhoohanaanta iyo nacasnimada, oo waxa uu yeeshaa kaalin ka weyn taas. Laga soo bilaabo casriyo hore ilaa wakhtigan taagan, suugaantu waxa ay noolahan sirmeqabaha ah ka dhigatay agab ay kusoo bandhigto qaddiyado aadame oo qotodheer; qaddiyaddu ha noqoto xadgudubka iyo kelitalisnimo, ama ha noqoto falsafad iyo xikmad e. Suugaantu waxa ay dameerka u adeegsatay noole ka fog cambaarta lagu dhejiyey ee doqonnimada iyo dhoohanaanta ah, waxaanu noqday agabka ay u adeegsato in ay ku cabbirto qaddiyado naqdin ah oo looga dan leeyahay ku toosinta bulshada iyo caqliyadda dadka.
Laga soo bilaabo sheekada “Dameerkii Dahabka ahaa” taas oo bulshada xaqiiqadeeda soo bandhigaysa iyadoo adeegsanaysa il iyo jidh dameer se leh garaad aadame, ee lagu daro dameerkii Binyaamin ee sheekada “Beerta Xayawaanka”, oo uu si maldahan ugu tilmaamayo dabaqadda fahansan dabeecadda duudsiga iyo kelitalisnimada, se doorbidda aamuska, sababtoo ah waxa ay dabaqaddaasi ogtahay in rabitaanka isbeddel wanaagsani kusoo afjarmo uun isku beddelidda laba kelitaliye, ilaa laga soo gaadho dameerkii Platero, ee ahaa dameer tilmaamo aadame la siiyey iyo qoraallada Tawfiiq al-Xakiim, oo dameerka ku tilmaamaya noole muqaddas ah, dameerku intaba waxa uu u muuqdaa in qoraayadu ka fogaynayeen kaalinta liidata ee dhaqanka bulsho u asteeyey.
Sheeka-faneedda “Dameerkii Dahabka ahaa” ee uu qarnigii labaad ee miilaadiga qoray qoraagii Roomaanka ahaa, Lucius Apuleius, waa sheeko-faneed gorfeeyayaashu u tixgliyaan in ay tahay sheeko-faneeddii ugu horraysay sooyaalka aadamaha ee la qoro iyadoo dhammaystiran. Sheekadani waxa ay tusaalaha koowaad u noqonaysaa u adeegsiga dameerka kaalin qofaysan oo lagu shaybaadho dunida dadka iyo dhaliilidda habdhaqankiisa.
Sheekadu waxa ay ka warramaysaa shakhsiyadda Luusiyas, oo u safraya magaalada Hypata, waxaanu jidka kula kulmayaa laba wiil oo mid ka mid ahi tebinayo sheekooyin ku saabsan gabadh sixiroolay ah iyo awoodda ay u leedahay in ay beddesho masiirka qofka, halka wiilka kalena ka maadsanayo in uu rumaystay khuraafaadkaas. Isla kolka uu Luusiyas maqlo sheekada, waxa uu u dhegraaricinayaa sheekooyinka wiilka hore, isagoo xamaasad u muujinaya wararka cajabta leh ee uu ka sheegayo gabadhaas, halkani waa tilmaanta koowaad ee uu farta ku fiiqayo in si fudud wax loola dhaco, halkii la rogrogi lahaa, maankana laga shaqaysiin lahaa. Dhacdooyinka isxiga ee sheekadu waxa ay ugu dambeyn ina tusayaan in sababta dhabta ah ee socdaalka Luusiyas ay tahay in uu rabay la kulanka sixiroolay lagu magacaabo Pamphile, oo uu hore u maqlay awoodaheeda xad-ka-baxa ah, waxaanu farriin u diray ninkeeda Milo si uu gurigooda u joogo.
Muddada uu Luusiyas joogo guriga, waxa uu xidhiidh la yeelanayaa adeegtada guriga, Footiis, oo si dhokhso ah ku noqonaysa gacallisadiisa. Footiis, waxay tusaysaa fal ay si sir ah uga aragtay sixiroolayda Pamphile, oo dhiiqo ay jidhkeeda ku duugtay ay isugu beddeshay guumays cirka duusha. Kolkan Luusiyas damac baa galay, oo Footiis waxa uu ka codsaday in ay dhiiqadaas u soo qaaddo, si uu bal mar uun u tijaabiyo isbeddel, isagoo naawilaya in uu noqdo gorgor hawada sare heehaaba.
Luusiyas, waxa uu habeenkaas la kulmay laba nasiibdarro; midda koowaad waa in weelkii dhiiqadu ku jirtay khaldamay, oo ay adeegtadu siisay weel waxa ku jira marka uu is mariyey uu isu rogay dameer, halkii uu gorgor ka naawilayey, taas oo noloshiisii dhanka kale u rogtay, kol haddiiba uu noqday noole doqonnimo iyo kaalin hoose la siiyo, arxanna aan loo gelin. Nasiibdarrada labaad waa isaga oo habeenkii oo dhan sugayey ubaxii Footiis subaxa u keeni lahayd ee dadnimada kusoo celin lahaa, ay niman tuug ahi dameerkii uu noqday xadeen oo ay la galeen hog fog. Markan waxa uu Luusiyas galay marxalad cusub oo isbeddel ah oo aan jidhka uun ku koobnayn e, se ah isbeddel gudeed iyo in uu ku dhibtoodo godkaas isagoo jidh dameer leh, se garaad aadame wata.
Dhacdooyinka isku xigxiga ee sheekadu waxa ay ina hor dhigayaan arxandarrada aadamaha, ee inoo muujin maayaan dhoohanaanta dameerka. Waa arxandarrada ka muuqata dhibaatooyinka uu Luusiyas la kulmayo inta uu dameerka yahay. Waxa uu marayaa dhibaatooyin midiba ta kale ka darantahay. Dhibka koowaad waxa uu ugu bilaabmayaa isku dayga koowaad ee ah in uu baxsado oo uu ku guuldarraysanayo, walow uu mar labaadka ku guulaysanayo, oo uu kaalmo ka helayo caruuska inan qurux badan oo tuugadu soo afduubteen maalinkii arooskeeda, se haddana waxa uu u gacangalayaa wiil xaabada ku rarta, ushana aan u miidaan dayin. Waxa ugu xigay wadaaddo dameerka ku qaada taallada ilaahadda Isis, haddana waxa uu shaqo adag u ahayd wareejinta dhagaxa wax lagu ridqo, oo hawshiisa ay u wehelinaysay xaaska ninka wax ridqa oo sideeda u necbayd dameeraha. Dhib kale waxa uu ka mutay gaajaysiinta uu nin beeralay ahi ku sameyn jiray oo uu u gacangalay, waxaana ugu xigay in dabbaaldegyada jidka lasoo mariyo, sidaas baanay u soconayaan dhacdooyinka silica ah, ee uu akhristuhu kolba u malaynayo in Luusiyas gunta dhibooyinka soo taabtay, se uu ogaanayo in aanay weli ka dhaweyn, oo arxandarrada aadamuhu aanay lahayn xad.
Sidan bay sheeko-faneeddu dameerka ugu adeegsanaysaa muraayad ahaan, oo uu aadamuhu iska dhex daawado, oo soo bandhigta isburinta aadamaha iyo dhaqannadiisa: arxandarro, khiyaano, maamul, jidhdil. Waa sheeko dameerka u adeegsanaysa inuu ina tusiyo sida uu u yahay dhibbane aamusan, se waxa kale oo uu metelayaa xaaladda qof haleesha marka codkiisa iyo kaalintiisaba laga xayuubiyo ee la duudsiyo. Cilmibaadhe Kuraydaat Xuuriya, oo daristay tilmaamaha duugga ah ee sheekadan, waxa ay sheegaysaa in Apuleius isku dayay in uu sheekadiisa ku bandhigo xaqiiqada aadamaha, “oo uu doortay in isgeddigu noqday si ka duwan sidii Luusiyas rabay, ee ahayd in uu noqdo shimbir duula, oo shimbirka xilkasnimaa loo soo qaataa, halka dameerka dhoohanaan looga tusaale qaato, se haddana Luusiyas waxa uu sirta dhaqanka aadamaha ku ogaaday qaab dameer isagoo leh”. Waxa muuqata markaa in isugeddiga dameerku aanay sheekada ugu jirin in uu u dhacay si filanwaa ah, se isbeddelkaasi uu ahaa bilawga safar daahirin ah, oo aanay ka madhnayn dhinacyo ruuxeed. Waxa aad moodda in qoraagu si maldahan u tilmaamayo in aan xikmadda lagu helin meel sare oo la gaadho, se gunta dhibaatada lasoo dhadhamiyo laga hel, waana sababta Lucius oo baalal raadinayey, u noqday noolahaas caddiban. Hoos u dhacani keliya ma aha in la dullaynayo xiddiga sheekada, ee waa muujinta xaqiiqada dadka, oo uu Lucius kusoo bandhigayo dameer garaad aadame leh.
Sheeoa-faneeddaas hore kaddib, sheekooyin badan oo kale ayaa dameerka u adeegsaday habab kala duwan, gaar ahaan qarnigii 20-aad, oo qoraayo badani dameerka dhexmarsadeen aragtiyahooda. Tusaalaha ugu mudan ee la soo qaadan karaana waa sheekada “Beerta Xayawaanka” ee qoraaga reer Ingiriis, Jooraj Oorwil faafiyey sannadkii 1945. Sheekadan waxa uu Jooraj curinayaa bulsho xayawaan ah oo ka fallaagoobaya aadamihii lahaa, se haddana kacdoonka kaddib isku beddelaya nuskhad kasii kelitalisnimo xun kii hore ee aadamaha. Waa dhaliil toos ah oo uu qoraagu ku wajahayo nidaamyada kelitaliska ah iyo aadamaha xukunka jecel, ee ballanqaadyadii mala’awaalka ahaa ka leexiya.
Waa sheeko-faneed si maldahan farta ugu fiiqaysa hoos u dhaca ku dhacay Midawgii Soofiyati, waxii ka dambeeyey Kacdoonkii Ruushka iyo qabsashadii xukunka ee Sataaliiniyada. Xayawaanka beertan ku nooli waxa ay rabaan in ay nolol madaxbannaan ku noolaadaan, aadamaha ka masuulka ahna iska eryaan, duruufaha adag iyo cabudhinta aadamahaasi ku hayay awgeed. Kacdoonka xayawaanku waa uu guulaystay, oo xukunkii aadamaha meeshaa laga saaray, se markiiba waxa hoggaanka qabtay doofaarrada, oo dejinta xeerarka kaynta gacanta ku dhigay, xayawaankii kalena waxa ay is arkeen uun iyagoo addoonnimo iska dulqaaday, se mid kale u gacangalay. Xeerkii ahaa “xayaawannada oo dhammi waa ay simanyihiin” hadhawba lagu soo dari, se “hadda ma sinna” ayuu war kusoo koobmay.
Halkan, shakhsiyadda dameerka Binyaamin waxa ay kaga soo muuqanaysaa xayawaan aan danba ka lahayn kacdoonka socda, waxa dhacaya iyo waxa xayawaanku isku raacayo. Waa noolaha ugu horyimi beertan, uguna dabeecadda xun, oo markasta dullaysan, qulub iyo saxariirna u dhanyahay. Haddana waxa uu doortay in gebi ahaan waxa socda uu dhexdhexaad ka noqdo, dhacdooyinkana aamusni kula socdo, haddiiba uu hadlana, maadsi ku hadla. Kacdoonka kaddibna isma beddelin, ee sidiisii hore uun buu shaqada isaga wataa, kamana baxsado, mana gadoodo.
Waxa aad mooddaa in qoraaga sheekadu si maldahan u tilmaamayo dabaqadda aqoonyahanka ah ee bulshada, oo ah dabaqad fahansan dabeecadda xadgudubka, duudsiga iyo kelitalisnimada, se haddana aamuska magansata. Laga yaabee in dabaqaddani marka horeba ogtahay in kacdoon la sameeyaa kusoo afjarmo uun iskubeddelka laba kelitaliye. Inkasta oo uu awood u leeyahay qabashada shaqooyinka dhibta badan, haddana Binyaamin waxa uu metelayaa wacyiga sii og xaqiiqda arrimaha, haddana aan faragelin, se marar uun dhacdooyinka kaga faallooda hadallo kooban, sida “nolosho waxa ay inoogu soconaysaa sidii ay weligeedba inoogu socotay… nolol xun oo aan rejo laga sugayn”. Waa tilmaan cad oo sheegaysa inaanu dameerku damiin u ahayn sida dhaqan-bulsheedku ku nabay, balse uu uu taaganyahay wacyiga garawsan fashilka kacdoonnada. Xitaa mar uu isku dayey (Dameerku) in uu kacdoon sameeyo waxa ay goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, sidaas si la mid ah ayey indheer garadku uga baqdaan fursadaha ay ku joojin karaan nidaamyada faasidka ah.
Gabayaaga reer Isbayn, Juan Ramon Jimenez, sheekadiisa “Aniga iyo Platero” waxa uu dameerka ka dhigayaa noole qurux badan, wanaagsan, oo saaxiib ama xubin qoyska ka mida ah, waxaani deeddifaynayaa tilmaamaha liita ee aadamuhu dameerka u garteen. Waxa uu sheekadiisa, bilawgaba, dameerka ku ladhayaa tilmaamo aadamuhu jecelyihiin, waxaanu toos ula hadlayaa dameerkiisa oo uu ku sheegayo saaxiib dhow oo uu wax u sheegto. Waxa uu siinayaa awoodo aadamaha oo keli ahi leeyahay, oo uu meesha kaga saarayo doqonnimada aadamuhu la doontay noolahan.
Suugaanta Carbeed waxa xayawaankan lagu soo qaatay qoraallo iyo suugaan badan, waxaana loo adeegsaday qaabab kala duwan. Axmed Rajab baa qoray “Xasuusaha Dameer”, Cabdiladiif Badawi baa qoray “Dameerkayga”, Cabbaas Maxamuud baa isna qoray “Dameerka u Wanaagsan”, halka Calaa’uddiin Saalixna qoray “Kacdoon Dameer”, se haddana qoraaga qoraalladiisu aad ula xidhiidhaan dameerku waa Tawfuuq al-Xakiim. Gogoldhigga buuggiisa “Dameerkaygaa ii Sheegay”, waxa uu Tawfiiq al-Xakiim sheegayaa in dameerkiisu kaalin weyn ku leeyahay noloshiisa, oo uu xayawaan muqaddas ah u arko, mudanna in la weyneeyo. Sababta uu kaalintaas u siiyey waxa uu ku sheegay in yaraantiisii qayl yar reerkoodu soo iibsaday oo uu la soo koray, se maalmuhu kala kaxeeyeen, oo dameerkii ku hadhay miyigii, shaqooyin culusna bartii ka qabto, se isaga magaalo iyo waxbarasho la keenay, markasta oo uu wax qorayana xasuusto.
Buuggiisa kale ee “Dameerkii Xilkaska ahaa” waxa uu hibayntiisa ku qoray: “Waxaan u hibaynayaa saaxiibkaygii dhashay ee dhintay isagoo ila hadal, se haddana wax i baray”. Waa buug uu maad badan ku ururiyey iyo sheekooyin xiiso badan oo ka qabsaday dameer, iyo in uu xitaa mark beeralay ka iibsaday qayl yar oo uu ilaa qolka hudheelka gashaday. Dameerku waxa uu Tawfiiq al-Xakiim u ahaa noole ixtiraam mudan, oo xikmad leh, halka dadka aynnu u aragno hoggaamiyayaal isaga u ahaayeen dad ka maadsi ku habboon.
Si guud, suugaantu waxa ay dib ugu laabatay kaalinta dameerka, oo waxay muujisay awoodda uu u leeyahay in uu farriimo ballaadhan qaado oo dhaafsiisan sawirka hoose ee laga bixiyey.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan