Skip to main content

Saturday 11 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Suugaanta Beershiga iyo Sigaarka Beebka: Marxaladaha Qarsoon ee Noloshii Khaaminaa'i

4 March, 2026
Image
Suugaanta Beershiga iyo Sigaarka Beebka: Marxaladaha Qarsoon ee Noloshii Khaaminaa'i
Share

Sawirka ay warbaaahinta caalamiga ahi ka bixiso Cali Khaaminaa’i oo laga haystaa waa in uu yahay hoggaamiye siyaasadeed iyo diineed, taas oo samaysantay ka dib markii uu la wareegay jagada Hoggaamiyeha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan sannadkii 1989-kii oo ah markii uu geeriyooday aasaasihii Kacaanka Islaamiga ah, Ruuxullah Khumeyni. Ha se yeesho e, waxa sawirkiisan weyn ee siyaasadeed ka danbeeya jid dheer oo aqoon iyo fikir ah oo uu soo maray lana kowsaday dhawr sano ka hor uun Kacaankii Iiraan. Waxa uu markaas ku soo dhex qaabaysmay xayndaabka suugaanta, muusigga, iyo doodaha fikiryahanka oo ay una dheer tahay waaya'aragnimadiisii fallaagowga iyo xabsigii uu galay. In aynu dhinacyadaa ka fahannaa waxa ay inaga siinaysaa muuqaal aan dhayal ahayn oo aad u xeeldheer. 

Korriinkiisii iyo Samaysankii Aqooneed

Sayid Cali Xuseen Khaaminaa’i waxa uu ku dhashay magaalada Mashhad ee Bariga Iiraan, 17-kii Juulaay, 1939-kii. Waxa uu ka dhashay qoys diineed oo nolol caadi ah ku noolaa. Waxa uu da'aad horeba ku bilaabay waxbarashada hannaanka Xawsaha ee magaalooyinka Mashad iyo Qum, isaga oo u kala gooshay labadaas; waxa uu arday u noqday qaar ka mid ah wadaaddada diinta ee waaweyn ee Shiicada oo uu ka mid ahaa Ruuxullah Khumeyni. 

Waagaas ayaa ay samaysantay khalfiyaddiisa fiqiga iyo caqiidada, balse arrintaasi ka ma ay hor istaagin danayntiisii ballaadhnayd ee suugaanta iyo fikirka casriga ah. 

Gabayga Beershiga: Aqoon iyo Hayb

Gabaygu, marka Iiraan la joogo, kuma koobna madadaalo dhaqan, balse waxa uu tiir aasaasi ah u yahay samaysanka haybta waddaniga ah. Khaaminaa’i waxa lagu bartay xiisihiisii qotoda dheeraa ee gabayga soojireenka ah iyo midka casriga ahba; inta badan, waxa uu khudbadihiisa ku soo xigan jiray Xaafid al-Shiiraasi, Sacad al-Shiiraasi, Firdowsi, iyo Shahrayaar (1906-1988). Waxa uu muddo badan si sannadle ah ula kulmi jiray abwaannada Iiraaniyiinta ah, inta lagu jiro bisha Ramadaan, oo uu maansooyinkooda dhegaysan jiray kana bixin jiray u turxaanbixinnadiisa ku saabsan habdhaca maansada, muuqaal-tabinteeda iyo cuddoonideeda afeed. 

Ma ahayn daneyntani mid si guud uun uga muuqata e, waxa ay bidhaaminaysay samaysankiisa suugaaneed oo xilli hore soo bilaabantay. Waxa uu in ka badan hal mar tilmaamay muhiimadda suugaantu u leedahay iska-caabbinta "milanka dhaqameed" iyo in la ilaashado haybta Iiraaniga ah. Abwaannadaas uu la kulmi jiray, dabcan, ma ahan kuwa ugu muhiimsan uguna cadcad abwaannada Iiraan, balse waxa ay ahaayeen kuwo daacad u ah taliska, oo dhanka kale waxa la garanayaa colaaddii uu u qabay abwaanno iyo qoraayo waaweyn oo reer Iiraan ah oo ay ka mid yihiin Axmed Shaamlo iyo Axmed Maxamuud. 

Mowqifkiisa ku Aaddanaa Jalaal Aala Axmed

Waxa uu Khaaminaa’i munaasabado kala duwan ka sheegay, isaga oo ka warramaya Suugaanta Iiraan ee Casriga ah, in uu qaddarin u hayo Jalaal Aala Axmed (1923-1969), si gaar ah buuggiisa caanka ah ee la yidhaahdo "Gharbzadegi" (Iswaayitaanka). Waxa uu Aala Axmed ahaa, lixdameeyadii qanrigii labaatanaad, mid aad u naqdiya wax uu u bixiyay in ay yahay la-anfariirka xad-dhaafka ah ee Galbeedka, iyada oo la quudhsanayo haybta deegaan. 

Waxa uu Khaaminaa’i ka dhex arkay aragtiyaha Aala Axmed in ay yihiin tibaaxo horbax ah oo leh naqdin dhaqaneed iyo mid bulsheed oo uu markii dambe u bixiyay "duullaanka dhaqaneed ee Galbeedka". Tixgalintani kama dhignayn iswaafaqsanaan dhammaystiran oo ku saabsan dhanka aragtida, balse waxa ay ahayd ka falcelinta ku raadoobiddiisii suugaanta naqdiga ah ee Iiraan ee kulmisay dareenka bulsheed iyo fogaanshaha dhaqameed. Sida ay qabaan cilmibaadhayaal badani, sida uu u tilmaamay Aala Axmed waxa ay daahfuraysaa xididdo fikir oo fidsan ilaa Kacaanka ka hor, markaana ay doodda ku saabsan haybta iyo casriyowgu maraysay halkii u sarreysay. 

Suugaanta Ruushka iyo Saameynteedii

Waxa suugaanta Beershiga u raacaday Khaaminaa’i daneyntii uu u hayay, dhallinyarnimadiiisii suugaanta Ruushka oo si ballaadhan loogu turjumay afka Beershiyaanka. Waxa uu Khaaminaa’i akhristay waxsoosaarkii Tolstoy, Dostoevsky iyo Chekhov, heer uu khudbadihiisii ku xusi jiray sheekooyinkaas oo ay saamayn ku yeeshay aragtidiisa ku saabsan fikirka insaaniga ah iyo loollanka qiyamka, sida sheekada "And Quiet Flows the Don" ee uu soo saaray qoraagii Ruushka ahaa, Mikhail Sholokhov, oo uu Khaaminaa’i ku taliyay akhrinteeda. 

Suugaanta Ruushku waxa ay, lixdaneeyadii qarnigii labaatanaad, ahayd il aad u shidaalisa in badan oo ka mid ah aqoonyahanka Iiraaniyiinta, waxana ay xanbaarsanayd qotodheeri nafsadeed iyo naqdin bulsheed. Waxa ay, haddaba, daneynta Khaaminaa’i muujinaysaa furfurnaantiisii aqooneed ee ka gudubtay qaab-dhismeedka diineed ee soojireenka ah iyo in akhriskiisu uu isaga gudbay suugaan caalami ah oo badan.

Marxaladdii Muusigga Kalaasigga ah iyo Sigaarka

Dhinacyada la yaabka leh ee laga wariyo noloshiisa waxa ka mid ah daneyntiisii dhallinyarnimo ee muusigga Iiraanta ee soojireenka ah (classic), si gaar ahna qalabka setaarka (Setar). Waxa qalabkan lagu tiriyaa in uu astaan u yahay ruuxda dhugashada leh ee muusigga Beershiyaanka ee kalaasigga ah, waxana ay sheekooyinka ku saabsan Khaaminaa’i qaarkood tibaaxayaan in uu dhalinyarnimadiisii soo tumay qalabkan setaarka. 

Cali Khaaminaa’i, maaddaama oo uu jago siyaasadeed iyo mid diineed isku hayay, waxa uu kala saaray muusigga dhaqan ahaan ‘habboon’ iyo midka uu u arkayay ‘lahwiga’. Ha se ahaato e, waaya-aragnimadiisa shakhsiga ah ee hore ee ku saabsan muusiggu waxa ay daahfuraysaa xidhiidhka aan caadiga ahayn ee u dhexeeya wadaadka iyo fanka.

Sigaarka Beebka iyo Waayihii Dhallinyarnimada

Sawirradiisa dhifta ah ee laga hayo Kacaanka ka hor waxa ka mid ah mid ku saabsan soo shaacbaxii Cali Khaaminaa’i isaga oo qiijinaya sigaarka Baybka. Waxa uu dhaqankaasi ahaa mid ku dhex faafsan in badan oo ka mid ah indheergaradkii xilligaas, loomana arki jirin arrin lagaga baxayo caadada bulsheed. Khaaminaa’i waa uu iska daayay markii dambe, laakiin in uu marxaladdaas soo maray waxa ay tilmaamaysaa jawigii aqooneed iyo fikir ee uu soo maray oo isaga tallaabay fikir, siyaasad iyo suugaan. 

Turjumaadda iyo Dhaqdhaqaaqii Fikir

Cali Khaaminaa’i waxa uu, lixdaneeyadii qarnigii tagay, afka Beershiyaanka u soo turjumay buugga "Mustaqbalka Diintan" ee uu qoray fikiryahankii reer Masar, Sayid Qudbi. Waxa ay arrintani muujinaysaa sidii uu ugu xidhnaa dhaqdhaqaaqii fikir ee Islaamiga ahaa ee ka baxsanaa Iiraan, iyo in uu ku taxnaa doodaha ballaadhan ee ku saabsan fufka diineed iyo midka siyaasadeed. Fikiryahankii Islaamiga ahaa ee Cali Shariicati ayaa ku tilmaamay Cali Khaaminaa’i in uu ahaa shakhsiyad saameyn leh, ka hor Kacaanka Islaamiga ah.

Khaaminaa’i waxa uu, sidoo kale, ku sameeyay Mashhad xalqado tafsiirka Quraanka ah oo uu isku dhafay dhaqanka diineed iyo lafagurka bulsheed, taas oo door ka qaadatay in uu Kacaanka ka hor dhidibbada u aaso shabakad dhalinayaro ah oo wadaaddo ah. 

Xabsigiisii iyo Masaafurintii

Intii u dhexaysay 1963-kii iyo 1978-kii, waxa Khaaminaa’i xabsiga loo taxaabay dhawr jeer, mararna waxa loo masaafuriyay meelo fogfog. Waxa uu waaya-aragnimadaas qaybteed kaga warramay xusuusqorkiisa. Waxa ay sannaddadiisii xabsiga iyo masaafurisku qaabeeyeen marxaladdii jaangoysay mustaqbalkiisa ee ku dhaabbadeysay sawirkiisa mid ka mid ah raggii Kacaanka. 

Isku-daygii Dil 

Waxa uu Khaaminaa’i la kulmay, 27-kii Juun, 1981-kii, isku-day dil waxana ka soo gaadhay dhaawac halis ah oo ka gaadhay gacanta midig, arrintaas oo kaga tagtay saameyn waartay. Waxa ay dhacdadaasi ku timid xilli ay oognaayeen qalalaase siyaasadadeed oo darani kuna beegnaa sannaddadii u horreeyay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah. 

Isu geynta daneyntii Khaaminaa’i ee maansada Beershiyaanka, akhriskiisii suugaanta Ruushka, waaya'aragnimadiisii muusigga kalaasigga ah, sawirkiisii nuugista Baybka ee dhallinyarnimadiisii, iyo sooyaalkiisii Kacaanka iyo siyaasaddu, waxa ay soo bandhigaysaa in uu ahaa shakhsiyad faro badan. Waa shakhsiyad ku samaysantay waaye diineed oo asalraac ah, laakiin la falgashay dhaqdhaqaaqyo fikir iyo suugaaneed oo kala duwan.

Waxa ay xogtaas faahfaahsani inaga caawinaysaa in aynu fahanno khalfiyadda dhaqan ee shakhsiyaddaas siyaasadeed ee saameynta badan, inaga oo kaga fogaanayna in aynu ku soo koobno wejigiisa siyaasadeed oo qudha. Sooyaalkiisa shakhsi waa mid ay isku arkeen aqoonta iyo diinta, suugaanta iyo awoodda, iyo barbaar aqoonyahan iyo nin noqday mid ka mid ah wejiyada ugu cadcad ee Iiraanta casriga ah oo noqdayba shakhsiga ugu muhiimsan muddo aad u dheer, jeer oo ay noloshiisii soo afmeerantay 28-kii Feebaweri, 2026-ka.

 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.