Monday 7 September 2026
Ma suuragal baa in maanso kooban ay xambaarsanaato falsafad ka qoto dheer mid ku jirta buug falsafadeed? Sidee ayay sheeko ama maanso, iyaga oo aan si toos ah u qeexin falsafadda, haddana maskaxda ugu abuuri karaan su'aalo ku saabsan runta, jiritaanka, caddaaladda, xorriyadda iyo macnaha nolosha, si la mid ah falsafadda? Maxaa isu soo dhaweeya suugaanyahanka sawira wadciga ay ku nool yihiin goortaas aadamuhu iyo faylasuufka u guntada baadigoobka xaqiiqada? Maxaa ka dhexeeya faylasuuf iyo suugaanyahan? Halkee iska shabahaan, halkeese ku kala geddisan yihiin? Faylasuufku ma noqon karaa abwaan, se abwaanku ma noqon karaa faylasuuf? Haddii labadoodu ay kala maraan laba hab oo kala duwan midda farshaxanka iyo midda garnaqsiga ma isku hal ujeeddo ayay leeyihiin?
Jawaabaha su'aalahan iyo kuwo kale oo la halmaala waxa si tartiib tartiib ah oo qoto dheer u iftiiminaya wada sheekaysi dhex maray Barfasoor iyo arday; waana wada sheekaysi daaha ka rogaya xidhiidhka faca weyn ee ka dhexeeya suugaanta iyo falsafadda, iyaga oo tallaabo tallaabo u dul-mari doona safar aqooneed isku sidkan oo isugu jira fikir, falanqayn iyo dhadhan suugaaneed.
Arday:
Barfasoor, inta badan waxa la yidhaahdaa suugaantu waxay xidhiidh la leedahay falsafadda. Maxaa loola jeedaa ama ka jira arrinkaas?
Barfasoor:
Su'aashaadu waa albaabka ugu habboon ee laga geli karo fahamka labadan badweyn. Marka hore waa in aynu mid-mid u qeexno waxa ay yihiin. Aynu ku horeyno bal suugaanta. Suugaantu waa habka uu aadamuhu ugu cabbiro waayo-aragnimadiisa, dareenkiisa, himiladiisa iyo aragtidiisa nololeed isaga oo adeegsanaya af ka quruxsan hadalka caadiga ah; halka falsafaddu tahay dadaal caqliyeed lagu baadigoobo runta, macnaha jiritaanka, aqoonta iyo qiyamka nolosha. Mid waxay ku hadashaa luuqadda farshaxanka, halka tan kalena ku hadasho luuqadda doodda iyo garnaqsiga.
Haddaba, Haddii aynu si qoto dheer u eegno, suugaantu iyo falsafaddu waxa ay ka wada bilaabmaan hal su'aal oo ah: "Sabab?" Suugaanyahanku jawaabta wuxuu ku gudbiyaa sheeko, maanso ama riwaayad; faylasuufkuna wuxuu ku gudbiyaa dood, qeexid iyo aragti nidaamsan. Sidaas darteed, labadoodu ma kala foga laakiin waxa kala duwan uun dariiqa ay u marayaan fahamka xaqiiqada ay baadi-goobayaan.
Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in suugaantu aanay ku koobnayn madadaalo ama qurxinta weedhaha ama ereyada. Suugaan kasta oo weyn waxa sal u ah aragti nololeed (worldview). Markasta oo abwaan ka hadlayo caddaalad, jacayl, xorriyad, dulmi ama qiimaha bani'aadamnimada, waxa uu si toos ah u gelayaa aagga falsafaddu ka taliso. Sidaas awgeed, suugaan aan lahayn fikir qoto dheer waa ay jiri kartaa, se haddaad aragto ama maqasho suugaan hirgashay; fikirka iyo aragtideeda ayaa sarraysay.
Haddaba, xidhiidhka ugu weyn ee ka dhexeeya suugaanta iyo falsafaddu waa in labadooduba ay isku dayaan inay fahmaan bani'aadamka iyo adduunka. Kala duwanaanshahoodu waxa uu ku jiraa habka ay runta ku jiriyaan; falsafaddu waxa ay qancisaa caqliga, halka suugaantu taabato dareenka, daawayso, nafisna siiso laabaha dhibku dhitaystay.
Arday:
Barfasoor, haddii ay sidaas tahay, maxaa ay falsafaddu uga dhex muuqataa suugaanta aynu akhrino?
Barfasoor:
Falsafaddu marar badan si toos ah uguma muuqato suugaanta. Suugaanyahanku ma odhanayo: "halkan waxaan ku sharxayaa aragtida jiritaanka." Halkii uu sidaa adeegsan lahaana waxa uu abuuraa jilayaal, dhacdooyin iyo xaalado akhristaha ku khasbaya inuu is weydiiyo su'aalo. Sidaa darteed, falsafadda; suugaanta dhexdeeda waa lagu arkaa, waxayna gashaa waxyaabaha qarsoon ee hagaya sheekada ama maansada.
Tusaale, maansadii abwaan Gaariye ee “Aadmi, (14-kii Juun 1973-kii).”
Aadmiyahaw hallaysani!
Ambadyahaw wareersani!
Maqal ereyadaydoo!
Buuraha ag joogsoo
Amakaag daraaddii,
Ilmo gabax ka siiyoo!
Cirka sare u eegoo
Xiddiggaha astaysoo
Arag felegga meeroo!
Onkodkiyo hillaaciyo
Ufadaa dhacaysiyo
Uurada waraysoo.
Ololkeeda Gooraan
Aammus oo dhegeysoo
Shimbiraha la ooyoo.
Badda "aw"-da haysiyo
Waxa uurka ugu jira
Axadhoo garwaaqsoo.
Sidoo kale, haddii sheeko ay ka hadlayso ruux doonaya inuu runta u dhinto halkii uu been ku noolaan lahaa, sheekadu waxa ay falanqaynaysaa qiimaha runta, qaayaheeda iyo faa'iidadeeda. Iyada oo aan lagu dhawaaqin ama la magacaabin falsafadda laga hadlayo, waxa si dadban loo huwin karaa shaadh sheeko ama maanso.
Sidaas darteed, akhristaha wanaagsan ma akhriyo oo keliya ereyada ku xardhan xaashiyaha, balse wuxuu raadiyaa fikradaha ku qarsoon ee qoraagu ama abwaanku si dadban u gudbinayo iyo sidoo kale mucda ereyada. Halkaas ayaana laga dhadhansan karaa suugaanta falsafadaysan.
Arday:
Barfasoor, dadka qaar waxay yidhaahdaan suugaantu waa falsafad la qurxiyey. Hadalkaasi ma run baa?!
Barfasoor:
Hadalkaasi qayb ayuu ka saxan yahay, se ma aha qeexid dhamaystiran. Suugaantu ma aha falsafad si fudud loo qurxiyey, sababtoo ah waxay leedahay ujeeddooyin ka ballaadhan doodda caqliga. Waxay gudbisaa dareen, waxayna dhalisaa mala-awaal, waxayna qofka gelisaa xaalad uu akhristuhu la dareemi karo waxa suugaanyahanku cabbirayo.
Dhanka kale, falsafaddu waxay bixisaa qeexitaanno cad-cad, dood nidaamsan iyo gunaanad caqli ku dhisan. Faylasuufku wuxuu isku dayaa inuu caddeeyo sababta uu wax u rumaysan yahay. Suugaanyahanku se mararka qaar ma bixiyo jawaab kama dambays ah; wuxuu abuuraa su'aalo akhristaha ku sii nagaada maankiisa, kuwaas oo uu akhristuhu kolba dhanka uu jecel yahay ula kici karo.
Tusaale ahaan; sheeko ayaa laga yaabaa inaanay kuu sheegin cidda saxan ah ama khaldan, balse waxa ay carrisaa maanka akhristaha. Taas oo akhristaha ka dhigta mid ka mid ah jilayaasha, weliba kaas oo og wax aysan ogayn jilayaasha ku jira sheekada. Tani waa awoodda suugaanta. Waxay ka dhigtaa akhristaha qayb ka mid ah raadinta runta, halkii ay si diyaar ah ugu dhiibi lahayd jawaabta.
Sidaas awgeed, waxa aynu odhan karnaa suugaanta iyo falsafaddu waa laba walaalo ah oo isku hadaf leh, balse adeegsada laba hab oo kala duwan.
Arday:
Barfasoor, haddaba maxaa ay iskaga eg-yihiin faylasuufka iyo suugaanyahanku?
Barfasoor:
Labadooduba waxa ay ka bilaabmaan yaab (wonder). Taariikh ahaan, faylasuufyadii hore waxay aaminsanaayeen in yaabku yahay bilowga aqoonta. Sidoo kale, suugaanyahanka waxa qoraalkiisa ama maansadiisa dhaliya su'aal ama dhacdo maskaxdiisa gilgishay. Midkoodna kama bilaabo jawaab diyaar ah; waxay ka bilaabmaan wax maankooda carriyey.
Labadooduba, sidoo kale waa dadka bulshada u noqda muraayadda ay iska aragto. Faylasuufku wuxuu falanqeeyaa fikradaha bulshada hagaya, halka suugaanyahanku uu sawiro sida fikradahaasi uga dhex muuqdaan nolosha dadka. Sidaas darteed, labadooduba waxay qabtaan shaqooyin culus oo bulshada ka caawiya inay fahmaan wacyigooda iyo wadcigooda labadaba.
Haddaba, marka aynu akhrinayno suugaan heer sare ah, waa in aynaan eeggin oo keliya quruxda ereyada; waa in aynu sidoo kale baadhnaa aragtida qarsoon ee ku duugan sadarada dhexdooda.
Arday:
Barfasoor, haddaba maxay ku kala geddisan yihiin suugaanyahan iyo faylasuuf?
Barfasoor:
Su'aashani waa mid aad muhiim u ah, waayo waxay naga caawinaysaa inaan si sax ah u fahamno doorka mid kasta. Suugaanyahanku waa qofka xaqiiqada iyo waayo-aragnimada nolosha u beddela qaab farshaxan; halka faylasuufku yahay qofka isla xaqiiqadaas u falanqeeya si caqli iyo nidaam ku dhisan. Suugaanyahanku wuxuu raadiyaa saamayn dareen iyo sawir maskaxeed; faylasuufkuna wuxuu raadiyaa caddayn, qeexid iyo gunaanad macquul ah.
Suugaanyahanku badanaa wuxuu adeegsadaa luuqad maldahan, astaan, sarbeeb, iyo qaab-dhismeed qurux badan si uu akhristaha u taabto dareenkiisa. Faylasuufku se wuxuu adeegsadaa ereyo si toos ah u qeexan, si uu fikradda u caddeeyo oo uu dooddiisa u xoojiyo. Sidaas darteed, haddii suugaanyahanku yahay qof sawira humaagga, faylasuufku waa qofka fasiraya humaaggaas.
Farqiga kale ee muhiimka ahi waa ujeeddada. Suugaanyahanku marar badan wuxuu doonaa in uu akhristaha ku abuuro dareen, su'aal, ama siiyo waayo-aragnimo; faylasuufkuna wuxuu doonaa in uu gaadho run la difaaci karo oo caqli ahaan la aqbali karo. Mid wuxuu ku shaqeeyaa farshaxanka iyo humaagaynta, kan kalena wuxuu ku shaqeeyaa falanqaynta iyo kala dhigdhigidda doodaha falsafadeed.
Si kastaba ha ahaatee, kala duwanaanshahani macnaheedu ma aha in ay iska hor imanayaan. Hal fikrad ayaa laga yabaa in uu faylasuuf ku qaadaa dhigo buug ama tobanaan bog oo buug ka mida, Halka suugaanyahanku uu kusoo koobi karo dhowr sadar. Tusaale; maansadii abwaan Gaariye ee lahayd: "Haddii guga kuu kordhaa, Gabow mooyee ku tarin, Garaad iyo waayo-arag, Ilayn wax ma dhaantid geed…!" Tuducyadaas, haddii la damco in buug laga qoro; waa laga qori karaa.
Midda ugu weynina, waa in abwaanku uu noqon karo faylasuuf, balse faylasuufku uu noqon karin abwaan curiya maanso. Tusaale, haddii aynu usoo qaadanno abwaano faylasuufyo noqday waxa ka mid ahaa: Lucretius (Talyaani), Friedrich Nietzsche (Jermal), Jalaal Al-Diin Ruumi (Afgaanistaan), Ibnu Carabi (Carab) iyo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi (Soomaali). Intuba waxay ahaayeen abwaano iyo sidoo kale faylasuufyo.
Arday:
Barfasoor, ugu dambayn, maxay muhiim u tahay in la barto xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta iyo falsafadda?
Barfasoor:
Qofka fahma xidhiidhkan, waxa uu noqonayaa akhriste ka duwan akhristaha caadiga ah. Ma akhrinayo sheeko si uu u ogaado waxa dhacay oo keliya; waxa uu akhrinayaa si uu u ogaado sababta ay wax u dhaceen. Taasi waxay kobcinaysaa awoodda falanqaynta iyo awoodda garaad ee naqdinta leh.
Waxa kale oo uu baranayaa in qoraal ama maanso kasta ay leedahay laba lakab: lakabka muuqda ee sheekada ama maansada, iyo lakabka qarsoon ee ah fikradda shidaalka u ah sheekada ama maansada. Qofka awood u yeesha inuu kala saaro labadaas lakab wuxuu si qoto dheer u fahmayaa suugaanta, wuxuuna ka faa'iidaysanayaa casharro aysan ujeedin ama dhaadanayn dadka kale.
Bulsho kasta oo horumar gaadhay waxay qiimeysay labadan cilmi. Falsafaddu waxay bulshada bartaa sida loo fikiro, loona faaqido fikir; halka suugaantuna ay barto sida loo dareemo, loo xusuusto, loona gudbiyo waayo-aragnimada aadamaha. Marka ay labadoodu is biirsadaan, waxa ka dhasha qof leh caqli wax falanqeeya iyo qalbi dareema.
Sidaas darteed, ma odhan karno suugaantu waxay u adeegtaa quruxda oo keliya, ama falsafaddu waxay u adeegtaa caqliga oo keliya. Labadooduba waxay u adeegaan hal ujeeddo oo weyn; in bani'aadamku si qoto dheer u fahmo naftiisa, bulshada uu la nool yahay iyo macnaha jiritaankiisa. Taasi waa sababta jaamacadaha waaweyn ee dunidu u daraaseeyaan labadaas cilmi iyaga oo isu wada dhow-dhow, maadaama uu mid weliba uu kaabayo kan kale aragtidiisa.
Wada sheekaysigan aynu kor kusoo aragnay ma uusan ahayn oo keliya is-weydaarsi u dhexeeya barfasoor iyo arday; wuxuu ahaa safar aqooneed iftiimiyey xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya laba ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee fikirka aadamaha: suugaanta iyo falsafadda. Waxa uu muujiyey in aanay suugaantu ku koobnayn maaweelo iyo qurxinta afka, sida aanay falsafadduba ugu koobnayn dood qallalan iyo qeexitaanno caqliyeed. Mid kastaa wuxuu leeyahay hab u gaar ah oo uu ugu dhawaanayo runta, una baadhayo macnaha nolosha, balse waxa ay ku kulmaan hal meel oo ah fahamka aadamaha iyo adduun aragga guud. Mid wuxuu iftiimiyaa dareenka, kan kalena wuxuu sharraxaa fikradaha; mid wuxuu sawiraa nolosha, halka kan kalena uu fasiro nolosha.
Waxa kale oo aynu aragnay in suugaanta heerka sare ahi aanay ahayn ururin ereyo qurux badan oo la isku ladhay, balse ay tahay dhisme fikir oo ay laf-dhabar u tahay aragti nololeed. Sidoo kale, falsafaddu ma aha aqoon ka go'doonsan waaqaca, ee waa hab lagu weeleeyo isla nolosha ay suugaantu sawirayso. Sidaa awgeed, mar kasta oo aynu akhrinno maanso, sheeko ama riwaayad, waa in aynaan ku qancin huga sare ee suugaanta ama bilicda weedhaha ku jira; waa in aynu u dhaadhacnaa salka hoose iyo su'aalaha waaweyn ee ay xambaarsan tahay sida; caddaaladda, xorriyadda, jacaylka, dhimashada, waajibaadka iyo qiimaha jiritaanka. Halkaas ayay suugaantu kaga gudubtaa maaweelada, uguna tallowdaa aagga fikirka.
Dhanka kale, waxa caddaatay in faylasuufka iyo suugaanyahanku aanay ahayn laba qof oo laba adduun ku kala nool. Waa laba baadhe oo isku buur fananaya, inkasta oo ay laba jiho oo kala duwan kasoo fuulayaan. Faylasuufku waxa uu ku hubaysan yahay garnaqsi, doodo iyo caddayn; suugaanyahankuna waxa uu ku hubaysan yahay mala-awaal, astaamayn iyo farshaxan. Midkoodna se ma gaadhi karo bisayl buuxa, haddii uu gebi ahaanba ka madhnaado waxa kan kale leeyahay. Fikir aan lahayn awood uu ku taabto qalbiga bani'aadamku wuxuu halis u yahay inuu noqdo aragti dabar-go’aysa; halka farshaxan aan lahayn tiir fikirna, uu halis ugu jiro inuu noqdo bilic aan dhaafin ilbidhiqsiga uu indhahu dheehdaan.
Ugu dambayn, qiimaha dhabta ah ee labadaas cilmi kuma koobna aqoonta ay soo kordhinayaan, balse waxa kale ee ku jira; waa nooca qof ee ay dhisayaan. Waxay barbaariyaan maskax wax isweydiisa ka hor inta aanay wax rumaysan, qalbi wax dareema ka hor inta aanu shay xukumin, iyo ruux fahamsan in xaqiiqadu marar badan ka qoto dheer tahay inta isha qabato ama dhegtu dhugato. Taasina waa sababta ilbaxnimo kasta oo reebtay fikir waara iyo hal-abuur nool, ay mar walba ugu tiirsanayd suugaanta iyo falsafadda; maxaa yeelay, halka ay labadoodu ku kulmaan ayay ka bilaabataa awoodda ugu sarreysa ee aadamuhu leeyahay: inuu naftiisa fahmo, bulshada uu la nool yahay garto, kana fikiro macnaha jiritaankiisa, kadibna ka koro halka uu ku nool yahay.