Skip to main content

Saturday 18 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Suufiyada iyo Bulshada Soomaalida

7 May, 2025
Image
suufi
Credit Hafsa the Ruler
Share

Taariikhda Soomaalida laga qoray inta badan ma xusaan abaalkii culimada Suufiyadu ay gashadeen bulshada Soomaalida. Inta aan arkay buugta ka warranta taariikhda dariiqadda Suufiyada aad bay u koobanyihiin oo waa faro-ku-tiris. Qoraa Cabdiraxmaan Baadiyaw ayaa maqaallo cilmiyeedyo dhawr ah ka qoray sooyaalka culimada Suufiyada. Sidoo kale buuggiisa iftiiminta taariikhda Soomaaliya waxa uu wax ka yiri doorkii Suufiyadu ay ku lahaayeen qaabeynta nolosha raacatada. Sidoo kale, waxa jira buug la yidhaa Iskudhoon oo ka warramaya saameynta Suufiyadu ku lahayd hab-nololeedka bulshada Soomaalida. Wadaaddada Suufiyadu waxa ay kaalin weyn ku lahaayeen soo-nooleynta iyo korinta ku-dhaqanka diinta Islaamka, sare-u-qaadidda dareenka walaaltinnimo ee bulshada, qaabeynta iyo casriyeynta nolosha reer miyiga iyo la dagaalmankii gumaystaha. Intaa waxa dheer culimada Suufiyadu waxa ay yagleeleen nidaam bulsho maamul. Maqaalkani isaga oo tix raacaya labadaas ee aynu sare ku soo xusnay waxa uu dib-u-milicsi ku sameyn doonaa kaalintii ay dariiqada Suufiyadu ku lahaayeen nolosha bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna soo koobi doonaa waxa ay labadaa buug ka qoreen dariiqada Suufida. 

Marka hore inta aanan guda gelin doorkooda diin barista aan waxyar ka tilmaamno si guud Suufiyada waxa ay yihiin, fekerkooda iyo dariiqooyinka ay u kala kala baxaan. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu tilmaamayaa in Suufinimadu ay ahayd wax soo jireen ah oo markii hore ku koobneyd shaqsiyaad illaa ay markii dambe isu baddeleen ururro. Soo-ifibixidda dhaqdhaqaaqyada abaabulan ee Suufiyadu waxay taariikh ahaan ka soo bilaabanaysaa qarniyadii 11aad, 12aad iyo 13aad.  Waxa uu sidoo kale Suufinimada ku qeexay inay ku salaysantahay hagaajinta (dhammeystirka) cibaadada tiirka Ixsaanka. Ku dhaqanka iyo fahamka diinta Islaamka ee bulshada Soomaalidu waxa ay ku biyo-shubanayaa saddex aragtiyood oo kala ah: caqiiddada Ashacariyada, mad-habka Shaaficiga iyo Suufinimada. Dhanka kale, buugga Iskudhoon, waxa uu tilmaamayaa in Soomaalidu ay ahayd dad aaminsan caqiiqada Ashacariyada, fiqigana ay ka haysteen mad-habka Shaaficiyada. Sidoo kale, waxa uu tilmaamayaa in dhulka Soomaalida ay labo dariiqo ugu xoogganayd: Qaaddiriyada iyo Axmadiyada. Labadaan dariiqo waxaa ka sii farcama laamoyaryar. Tusaale, dariiqada Qaaddiriyada waxaa ka farcama Sayliciyada iyo Uweysiyada, halka Axmediyada ay ka farcamaan Raxmaaniya, Saalixiya iyo Dandarawiyada.  Qaaddiriyada waxaa aasaasay Sheekh Cabdiqaadir Jeylaani (1077-1166) halka Axmediyada na uu aasaasay Axmed Ibnu Idiris al-Faasi (1760-1837). Halkan waxa aynu ku soo ururinaynaa doorkii Culimada Suufiyada ee Bulshaynta Soomaalida.

1. Wax barista Raacatada

Dariiqada Suufiyadu waxay door weyn kaa qaateen fidinta iyo barista diinta bulshooyinka ku dhaqan Aasiya iyo bariga Afrika. Suufiyadu waxay la yimaadeen habab hal-abuurnimo  oo ay bulshooyinka diinta ku barayaan. Sidoo kale, dhaqamada kala duwan ee bulshooyinka waxa ay ku wajahayeen dareen-dhowris iyo ixtiraamidda caadooyinka ay leeyhiin bulshooyinka ay diinta Islaamka barayaan. Qodobkan waxa uu ka mid yahay waxyaabaha Suufiyada lagu ammaani karo oo ay dheeryihiin ururrada kale ee Islaamiyiinta ah. Inta badan ururrada kale ee Islaamiyiintu waxa ay bulshada Soomaalida ka dhigeen kuwo Carabiyeysan maadaamaa ay si toos ah u soo xambaareen afkaartii iyo dhaqankii qoyska Aala-Sacuud. Buuggiisa Halgankii Gunnimodoonka waxa uu Ibraahim Aadan ku soo bandhigayaa sida ururkii Itixaad isugu dayeen inay bulshada Soomaalida dhallanrogaan oo ay u carabeeyaan. Magacyadii asal Soomaaliga ah ayay xaaraantimeeyeen oo waxa ay ku tilmaameen kuwo dareenka shahwada ah kicinaya, nidaamkii dugsi Soomaaliga na sidoo kale waa ay beddeleen oo waxa ay fureen xarrumo waaweyn oo ay ugu magacdareen dad shisheeye, halkaas oo lagu dhigo afkaarta xagjirka. Suufiyadu se taas beddelkeeda waxa ay la yimaaddeen hal-abuurnimo uguba oo ay diinta ku barayaan bulshooyinkii raacada ahaa ee ay ka dhasheen ama u yimaaddeen iyaga oo aan iska indha tirayn waaqicii ay ku sugnaayeen isla markaas na aan wax ka beddelin dhaqamadii ay lahaayeen ee dhaladka ahaa. . Waxay curiyeen qaab hal-abuur oo waxbarid baahsan ah (inclusive education), oo aqoonta waxa ay ka dhigeen mid degaamaysan oo maxalliya.

Waxbarashadu horaantii waxa ay ku billaabmatay barashada iyo xifdinta quraanka iyo aqoonta aasaaska u ah diinta oo la baro xilliga ay ubadka yaryihiin, dhaqankaas na waxaa aasaasay ama yagleelay culimada Suufiyada. Si quraanka iyo diinta loo baro bulsho raacato ah oo reer-guuraa ah ayuu caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-kowneyn 1150-kii hindisay nidaam cusub oo ah qaab higgaadeed oo xuruufta af Carabiga  loogu dhawaaqi karo Af soomaali. Si kastaba, waxa marag madoonto ah Culimada Suufiyadu in ay door aad u weyn oo ayna cid kale buuxin lahayn ay ka ciyaareen sidii waxbarashada gaar ahaan diinta Islaamka loo gaadhsiin lahaa Reer Miyiga. 

2. Dhisidda magaalooyin, degaamo iyo walaalaynta bulshada

Soomaalidu waxay ahayd bulsho raacato ah oo guur guurta. Guurguurkaas badani waxa uu ku xiranyahay afarta xilli ee sanadka. Xilliga barwaaqada ah waxay ahaayeen kuwo sal dhigta oo meel ku nagaada. Kolka uu curto jilaalkuna waxa ay ahaayeen kuwo guurguura oo sahamiya hadba meesha dhaanta ee ay nololi ka jirto. Noloshaas reer miyinimo waxay ku riixday inaysan yeelan degaan rasmi ah oo ay ku nagaadaan. Suufiyadu markii u yimaadeen bulsho qaabkaas ku nool waxay dhiseen dugsiyo ay carruurta iyo dadka waaweynba wax lagu baro. Taas na waxay bulshadii ku qasabtay inaysan ilmahooda la guurin  ilaa ay dugsiga quraanka ah ka dhammeeyaan. Qaabkaas waa sida ay ku baddeeleen noloshii reer-guuraanimada ku dhisnayd oo meelihii ay dugsiyada ka dhiseen waxa ay dib ka noqdeen tuulooyin iyo degmo. Dhanka xalinta khilaafaadka, noloshii raacatada ee Soomaalida waxay ahayd mid qas iyo fawdo ku dhisnayd, culimada suufiyadu  inta badan iyagoo aqoontooda diineed adeegsanaya ayay si deggan u xallin jireen khilaafaadka beelaha wada dega ee ehelka ah. Si ay meesha kaga saaraan daacadnimada qabiilka loo hayo iyo dagaallada joogtada ah ee beelaha u dhaxeeya, ayay Suufiyadu ku dadaaleen in ay abuuraan bulsho aragti wadaag ah oo shiikhooda daacad u ah taasina waxay u fududeysay inay bulshada maamulaan oo ay hoggaanka u qabtaan, maadaamaa ay markii horeba bulshada si deggan oo nabadgalyo ah ay ku soo dhexgaleen, diintana ay ku gaarsiiyeen. Arrintaan waxaa tusaale cad kuugu filan goobaha mawlacyada ah iyo sida dadka xerta ka tirsan iskula falgalaan. Nidaamka xerownimada ah ee mawlacyada ka jira ayay ku heshiisiiyeen oo ay ku walaaleeyeen bulsho qabiillo u kala qaybsanayd. Sidoo kale soo-ifbixiddii Suufiyada abaabulsan waxay awood u siisay wadaaddada inay helaan awood kali ah oo ay bulshada ku maamulaan, taas na waxa ay meesha ka saartay maamulka talis-beeleedka ah. Taariikhda Suufida waxaan ka baran karnaa sida bulsho loo walaaleeyo iyadoo nidaamka diinta la marayo waliba mid ku dhisan nabadgelyo iyo degganaan. 

3. La dagaalankii gumaystaha 

Qarnigii 19aad, waxa uu Dr. Baadiyow ugu magacdaray Taariikhda Waayaha Cusub ee Soomaalida. Bulshada Soomaalida ah waxaa u baryey waa cusub oo dhulkooda, xoolahooda iyo daaqoodaba ay cidkale xoog ku qabsatay. Sidoo kale, waqtigaas waxa  qarxay hirdan u dhaxeeya aragtida Islaamka ee horey u jirtay iyo aragtida gumaystaha cad (dawladnimada casriga ah). Haddii aan waxyar iftiimiyo gumaystaha ka hor dhulka Soomaalida, waxaa ka jiray Saldanooyin qabiileed oo bulshadu waxay ahayd mid kala qoqobsan oo ma jirin wax la yiraahdo midnimo, Jamhuuriyad Soomaaliyeed iyo aragtida Soomaalinimo ama Soomaaliweyn.  Sida uu xusayo buugga Iskudhoon gumaystaha ka hor, Soomaalidu waxa ay ahayd bulsho kala qoqobsan oo qabiil kasta iyo saldannadiisa meel gaar ah ayay daganaayeen. Kala qoqobnaantaas iyo kala qeybsankaas gumaystihii caddaa waxa ay u sahashay inuu si fudud ku qabsado dhulka Soomaalida. Markii uu gumaystaha cad soo cago dhigtay dhulka, Soomaalidu waxa ay bilaabeen iska caabbin aan abaabulneen maadaamaa ay ahaayeen qabaa’illo kala qaybsan. Waxa uu buugga Iftiiminta Taariikhda tusaale u soo qaadanayaa, magaalada Warsheekh oo 40km Muqdisho ka xigta Waqooyi oo ahayd meeshii ugu horraysay ee uu ka dhaco iska caabbin aan abaabulnayn. 1890-meeyadii waxaa halkaa lagu dilay labo sarkaal oo Taliyaani ah oo lagu kala magacaabi jirayZavaglio iyo Bertorello. Dhacdadaas waxaa xigtay tii ka dhacday Cadalle oo lagu dilay 40 Soomaali ah iyo 6 ciidanka gumaystaha ah, waxayna dhacday sida uu buugga xusayo bishii 5aad 1891. Culimadii Suufida waxaa u muuqatay khatar ah inuu gumaystuhu doonayay in dadka Soomaalida ah uu diinta iyo dhaqankooda ka beddelo. Halkan marka la joogo Baadiyow waxa uu ku doodayaa in  wajigii koowaad ee gumaystaha looga difaacayay dhulka Soomaalida  ay hormuud u ahaayeen culimada Suufiyadu. 

Suufiyadu waxay jidgooyo ku sameeyeen dadaalladdii uu gumaystaha ku doonayay qabsashada dhulka iyo waxbarashadiisii ku dhisneyd aragti gumayste. Tusaalaha kale waxa uu noqonayaa halgankii Biyamaal oo ay hoggaaminayeen Macallin Mursal Yuusuf iyo Sheekh Abiikar Gafle, halgankooduna waxa uu socday muddo 12 sano ah. Sidoo kale, dagaalka Biimaal waxaa hoggaaminayay culimada oo waxaa halkudhig u ahaa “Fool kufaar ma fiirsahaayo; firdawsaan u fiidsahaa.” Sidoo kale buuggu waxa uu soo qaadanayaa halgankii la iskaga caabbinayay Talayaanigii Banaadir ku sugnaa, ee uu hoggaaminayay Sheekh Xasan Barsame oo ka tirsanaa dariiqada Axmadiya/Raxmaaniya. Tusaalayaashaas uu buugga soo qaadanayo waxa ay noo tilmaamayaan in culumadii Suufida ay door weyn ka qaateen la dagaallanka gumaystaha.