Wednesday 19 November 2025
Waxa, maalintii Axadda, 26-ka Oktoober, ay fallaagada RSF la wareegtay magaalada Faashir ee xarunta u ah gobolka Waqooyiga Daarfuur. Waxa ay, sidoo kale, la wareegeen saldhiggii gaaska lixaad ee Ciidanka Suudaan. Magaaladan ay hadda qabsadeen ayaa go’doonsanayd muddo labo sannadood ku dhaw oo uu dagaal maalinle ahi u dhexeeyay Ciidanka Dawladda ee gaaska lixaad oo ay isgarabsanayaan ciidamada isku dhafan ee Daarfuur oo ah fallaago hore oo la heshiisay ciidanka, iyo dhanka kale oo ah xoogagga RSF (Xoogagga Taageerada Degdegga ah oo ah xoogag hore u kaalin jiray Ciidanka Suudaan oo hadda fallaagoobay), waxana ay xoogagga RSF iskudayayeen muddadaas in ay la wareegaan magaaladan oo ahayd halkii ugu dambeysay ee uu ciidanka dawladdu ka joogay gobolka weyn ee Daarfuur.
Xoogagga RSF ayaa markii ay magaalada qabsadeen la arkayay iyaga oo dad aad u badan u ururinaya maxaabiis ahaan, waxana laga digayaa in ay geysanayaan gumaad baahsan iyo dilal ku saleysan isirka oo ay kula kacayaan dadka shacabka ah ee degganaa magaalada. Ciidanka Suudaan ayaa sheegay in ciidankiisu uga baxay magaalada sababo xeeladeed, waxa se hubaal ah in aaggii ugu dambeeyay ee uu ka joogay Daarfuur uu gacantiisa ka baxay.
Dhacdadan u dambeysay ayaa waxa ay sii xoojinaysaa fursadaha in dalka Suudaan uu u kala jabo labo qaybood, iyada oo xoogagga RSF iyo kooxo ay xulufo yihiin ay mar sii horreysay xukuumad kaga dhawaaqeen magaalada Niyaala ee Koonfurta Daarfuur, taas oo ka barbar jiraysa xukuumadda Suudaan ee ay hadda xarunteedu tahay magaalada bariga ku taalla ee Boortisuudaan. Waxa uu dalku hadda u kala qaybsan yahay labo xukuumadood, labo ciidan iyo labo qaybood oo kala ah galbeedka oo ay gacanta ku hayaan RSF iyo xukuumaddiisa deggan Niyaal, iyo bariga iyo waqooyiga oo ay gacanta ku hayaan ciidanka qaranka Suudaan iyo xukuumadda rasmiga ah oo deggan Boortisuudan. Arrintan ayaa aad u soo dhaweynaysa suuragalnimada in dalka Suudaan uu u kala go’o labo qaybood, in kaste oo aanay dhinacyadu ku dhawaaqin wax goosasho aha, haddana gobolka Daarfuur ayaa ay in badan ka jireen qulqulatooyin iyo dagaallo sokeeye oo u dhexeeyay kacdoonno gudaha ah iyo xukuumadda dhexe ee Khartuum oo hore loogu eedeeyay in ay xasuuq iyo dambiyo dagaal ka geysatay gobolka.
Xoogagga RSF ee hadda la dagaalamaya ciidanka Suudaan ayaa waxa ay ka soo jeedaan kooxo qabiil oo ay Xukuumaddii hore hubeysay sannadkii 2003 si ay ugu cabudhiso kacdoonkii Daarfuur waxana ay waqtigaas ku caanbaxeen magaca Janjawiid, iyaga oo geystay xadgudubyo baahsan. Muddo ka dib, waxa ay dawladdu u rogtay ciidan nidaamsan oo kaalmeeya ciidanka qaranka, iyaga oo magacooda loo beddelay RSF. Ka dib dhicitaankii Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar al-Bashiir, 2019-kii, ayaa ay ka faa’iideysteen degganaansho la’aantii dalka waxana ay isu fidiyeen si xad dhaaf ah; ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba, illaa la soo gaadhay 15-kii Abriil, 2023, oo uu khilaaf siyaasi ahi keenay in uu dagaal toos ahi ka dhex qarxo RSF oo uu hoggaamiyeo Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Xemeti) oo ah sarkaal askarnimada ka soo galay maleeshiyo iyo Ciidanka Qaranka oo uu hoggaaminayo Jeneraal Cabdilfataax al-Burhaan. Dagaalkaas ayaa keenay burbur iyo barakac baahsan iyo in dalku, hadda, u kala qaybsan yahay labo qaybood oo waaweyn.