Saturday 6 December 2025
Suudaan, dagaalkii ka qarxay 15-kii Abriil 2023-kii waxa uu galay sannadkiisii labaad waxaanu weli ka socdaa jihooyin kala duwan. Sidaas oo ay tahay, isbeddelka ugu weyn ee ku saabsan dagaalkani ma aha dhinaca dagaalka laftiisa ee waa isbahaysiga ay galeen Xarakada Dadweynaha /waqooyi ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xilwa iyo dhanka kale Ciidamada Gurmadka Degdegga Ah oo ugu fadallo cad cad Xukuumadan fadhigeedu yahay magaalada Niyaala ee Koonfurta gobolka Kurdufaan.
Isbahaysigan oo ay badi siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha siyaasaddu indhaha ka laliyeen ayaa waxa uu astaan u yahay is goys muhiima oo ku saabsan jihada uu qaaday dagaalka Suudaan, iyada oo ay muuqato in jihada dagaalku u sii siqayso dhanka siyaasadda [ Walow dagaalku dar dar cusub yeeshay qabsashadii El-faashir ka dib]. Ku dhawaaqista Xukuumad labaad keliya ma aha mid sii adkaynaysa kala qaybsanaanta milatari iyo siyaasadeed ee ka jirta Suudaan ee sidoo kale waxa ay albaabada u ballaqaysaa xaqiiqo siyaasadeed oo cusub taas oo ku sal leh sharciyad labo geesood ah iyo xukuumado ka hawl gala dhul midaysan si la mid ah habka Yaman iyo Liibiya.
Suudaan tan iyo kolkii ay qaadatay xorriyadda sannadkii 1956-kii, dhulkeeda lagu ma aqoon wax saan saan ah oo muujinaya labo xukuumadood oo si garab socda, walow ay jireen isdiidooyin bulsheed iyo kuwo siyaasadeed xornimada ka hor, kolkaas oo ay indheergaradka Suudaan u kala jabsanaayeen kuwo qabay in Masar la la midoobo iyo qaar dalbanayey madaxbannaani buuxda, iyo dhanka kale reer waqooyi iyo reer Koonfur ku kala duwanaa dabeecadda ay yeelanayso dawladnimada dhalatay, haddana khilaafyadaas waxa lagu hoos xaliyey nidaam siyaasadeed oo mid ah. Xal u helista khilaafaadkaas na waxa loo maray ha’yadihii dawladda ee markaas dhashay iyo xisbiyo si ba’an isaga soo horjeeda aragti ahaan, kuwaas oo intooda ugu badani mabda’ahaan ay ku midaysnaayeen dawlad mid ah, inkaste oo ay jireen kooxo kooban oo goonni isu taag rabay. Taasi waxa ay abuurtay ‘dheelli tirnaan nuglaani weheliso’ waxayna keentay midaysnaan dhuleed, walow oo ayna horistaagin in ay dhacaan afgambiyo iyo iska horimaadyo hubaysani.
Haatan, curashada xukuumad labaad oo fadhigeedu yahay Niyaala, isla markaas na lid ku ah Xukuumadda rasmiga ah ee Boorta Suudaan, waxa ay tilmaamaysaa — marxaladda ugubka ah ee ay Suudaan gashay taas oo ah kala daadasho ha’ayadeed waxayna shaki gelinaysaa mustaqbalka dawladnimo ee Suudaan midnimo ahaan.
Waayo-aragnimada ku saabsan jiritaanka gobollo loo maamulo si ka madax bannaan dawladda dhexe, ma aha wax Suudaan ku cusub, tusaale Xarakada Dadweynaha Suudaan- waxa ay ka talisaa deegaamada loogu yeedho “ Degaamada xorta ah” waxa Iyana la mid ah Xarakada Shacabka Suudaan/Waqooyi iyo ciidanka xorraynta Suudaan/Waqooyi oo uu hoggaamiyo Cabdul waaxid Maxamed Nuur. Si kastaba, waayo –aragnimadaasi walow ay tahay muhiim haddana waxa ay ahaayeen kuwo ku eeg aag juquraafiyadeed oo kooban, inta ay ahaayeen hay’ado maamulo oo dhamaystiranna waxa ka badnayd inta ay ayaaheen hawlgallo milatari. Waxa intaas dheer, dhaqdhaqaayadaasi abidkood ma ay sheegan in ay yihiin xukuumado barbar socda dawladda, waa kolka loo eego macnaha saafan e.
Imika, saaxadda Suudaan waxa ku cusubi waa in taariikhdaas looga gudbay xaalad kale oo ah labo maamul oo is feedh socda halka ay awal ka ahayd hal maamul oo leh dhinacyo is xukun oo aan rasmi ahayn, isbeddelkanina dhab ahaan waa mid ka digaya xoojinta sharciyad labo dhinac ah waxaanu hilfaha u sii qaadayaa waxa ka sii hadhay fikraddii ahayd “dawlad mida”. Waxaana dhici doonta in arrinku ka gudbo goobaha dagaalka ee la kala qabsado una tallaabo cidda leh sharciyadda dhabta ah isla mar ahaantaana xaqa u leh in ay ku hadasho afka dawladda kuna metasho miisaska siyaasadda ee caalamiga ah.
Qaabyaalkan dhexdiisa, dagaalkii Khartuum ee dhacay bishii Abriil ee sannakan kaas oo ku dhammaaday in ciidamada Gurmadka Degdegga Ah ay isaga baxaan saddexda magaalo ee Caasimaddda ayaa dhab ahaan ahaa barbilawgii koowaad ee isbeddelkan. Ka dib kolkii Ciidamada dawladdu ay riixeen kana soo ceshadeen gacan ku haynta Caasimadda, ciidamada gurmadka deg degga ah iyo xulafadoodu waxa ay fadhi ka dhigteen Daarfuur, Koonfurta Kurdufaan iyo qaybo ka mid ah galbeedka, taas oo waaqic ahaan dalka ka dhigtay mid kala qaybsan. Runtiina, isbeddeladii xigay waxa ay dhaleen in sohdimaha dagaalku ay markan u muuqdaan qaar la taaban karo oo cad taas oo ka dhigan in hadda waxii ka dambeeya dagaalku aanu ahayn uun iska horimaad ciidan iyo isu guur guuris balse se uu yahay mid dib loog qaabaynayo lagu na qaybinayo gacan ku haynta dhulka iyo xukunka.
Dabcan, isbeddeladan looga ma gudbi doono si fudud oo aan lahayn cawaaqib, maxaa yeelay kuma joogsan doonaan oo keliya dib u qaabeynta khariidada goobaha naf waaga, bal e waxa ay xuli doonaan oo gaadhi doonaan wadnaha siyaasadda iyo bulshada. Maxamed Aadan doglo oo haatan qabtay jagada guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada xukuumaddii lagu dhawaaqay, iyo Cabdicasiis xilwa oo ah ku xigeenkiisa oo uu bar bar joogay Raysal wasaare Maxamed Xasan Xukuumadda waxa ay sababtay awooddii dhexe ee salka u ahayd awood qaybsiga Suudaan tan iyo xorriyaddii in uu ku bilawday hoos u dhac aan hore loo arag. Waxa intaas oo dhan ka muhiimsan ayaa ah hoos u dhacani in uu albaabada u furi doono dib u qaabeynta khariidada siyaasadeed ee suudaan taas oo iyana keeni doonta in xoogaga siyaasadeed ku qasbanaadaan dib ugu habaynta boosaskooda iyo xulafooyinkooda, kol haddayna jiri doonin awood dhexe oo leh go’aamo iyo sumcad gudeed iyo dibedeed. Arrintaas oo keeni doonta in dawladnimadii Suudaan ee muddada dheer soo dhisnayd ay gasho wareeg dib isu cunid ah iyo burbur ah.
Dhinaca bulshada kolka laga joogsado, isbeddeladani waxay dhalinayaan dhibaatooyin halistooda leh. Adkaynta sohdimaha milatari iyo kuwa maamul ee la kala haysto waxa ay keeni kartaa qax joogto ah, iyadoo malaayiin qof lagu qasbi karo inay u guuraan gobollada maamul ee la kala xukumo, taas oo sii hurinaysa dhibaatada bani’aadamnimo waxayna cirka ku sii shareeraysaa kala dhanbalnaanta bulshada. Barakacyada jaadkan ah oo sii siyaadaa, waxa ay xidaddada u siibi karaan xidhiidhadii bulsho ee muddada dheer la soo dhisayey, waxaana halkoodii geli doona xidhiidho dabacsan oo ku taxan waaqica dagaallada iyo kala qaybsanaanta goboleed iyo qabiileed, taas oo macnaheedu noqonayo in cadaadiska, barakaca iyo dagaalku uu dib u qaabanayo bulshada taas oo iyana keeni daanta kala go’ halkii ay bulshadu ka midaynaan lahayd.
Mashruuca Dawlad Qaran ee Suudaan dhab ahaan waa mid khatar daaqaya, sababo ay ugu wacantahay mushkilado qaab dhismeed, ha’ayadeed iyo haybeed kuwaas oo soo taxnaa tan iyo bilawgii. Qadiyaddaha la xidhiidha haybtu waa kuwo ka mid ah dhibaatooyinka ugu salka ballaadhan ee ka jira Suudaan, waana sida laga dhex arki karo khudbadda siyaasadeed ee Xarakada Dadweynaha – Waqooyi oo imika is bahaysi la leh Kooxda Gurmadka Degdegga Ah. Jiritaanka labo xukuumadood oo asal ahaan ku kala duwan fekerka, iyo qaab dhismeedka dawladeed iyo mararka qaar aydiyaloojiyadda waxa laga yaabaa in ay sii qoto dheerayso, kala qaybsanaantii awalba jirtay oo dabadeed ay ka gudubto sohdimaha Juquraafi siyaasadeed iyo sharci taas oo sii horseedi karta in bulshadu ku kala duwanaato fahanka iyo macnaha dawladnimo iyo halka saldhigga ama marjica u noqonaya. Natiijadan awgeed, waxa ay u badantahay in uu hoos u dhac ku yimaaddo dareenka waddaniyadeed oo ay dadku doorbidaan aqoonsi deegaameed iyo qawmiyadeed taas oo iyana dhibada u aasi doonta kala qaybsanaan nafsiyadeed, siyaasadeed iyo bulsheed, oo iyana dib u dhiska Dawladnimada Suudaan ka dhigi doonta mid ka adag dib u dhiska dabaqyadii dumay.
Waxa jirta saameyn toos ah oo dagaalkani keenay gaar ahaan khudbadaha siyaasiga ah iyo hab fekerka, saamayntan ayaa ah soo ifbaxa fekrado goonni isu taag oo ku dhex qarsoonaa mafaahiim hore oo qasan iyo qalad fahan taariikheed. Si kastaba, fekradahan ayaa waaqicu keenay in kor loogu dhawaaqo, isla markaas na qolooyinka wataa mashaariicdooda si furan oo geesinimo leh u soo bandhigaan iyaga oo kolkan dhabarka ku haya dhaawacyo nafsadadeed iyo dareen oo qoto dheer kuwaas oo uu reebay dagaalku. Soo Ifbaxa dawlad labaad oo ka kooban kooxo isku feker ah isuna janjeedhsan waxa ay dhab ahaan dardar gelinaysaa oo ay kaga dhabaynaysaa mashruuca kala go’a, taas oo kooxahaas ka dhigaysa awood siyaasadeed oo taabo gal ah. Sidaas awgeed, wixii beri si dadban loo odhan jiray, hadda waxa ay noqdeen khudbado qayaxan oo looga gol leeyahay dib u qeexidda Suudaan. Kolka ay joogto heer gobol iyo heer caalamina jiritaanka labo xukuumadood oo siman waxa ay la micna tahay cidhiidhi iyo hoos u dhac ku yimaadda heerka gorgortanka ee saaxiibada iyo dawladaha kale la la yeelanayo, taasna waxa u sabab ah in dhinac waliba (Labada xukuumadood) uu ku dedaalayo sidii isaga loo aqoonsan lahaa dhinaca kale na meesha looga saari lahaa. Arrintani waxa ay keeni doontaa in ay soo ifbaxaan maamullo gudaha ah oo wax badan ogol si ay u helaan cilaaqaad dibadeed, maaddaama uu xukunkoodu yahay mid kooban oo aan gacanta ku wada hayn dhulka oo idil. Intaas waxa dheer, in xaaladda lagu jiraa ay tahay mid soo butaacaysa daad haayadeed taas oo dhab ahaan albaabbada u ballaqaysa kala qaybsanaan siyaasadeed, taas oo arrinta Suudaan ka dhigaysa mid aad u kakan gudo iyo dibedba.
Suudaan dhexdeeda jiritaanka labo xukuumadood oo kala madax bannaan keliya ma aha uun mid uu sabab u yahay dagaalka hadda socdaa, waa se natiijo kala dhalatay iscun/burbur ha’yadeed iyo kala qaybsanaan bulsho iyo siyaasadeed oo muddo dheer soo taxnayd. Haddii dhibaatooyinkii hore lagu xalin jiray afganbi ama heshiis ku meel gaadh ah oo qaab dhismeed dawladeed oo mid ah ka dhex dhici jiray, xaalka haddu waxa uu dirayaa digniin ah dib ugu noqoshada qeexidda dawladnimada lafteeda: yaa leh oo haysta sharciyadda dawladnimo? Yaa se xaq u leh ku hadalka magaceeda? Yaa ku matalaya golayaasha iyo heerarka caalamiga ah? Wayddiimahani ma aha uun aragti, ee waa waaqic nolol maalmeed oo ay la noolyihiin Reer Khartuum, Daarfuur, iyo Boortisuudaan iyo magaalooyinka kale ee Suudaan.
Sooyaalka Suudaan haddii lagu yaqaannay loolanno hubaysan iyo iska horimaadyo hayb iyo aragtiyeed, maanta kolkii koowaad kala duwanaantaasi waxa ay halis ugu jiraan inay isu rogaan labo nidaam oo u guclaynaya suggidda sharciyadooda gudeed iyo dibedeed. Halkaas ayaa khatartu ugu weyni jirtaa, haddii ay sii socodaanna waxa ay dhaawac weyn u gaysan doonaan nidaamka dawladnimo ee Suudaan. Ugu dambayntii, xaaladdan taagani dhab ahaan waa isgoys taariikhi ah oo go’aamin doona jihada mustaqbalka oo ah; in la helo xal siyaasadeed oo cusub oo dib loogu yab yabo kalsoonida iyo in la xoojiyo kala qaybsanaanta, taas oo Suudaan u horseedi karta burbur iyo kala go’ sii fida.