Saturday 6 December 2025
“Waxa gef ah in aad aamintid in falsafaddu tahay hindise Yurubiyaan oo ku samaysantay mucjisada Giriigga. Joogtaynta falsafaddu waa wax ku abuuran jidhka aadamaha, laga soo bilaabo kolkii uu aasay maydkiisa, ee uu is wayddiiyey macnaha nolosha, sidoo kalena bilaabay in uu farsamooyin faneed ku qurxiyo qabriyada”.
Sulaymaan Bashiir Dayaan, waa magac Afrikaan-Muslim ah, oo kaalin sare iyo soo dhaweyn ka kasbaday Galbeedka, siiba Faransiiska, walow uu dhaliil daran oo joogto ah usoo jeediyo sooyaalka gumeysiga Faransiiska, uguna baaqo in dalkani aqoonsado gaboodfalladii uu ka geystay Afrika, haddii uu rabo in uu gaadho heshiis iyo is faham dhex mara qaybo bulhada Faransiiska ka mid ah. Ka dhex muuqashada Faransiiska in ka hoosaysa ayaa uu sidoo kale uga dhex muuqdaa akaadimayadaha Maraykanka, isagoo bare falsafadda dhiga ka ah Jaamacadda Kolombiya, sidoo kalena waxa uu ka dhex muuqdaa warbaahinta Afrika iyo Faransiiska. Waxa hore u dhacday in majalladda “Le Nouvel Observatuer” ay ku dartay 25-ka mufakir ee caalamiga ah, majalladda “Jeune Afrique” Iyana waxa ay ku dartay 100-ka qof ee saamaynta iyo qaabaynta ku leh samaysanka Afrika.
Waa nin u dhashay dalka Sinigaal, oo awooda in uu aragtiyihii faylasuuf Ibnu Rushdi qaab fudud ugu sharraxo ardayda Maraykan, awoodana in uu si badheedh ah Faransiiska ugu baaqo dib isugu noqosho si ay tixgelin u siiso muwaaddiniinta socotada ah, waana nin awooda in uu madaxweynaha Sinigaal cabsi la’aan u xasuusiyo in habdhaqanka dabiiciga ah ee dimuqraaddiyadu ku waajibayey in uu talada ka tago ka dib labo muddo-xileed.
Sulaymaan Bashiir Dayaan waxa uu sannadkii 1955-kii ku dhashay Saint Louis, halkaas ayaanu ku barbaaray ka hor intaanu da’ yaraan ku tegin Faransiiska, halkaas oo uu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay Dugsiga Sare ee Barayaasha (ENS), waxaanu qaatay shahaadada falsafadda sannadkii 1978-kii, ka dibna shahaada Diktoorada (PhD) ee falsafadda, oo uu ka qaatay jaamacadda Sorbonne 1988-kii.
Sulaymaan waa jiilkii u dambeeyey ee falsafadda ka barta falaasifadii waaweynaa ee reer Faransiis, siyaasad ahaanna waxa uu soo tijaabiyey la socodka garabka bidix ee Mao-ga, si tartiib ahna waxa uu ugu dhawaaday Maarkisiyada Cilmiga ah, ka dib kolkii uu ku raadaysmay macallinkiisii Louis Althusser (1918 – 1990). Isagoo qayb ka ah barnaamijka isweydaarsiga ardayda, waxa uu tagay Maraykanka si uu wax uga dhigto jaamacadda Harvard, ka dibna waxa uu kusoo laabtay Faransiiska, si usoo gebogebeeyo diktooradiisa oo ku saabsanayd mawduuca “Falsafadda Maangalnimada ee George Boole”.
Sannadkii 1982-kii waxa uu ku laabtay dalkiisii, isagoo dhigidda falsafadda ka bilaabay Jaamacadda Sheekh Antaa Diyuub, ee ku taalla Dhakaar, kolkii dambena waxa uu qabtay xilka ku xigeenka hormuudka kulliyadda cilmiga bulshada. Bilawgii sagaashanaadkii iyo lix sanno oo ku xigay waxa uu ahaa la taliyaha Madaxweynihii Hore ee Sinigaal Cabdoo Duyuuf (1981 – 2000), isagoo kala talinayey arrimaha waxbarashada iyo dhaqanka.
Ku jiritaanka Sulaymaan ee akaadimayadaha Galbeedka ayaa ka dhigay qof ay si joogto ah isu gaadhaan galbeedka, isla galbeedkaasna waxa uu u yahay muunadda lidkooda; lidka ka duwan diin ahaan iyo isir ahaanba, shakhsiyaddiisana aan uga xuubsiiban hayb kale, se ilaashaday kala duwanaantaas, oo isku dayay maalgashiga baadigoobka wadaagga aadame. Sida Sulaymaan qabo, dhammaan dhaqamadu, xitaa kuwa dhaqan-afoodka ahi, waxa ay leeyihiin qayb ah awoodda falsafadda badhatiran, oo gorfayn iyo dhaliil keeni karta kolka dhaxalkii laga fogaado.
Sulaymaan oo soo shaacbaxa magaciisu ku beegmay weerarkii lagu hayay Islaamka ka dib dhacdooyinkii 11-kii Sibtambar, waxa uu u banbaxay soo bandhigidda sheeko ka duwan ta caanka ah ee Islaamka laga sheego. “Masuuliyaddu waxa ay saarantahay falaasifada Muslimiinta ah in ay muujiyaan in dhaxalka feker ee Islaamku uu awoodo in uu keeno seesas aragtiyeed oo fekerka casriga ah ee ku saabsan caqabadaha caalamiga ah ee aadamaha casrigani waajahayo”.
Sidaas darteed, waxa uu qoray buuggiisa “Islaamka iyo Bulshada Furfuran” (2001), oo uu kaga jawaabay wayddiimo ay ka mid yihiin: sidee Islaamku Falsafadda ula kulmaa? Diintu baahi ma u qabtaa falsafadda? Heer intee le’eg ayaa ay saameeyeen falsafadihii Giriiggu falsafadda Islaamiga ah? Suufinnimadu miyay ka hor imanaysaa maangalnimada?
“Sulaymaan Deyaan ka mid ahaanshihiisa akaadimayadaha Galbeedka waxa ay ka dhigtay qof ay si joogto ah isu gaadhaan galbeedka, isla galbeedkaasna waxa uu u yahay muunadda lidkooda; lidka ka duwan diin ahaan iyo isir ahaanba, shakhsiyaddiisana aan uga xuubsiiban hayb kale iyo aragti kale oo bulsheed ama daleed.”
Sannado ka dib waxa uu ka dambeysiiyey buuggiisa ka dhiirran kan hore ee uu cinwaanka uga dhigay: “Islaamka Dhexdiisa Sidaynnu Wax u Falsafadaynaa?” (2008), oo la moodo in buugga hore hordhac u yahay, waxaanu ku deeddifaynayaa in Islaamka lagu tuhmo asalraacnimo iyo xagjir, waxaanu rabaa inuu soo bandhigo wejiga kale ee Islaamka; dhexdhexaadka ah, maangal ah, oo cidda ka duwan tixgeliya, waxaanu ku nuuxnuuxsanayaa in aanay falsafaddu ka fogayn Islaamka, dhaqan ama diin gaar ahina gaar u yeelan karin.
Sulaymaan waxa uu joogteeyey halgankiisa qoraalka, isagoo mararka qaarna buugaag wadasheekaysi u eg qora, sida buugga “Dood: Wadasheekaysi ku Saabsan Islaamka” (2019) oo ah buug u eg in uu kula sheekaysanayo faylasuufka reer Faransiis ee Remi Brague; qoraaga buugga “Xeerka Eebbe” (2008), isagoo Sulaymaan ku difaacaya hindisihiisa ku saabsan falsafadda Islaamiga ah.
Sulaymaan, weliba isagoo ku gudo jira gundhigga falsafad Islaami ah, waxa uu ka go’ay waaqaca sababta u ahaa dhaqaaqiisii koowaad ee siddeetanaadkii. Falsafadda waxa uu kusoo koobay gudaha feker tagtadii ah, oo aan awoodin la falgalka ama jaanqaadidda waaqaca taagan. Falsafadda uma fahansana qaab aan ka ahayn wax lagu kala duwanaado, sida ka warranka diinta.
Kolka uu faylasuufka reer Sinigaal leeyahay “dhammaan dhaqamadu, xitaa kuwa dhaqan-afoodka ahi, waxa ay leeyihiin qayb ah awoodda falsafadda badhatiran, oo gorfayn iyo dhaliil keeni karta kolka dhaxalkii laga fogaado”, waxa hubaal ah in uu ula jeedo si gaar ah Afrika. Arrinkani waxa uu si gaar ah uga muuqdaa buugaagtiisa, sida “Fanka Afrika Falsafad ahaan: Senghor, Bergson iyo Fekradda Madowga” (2011), iyo buuggiisa “Habfekerka Afrika: Wadaagga iyo Cidhibtirka Gumeysiga” (2018).
Si ka duwan difaaca Islaamka ee siyaasadda iyo warbaahinta Galbeedku ku khasabtay, difaacidda falsafad Afrikaan waa mid ay ku khasabtay masuuliyadda ka saaran dalkiisa iyo qaaraddiisa. Dhaqamada afka la isugu gudbiyo, waa waxa Sulaymaan ku khasbay in uu baadho suurogalnimada in dhaqamadaas habfeker falsafadeed lagu soo gudbiyo. Faylasuufka oo ka jawaabaya in fekerka Afrikaanku uu qofka u arko qayb aan ka soocnayn beeshiisa, waxa uu ku doodayaa in “Axdigii Manden” ee Boqortooyadii Hore ee Maali shaacisay qarnigii 13aad, laga dheehanayo xuquuqda qofka, qaanuun caalami ahna uu ahaa. Isla falgalka falsafadda Afrika iyo ta Islaamku, sida uu Sulaymaan qabo, Afrika uma diidin goonni-u-taagnaanteeda.
“Sulaymaan Deyaan oo ay warbaahinta iyo akaadamiyada galbeedku ku qasabtay in uu si weyn u difaaco Islaamka iyo Falsafadda, si la mid ah waxa kale oo si weyn u difaacay dhaqamada, falsafadda iyo fanka Afrika, waxaanu taageero ballaadhan u muujiyey tarjumaadda iyo in bulshooyinku wadaagaan waayo-aragnimada nolosha.
Falsafadda Afrika waxa ay ahayd sabab ku khasabtay in uu dib ugu laabto mawqifyadiisa ku saabsan qaddiyado dhawr ah, waxaana ka mid ah dooddii hoggaamiyihii reer Sinigaal, Leopold Sedar Senghor, oo uu bilawgii u tixgaliyey fekrad liidata ka hor intaanu ogaan kolkii uu wax ka baadhay mawduucyo fanka Afrika ka mid yahay, isagoo garwaaqsaday doodda Senghor ee ah “in fanka Afrika yahay mid falsafad u dhigma oo u baahan in la furfuro”.
Sulaymaan waxa uu tarjumaadda siiyey kaalin gaar ah, buuggiisa saddex sanno ka hor soo baxayna waxa uu u bixiyey: “Af ilaa Af: Martisoorka Tarjumaadda” (2023). Sulaymaan waxa uu tarjumaadda u arkaa biriishka isku xidha khibradaha iyo bulshooyinka, waana sababta uu u yidhi: “Ka sokow dabeecadda u kala abtirsiga kooxo, haddana waajib baa jira ah in aynnu samayno nolol la wadaago, tarjumaadduna waa jidka waajibkaas gudashadiisa loo maro”. Waxa uu deeddifaynayaa ka dayrinta tarjumaadda oo loo aqoonsado fal ku xadgudub dhaqamo kale ah, fejraddan oo keenta wayddiimo ay ka mid yihiin: maxay macno ii samaynaysaa fekrad bilawgii luuqad kale ku dhex dhalatay, oo afkayga ka duwan? Waa maxay macnaha in khibradda luuqad kale lagu soo gudbiyo luuqaddayda?
Taageeradiisa tarjumaaddu waa mid xoojinaysa mawqifkii faylasuufka reer Kiiniya, Ngugi wa Thiango, oo gumeysi-la-dirir ahaa, waxaanu kasoo ergistay hadalkiisii ahaa “tarjumaaddu waa afka afafka”, kolkaas oo uu Ngugi iska joojiyey wax ku qoridda Ingiriisiga, kuna kaaftoomay in uu wax ku qoro luuqadda Kikuyu, ficilkiisanina waxa uu ka dhignaa in tarjumaadda lagu tiirsanaado, oo meesha laga saaro in luuqad keli ahi noqoto ta ku calanwallaysa afafka kale. Arrinkan waxa ku jira dib isu dhisid iyo boos cusub samaysi, sida uu Sulaymaan leeyahay: “Yurub waxa ay dhaqan ka dhigatay in ay dunida kale goonni u eegto, se dadkaasi madoobi waxa ay go’aansadeen in aanay noqon cidda la eego, se ay noqdaan dad kaalin leh”.
Halganka Sulaymaan uu ku raadinayo u gundhigidda falsafad Islaami ahi waxa uu sidoo kale ku riday qaladyo waaweyn, marka uu isku xidhay falsafadda iyo iftiiminta, oo halganka falsafadeed ee dunida Islaamka ka socdaa waxa uu la yahay mid u dhigma halgan baraarujin, iftiimin iyo furfurid. Halkan baa ay ka imanaysaa iswayddiin ku saabsan iskuxidhidda waajibka ah ee falsafadda iyo iftiiminta? Falsafad kastaa ma mid wax iftiimisaa dhab ahaan? Miyaanay jirin falsafado hadda jira oo weliba la jira kooxo diineed, una jira in ay jidbixin iyo sharciyeyn siiyaan siyaasado gumeysi iyo dagaallo gumeysi?
Halkan bay ka dhalanaysaa iswayddiinta ku saabsan sii joogtaynta isla sheekadii Galbeedka ee falsafadda iyo baraarugga, “baraaruggu miyaanu gaadhin heer laftiisu baraarug kale u baahanyahay?” Falsafaddu kumay koobsan in ay la falgasho baraaruggii heer ay isku mid noqdeen, se lafalgalkaas awgii bay ku xidhay albaab kasta oo baraarugga lagu naqdin karayey.